Page 1

WARGEYSKA DALKA

DHALLINYARADA & CAYAARAHA

Dhallinyarada & Dhibaatooyinka Tahriibka

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya isla markaana dagaallo sokeeye ka billowdeen soomaaliya, waxaa dhallinyarada soo food saartay dhibaatooyin isugu jira amni la,aan, shaqo la’aan iyo waxbarasho la,aan, taasoo ku qasabtay inay dalkooda ka hayaamaan. Haddaba arrimaha tahriibka dhallinyaradu waxuu sababay in dhallinyaro badan naftooda ku waayaan khatar intii aysan gaarin meelihii ay ku socdeen. Qaar kale, markii ay gaaraan meelihii ay doonayeen waxay la kulmaan dhibaatooyin ka daran tii ay ka soo carareen sida harraad, gaajo iyo xarig intaba. Tahriibka dhaliinyarada markii hore, wuxuu ka bilowday dhinaca Badda Cadan iyo Soomaaliya, iyadoo lagu dhoofayo doomo ka baxa dekedda Boosaaso, halkaasoo ay ka abuurmeen kooxo wax tahriibiya oo soomaali iyo yemeniyiin isugu jira. Halkaa waxaa ku halaagmay dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdho isugu jira dhallinyaradaas oo ku socday dalka sacuudiga, intii nolol ku gaarta yaman, waxay mar kale dhibaato kala kulmaan dhulka xudduudka yemen iyo sacuudiga u dhaxeeya, halkaasoo iyana saldhig ka sameysteen kooxo burcad ah oo dhallinyarada u geysata falal dhac, jirdil iyo kufsi isugu jira. Dhallinyaradani, markii ay ka gudbaan caqabadaha xadduudka yemen iyo sacuudiga, oo ay tagaan sacuudiga waxay la kulmaan dhibaatooyin hor leh oo ah in aysan heleyn markiiba shaqo, inta ay raadinayaan shaqo waxay la kulmayaan dhibaato ah in la qabto oo la soo tarxiilo maadaama uusan sharci lahayn, waxaana dhacda in dhallinyaro badan la soo tarxiilo iyagoo hal maalin shaqeyn, oo aan la qiyaasi Karin dhibaatooyinkii ay kala soo kulmaan markii ay usoo tahriibayeen dalka sacuudiga, qaar kalena, waxay la kulmaan xabsi iyo jirdil inta aan la soo tarxiilin oo ay ku jiraan xabsiyada sacuudiga. Dhinaca kale,waxaa furmay waddo kale ee tahriib oo ah badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxeysa, halkaaso ay ka abuurantay kooxo wax tahriibiya oo isugu jira liibiyiin iyo soomaali, waddo ka dhibaato badan waddadii yemen iyo sacuudiga, waxaa naftooda ku waayay boqolaal iyo in ka badan oo dhallinyaro soomaaliyeed oo doomo macmal ah kula qalibantay ama kaga cilladowday badda dhexdeeda. Dhallinyaradaani inta aysan gaarin dalka liibiya waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin kala kulmaan dhulka saxaraha ah ee u dhaxeeya suudaan iyo liibiya, taasoo isugu jirta, harraad iyo gaajo iyo jirdil kooxo burcad ah oo bartilmaameysta dhallinyarada tahriibka u socda waxayna weydiistaan lacag madax furasho ah. tahriibka waddan ilaa ka waddan oo aad u dhibbadan weli wey socdaan, iyadoo xabsiyada dalka liibiya ku jiraan weli dhallinyaro soomaaliyeed oo u socda inay badda ka gudbaan iyo kuwo laga soo qabtay xeebaha iyagoo tahriibaya. Waxaa kaloo jira, waddo saddexaad oo dhallinyaro badan u tahriibaan oo ah waddamada Kiiniya ilaa S/ Afrika, iyadoo lasii maraayo waddo dheer lagana gudbaayo xudduudaha dalalka udhaxeeyo Kiiniya iyo S/afrika, waxaana ku gacansiiya kooxo wax tahriibiyo oo ka jiro waddamada bariga afrika oo sal dhiggoodu weyni yahay Kiiniya isuguna jiro

