Page 1

CADADKA1-AAD Sanadka 4aad

WARGEYSKA Caddadka 1 aad DALKA

AXAD

Wargeyska

21 Jannaayo 2018

DALKA

Waa Wargeys Toddobaadle ah oo ay soo saarta Wasaaradda Warfaafinta,

Madaxweyne Farmaajo Oo Ugu Baaqay Bulshada Galmudug In Ay Kaalintooda Ka Qaataan Dhammeystirka Dib U Heshiisiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug. Madaxweynaha oo ka qeyb galayey munaasabad ku

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. “Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha

Booqo:-www.dalkajournal.com

saabsan dhaqan gelinta heshiiska ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen

badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo waxgaradka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd. “ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana

Email: info@dalka.gov.so

horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kormeer ku tagay Xerada Taliska Ciidanka 21aad ee Xoogga Dalka, halkas oo ay ku sugnaayeen ciidammo horey uga tirsanaa maamulka Ahlu Sunna balse haatan lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa faray in ay u istaagaan gudashada waajibaadka qaranka, qeybna ka noqodaan dagaalka lagaga sifeynayo Alshabaab deegaannada kale ee ay kaga harsanyihiin dalka.

KA EEG GUDAHA

Akhriso: Wargeyska Midnimada iyo Urursanaanta Bogga 4-aad Ra’iisul Wasaare Khayre oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay Arrmaha Gar-gaar ee Bini-aadanimadda Soomaaliya Bogga 2-aad

Shirka Golaha Wasiirada Oo Lagu Ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah Iyo Tubta Siyaasada Loo DhanYahay

Bogga 2-aad

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay Soo martay Bogga 5-aad

Socdaalkii Nabadda Iyo Dib U Heshiisiintii Qarniga Bogga 4-aad

Horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Bogga 6-aad

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyey geeridii Dalays

Bogga 8-aad

Akhriso: Wargeyska Midnimada iyo Urursanaanta


WARGEYSKA DALKA

Madaxweyne Farmaajo: “Dhulka dowladda lama hibeyn karo, lama bixin karo, lamana wareejin karo” M a d a x w e y n a h a Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka

WARARKA TOBAADKA WARGEYSKA

Shirka Golaha Wasiirada Oo Lagu Ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah Iyo Tubta Siyaasada Loo Dhan-Yahay wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in waxkabedelkii wasiiradu horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shirguddoominayey Ra’iisu Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka. Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo toddobaadkii hore safar shaqo ku maqnaa. Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka . Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta: Mudane Yariisow

Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

MD: Maxa’ed C/llahi Farmaajo

Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.” “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.” “Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.” Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Axad 21 Jannaayo 2018 2

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka

mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab. Wasiirka

Haweenka

&

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka G/ Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay Arrmaha Gar-gaar ee Bini-aadanimadda Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Todobaadkii hore bilaawgiisii ka qayb-galay shirka ay soo qaban qabiyeen Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018. Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan. Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawlada shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood, kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.


WARARKA TOBAADKA WARGEYSKA Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgelisay Naadiga Madbacadda Qaranka

WARGEYSKA DALKA

W

asaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa dib u howlgelisay Naadigii Madbacadda Qaranka muddo dhowr iyo labaatan sanno kaddib, iyadoo munaasabadda lagu howlgelinayay lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa Madasha lagu howlgelinayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Xiriirka Guddiga Kubadda Cagta, Maareeyaha Madbadda Qaranka iyo qeybaha uu naadiga ka kooban yahay. Guddoomiyaha Naadiga Madbacadda Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan Wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in Wasaaradda Warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso Naadigii Madbacadda Qaranka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay Dalka India, kuwaasi oo dhameystay Xukun ay horey ugu riday maxakamada dakla India. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa 3 Dal, wuxuuna intaasi ku daray in

Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Caddaala) ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo Tayeyn lahaa Naadiga Macbadda Qaranka. Wasiir ku/xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cumar Isloow iyo Wasiir ku xigeenka

Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga. Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri “tani waa Taariikh dalkeennu

Maxaabiis Laga Keeney Dalka India Oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Laga Soo Dejiyay

70 kale oo kujira xabsiyada Dalka India dhawaan la keeni doono Soomaaliya. Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso sidii loo soo deyn lahaa muwaadiniinta

Soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyada Caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in ay sii dayso maxaabiis badan oo ku jiray xabsiyo ku yaala Dalalka Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles, dalka India ayaa kamid ah wadamada ay ku xir xiran yihiin maxaabiista Soomaaliyeed.

howlgalo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan ALshabaab oo ka dhacay Deegaanada Jubbaland Wasiirka Amaanka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa Xaqiijiyay in 38 ka Tirsan Maleeshiyadda AlShabaab lagu dila hawlgallo 24-saac ugu dambeyay ka dhacay deegannada Beerxaano, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme. Tv Jubba Land isaga oo la hadlaya ayuu sheegay Wasiirku in hawlgaladda ay sii socon doonaan, ilaa maleeshiyada Alshabaab laga Dabar gooyo deegaanada Jubbaland, waxaana howlgalkaasi fuliyay ciidmada Kumaandoowska Soomaaliya,kuwa Jubbaland oo kaashanaya Saaxiibada caalamiga ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu soo dhaweeyey howlgaladaasi ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgaladaasi looga soo horjeedo Alshabaab, isagoo ku booriyay in ay sii xojiyaan gulufka lagu cirib tirayo Alshabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabaa Cusmaan Yuusuf Mayow waxaana uu howlgalkaasi ka dhacay xarun la sheegay in Alshabaab ay u adeegsadaan in ay ku tababaraan caruurta ay ka soo wataan waalidiintooda,taasi oo lagu magacabo SHeeklh Xasan Barsame,Sida ay SONNA u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Kumaandoowska Soomaaliya.

Dhanka kale howlgal ay deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan halka lagu magacaabo Jama Jilaayo ka fuliyeen ciidamada Kumaandoowska Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dileen horjooge ka tirsanaa Alshabab.

Caruurtan oo ay shabaabku ka keeneen gobolo kala duwan ayaa da’dooda u dhexeysaa 8 ilaa 15 sano jir,kuwaasi oo guud ahaan tiradooda gaaraysa 38 caruur ah.

