Page 1

DHAQANKA & SUUGAANTA

WARGEYSKA DALKA

Dhaqankii Hore ee Guurka Soomaalida iyo Noocyada Guurka

Soomaalidu, waxay Guurka u qeybin jirtay dhowr nooc, oo mid waliba leeyahay si uu ku yimaado iyo hab loo maamulo. Noocyada guurka Soomaalidu, waxay ahaayeen shan nooc oo mid waliba ka kooban yahay laba qeybood, kuwaasoo isu geyntooda ay tahay Toban. 1- Guurka tooska ah 2- Guurka boobka 3- Guurka Dani ku bidday 4- Sahan Dumar 5- Bogsiin Haddaba, Guurka tooska ah, wuxuu u kala baxaa Isasiin Heshiis Guurka isasiinta ah, waa marka labada oday ee ubadka kala dhalay ay is arkaan oo isla jeclaadaan isna siiyaan Wiilka iyo Gabadha iyagoo wax la tashi ah la sameyn Wiilka iyo Gabadha. Mararka qaarna odayga gabadha dhalay ayaa gabadhiisa siiya oday kale u wiilka dhalay oo ay is yaqaanaan, isagoo gabadhiisa la tashan ama wargelin. Siinta kaddib, ayaa inantii loo sheegaa in Nin la siiyey, tani badanaa waxay dhacdaa marka Ninka inanta la siiyey lagu raaco dano dhaqaale sida:Xoolo badani iyo bixinta Yarad badan. Heshiis waa marka wiilka iyo gabadha soo heshiiyaan si toos ah ama is arag oo cidi u dhaxeyso, marka kaddib, waxaa isa soo hor fadhiista odayaasha labada dhinac, oo ka wada hadla wixii labada beelood xeer u ah, dhinaca guurka waxayna ka wada hadlaan meherka inanta iyo yaradda, badanaa gabadha lagu sarjaro yaraddii hooyadeed laga bixiyey, wuuse ka badnaan karaa ama ka yaraan karaa. Yaradda waxaa lagu bixin jirey, Geel, Faras iyo Qori ama noocyada kale ee xoolaha, iyadoo ay ku xiran tahay hadba bulshadaasi nooca xoolaha ay dhaqato Geel, Lo’ iyo Ari. 1.Boob Guurka nooca boobka ah,

wuxuu u qeybsamaa: La tegis Dhabar garaac 1- Guurka la tegista, waxay ahayd in wiilka intuu gabadha si qarsoodi ah ula heshiiyo uu dabadeedna la tago reerkoodii, markuu reerkooda la tago ayaa loo mashxaradi jiray, oo la soo dhaweyn jiray, Inantii oo ku sugan reerkoodii ayaa loo tagi jirey reerkii ay gabadha ka dhalatay, si loogu soo hibeeyo xoolo, oo ogolaansho laga helo waalidkeeda loona mehriyo. 2.Dhabar Garaac Mararka qaar, waxaa dhici jirtay in wiilku xoog ku ka xeysto gabar aan nafteeda iyo reerkooda midna ogolaansho ka haysan oo khasab ku guursado, Guurka noocaan ah, wuxuu ka soo horjeedaa shareecada Islaamka ah, haddana wuxuu ahaa mid ka dhaca bulshada dhexdeeda, inkastoo aanu ku badneyn. Guurkaan wuxuu badanaa dhici jirey marka laba nin ay isku heystaan gabadha oo mid kastaa uu doonayo in uu isagu guursado, Lama tixgelin jirin ikhtiyaarka iyo doonista gabadha ee wuxuu ahaa mid xoog ku fadhiya oo midkii u soo horreeya ku dhici jirey gabadha. mararka qaarna, waxaa dhici jirtay in kii ka xaystay maahee ku kale ka daba yimaado oo ka xoogo, Guurka noocaan ah, waxaa ka dhalan jiray colaado iyo naceyn beelaha dhex mara. Dani ku Bidday Guurka noocaan ah wuxuu u qeyb samaa: 1- Xigsiin 2- Dumaal 1-Guurka nooca xigsiintu, wuxuu ahaa mid duruufi keento, oo ah marka ninka ooridii ka geeriyooto ayaa walaasheed la siin jirey, ujeedada ugu weyn ee laga lahaa, waxay ahayd in aan carruurta dayacmin oo habaryartood la noolaadaan halkii habar shisheeye ah oo ninka soo guursado ay ilmaha ka heyn lahayd. SIdoo kale, waxaa loola jeeday in aanu kala go’in xiriirka labada reer ee

