Page 1

ARRIMAHA BULSHADA

WARGEYSKA DALKA

Isniin 12 February 2018 7

Canshuur Bixintu waa waajib Qaran Canshuurta waa saldhigga dhaqaalaha Dowladda ay ku fuliso adeegyada bulshada, oo ay ugu horreyso nabadgelyad a,Caafimaadka,Waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida: Waddooyinka, Garoomada iyo Dekadaha. Canshuurtu waxay dowladda wax kaga qabtaa arrimaha gargaarka Bulshada xilliyada ay la soo gudboonaadaan dhibaato dabiici ah sida: Abaaro, fatahaado iyo wixii la mid ah sida, xaaladda maanta taaagan oo kale. Sidaa Darteed, bixinta canshuurta waa waajib qaran oo saaran qof kasta oo Soomaali ah oo ay ku waajibto canshuur, waayoo waa wax isaga lagu daryeelayo si dadban sida: Nabadgelyada, caafimadkiisa, iyo waxbarashadiisa iyo In

ubadkiisa. Canshuurta waa tan lagu samata bixinayo bulshada xilliyada dhibaatadu jirto sabab kasta ha ku timaadee, gargaarka caalamku isu fuliyo waa canshuur dadkooda bixiyeen oo dadkooda ugu tala galeen markii dhibaato ku timaado.

Bulshooyinka wadamada horumaray canshuur bixinta waa waajib muqadis ah qofkii ay ku waajibtay inuu bixiyo, wuxuuna qofkii bixin waaya canshuurta wuxuu luminayaa xuquuqdii muwaadinnimo

iyo waliba in loo aqoonsado qaa’inul waddan. Sidaa darteed, waxay canshuurta u bixiyaan inaysan shaki gelin ama lumin xuquuqdiisa muwaadinnimo, iyaga ayaana gacantooda ku geeya xafiiska canshuuraha dowladda. Haddaba, haddaan Soomaali nahay sidee u fahamsan nahay canshuurta?. Jawaabtu waxay tahay in canshuurta tahay xoola baad ah ee laga qaadayo, wuxuuna dhinaca kale bixiyaa laaluush ka badan intii canshuur ahaan uu u bixin lahaa, taasoo ah arrin doqonimo ah inaan canshuur diido laaluush ka badanna bixiyo. Waxaa habboon, haddaan Soomaali nahay inaan dhaqanka canshuur diidista iyo laaluush bixinta ka gudubno

kuna dayanno bulshooyinka waddamada horumaray ee fahmay waxtarka canshuurtu u leeyihiin horumarka dalka iyo daryeelka Bulshada, waase ceeb in maalin kasta caalamka u gacan hoorsanno si ay noo gargaaraan, waxa ay kuugu gargaarayaanna ay tahay waxay dadkooda ka qaadeen. Dhinaca kale, qofka muwaadinka ah xaq ayuu u leeyahay inuu ku xisaabtamo halka lagu bixinayo canshuurta laga qaaday, balse ma aha in uu canshuur diido sila markaana laaluush ka badan bixiyo. Canshuur bixinta waa waajib Qaran oo saaran qofkii ay ku waajib tahay inuu bixiyo canshuurta, taasoo faa’iido weyn u leh bulshada iyo bilicda Dalka oo dhan.

aan kala aqoon sida dadkiisa u kala qiimo badan yihiin. Sidaa darteed, xalka looga gudbi karo ku dhaqanka qabyaaladda, waa in la horumariyaa garaadka iyo aqoonta bulshada, taasoo muddo dheer qaadan karta,

una baahan dhaqaale badan ee wax lagu baro dadka reer guuraaga, lagana dhigo dad deggan oo reer magaal ah, maskaxdooduna laga mayray fikirkii qabiilka Iyo qabyaaladda, oo wadatay jahliga iyo ilbaxnimo la’aanta

Aragtida Ku Dhaqanka Qabyaaladda Ee Soomaaliya

Taariikhda dhaqanka Soomaaliyeed, haddii dib loo fiiriyo, waxay ka soo jeeddaa reer guuraaga, kuwaasoo had iyo jeer isku dagaala xilliga jiilaalka biyaha, xilliga reyskana isku dagaala daaqa. Dhaqankani, wuxuu asaas adag u dhigay in qaab qabiil la isugu bahaysto sidii qolo walba iyadu uga talin lahayd biyaha iyo daaqa. Maadaama dhaqankeennu noqday mid soo jireen ah, wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha iyo horumarka bulshada, xitaa wuxuu ka xoog batay Diintii Islaamka, oo wuxuu noqday mid qofka lagu xurmeeyo ama lagu soo dhaweeyo. Dhinaca kale, dhaqankeenna wuxuu noqday mid lagu duudsiinayo xaqa

qofka kale ee aan kugu qabiilka ahayn, taasina waa mid ka soo horjeedda xaqdhowrka Aadamnimo, gaar ahaan, tusaale ahaan beelaha laga tiro badan yahay ama laga xaqroon yahay markaasi. Sidoo kale, ku dhaqanka qabyaaladda, wuxuu hor istaagay is dhaxgalkii bulshada, wada noolaanshihii in qofka lagu qiimeeyo, qofnimadiisa, aqoontiisa iyo kartidiisa, wuxuuna ka dhigay qofka mid ku tiirsan qabiil, waxayna Soomaalida ka tilmaameen maahmaayo tiro badan oo ay ka mid tahay, “Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama Gacalkaa hakuu hayo”. Ku dhaqanka qabyaaladda Soomaaliya, wuxuu raad ku yeeshay siyaasadda iyo

maamulka dalka, wuxuu noqday mid lagu saleeyo qabiil, kuraasta iyo jagooyinka dowladda, taasi ayaa maanta keentay 40 sano kadib, in dalkii yeesho baarlamaan lagu saleeyay qabiil, uuna soo xulay haddana madax dhaqameed oo