Axad 21 Jannaayo 2018 3

leeyahay, Wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan

Taariikhdeedii lagu yaqiinnay Naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah kaasoo u dhaxeeyey Wasaaradda, Naadiga iyo

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta Naadiga Madbacada Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DH/D oo HAMBALYO ku aadan munaasabadda 21 Jannaayo u diray bahda Saxaafadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mud: C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) wuxuu Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed 21-Jannaayo 2018, Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mud: Ing C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) wuxuu dhambaalkiisa Hambalyada ah, kaga hadlay Taariikhda maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Doorka Saxaafadda kaga jirto horumarka dalka dhinaca Wacyigelinta iyo horumarka dhaqaalaha. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii dhambaalkiisa Hambalyada ugu rajeeyay bahda Saxaafadda in munaasabadan teeda kale ku gaaraan horumar iyo midnimo, siina kordhiyaan kaalinta ay

kaga jiraan dhismaha iyo horumarka dalka. Taariikhda Maalinta Saxaafadda ama Warfaafinta loo Aqoonsaday 21-Jannaayo 1973 waxay ka dambeysay markii ay Saxaafadda ama Warfaafintu noqotay cidda ugu horreysay ee dhaqan gelisa Qoraalka Afka Soomaaliga, soona saartay Wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ku soo baxa, kaasoo lagu magacaabi jiray Xiddigta Oktoobar, ka hor inta xafiisyada dowladda ka hirgelin, sidaas ayaana loogu aqoonsaday maalintaan Maainta Saxaafadda Soomaaliyeed. Inkastoo Saxaafadda Soomaaliyeed tahay cidda keliya ee u taagan horumarinta Af-ka Soomaaliyeed intii aan la qorin iyo intii la qoray, ka dib tix iyo tiraab intaba oo Saxaafadda Soomaaliyeed la’aantii Afka Soomaaligu ma horumareen haddii dhab loo eego, gaar ahaan Suugaanleyda Soomaaliyeed.


WARGEYSKA DALKA

FAALLADA WARGEYSKA

Axad 21 Jannaayo 2018 4

Wargeyska

DALKA

Akhriso:WargeyskaMidnimada iyo Urursanaanta

W/Q:CiiseFaaraxMaxamed Arooryo Suuban waa maalin farxadeed ee uu soo baxay Wargeyskii qiimaha badnaa ee in dhawaalaba Saaxada muuqiisa laga waayay. Subax Wanaagsan: Mudane Akhriste naga raali ahaaw, muddo dheer Ayaan ka maqneyn ballantii aan kula lahayn ee ahayd in mar walba uu Wargeysku soo baxo ma dhicin daruufo jira awgeed gaar ahaan cillado farsamo oo aad u adag, hase ahaatee, maanta waxaad Akhrisaneysaa Akhristoow Wargeyskii aad niyadda ku haysay (Wargeyska Dalka) kaasoo maanta loo dabaaldegayo maalintii uu soo baxay, taasoo dib kuu soo xasuusin doonta ah 21, Jannaayo 1973-kii, kol-kaasoo ay dul heehaabayeen dusheenna Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee elekobtarrada oo daadinayay Warqado ay ku qoran yihiin Afka hooyo. Intii aan la soo saarin Wargeyskii Xiddigta Oktoobar Shaqaalaha Dowladda ayaa la barayay qoristii Afka hooyo, si xafiisyada dowladda looga dhigo kuwo ku shaqeeya qoraalka farta soomaaliga laguna dabaqo dhamaan wixii howlaha ee kasocda xafiisyada dowladda. Alif kaa xumaaday Albaqro kuma hagaago, howlina waxay ku habboon tahay in gunta laga soo dhiso, Wargeyskan muddo dheer ayuu soo jiray laakiin waxaad moodaa in uu Alifkii ka xumaaday, markii talada Wargeyska laga dhigay mid aan wax ka soo qaad lahayn, loona arkay inuusan la jaan qaadi Karin warbaahinta lagu sheego inay casriga tahay. Naasib darro Wargeyska dalka, wuxuu muddo badan ahaa waxaan sal adag lahayn, oo aan laga fikirin qiimaha uu dalka u leeyahay, iyadoona laga soo qaaday Wargeyskii Dalka wax laga maarmi karo. Maanta dunnida horumartay waxay ku faantaa kuna Saxaafaddeeda waxayna ku tartantaa in ay u dhameystiran yihiin dhammaan qeybaha Saxaafadda iyo Soo-saarista Wargeysyo kala duwan, iyadoo faa’iidada Wargeysyadu u leeyihiin bulshada ayna ka mid tahay horumarinta Afkooda iyo Siyaasaddooda. Bulshada Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo ku tixnaa Wargeyskooda Akhrinta iyo qoraalku waa horumarka dalka, laakiin dad ayaa u arka in feysbuuggu ka horumarsan yahay Wargeysku, laakiin ma oga in waxaasi oo dhan uu aabbe iyo hooyo u ahaa Qoraalka Wargeyada. Anaggu ujeeddadeynu waa in ummadda soomaaliyeed ay ku dhaqanto Afkeeda hooyo waxna ku akhrisato kuna qoroto. Dalkaan dad badan ayaa nafafyaashooda u soo huray, haddaan wax ka tilmaamno waxaa ka mid ahaa raggii iyo dumarkii usoo halgamay xorriyadda aan maanta hoosteeda harsaneyno, wargeysyadu waxay

lafdhabar u ahaayeen in la gaaro xornimada, iyadoona dadka lagu gaarsiin jiray wadciga kolba lagu sugnaa, haddii uusan jirin Wargeys aad bay u adkaan lahayd in laga xoroobo gumeysiga. Marka sinjiga soomaaliya uu ku beermay geeska afrika wuxuu billaabay in dhaxdiisa iska maamulo, in kastoo bulshadu u dhisneyn qaabab qabaa’il iyo beelo kala duwan iyagoona lahaa hoggaamo la caleemo saartay. Haddaba, waxaan dowladda iyo shacabka soomaaliyeedba ugu baaqaya in laga fekero horumarinta wax Akhrinta iyo qoraalka, taasina waxay ku imaan kartaa in dalka laga horumariyo Wargeysyada, lagana kaaftoomo qabyaaladda oo ah waxa baabi’iyay horumarka bulshada waana Cudurrada ugu waa weyn ee halista ah. Muhiimaddu waxaa weeye, in shacabku helaan Wargeysyo ka soo baxa dalkooda si ay uga daalacdaan dhacdooyinka joogtada ah. Taasi oo keliya ma aha way farabadan tahay faa’iidada wargeys u leeyahay ummadda, waxaadna ogaataa in aqliga fiyow uu ku jiro jirka fiyoow. Waxaa farxad leh in dowladda iyo shacabka ay ku dhaqaaqeen tayaynta Waxbarashada, soona saaraan arday fara badan sannad walba, dadka aqoon yahanka ah waxay ka doorbidaan dhageysiga wax Akhriska, qoraalku wuxuu gala keydin, wuxuuna noqdaa xasuus qor meel la dhigto. Haddaba, waxaan ka rajeyneynaa dowladda Soomaaliyeed in ay joogteeyaan badiyaan soo saarista Wargeysyo kala duwan welibana ku soo kala baxay afafka kala duwan. Dadku haddii aysan wax Akhrin waxaa yaraada garaadkooda, saa darteed waa in ay ku baxsadaan Akhrinta Wargeysyada, sida geedk dharshada la yiraahdo uu ugu baxsado ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baahan yahay in ay helaan Wargeys dalkooda ka soo baxa. Ummadda Soomaaliyeed, waa in ay ogaadaan Wargeysku inuu yahay Hooyada Saxaafadda, loona baahan yahay in sida ay tahay loo horumariyo, waayo dal ma jiro aan lahayn Wargeys. Waxaan ku talinayaa in dowladda iyo mas’uuliyiinta ay quseyso arrinta, ay diiradda saaraan helitaanka Madbacad soo celisa daabacaaddii Buugaagta iyo Wargeysyada, taasi waxay sahli kartaa in ay dadku helaan fursado badan ay wax ku Akhristaan. Akhiristoow: Hadduu Hebel Jecelyahay inuu Daawado Tvga, Hebelna dhageysiga Raadiyaha, Ogoow Hebelna wuxuu jecel yahay inuu Akhristo Wargeys ka soo baxa Dalka Hooyo. Waxaan mahad gaara u celinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo wax badan isku howshay in ay soo saaraan Wargeyska, Alle Mahaddii kuna guuleysatay in maanta uu soo baxo Caddadkiisa Kowaad Waxaan ku faraxsannahay Dowladdeenna, Dalkeenna iyo Dadkeenna Waxaan ka rajeynaynaa in ay waxbadan ka qabtaan amaanka oo haddii la waayo aysan jiri Karin Nolol. Sidoo kale, Caddaaladda waa jiritaanka Umadda oo haddii la waayo, dalkaasi looga baqo in uu galo xaalad murugo badan, waxaan ku soo gabagabeynayaa Soomaaliya Guul iyo Gobannimo.