Soomaali iyo afrikaan kale. dhallinyaradan wixii dhib ah oo ay la kulmaanba markii ay garaan S/afrika, waxey ka shaqeystaan ganacsi yar yar balsa dhibaatada ugu weyn ee haysato waa dilka iyo dhaca joogtada ah oo ay ku hayaan dadka u dhashay S/afrikaanka dhallinyaradan sababaha loo dhibaateynayo, waxaa ka mid ah:habka tafaariiqda ee ay wax ku gadaan oo aan laga aqoon dalkaasi taasaana ka careysiisay ganacsatada waddankaasi oo isugu jira caddaan iyo hindi oo iyagu ganacsiga iyo warshadaha dalkasi gacanta ugu jiro, waayo qofka S/afrika wuxuu ku qasbanaa marka uu doonaayo hal qaado inuu darsin iibsado oo ah 12 xabbo , halka dhallinyarada soomaalidu ka iibiso qofkasto inta uu doonaayo walow halba ha ahaatee. dhibaatoooyinka tahriibka dhallinyarada waxaa ugu weyn marka laga soo tago amni xumida dalka ka jirto shaqo la,aanta waxaana jirin fursado badan oo shaqo oo dhallinyaradu ka faa,iideysan karaan ,iyadoo fursado shaqo ee dalka laga heli karo oo kooban ka faa,iideysta dad ajnabi ah oo dibadda laga keenay, siiba hay,adaha gaarka loo leeyahay sida hotellada hay,adaha qarammada midoobay iyo amison. tanina waxay sii saacideysaa dhaqaalo la,aanta dhallinyarada hay,adaha dowladda ayaa noqon kara meesha ugu weyn ee dhallinyaradu shaqo ka heli karaan , balse dhaqaale xumida heysata ma saamaxeyso in dhallinyaro badani shaqo helaan. mar haddii dadka soomaalida canshuurta ku waajibtay aysan bixin, waayo canshuurtu waa naftaada ka qaad , waa naftaada uqaad , deeqaha caalamku nasiiyo waa daqliga canshuurta dadkiisa. Annagu haddii aan soomaali nahay mannaqaanno xukumadda canshuurta loo bixinaayo, waxaan ka jecel nahay inaan laaluush siino saraakiisha iyo shaqaalaha canshuuraha qaado, tasoo ah daqli qof jeybkiisa ku dhaceysa balse aan saacideyn horumarka dalka iyo dadka dhinaca kale, ma jiraan hay,ado dhallinyarada ka saacida sidii loo bari lahaa xirfado gacmeed usaamixi karo in ay dalkooda ka shaqeystaan, si loo joojiyo tahriibka dhallinyarada in la abuuro hay,ado ama macaahid dhallinyarada u tababara xirfadle ama xirfadyaqaan, waayo shaqooyinku waxey ubaahan yihiin xirfad aqoon. arrintani waxey kaalin weyn ka qaadaneysaa sidii loo heli lahaa dhallinyaro xirfad shaqo leh, oo shaqo markiiba ka heli kara hay,adaha gaarka loo leeyahay iyo dowladdaba. Sidoo kale, waalidiinta iyo qaraabada dhallinyarada tahriibka aadeysa lacagaha faraha badan ee loogu tala galay in lagu tahriibiyo waa in loogu abuuraa ganacsiyo yar yar oo eey ku maareyn karaan nolashooda, weyba ka sii fiican tahay haddii afar afar iyo shan shan isugu biiriyaan lacagaha ay ku tahriibi lahaayeen. Arrinta joojinta tahriibka dhallinyarada, waxey kaloo ubaahan tahay in wacyi-gelin ballaaran laga sameeyo, uuna hormuud ka noqdo saxaafadda ama meediyaha, kana qeybqaataan dhammaan ganacsatada, wax garadka iyo aqoonyahannada iyo cidkasta oo la kulanta dhallinyaro dooneysa in ay tahriibto. W/Q: Dr. Maxamed Isaaq Mursal

Isniin 12 February 2018 11

Muhiimmadda ay Xorriyaddu u leedahay ka Gungaarista Nolosha

Maanta oo kale sanadkii 2017-kii oo haatan laga joogo muddo sannad ah, Soomaaliya waxay ku sugneyd xaalad ka duwan sidii hore ay ahayd, maxaa yeelay dalka wuxuu yeeshay dowlad cusub oo ka duwan dowladihii hore, waxaa iftiimay waa cusub oo beddelay waayihii hore, waxaana soo muuqday wejiyo cusub oo ay dadku u hamuun qabeen, waxaana abuurmay kalsoonidii shacabka ee dowlad jaceylka, waxaa soo xirmay albaabadii shirqoollada iyo dibandaabyada waddanka ka jiray ee ku wajahnayd jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed. Ilaahey Amarkiis waxay Soomaaliya maanta noqotay Soomaalida cusub, waxayna xaqiijisay guulo iyo horumar la taabn karo, waxaana arrintan suurta geliyay Dowladda Fedraalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmajo, waxayna Caalamka ka kasbatay aqonsi iyo ixtiraam. Dowladda Federaalka Soomaaliya, way xuub siibatay, waxay iska ilowday wixii dib u dhaca ahaa ee hore loo soo maray, iyadoo taa sababtay in indhaha caalamka ay iminka u soo jeestaan dhanka Soomaaliya. Maanta waxaad arkaysaa in Soomalidu si xur ah ay ugu adeegtaan magaalada Muqdisho, ayna si aan baqdin ku jirin u maraan faras magaalaha iyo wadooyinka kale ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana waxay kaalin mug leh ka qaataan qeybaha kala duwan ee maalgelinta dalka, taasina waxaa mahadeeda iska leh Xukuumadda Soomaaliya oo iminka muddo sannad ah