ISLAAMKA IYO SHAQADA HAWEENKA

OGEYSIIS MUHIIM AH

OGAYSIIS Diinta islaamku waxay fareysaa qof kasta lab iyo dhiddigba in uu shaqeysto, si uu u helo quud xalaal ah oo uu ku noolaado, kagana maarmo in uu qof kale tuugsado ama wax weydiisto, isagoo awood u leh inuu shaqaysto xag caafimaad iyo xag kaleba. Qofka Muslimka ha ahaado lab ama dhiddig wax uu quuto waxaa ugu kheyrroon wixii gacantiisa uu ku shaqeysto ama uu ku tabcado. Sidaa darteed, waxaad halkaan ka fahmeysaa in shaqada u kala soconeyso rag iyo haween, mar haddii shaqadu tahay saldhiga nolosha. Haddaba, diinta islaamku waxay haweenka u jideysay hab iyo qaab ay u gutaan shaqadooda, iyagoo isla markaa dhowraya anshaxa suuban ee islaamka , waxaana diiinta mar walba ka digeysaa in shaqada haweenka noqoto mid ay ka dhashaan fasahaad iyo fisqi, walow ragga gudahooda diinta u oggoleyn wixii fasahaadinaya diintiisa iyo anshaxiisa, waxaase si aad ah culeys loo saarayaa

haweenka, gaar ahaan gabdhaha da’da yar ee aan weli la guursan, ama kuwa dhalaya, oo ah mar la nuugayo iyo mar ay uur leedahay. -Diinta Islaamku, waxay mar walba ilaalinaysaa in haweenka shaqada ay qabanayaan keenin fasahaad iyo fisqi, gaar ahaan gabdhaha shaqooyinka ragga iyo haweenu isla shaqeeyaan iyagoo isku dhex jiraa. Diinta islaamku, waxay aad u baneyneysaa in laa inta la awoodi karo haweenka ka soocnaadaan, ragga gaar ahaan gabdhaha da’da yar, si laysaga ilaaliyo fidno iyo fasahaad. Dhinaca kale, waxaaba la heli karaa shaqooyin iyo xirfado aad ugu habboon haweenka, kana fudud tan raggu qabto, oo ay ka xoogsan karaan sida:-ganacsiga yar yar -caafimaadka -xannaanada iyo barbaarinta caruurta iyo -xirfadaha gacanta oo haweenku dhaqan ahaan u leeyihiin, kana heli

karaan dhaqaale oo wax tara iyaga iyo reerkoodaba. Sidoo kale, diinta islaamku ma reebeyso in haweenku ka qeyb qaataan howlaha kale ee bulshada loogu adeegayo, haddii aysan keeneyn inuu dayacmo waajibkii guriga ee xannaanada caruurta iyo dhaqanka ninkeeda iyo iyada ka dhaxeeya ee sharciga islaamka jideeyay, waxaana lagama maarmaan ah in la iswaafajiyo shaqada iyo xaquuqda asaasiga ee haweeneyda lagu leeyahay sharci ahaan, gaar ahaan caruurteeda iyo ninkeeda. Guntii iyo gabagabadii, waxaan haweenka soomaaliyeed u soo jeedineynaa in ayan ka tallaabin xadka sharciga islaamku u oggol yahay, oo ayan ku dhicin fasahaad, taasoo u keeni karto khasaare adduun iyo aakhiro iyo weliba carro alle oo ku dhacda, waxayna kaga badbaadi karaan oo keliya in ay diintooda bartaan, isna baraan, si ay u ogaadaan xaqooda iyo xaqa lagu leeyahay guud ahaan, gaar ahaan kan qoyskeeda siiba kan carruurta iyo ninkeeda.

H

II FAAFIN

E H D

Maamulka Wargeyska Dalka ee Qaranka Soomaaliyeed {Somali National News Pepar SONNP) Wuxuu dhammaan Hay’adaha Dowladda ku wargelinayaa inuu dib u howlgalay Wargeyskii Dalka, soona bixi doono Toddobaad kasta maalinta ISNIINTA ah hadduu Alle weyne Swt idmo. Sidaa darteed, wuxuu maamulka wargeysku Hay’adaha Dowladda u ballan qaadayaa inuu ku soo bandhigo Qorshahooda Waxqabad ee Sannadka 2018ka, iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin in loo faafiyo. Faafintiina iyo ogeysiisyadiina waxaad ku keeni kartiin qoraal ahaan Xarunta Wargeyska Dalka ama waxaad ku soo diri kartaan Email: info@dalka.gov.so

Bogga 7 aad  
Bogga 7 aad  
Advertisement