Socdaalkii Nabadda Iyo Dib U Heshiisiintii Qarniga Waa wax la iska iloobay 27-kii, sano ee la soo dhaafay dalka Soomaaliya in Madaxweyne u bareero in uu booqashooyin ku soo kala bixiyo dhawr Gobol oo Dalka ka mid ah ayaamo xariirsan oo aan kala go’lahayn, iyada oo uu weliba socodkiisa qaar ka mid ah uu u adeegsaday dhulka. Arrintaas, waxay noqotay mid aad loola yaabo oo afkala qaad ku noqotay in badan oo dalalka dunida ah gaar ahaan cadwga Soomaaliya iyo Soomaalida qaarkeed, laakiin inta samaha iyo wanaagga jecel waxay Socodka iyo Xuuraansiga nolosha dhabta ah ee ka jirta goobihii uu Booqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mud: Max’ed C/laahi Farmaajo ay ku sheegeen in safarkaas uu ahaa Socdaalkii Nabadda Iyo Dib U Heshiisiintii Qarniga. Tani waxay Qayb ka tahay fulinta balanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo ee 8-dii Febaraayo ka hor intii aan loo dooran xilka Madaxweynenimo ee uu sii sheegay, wuxuuna safarkiisaasi uu ku beeniyey feker guracan oo qeexayey in madaxda dalka ugu sareeyso aysan bannaanka uga bixi Karin Caasimadda Muqdisho. Bal fiiri, markii uu bilaabay socodkiisa diyaaraddii sidayna ay caga dhigatay Garoonka Magaalada Garawe Caasimad Gobolleedka Puntland, waxaa hal mar is beddelay jawigii iyo Huuhaadii la isla dhex marayey, waxaa isla markiiba muuqday isu soo dhawaansho dhex martay dadkii dagaallada sokeeye ku kala irdhoobay, waxaa isbeddel Qara wayn ku dhacay guud ahaan Geeska Afrika dhanka Cimillada gaar ahaan geyiga Soomaaliya, waxaa yaraaday oo la iska iloobay Mucaarddadii laab lakaca iyo talo jacaylka ku dhisnayd oo in dhawaalaba Muqdisho iyo meelo kalaba lala duulduulayey. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay is xinkii iyo is xulufaysigii ka jiray Maamul gobolleedyada dalka ka dhismay waayo aan dheerayn, waxaad moodaa in ay maanta Soomaalidu garatay in wada jirkooda looga haybaysanayo, tafaraaruqoodana looga faa’iidaysanayo waxna loogu dhimi karo, Sidoo kale waxay ogaadeen in Dawladnimadu ay tahay Jawharad Qaaliya oo laga qadiyey shacuubta gudahooda ka dagaashan, ee cadawga u kala debqaado una qayb qaybiyey qabiil iyo waxyaabo kale oo aan haatan ku habboonayn ka sheekayntooda. Waxaa dhab ah in socdaalkaan Madaxweynaha uu ku kala bixinayo goobaha ugu horreeya ee u calaamadaysan kana tirsan dalka Soomaaliya ay ahayd wax horay ugu sii qorshaysnaa kana mid ahaa ajandayaashiisii dhaxal galka ahaa ee aqoontiisa tusisay in ay lagama maarmaan u tahay Soomalida maanta, isla markaana uu u adkaysto dhib kasta oo ka soo gaara Socdaalladiisa uu mustaqbalka dhaw ku soo kala bixin doono guud ahaan dalka oo dhan, si ay u soo noqoto midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya lagu yaqaanay sannado badan, Wuuna ka dhabeeyey Madaxweyne Farmaajo yididdiilooyinkaasii in dhawaalaba ka guuxayey maankiisa iyo maskaxdiisaba. Bal Eeg—Waa kan Socdaalkiisii ugu horeeyey iyada oo aysan filanayn cadawga Umadda ka bilaabay Dawlad Gobolleedka Puntland, kana degay

W/Q:AbdirisaaqAxmedAbsuge maalin cad oo barakaysan Garoonka Diyaaradaha Garawe, dabdeedna halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Siyaasadda oo uu ugu wayn yahay Madweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Mud: C/wali Gaas, Salaaddiin, Culumaa’uddiin, Dhallin Yaro, Haween iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Garawe oo aan u soo kal harin soo dhawaynta Madxweynahooda Mud: Max’ed C/laahi Max’ed. Madxweynaha isaga oo ay ka muuqato Wadaninimo iyo Soomaali Jacayl aad u baaxad wayn ayuu u sheegay una sharaxay dadka u soo baxay soo dhawayntiisii sababta socdaalkiisa in ay tahay Nabadaynta Umadda Soomaaliyeed, Puntland ay tahay Hooyada maaamul gobolleedyada dalka ka jira sidaas ayuuna ugu soo hormaray iyaga. Madaxweyne Farmaajo iskama joogin Garawe oo kaliya waxa uuna dadkii isu soo baxay iyo madaxdoodaba u sheegay in uusan halkaan kaliya uusan booqanaynin, balse uu doonayo In uu kormeer iyo socdaal dhulka ah uu ku soo marayo goobo kale oo ka tirsan dhulka Puntland gaar ahaan Bosaaso, iyo Qardho,iyo weliba inta u dhaxaysa magaalooyinkaas Qadiimiga ah. 4-tii, Maalmood ee uu joogay Madaxweyne Farmaajo Ciidda Puntland waxa uu dadka halkaasi ku dhaqan kala kulmay soo dhawayn baaxad leh iyo niyad sami Soomaalinimo ku dhisan, ilaa uu Madxweynaha yiraahdo kuna amaano dadka reer Puntland Dad jecel Midnimada iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed. Sidoo Kale, Ugu Dambayntii Sidii Loo Soo dhaweeyey ayaa loo soo sagootiyey Madaxweynaha Dawladda F. Soomaaliya Mud: Max’ed C/laahi Farmaajo. Madaxweynaha JFS, Wuxuu Socod dhulka ah uga soo baxay Gobollada Waqooyi Bari isaga iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminayey kuna soo jeeday Magaalada Gaalkacyo ee Ka tirsan Labada Dawlad Gobolleed Ee Puntland iyo Galmudug. Saacado kooban ka Dib waxa uu Madaxweynaha Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaas Mar kale ku soo dhaweeyey Labada Maamul Gobolleed Madaxdooda iyo Dadweyne Fara badan oo halkaasi ku sii sugayey, waxayna kala hor yimaadeen Soo dhawyn iyo marxabayn Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud: Max’ed C/laahi Farmaajo, wuxuuna durbadiiba beddelay Magacii hore ee Socdaalkiisa kaas oo ahaa Socdaalka Nabadda, wuxuuna u Beddelay markii uu Gaalkacyo Soo Gaaray Socdaalka Dib u Heshiisiinta, Waxa uu intaas ka dib reer Gaalkacyo Iyo Gaalkacyaba ku Amaanay in ay yihiin Buqcaddii ay ka soo Baxeen kuna soo barbaareen Waddaniyiin fara badan oo uu ka magacaabay Halyey C/laahi Ciise