jirsatay. Haddii aanu dib u milicsano wixii aanu soo marnay muddadii burburka ee meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee uu hoggaaminayay Jaalle Siyaad, waxay noo soo muuqanqaya inaan dhibaatooyinkaasi haatan ka soo kabanayno si talaabo talaabo ah dagaalladii sokeeye ee ku saleysnaa qabiilka, iminka loo gudbayo nolol cusub iyo hoggaamin toosan oo ay hoggaanka u hayso Xukuumaddan cusub ee ku timid rabitaanka shacabka Soomaaliya. Waa inan mar kasta maanka iyo maskaxda ku haynaa wixii dib u dhac iyo dagaallo sokeeye ahaa ee aanu soo marnay ku dhawaad hal qarni, taasoo noo hoorseeday inaan ka dib dhacno horumarka uu maanta higsaday caalamka. Waxaa noo bilwday waa cusub iyo mustaqbal ifaya,waxaana na saaran mas’uuliyad baaxad wayn haddii aanu nahay bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, waa inaan ka gudubnaa wax kasta oo Waddanka khal-khal gelinaya sida qaraxyada iyo arrimaha kale ee ku lug leh xumaanta oo dib u dhac u keenaya shacabkeena qaaliga ah. Waxaa kaloo waajib inagu ah haddii aanu nahay jiilka cusub ee waddanka inaan si wada jir ah uga hortagno arrimaha dalka u horseedaya burburka, Gaajada, haraadka iyo cabsida isla markaana ku kalsoonaanno nafteena, kana hortagnaa waxyaabaha u horseedaya inay Ubadka soo koraya ee mustaqbalka dalkaan ku kalifaya inay Dalkooda hooyo ka haajiraan, una haajiraan dalal shisheeye, si ay u helaan nolol ka

wanaagsan midda ay ku sugan yihiin. Waa arrin aad u fool xun dilka nafta aan waxba galabsan oo malin walba ka dhaceysa dalkeena sida dabargooynta Takhaatiirta, Ijnineerrada, Indheergaradka iyo guud ahaan wax yaqaanka Soomaaliyeed oo ah indhogaradka bulshada, oo lagu dilay qeybo badan oo kamid ah dalka, arrintaana waxay ahayd wax aan lala yaabin oo caadi ka ahaa Dalka oo dhan, Waxaa nala habboon inan ku shukrino Nicmadda ilaah nagu maneystay sida ilaah uu Qur’aankiisa kariimka ah ku xusay “haddii aad igu shukrisaan, waan idiin siyaadinayaa, haddii aad igu kufrisaan Cadaabkeygu waa mid daran” Dhanka kale, waa inan dib u xasuusannaa sida ay Soomaaliya aheyd Sagaashankii ka hor oo dibadda iyo gudahaba sumcad iyo magac weyn ku laheyd Ummadda Soomaaliya. Sidoo kale, bilowagii sannadkii 2017-kii waxay baarlamaanka Soomaaliya doorateen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya isagoo ku guuleystay in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda haysata kalsoonida shacbiga Soomaliyeed, taasoo dooratay ama qaadatay nidaamka daahfurnaanta iyo la dagaallanka musuqmaasuqa nooc kasta, wallow Xukuumaddan ay la kulantay dhibaatooyin badan , balse ay ku guuleysatay inay ka gudubto. Inkastoo shacabiga Soomaaliyeed

looga baahan yahay in ay gacan ku siyaan Xukuumadda dadaalka ay ugu jirto sidii loogu gudbi lahaa dib u dhaca ku habsaday jiritaanka dowladnimo loona abuuri lahaa horumar ay mahadiyaan Soomaalida, iyo sidii kaabayaasha dhaqaalaha dalka dib loogu howlgelin lahaa, isla markaana looga manaafacaadsan lahaa kheyraadka dalka Soomaalia ee ceegaagan Bad iyo berriba. Nidaamka Federaalka uu dalku qaatay siida ay dadka qaarkii aaminsan yihiin ma ah mid caqabad u keenaya dalka, laakin waan nidaam iskaashi oo si deg deg ah loogu dhisayo dalka isla maarkana kalsooni iyo wada shaqeyn ku abuuraya maamulka dhexe ee dalka iyo kuwa Gobollada isla markaana la isku dhaafsanayo aragtida iyo Fikirka saliimka ah ee horumar taam ah dalka lagu gaarsiin lahaa. Gabgabadii waxaa rajeynayaa arrinta Soomaaliya inan ka eegno wajiga wanaagsan waayo Soomaaliya waa dad walaalo ah oo luqad, Madab iyo dhaqan keliya wadaaga,waana inan ku mahadinaa Rabigeyna, waxaa aad ugu kalsoonahay inuu eebe quluubteyna mideyn doono oo nagu jiheyn doono danaheyna guud si aanu u higsano horumar isla markaana la saanqaadno wadamada dhigeyna ah ee ku taallaabsan horumar iyo barare. W/Q: Ifraax Maxamed Sheekh

Bogga 11 aad  
Bogga 11 aad  
Advertisement