xididka ahaa, haddii gabadha geeriyootana aanay lahayn walaalo, waxaa xigsiin laga dhigan jirey mid ka mid ah gabadha kale ee dad u xiga sida kuwa ilma adeerka yihiin, waxay ahayd arrin dhaqan ah oo aan laga tallaabsan Karin, haddii xigsiin la bixin waayo, waxaa xumaan jirey xiriirka labada reer. Beelaha qaarkoodna, waxaa xeer u ahaa in haddii ninka gabadhu ka dhimato loo waayo xigsiin loo celiyo xoolihii uu yaradka u bixiyey, si taasi looga fogaado ayaa lagu dadaali jirey in loo xigsiisimo. Gabadha xigsiinka ah, badanaa arrintan ikhtiyaar umay leheyn, lamana tixgelin jirin dooqeeda iyo doorashadeeda, waxay ahayd mid dhaqanku jideeyey. Iyana sidaas yay raali ku ahaan jirtay, waxaana la oran jirey Xigsiin xulasho ma leh. 2 Dumaal Dumaashi, iyana waxay ahayd dhinaca kale marka ninku dhinto, waxaa oridaasi ama xaaskaasi guursan jirey walaalkii ama ina adeerkii, tanina waxay ahayd mid iyana dhaqanku qasbayey oo aan laga hor imaan Karin, sababta ugu weyn ee loo geli jirey, waxay aheyd danta caruurta, haddii la dumaali waayo, waxaa dhacaysay in gabadha nin kale iska guursado oo caruurtii halkaa ku dayacmaan. Waxaa la oran jirey “ Dumaali waa Dabar Caruureed”, waxaa dhaqan u aheyd in aan gabadha laga dhintay aanay guursan karin cid kale xitaa haddii la dumaalin, Waayoo qoyskii dumaashida lahaa ayaa dusha ka ilaalsan jiray oo ayen u oggolaan jirrin cid kale guursato, arrintaa colaad baa ka dhalan jirtey oo ragga beelaha kale ka soo jeedaan way ka taxadiri jireen oo kuma degdegi jirin, marar badan baa gabadha halkaasi ku guur seegi jirtay, waana wax shuruucda Islaamka ka soo horjeeda. W/Q: Mursan

Isniin 12 February 2018 8

Weli Masrixii Golaha Murtida iyo Madaddaalada wuu il daran yahay!!! Golahii Murtida iyo Madaddaalada, Masrixii Ummadda Soomaaliyeed, Dadweynuhu waxay u yaqiineyn “Somali National Theatre” Golaha Murtida iyo Madaddaalada wuxuu ku yaallaa dhaxbartanka magaalada muqdisho, wuxuuna qalbiga ummadda soomaaliyeed ku leeyahay baal dahabi ah. Tiyaatarka sida dad badani ay u yaqaannaan waxaa Riwaayd lagu dhigo ugu dambeysay Riwaayddii la oran jiray “Ka Hari Weydaye Waa ku Heysataa” oo uu Alifay AUN “Dr. Raafi” oo Aweys Geedoow ka dib noqday Aabihii Riwaayadaha Banaadiriga. Taasi macnaheedu waxay tahay, in Golaha Murtida iyo Madaddaalada uu ahaa Gole shaqeyn jiray, hadda taasi la waa, in ka badan 20- Sanadood, haddana waxaa u sii dheeraa in wax magarato bur-burisay, fiiqdeen haraggana kala baxeen oo ay ka dhigeen meel aan loo soo xiisi Karin, mana istaahilin in Tiyaatarka sidaas loo galo. Golaha Murtida iyo Madaddaalada ( National Theatre ) waxaa la dhisay 1968-dii, Koox Shiinees ah ayaa dhistay, wuxuuna ahaa mashruucii ugu horreeyay ee uu Shiinuhu ka hirgeliyo dalka, hase ahaatee, wixii ka dambeeyay Golahaasi wuxuu noqday Gole cajiib ah oo ay ka soo baxaan fannaaniin kala duwan oo maanta magac iyo maamuus weyn ku leh dalka iyo dunnida. Waxaa ka mid ahaa, raggii kusoo caan baxay, Fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, oo ku soo baxay barnaamijkii heesaha hirgalay ee uu daadihin jiray Wariye Axmed Cali Askar,

Boqorka Bartamaha iyo Cabdalla Nuuradiin Sidoo kale, waxaa barnaamijkaas ku soo baxay Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame, oo isagana ka mid ahaa fannaaniinta caan baxday, hase ahaatee hadda uu cudur asiibay ka dib wixii ka dambeeyay shirkii dib u heshiisiinta ee 2000, loogu magac daray ee ka dhacay Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti. Haddaba, Horta waa iga Su’aale Golahan ma loo baahan yahay, in dib loo dhiso oo dib loo soo uruuriyo fannaaniintii iyo Ciyaartooydii? Howl sahlan ma’aha, waa mid aad u dhib badan si mar kale dib loogu taago waa haddii uusan kugu taakneyn wax tarkiisa, balse haddaad ogtahay wax galka uu shacabka Soomaaliyeed ugu fadhiyo iyo qadirinta uu leeyahay waa sahlan tahay sidii dib loogu yagleeli lahaa Golaha. Sida ay qabaan fannaaniin badan waxay sheegayaan dib u dhaca weyn ee ku yimid fanka Soomaaliyeed uu aasaas u yahay iyadoo meesha ay ka baxday xaruntii ay fannaaniintu isugu imaan jirtay oo ay ku soo bandhigi jireen barnaamijyadii kala duwanaa ee Fanka Soomaaliyeed, taasoo keliya maaha ee waxaa lagu soo bandhigi jiray Tartamadii Suugaanta iyo barnaamijkii Kedis ee dhax mari jiray Ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyada waxbarashada ee gobolka banaadir, waxaa kaloo lagu qaban jiray munaasabadaha waaweyn ee heer Qaran, ama haddii ay dowladdu wadato barnaamij ay dooneyso inay ku qabato, ama wafdi ballaaran uu u joogo oo la doonayo in la tuso hiddaha iyo dhaqanka ay