Max’uud, taas oo dadkii halkaasi isugu soo baxay qaarkood ay la ilmeeyeen xasuusta iyo gobannimada awgeed. Madaxweyne farmaajo Waxa uu halkaasi uga sii gudbay Magaalada Cadaado oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey, waxa uu ka dhagaystay mas’uuliyiinta halkaasi joogtay warbixino ku saabsan midnimada dadka ku dhaqan Maamul Gobolleedka Gal-mudug iyo lagama maarmaannimada in wax kasta oo horay loo gaaray dib u maarayn lagu sameeyo, hoosna loo eego dadka reer Cadaado, maadaama ay yihiin dadkii u soo dhabar adaygay dhismaha iyo wanaajinta Maamul Gobolleedka Galmudug. Wuxuu Madaxweynaha u balan qaaday cuqaashii Magaalada Cadaado joogtay in ay wax waliba ku dhamaan doonaan khayr iyo wada jir Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo baxay isaga oo ay ka raali yihiin dhammaan dadka reer Cadaado caleemo Qoyana ay u lulayaan, wuxuuna durba soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb isaga iyo wafdigiisii baaxadda lahaa ee uu hoggaaminayey. Dadweynaha reer Dhuusamareeb oo aad ugu hamuun qabay booqashada Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud: Max’ed C/laahi Max’ed ayaa si diiran u soo dhaweeyey isaga iyo wafuuddii la socotay una galbiyey goobtii horay loogu sii qorsheeyey in ay ku soo degaan. Shirar hoose oo gaar gaar ah iyo mid guudba ayuu madaxweynaha la galay dadka iyo madaxda Degmada dhuusamareeb oo dhamaantood lagu jeex jeexayay dib u heshiisiinta maamulka Gal-mudug go’aamo dhaxal gal ahna ay ka soo baxeen, ka dib markii la isla af-gartay waxyaabahii lagu soo wada hadlay oo ay ugu wayneyd Dib u heshiisiinta. Ugu Dambayntii waxa uu Madaxweynaha ka qayb galay Xafladdii lagu taageerayey dhismaha iyo midaynta Gal-mudug iyo Ahlu-Sunna Wal jameeca, xafladdaas oo ay ka muuqatay farxad iyo raynreyn, waxaana gacmaha isqabsaday walaalihii isu baahnaa, waxaana halka munaasabadda ka dhaceysay goobjoog ka ahaa UN-Ka, Madaxda Maamul Gobolleedyada kala duwan, Safiirka Turkiga, iyo Waddamada Deriska Mas’uuliyiin ka socotay. Wuxuuna Madaxweynaha kula dardaarmay Madaxda Midawga labada Qaybood in ay sii hagaajiyaan heshiiska la gaaray isla markaana ay doonaan inta wax tabanaysa ee ku nool deegaamada Gal-mudug, waxa uuna Mas’uuliyiinta Ga-lmudug ugu baaqay Guul Iyo Gobonnimo.


WARGEYSKA DALKA

TAARIIKH SAXAAFADDA

Axad 21 Jannaayo 2018 5

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay Soo martay

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliya Marka laga hadlayo waxaa loo qeybin karaa Afar (4) heer ama marxaldo kala duwan. Waxayna kala yihiin:1- Xilligii Xorriyadda ka hor ------1930------1960,kii 2- Xilligii Dowladdii Rayidka-----1960------1969,kii 3- Xilligii Dowladdii Milliteriga--1969------1990,kii 4- Ka dib burburkii Dowladdii Milliteriga wixii ka dambeeyay.

dalka Soomaaliya idil ahaantii. Gumeysiga Ingriiska markuu arkay saameynta Wargeyskani ku yeeshay dadka ku nool gobollada Waqooyi ee Soomaaiya ee uu gumeysanayay, wuxuu amar ku bixiyay in dhaqso looga joojiyo wargeyskani in uu soo galo gobollada uu gumeysto ee Soomaaliya. Hase yeeshee, taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacbiga Xilligii Xorriyadda ka hor: Saxaafadda Soomaaliyeed soomaaliyeed wada saameeyay meel kasta iyo gobol waxay ka billaabatay meel Eber ah (0), kasta oo ay joogaanba balse, wuu sii xoogeystay ilaa sababtoo ah ma jirin Dad Aqoon iyo Xirfad u leh ay xoroobeen ayna israaceen labadii gobo lee ay Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda. kala gumeysanayeen Ingriiska iyo Talyaaniga 1,dii Balse, waxaa soo baxay rag kooban, wallow aqoon Luulyo 1960,kii. fiican aysan u lahayn Cilmiga Saxaafadda, haddana Dhinaca kale, Asaaskii Ururkii SYL, 15,kii ka dhiidhiyay falalka gumeysteyaashii Farasiiska, May 1943 ka abuurmay magaalada Muqdisho Ingriiska, iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Caasimadda Soomaaliya, wuxuu isna billaabay inuu Dalka Soomaaliyeed. soo saaro Wargeys la magac baxay {Al-Wuxda} Ugu horreyntii, waxaa magaalda Jabuuti markii ugu kaasoo xiriir la lahaa dhaqdhaqaaqyadii ka socday horreysay 1933,kii laga soo saaray Wargeys la magac magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi baxay { Codka Shaqaalaha} kaasoo xambaarsanaa ah wWrgeysyadu uga soo bixi jireen. ficillo wata farriimo xornimo doon ah. Haddaba, Saxaafadda Soomaaliyeed ee waqtigaasi Muddo ka dib, gumeysigii Faransiiska wuu waxay ahaayeen kuwo iftiin u ah xorriyaddii la mamnuucay Wargeyskii {Codka Shaqaalaha} oo qaatay 1960,kii iyo Asaaskii Saxaafadda. ay soo saarayeen Shaqaalaha reer Jabuuti, isagoo u Raggii asaaska u dhigay Saxaafadda Soomaaliyeed arkay inuu dadka ku kicinayo si ay ula dagaallamaan waxaa hormuud u ahaa:gumeysigiisa. 1- Maxamuud Jaamac Uur-doox, oo ahaa Sidoo kale, waxaa magaalada Hargeysa ka soo baxay Ninkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo Hargeysa 1936,kii Wargeys kale oo la magac baxay {Al- ka soo saaray Wargeys 1935,kii. Somaal} Kaasoo lagu soo daabici jiray magaalada 2- Xaaji Cabdi Ducaale, waa Ninkii Cadan ee dalka Yemen, halkaasoo ay deggenaayeen ugu horreeyay ee ka hadla Idaacadda dad reer soomaali line ah, oo si toos ah ugu xirnaa Hargeysa 1943,kii. dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee ka socday 3- Sogare Maxamed Cadde, Raggani waxay mudan yihiin in ay xasuusta ku hayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee maanta jooga, kuna daydaan dadaalkii nafhurinnimo ee ay u soo galeen asaaska Saxaafadda

