Page 1

AQOON & MADADAALLO

WARGEYSKA DALKA

Isniin 12 February 2018 9

Haweenka Soomaalida Xoogooda Ilaaheey Ha Tuso!!!

Waxaa laga marin habaabiyey Qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed wadadii saxda ahayd ee Alahooda u jideeyey, ka dib markii ay dhagahooda u fureen Mujrimiin Galbeedka u dhalatay oo loolan adagi kala dhexeeyo Dumarkooda ka dib markii ay ku joowr faleen xuquuqdii Aadaminimo oo ay ku lahaayeen. Waxaa lagu akhriyey Haweenkeena Soomaaliyeed in ay Dulman yihiin, kana liitaan haweenka kale ee Dunida kula nool, madiidina u yihiin raggooda, sida Qalabka Maacuunta ah ee guryaha yaalo oo kale loo isticmaalo markii loo baahdo,iyo in laga go’doomiyey Bulsho waynta Caalamka Ilbaxay. Qaar ka mid ah Haweenkeena ayaa run u maleeyey hadalkaas Nimankaas Cad Cad ee ku soo fashilmay hagaajinta Guryahoodii rasmiga ahaa, iyo nolosha qoysnimo, waxayna u soo tafaxayteen Dumarkeena dagaal ay kala horyimaadaan Raggii ay u dhaxeen iyo kuwii kale ee quud daraynayey in ay guryo yeeshaan iyaga oo weliba kor ugu dhawaaqaya in ay xuquuq fara badani kaga maqan tahay Ragga Soomaalida isla markaana ay doonayaan si ay u soo ceshadaan in ay galaan Halgan Naf huris ah, oo ay ku xaqiijinayaan Guushooda, kana Soo ceshadaan Ragga Soomaalida dheeraadka ay isa siiyeen. Waa wax lala yaabo in qof dumar ah oo Soomaali ah, Muslim ah ay ku andacooto in ay qaban karaan Dumarka hawlaha ragga kaliya uu Alle u doortay Sida Maaraynta Siyaasadda, Jaangooynta dhaqaalaha, Difaaca dalka, Bad iyo Berri Maquurashada dhibka badan oo ay haweenaydu taagta iyo tabata u lahayn. Waa wax lagu labalaboodo in ruux dumar ah oo islaam ah intay fagaaro soo istaagto iyada oo aan xijaabnayn ay cod dheer ku tiraahdo, waxay Rageena isku kali yeelayn hawl kasta oo nacfi leh sida Maaraynta Siyaasadda, Horumarinta dhaqaalaha, iyo ka shaqaynta Amaanka, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay isku soo baxaan, kana dagaalamaan Gunimadaas ay ragooda la doonayaan, Rageenu waxay doonayaan in aan guryaha isaga jirno, Caruurta u hayno, Cuntadana aan u karino, habeenkiina ay sida ay doonaan naga yeeshaan. Iswaydiintuse waxay tahay ma ragga oo qura ayaa sidaas raba mise Eebbe ayaa sidaas Dumarka amray una sheegay in ay sidaas badbaadadooda dumarnimo iyo sharafkoodaba ku jirto. Gabadha waxaas ku