Soomaalidu leedahay. Golahaasi weli maanta ma shaqeynaayo iyadoo weliba siweyn looga sii jeestay haddaba, maxaa loo baahan yahay? Waxaa marka hore loo baahan yahay in la soo nooleeyo jiritaankii golaha murtida iyo madaddaalada iyo dhammaan fannaaniinta Soomaaliyeed, kuna howlgalaan golahooda, haddeey iska dhex joogi lahaayeen goor hore ayaa wax loo qaban lahaa, Laakiin dib usoo nooleyntaasi waxay u baahan tahay in marka hore si weyn loo Sugo ammaanka gobolka banaadir, taasoo haddaba ay socoto sugiddiisa. Golaha Murtida iyo Madaddaalada, fannaaniintii iyo abwaaniintii uu ku dhisnaa

boqolkiiba toddobaatan 70% hadda dalka ma joogaan, iyadoona halkaasi ay ka baxeen fannaaniin iyo mu’allifiin fara badana ay ka geeriyoodeen qaarna ay xanuun la il daran yihiin iminka, intooda badani waxay ku dhinteen dalalka ka itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya haddii laga reebo Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yam Yam, oo isagu gaari ku jiiray dalka Mareykanka. Golaha Murtida iyo Madaddaalada waa Iftiinkii Fanka Soomaaliyeed, Waana Qalbigii Ummadda iyo Muraayddii Qaranka laga daawanaayay. W/Q: Osman Dhiblaawe.

Gabari waa Saddex Shanaad

Sida dhaqanka iyo taariikhaha Soomalida lagu hayo iyo maahmaahyaha ka soo maaxda maskaxdooda iyo mar waliba ku jaangooya cabirka iyo meesha ay ula jeedaan ayaa indheergaradka Soomaaliyeed waxay ka hadlaan qeybo ka mid ah kuwaasoo aan maanta Kasoo qaadaneyno qeybaha haweenka. Sida badan waxaa dhaqan ah markay gabar qoys u dhalato ayaa waxay ka qabaan fikrado kala duwan iyadoo odayaashu markay sheekeysanayaan oo ay isugu yimaadaan deyrka ama ardaaga guriga ayaa Inta gogol la dhigo ayeey waxay isku dhaafsadaan kolba xaaladaha ay markaas ku jiraan, Maalin maalmaha ka mid

ah, ayaa odaydii oo fadhiya deyrka aqalka oday diiriiye ayaa waxaa soo ag martay gabar yar oo saddex jir ah oo la yiraahdo Jamiila, waxay wax ka weydiiyeen odayaashii oday diiriye gabadhii yareyd, waxayna yiraahdeen, diiriyoow tan yari ma aabaad u tahay mise awoowe way adeeg fiican tahayee? Wuxuu ugu jawaabay, anaa aabaheeda ah laakiin waa gabar oo gabaarina waa saddex shanaad baa la yiri, intay qosleen bey diiriye weydiiyeen, “diiriyoow bal noo sharrax waxaad ka waddo saddex shanaad” Markaas ayuu yiri diiriye: “Hablaha Shan waa loo shaqeeyaa, waana shanta hore

oo ay Jamiilo ku jirto” Shanna waalidkeed ayeey si wanaagsan u garab istaagtaa oo waxay anfacdaa waalidka oo waxay qabataa maamulka guriga iyadoo dhinaca kalena wax ka baraneysa. Shanta ugu dambeysa, sheyba sheyga uu ka qurxoon yahay ayaa loo iibiyaa si ay uga qeybgasho gabdhaha horumoodka ah oo ay ishu qabaneyso, shantaasi waa shantii ayada lagu sharraxaayay, waana laga shaqeeyaa muuqaalkeeda iyo qurxinteeda iyadoo qalbigeeda ay ku reebto xasuus wanaagsan oo waalidkeed ay u heyso, sidaas ayeeyna meeshii calaf u ah ku degtaa.

Bogga 8 aad  
Bogga 8 aad  
Advertisement