oo ahaa Ninkii ugu horreeyay Filim qaade ka noqday Muqdisho 1947,kii. 4- Xuseen Cabdi Farmashiye waa Ninkii

u g u horreeyay ee Muqdisho ka noqday Sawir qaade 1950,kii. 5- Aadan Isaaq Tima-Cadde, waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqdisho ka noqday Artiste, Sameeye Sawir gacmeed 1950,kii. 6- Daahir Ibraahim Cabdi, waa Ninkii ugu horreeyay ee sameeyay 1952,kii Madbacad wax lagu daabaco.

Wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray xorriyadda ka hor.

1.

Somali Journal

Dowli

1950 ilaa 1960,kii

2.

Al-Liwaa

Gaar ah

1985 ilaa 1960-kii

3.

Qarni Afriqiya

SNL

1957 ilaa 1960-kii

4.

AL-Wuxda

SYL

1957 ilaa 1960-kii

5. 6. 7.

War-Somali side

Dowli Ingiriis

1953 ilaa 1960-kii

Corriere del Somalia

Dowli Talyaani

1950 ilaa 1960,kii

AL-Sariixa

Gaar ah

1957 ilaa 1960-kii

Soomaaliyeed. {II} Xilligii Dowladda Rayidka 1960— 1969,kii. Markii xorriyadda la qaatay durbadiiba, waxaa furmay xorriyaddii hadalka, waxaana abuurmay Wargeysyo badan, oo si furan u hadli jiray, kuwaasoo ku soo bixi jiray afaf kala duwan sida:- Carabiga - Ingriiska - Talyaaniga. Hase yeeshee, waxaa meesha ka maqneyd tirade dadka Soomaaliyeed ee bka faa’iideysan kartay, sababtoo ah dadkeennu inta wax baratay aad iyo aad ayey u yareyd, iyagoo weliba ku kala qeybsanaa afafka ay ku hadlaan mid kasta kiisa la qiimo badnaa. Dhinaca kale, waxaa dalka ka jiray Laba

Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa, oo la furay 1943,kii xilligii gumeysiga Ingriiska. - Raadiyo Muqdisho, oo la furay 1951, xilligii gumeysiga Talyaaniga oo maxmiyad ku heysatay gobollada koonfureed, waxaana labada Idaacadood maamulkeeda gacanta ku hayay xukuumaddii Rayidka ee Soomaaliya, ka dibna waxaa ku soo biiray, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo la asaasay 5 Jannaayo 1964,kii, iyadoona hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta sida Labada Idaacadood. Xilligan wuxuu ahaa, Xilligii ugu Wargeysyo badnaayeen marka loo eego xilligii gumeysiga, kuwaasoo ku soo kala baxa afafka kala duwan, oo isugu jiray Maalinle, Toddobaadle, Bille,

Wargeysyadii soo bixi jiray xilligii Dowladdii Rayidka 1960---------1969,kii. iyo Saddex biloodle. 1- Corriere Del Somalo Dowli 1960 1969,kii Maalinle 2- Sowtu Soomaal Dowli 1960 1960,kii Maalinle 3- Somali News Dowli 1960 1969,kii Maalinle 4- Somali Review Dowli 1964 1967,kii 3 biloodle 5- Li Oriente Gaar 1967 1969,kii Tiddobaadle 6- La Tripuna Gaar 1967 1969,kii bille 7- Kifaax SDU 1963 1964,kii Toddobaadle 8- Itixaad Al-Shacab SDU 1964 1968,kii Toddobaadle 9- AL_Waxda SYL 1957 1969,kii Toddobaadle 10- AL-Xaqiiqa Gaar 1965, 1969,kii Toddobaadle 11- AL-Shacab Gaar 1967 1969,kii Toddobaadle 12- Dalka Gaar 1968 1969,kii bille 3- AL-Jihaad Gaar 1968 1969,kii Toddobaadle

{III}- Xilligii Dowladdii Militeriga 1969----1990,kii. Taariikhda Saxaafadda, waxay xilligaan ku soo beegantay maamul Milliteri, waxaana ugu horreyntii la joojiyay xorriyaddii hadalka. Sidoo kale, waxaa la xiray qeybihii Saxaafadda gaarka ah, inta aan ka ahayn Wargeysyada faafiya Siyaasadda Kacaanka iyo labada idaacadood ee Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa oo horeyba dowladdu gacanta ku haysay. Inkastoo dowladda Militerigu xirtay dhammaan Saxaafaddii gaarka ahayd, haddana waxaa guul weyn u ah Taariikhda Saxaafadda Soomaaiyeed:1- Hirgelintii Qoraalka Farta Soomaaliga 21,kii Jannaayo 1973,kii oo Markii ugu horreysay uu soo baxay Wargeys Afka Soomaaliga ku qaran, loona aqoonsaday inay noqoto maalintii Saxaafadda Soomaaliyeed. 2- A b u u r i d d a Machadka Tababarka Saxaafadda 1976,kii.