qaylinaysa ee balaayada laga soo buuxiyey saw ma oga in reer galbeedku ka timid fekerkaas qaldan una soo waariyeen nijaastaas, ayna doonayaan xasiloonida ay haystaan haweenka Soomaalida Kana Saaraan guryahooda sida ay uga soo saareen Dumarkooda, isla markaana ay dayacaan Caruurtooda, ka dibna ay galiyaan nolol cariiri ah oo beri la hubo in ay ka shalaayi doonaan. Waxyaabha uurku taalada leh ee Dumarkeena Qaar lagu soo borogaraamiyey ayaa waxaa ka mid ah waxa loo yaqaano Jandarka ama sinaanta ragga iyo dumarka xagga hawlaha dibadeed. War!! looguma tala galin Haweeneey in ay dibadda u soo baxdo oo ay dhex booddo ragga gayaankeeda ah , caqli ahaan iyo diin ahaanba, balse waxaa xaqiiqdu tahay maadaama ay ruuxa dumarka ah ay tahay jawhrad oo kale ama dharka xariirta ah, loo baahan yahay in ay gurigeeda isaga jirto, ku dhex cibaadaysto, ubadkeeda iyo Ragoodana ay ku tartiibiyaan , kana soo baxaan guriga iyo hawlahiisa oo kaliya, si ay u noqoto ruux qiimo badan. Haweenka ka shaqeeya waxa loo yaqaan Xuquuqda dumarka iyo jandarka, kama hadlaan tacadiyada runta ah ee ka jirta dalkeena, sida kuwa lala baxsado iyada oo aan la ogaysiin waalidkii koriinshahooda ku soo daalay, kama hadlaan haweenka laga geeriyooday ee caruurtii looga dhintay iyo iyagaba tabaalaysan, kama hadlaan kuwa ragoodii dibjirka noqday ee dariikhyada iyo wadooyinka jaadka ku gadaya, kama hadlaan kuwa guur la’aanta ku dhacday umana raadiyaan rag u qalma noloshooda, kama hadlaan kuwa buka ee aan haysan wax ay isku dabiibaan, haddana waxay meel kasta la taagan yihiin haweenka Soomaalida waa la dulmay iyo waa la kufsaday, mana jirto wax la kufsaday,, iyo haween la dulmiyey, ee waxa ay u qaylinayaan waa wax aan ilaaheey ka raali ahayn sida in ay naagi madaxweyne noqoto. iwm ah ee uu xitaa caqliga toosani diidayo. Waxaa wanaagsan in haweenkeena u ololeeya waxyaabaha aan jirin ee gaalnimada ah intay iska dhaafaan ay iskood u sameeyaan Hay’ado madax banaan oo kaliya u daneeya intii aan kor ku soo sheegay, taas ayayna haddii Alle yiraahdo ay ka helayaan Ajar fara badan Aduun iyo Aakhiraba, ee xoogooda Ilaah ha tusiyo Haweenka hormuudka ah ee lagu qalday colaad aanay dhex oolin Ragga iyo Dumarka Soomaaliyeed.

10 Sharci oo loo weriyo wararka argagixisada la xiriira W/D: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra” Tifaftiraha SONNA Qaybta English-ka Muqdisho:-Hadafka ururada argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalada cabsi ah, argagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelato bulshada taasi oo meesha ka saarta in ay ka jawaab celiyaan. Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil. “Propaganda –da waa Oxygen-ka argagaxa”, Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher oo la dhihi jiray marwadii birta ‘Iron Lady’. Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’, si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw naha ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-sharci oo ku aadan sida loo wariye wararka argagixisada, waana sida soo socota:1. Ha warin wararka deg-dega ee aadan xaqiiqdooda(Xan/hebel baa sheegay) Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey/een mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noqnoqotaa xaqiijinta sheekada. Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah. Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidayaa sida dab keyn qabsada, diyaarinta warka weerar agagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen (War Suuq) iyo mal’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn. Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin. Ha u qaadan wax u fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahin hubin. 2. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo agagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faahfaahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka. Xadidaada wararka noocan ah in baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looga adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay. Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha. 3. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin. 4. Ha isticmaalin sawirada dad dhintay ama dhaawaca Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin agagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha

caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaalada. Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay samaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayada ay doonayaan argagixisada. 5. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi ka dhigi karta in sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye’. Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka. 6. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda ! Ha iloobin waxyeelada ka dhalan in shaqsiyaad ay ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah. 7. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada Waa inaad werin ama daabicin bayaan saxafiyada hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, haddii aan dan uga jirin dadweynaha. Ha iloobin in bayaanada uu ku buuxaan xeerar. Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixiso sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga. 8. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin. 9. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso ! Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ‘ is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta’, si warbaahinta ay daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawlgalada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleyl lahaa dhacdadaas. 10. Haku sheegin diyaar garowga hawl-gal ka dhan ah argagixisada Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin ! Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaa ayna dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka. Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno taban qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka. W/D: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra” Tifaftiraha SONNA Qaybta English-ka

Bogga 9 aad  
Bogga 9 aad  
Advertisement