3- D h i s m i h i i kulliyadda Saxaafadda 1980,kii. 4- Furitaankii TV,ga Qaranka 1983,kii. Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa fure u ahaa, Qoritaanka Farta Soomaaliga, taasoo dhaxalsiisay inay noqoto mid ay ka faa’iideystaan si buuxda Dadka Soomaaliyeed oo dhan Miyi iyo Magaalaba, oo markii hore ku ekaa dhageysiga idaacadaha oo hadda barta Akhris iyo Qoraal intaba, taanina waa guul u soo hoyatay Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Shacabiyadda. {IIII}- Marxaladdii ka dib Burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaiya. Xilligan waxay Saxaafadda Soomaaliyeed ku soo begantay waqti aan dowlad Dhexe oo xooggan aysan dalka ka jirin, waxay ku soo beegantay Qaran bur-buray iyo bulsho bahalowday oo aan kala gar qaadaneynin, eed joogto ah oo la xiriirta qoraalladoodii shalay iyo maanta, qoraalladooda oo markasta macaamiishu ay dhaliilsan yihiin. Dhinaca kale, waxay la soo kulmeen xilli Saxaafaddu uu soo gaaray Farsamo casri ah ee Adeegsiga Saxaafadda, taasoo ay nasiib ugu yeesheen inay si fudud uga faa’iideystaan farsamada

casriga ee Saxaafadda. Howlaha Saxaafaddu, waa arrimo u baahan xeelad iyo xirfad aqoon Saxaafadeed, si la isaga ilaaliyo waxkasta oo waxyeeleyn kara habsocodka Saxaafadda. Dhaliishu ma reebana balse, dhib abuurista ayaa ka daran dhaliil yar oo laga indho qabsan kara, oo si kama ama aqoon darro ku dhacday. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Saxaaddu ka shaqeyso horumarinta danaha guud ee dalka iyo bulshada, oo dan shaqsi gaar ah ka leexin danihii guud ee dalkaaga iyo dadkaada. Marxaladda Saxaafadda Soomaaiyeed, way ka baxday farsamo ahaan iyo tiro ahaan, waxaa abuurmay Wargeysyo fara badan, Idaacado iyo TV,yo Madax-bannaan oo gaar loo leeyahay, bale waxaa dhibtu ka jirtaa xagga tayada aqoonta Suxufiyiinta da’da yar ee hadda Saxaafadda ku soo biiray oo aan lahayn khibrad Saxaafadeed oo sax ah, laakiin ay niyad ka tahay howlahooda Saxaafadeedeed iyo horumarinta dalkooda iyo dadkooda, waxay u baahan yihiin rag khibrad Saxaafadeed leh, oo si deggan wax u bara, oo had iyo jeer ku dhex jira si loo helo Saxaafad u adeegta danta guud ee bulshada Soomaallyeed ee maanta.


WARGEYSKA DALKA

DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

Axad 21 Jannaayo 2018 6

DHAQAALAHA

Horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2012-2018-ka

MIISAANIYADDA OO DUUDUUB AH

JAANTUSKA SANADKA

MIISAANIYADDA DHABTA AH

-2012

U$-35.1

Malyan

-2013

U$- 117.4

Malyan

-2014

U$- 188.5

Malyan

-2015

U$- 199.0

Malyan

-2016

U$- 248.3

Malyan

-2017

U$- 260.1

Malyan

-2018

U$- 274.6

Malyan

MIISAANIYADDA 2015-KII Faah-faahin

Miisaaniyadda ku talagalka Daqliga & Deeqaha U$-239.9 Daqliga Gudaha U$-123.4 Deeqaha Dibadda U$-116.5 Kharajka Guud U$-239.9 Kharajka joogtada U$-226.0 Kharajka Raasumaalka U$- 13.9 Farqi U$-000

Miisaaniyadda dhabta ah U$-199.0 U$-113.8 U$- 85.2 U$-199.0 U$-184.4 U$- 14.5 U$- + 0.1

MIISAANIYADDA 2016-KII

MIISAANIYADDA 2012-KII Miisaaniyadda dhabta ah U$-35.1

Faah-faahin

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-34.1

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-239.4

Miisaaniyadda dhabta ah U$-248.3

Daqliga Gudaha

U$-30.1

U$-30.2

Daqliga Gudaha

U$-123.4

U$-139.6

Deeqaha Dibadda Kharajka Guud Kharajka joogtada

U$- 4.0 U$-34.1 U$-34.1

U$- 4.9 U$- 35.1 U$- 35.1

Deeqaha Dibadda Kharajka Guud Kharajka joogtada

U$-116.0 U$- 239.4 U$-227.0

U$-108.7 U$-248.3 U$-233.6

Kharajka Raasumaalka U$-000

U$-000

Kharajka Raasumaalka U$- 12.4

U$- 14.7

Farqi

U$-000

Farqi

U$-000

Faah-faahin

U$-000

MIISAANIYADDA – 2013-KII. Faah-faahin

U$-000

MIISAANIYADDA – 2017-KII.

Miisaaniyadda dhabta ah U$-117.4

Faah-faahin

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-114.3

Daqliga Gudaha

U$- 53.9

Deeqaha Dibadda

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-267.5

Miisaaniyadda dhabta ah U$-260.1

U$- 75.8

Daqliga Gudaha

U$-164.7

U$-137.6

U$- 60.4

U$- 41.7

Deeqaha Dibadda

U$-102.8

U$-122.6

Kharajka Guud

U$-143.9

U$-117.4

Kharajka Guud

U$- 267.5

U$-260.1

Kharajka joogtada

U$-136.7

U$-117.4

Kharajka joogtada

U$-255.8

U$-221.8

7.2

U$-000

Kharajka Raasumaalka U$- 11.7

U$- 38.3

U$- 29.6

U$-000

Farqi

U$-000

Kharajka Raasumaalka U$Farqi

MIISAANIYADDA – 2014-KII. Faah-faahin

U$-000

MIISAANIYADDA – 2018-KII.

Miisaaniyadda dhabta ah U$-188.5

Faah-faahin

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-137.2

Daqliga Gudaha

U$- 82.1

Deeqaha Dibadda

Daqliga & Deeqaha

Miisaaniyadda ku talagalka U$-274.6

Miisaaniyadda dhabta ah U$ --------

U$-115.3

Daqliga Gudaha

U$-156.0

U$ --------

U$- 55.0

U$- 73.2

Deeqaha Dibadda

U$- 11.6

U$ --------

Kharajka Guud

U$- 137.2

U$-216.3

Kharajka Guud

U$-274.6

U$ --------

Kharajka joogtada

U$- 137.1

U$- 203.9

Kharajka joogtada

U$-248.7

U$ --------

U$-

12.4

Kharajka Raasumaalka U$- 26.0

U$ --------

U$-

27.7

Farqi

U$ --------

Kharajka Raasumaalka U$Farqi

0.1

U$- 000

U$-000


WARGEYSKA DALKA

DHAQANKA & ARRIMAHA BULSHADA

Dhaqanka Guurtida ama Odayaal beeleedyada ku xeel-dheer dhaqanka Soomaalida

G

uurtida Soomaaliyeed, waxaa jira dhaqan u baahan in wax laga weydiiyo kaasoo ah ama ku saabsan guurka wiilasha iyo gabdhaha marka ay hana qaadaan. Waxaan ognahay amase caadi ka ah soomaalida marka laga reebo dad yar in wiilasha marka ay guursanayaan in aad loo taakuleyo qoyskiisuna waxba uusan kala harin awoodda uu leeyahay iyadoo ay hadda ku soo cusnoonaadeen in meelo aan loo baahneyn qarash lagu bixiyo aroosyadana lagu tumo taasoo culeys iyo dhib ku keeneysa taranka iyo guurka danyarta soomaaliyeed raadna aan ku lahayn diinta islaamka in meelahaas wax lagu tumo ama arooska lagu ciyaaro meel aan loo baahneyn, waxaa kaloo jirta inaan gabdhaha iyo wiilkasha isku aabbo uu dhalay inaan gabadha sidaa loo raaligelin wiilka loo raaligeliyay, taasina waxay cuqdad iyo oof wareen ku reebtay gabdhaha soomaaliyeed iyadoo lagu yiraahdo maad guursatid nin wax heysta, haddii ayguursato nin dan yar ah ama qoys liita ka dhashay lagu canaanto loona caga jugleeyo maxaa kuu geeyay meel uu waalidkaa raalli ka ahayn, taasina waxay keentaa in ay gabdha guur seegaan ama ay ku dhacdo waxaan diinta u banneynin waayo nin xoola heysta meel iyada uma fadhiyo.

Waxaa kaloo jira kala sarreyn siin ay isticmaalaan waalidiinta qaarkood taasoo ah marka ay timaado waxbaarashada ama shaqada waxay yiraahdaa waalidiinta qaar (wiilka shaqada ii geeya gabari kugu tol maahee) sida badan taasina waxay gabdha ku beertay murugo iyo xanuun badan Kala sareynsiinta caruurta ay dhalaan waalidiinta gabaar iyo wiilba, waa in ay u sinnaadaan xaquuqda guriga, iyadoo aan ognahay gabadhu inay ka howl badan tahay wiilka ayeey haddana kaga dhow yihiin waalidka wiilka. Haddaba akhristeyaal, iyadoo ay tahay arrintaani arin fogaatay salkana ku haysa dhaqanka , waxaa wax ka weydiineynaa dhaqanka soomaaliyeed iyo abwaaniinta isla markaana inay wax ka beddelaan iyadoo aan halkaan lagu soo koobi Karin xaquuqaha gabadhahu leeyihiin , ayaaba arkeysaa in arrintana ayba ka soo billaabato guriga. Qoysaska qaarkood waxba ma baraan gabdhaha iyagoo aaminsan in ay waxba soo kordhinaynin kuna yiraahda naa wiilasha dharka iigu meyr raashinkana iigu kari adiga gabadh baa tahayee, halkaas bayna kaga habsaantaa waxbarashad xilligii ay u baahneyd isla markaana Wiilkooda u arka halyeeyga reerka, waxbadan ayaa la arkay wax matare lagu

Axad 21 Jannaayo 2018 7

Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan: (kheyr ha sameyn shari kuuma timaadee), taasoo ka hor imaaneysa dhaqankeenna suuban iyo diinta islaamkaba, waxaa kaloo jira. Maahmaahyo ay caadeysteen markay isku dhacaan laba saaxiib ah ama ay wax isla fahmi waayaan halku dhigga ay adeegsadaan kala tagga awadiis, waxaa ka mid ah Aniga iyo adiga waa noo kala dhammaatay (Ciisa bidiin Muusa bidiin).

qasaaray oo ay gabdhuhu ay ka fiican yihiin haddey noqoto xagga waalidka iyo qaraabada iyo deriskaba intaba haddaba aqristeyaal cadaadiskaa ka dib gabdhaha soomaaliyeed in ay noqdaan jaariyaddo mid meel xun ku dhacday taasi oo dhib ku ah dadkii ay la dhalatay iyo kuwii dhalayba . Waxaa kaloo jira arrin dhabar jab ku ah lamaanayaasha is doortay ee sharciga isku guursaday kadibna gabadhii ay dhashay dhowr gabdhood oo isku xigxiga isla markaa odeygii reerka wuxuu ka qaadaa naxdin iyo anfariir ayuu ka qaadaa gabdhaa loo dhalay sidii inay ayadu sameyso ilmaha oo kale ama ay iyada dooratay gabdhaha keliya sababteedana ku yimaadeen waxaana gabadhaas loo bixiyaa magacyo badan sida gabdho dhabdho dhashooy is badiso, hoos madoow taasoo ah magacyo aysan galabsan gabadhu sinna aysan ku keensan taasoo qooyska wiilka ka dhashay ay bixiyaan magacyadaas uguna yeeraan markaas iyagoo weliba ay ka muuqaneyso naceyb iyo weji dadab halkaa ayeey ku bahdilaan gabadhii sharafta lahayd. owlaaddaas oo ilaaheey siiyay koriskiisa gabadhuna u noqotay tii qoyska dib u bisha, waalidiinta waxaa laga doonayaa in ay si caddaalad ah wax u wada baraan. Maahmaahyada beenta ah oo daba socota dhaliisha dhaqanka guurtida

Sidaan ognahayna Muuse iyo Ciise (Cs) waxay ahaayeen laba walaalo oo isla markaana fulinayay amar Alle iyo waajibaad rabbaani ah, kuwaasoo aysan ka dhaxeynin wax colaad ah ama qeybsanaan diineed marka ma jirto wax ama sifo gaar ah oo loogu been abuuran karo, sidaas ayeena ku gudunayeen xilkii iyo waajibaadkii ilaah faray. Haddaba, bulshada soomaaliyeed waxaan uga digeynaa inay ka fiirsadaan waxyaabaha qaldan ee diinta ka hor imaanaya sida Maahmaahyada iyo hal kudhigyada qaldan ee dad wax ma garad ah ay iska yiraahdeen kuwa noocaan ahi Maahmaah ma noqdaan. Sidoo kale, waxaa ka mid ah Maahmaahyada qaldan (Nin xoog leh xaajo ma dhibto, taasoo ku saleysan Awood kaa xoog badani ah loona baahneyn bulshaduna waxay ku abuurtaa kala tag iyo isnaceyb iyagoo ay ku kalifto in ay u kala hayaamaan deegaamo kala fog ama waddammo kale, taasina waxay keentaa, dhaqan burbur iyo deegaan cidlo ah, waxaa kaloo jira maahmaahyo kuwaa la mid ah Sida :(Gabari kugu tolmaaha , ama gabari tag bey leedahay ee tol maleh), Waxaan ognahay gabdhaha soomaaliyeed, inay isku

xiraan farqaha ama dacallada soomaaliyeed eek ala fog qeyb libaaxna ka qaataan is-dhexgalka bulshada iyo deminta colaadaha, sababtoo oo ah keligeed ayeey reer guursataa waxayna dhashaa toban wiil iyo laba gabdhood , waxayna isku xiraan beelihii kala fogaa, guurkiina halkaas ayuu ka sii socda qilaafaadkuna ku dhamaadaan. Sidaa awadeed ma hoboona in gabdhaha soomaaliyeed ee qaaliga ah oo aan wada ognahay in ay wax badan ka faa’iido badan yihiin wiilasha qaar, maahan in loo nisbeeyo maahmaahyada qaldan oo lasameeyay samanu jaahiliga, xilligiii gabdhaha laga nixi jiray dhalashadooda oo ay gaareen xilligaas in ay gabdhaha duugaan iyagoo nool. Sidaa darteed, guurtida iyo dhaqan yaqaanka odayaasha beelaha, abwaannada iyo indheer garadka, waxaan u sheegeynaa in laga dhaadhiciyo bulshada arrintaas fogaatay una faaftay sida foosha xun ee loola dhaqmo gabdhaha soomaaliyeed, oo ku xaqiran xaquuqdooda asaasiga ee ay bulshada ku dhex lahaayeen, haddeey noqon lahayd dhanka waxbarashada, shaqada, iyo maamulka dalka. Marka waxaan leenahay (Been raagtay Run baa lagu baabiyaa) ee haloo fiirsado maahmaahyaha aan munaasabka ahayen waqtigan ee layska yiri ujeeddo iyo ka jeeddo midna laheyn. Nin waliba wuxuu yiraahdaa soomaalida waxay ku maahmaahdaa sidan iyo sidan marka u fiirso maahmaahdaas ma tahay mid ku wajahan ujeeddada loo yiri munaasabse ma tahay ninka soo qaadanay maahmaahda in taagan yahay waqtigii loo baahnaa in la yiraahdo ama la dhaho.

SHAQAALAHA DOWLADDU WAA LAFDHABARTA HEYKALKA DOWLADNIMO

S

haqaalaha Dowladdu, waa lafdhabarka haykalka dowladnimo, taasi waxa daliil u ah intii aanan xornimada la qaadan ayaa waxaa la diyaariyay shaqaalihii iyo howlwadeennada ka shaqeyn laha xafiisyada dowladda, markii dalku xorimadiisa qaatay. Shaqaalaha dowladda, waa mishiin wada howlaha dowladda, la’aantoodna waxay shaqada ahaan lahayd meyd meel yaal oo aan ruux ku jirin. Shaqaalaha dowladda waxaa ugu sarreeya Agaasimaha Guud, waxaana ugu hooseeya adeegaha xafiiska, waxaana ka reeban inay ku lug yeeshaan siyaasad iyo inay xubin ka noqdaan xisbi siyaasadeed. Arrintani, waxaa laga yaabaa inay sidaa u fahamsaneyn inuu shaqaaluha dowladda ka madaxbannaan yahay siyaasadda, oo shaqadiisu tahay maamul iyo u adeegidda bulshada si siman oo daacadnimo ku jirto,

madaxda siyaasaddu way isbeddelaan, balse maamul waa mid joogto ah oo ku shaqeeya nidaam horay loogu dejiyay oo sharci ah oo caalamiya , maxaa yeelay haddii shaqalalhu dowladdu ku dhex milmaan siyaasadda xisbiga, waxaa lumaya adeeggii bulshada loo hayay iyo horumarkii dalka, qofka shaqaalaha ee daneynayaa in siyaasadda ka qeyb qaato, wuxuu xaq u leeyahay inuu marka hore ka ruqseysto shaqada dowladda, markaasi isaga muwaadin caadi ah uga qeybgalo siyaasadda shaqaalaha dowladda marka codbixin dadweyne loo qaadayo, waxay xaq u leeyihiin in codkooda dhiibtaan iyagoo xor ah, laakiin si kale looma oggola inay siyaasadda ku lug yeeshaan sida dadweynaha oo kale. Shaqaalaha dowladda, waxaa la mid ah ciidammada qalabka sida, waayo ciidammadu waxaa loo dhisay inay dalka ka difaacaan cadow gudaha iyo dibadda,

waadna maqasheen sida ay ka sameeyeen ciidammadu dalalka kacdoonnada dadweyne ka dhacaan ee masar iyo tuunis. Ciidammada Qalabka Sida, waxaa loo dhaariyay difaaca dalka iyo dadka, waxaana ka reeban in uu siyaasad ka shaqeeyo, qofka raba in uu siyaasad ku lug yeesho ha ruqseysto sida shaqaalaha dowladda oo kale. Haddii shaqaalaha dowladda iyo Ciidammada Qalabka Sida, dhexgalaan siyaasadda, waxaa burburaya haykalka dowladnimo, waxaana ka dhalanaya fowdo iyo nabadgelyo darro, waana tii horay inoo dhaxalsiisay dowlad la’aanta iyo burburka iyo dagaallada sokeeye. Sidaa darteed, waxaa habboon inay sidaa u gartaan dowladda iyo Ciidammada Qalabka Sida, inay yihiin lafdhabarka haykalka dowladnimo, oo aan siyaasad shaqo ku lahayn.


WARGEYSKA DALKA

OGAYSIIS & IIDHEH

Axad 21 Jannaayo 2018 8

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyey geeridii Dalays

Guddoomiyaha Golaha Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga tacsiyadeeyay bulshada Soomaaliyeed, fanaaniinta iyo Ehelada geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Khadiijo Cabdullaahi Nuur Dalleys oo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyey geeridii Dalays Wasiirka warfaafinta Xukumada federalka somaliya aya hadalkiisa ku bilaawey: INNAA LI LAAHI WANA INAA ILEYHI RAAJICUUN, Waxaan Tacsi u dirayaa dhamaan Ummdda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan ,gaar ahaan waxan si gaar ah Tacsi Ugu dirayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo Qoyskii iyo Eheladii ay ka Geeriyootey Allaha U naxariistee Marxuumad Khadiijo Cabdullaahi Camey Daleys. Geerida Waa xaq Waxaan Eebbe ugu Baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Allaha Unaxariistee Marxuumad khadiijo Cabdulaahi Camey Daleys waxay aheyd Fanaanadii ugu

Horeysay 1952 Raadiyo Muqdisho heeso ka qaada iyadoo Xilligaasi aan jirin Qalabka Duubista , Maalin walibana heesaheeda si Toos ah u Qaadi jirtey, sidoo kale waxa ay aheyd laf dhabarkii hoboladda Waaberi oo Fanka iyo Suugaanta Qeyb Weyn ka soo qaadatey Wacyi galinta iyo Hanuuninta Shacabka Soomaaliyeed. Sammir iyo IImaan Allaha Ka siiyo Ummmada Soomaaliyeed Marxuumad Khadiijo Cabdulaahi Camey Daleys Waxaan Allah uga Baryeynaa Jannada Fardowsa in uu Alle Ka Waraabiyo. Aamiin…….Aamiin …

ku geeriyootay dalka Canada. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay horey u soo wada shaqeeyaan Marxuumadda, xilli uuu ahaa Maareeyaha Golaha Murtida iyo Maddadaalada, waxaana uu uu soo jeediyay in Marxuum Khadiijo Cabdullaahi Nuur Dalleys loo sameeyo aas Qaran, isla markaana lagu aaso dalkeeda Hooyo ee Soomaaliya.

Khadiijo Cabdullaahi Camey Daleys.

CADAALADDU WAA FURAHA NABADDA IYO NOLOSHA

Cadadka 1 12 aad  
Cadadka 1 12 aad  
Advertisement