Page 1

DHAQAALAHA & GANACSIGA

WARGEYSKA DALKA

Hawlaha furdada iyo dekadda maxay ku kala duwan yihiin?

Furdada ama Kastanku, wuxuu ku dhex yaallaa Dekedda dhaxdeeda, wuxuuna ka tirsan yahay Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna xil ka saran yahay qaadista iyo xareynta Lacagaha Canshuuraha ee laga qaado Badeecadaha Dalka soo gala ama kuwa ka dhoofa Dalka. Sidoo kale, waxay ilaalisaa waxyaabaha aan la oggoleyn in Dalka la soo geliyo ama laga dhoofiyo dalka. Dekedda, waxaa dhex deggan saddex hay’adood,

oo mid waliba muhiim ah oo shaqadoodu isku xiran tahay, kuwaasoo kala ah:1- Wakaaladda Dekedda 2- Kastamka ama Furdada 3- Saldhigga Booliska ee Ilaalinta Canshuuraha. -Saddexdaan hay’adood mid walba shaqo u gaar ah ayey qabataa. Shaqada Kastamku, waa Dakhli uruurin iyo xareyntiisa, kaasoo ka yimaada Canshuuraha laga qaado badeecadaha soo dega iyo

kuwa ka dhoofaya. -Ciidanka Booliska ee ilaalinta canshuuraha waxay joogsadaan albaabka hore ee Dekedda laga soo galo, waxayna koontoroollaan Boonooyinka Badeecadaha ee ka soo baxay Kastamka iyo Badeecadda baxeysaa, waxayna isku eegaan Boonada Canshuurta iyo Badeecadda inay isleeyihiin. Haddii ay islahaan waayaan, dib ayaa xafiiska Kastamka canshuuraha loogu soo celiyaa, haddii ay islahaadaanna waa la sii daayaa Badeecadda. Maamulka Dekaddu, wuxuu ku shaqo leeyahay inuu Kastamka ka gacansiiyo tirada dhabta ah ee baadeecadaha degaya iyo kuwa dhoofaya, iyadoo shaqaalaha Kastamku hubinayo Badeecadda iyo Bulleetada inay isleeyihiin. Waxaa kaloo jira, kooxo ka kala socota, Wasaaradaha: Caafimaadka, Xoolaha iyo Beeraha, kuwaasoo baara tayada iyo caafimaadka waxa soo degaya iyo waxa dhoofaya

Kalluumaysiga Geeska Afrika

Inta aan guda gelin kalluumeysiga geeska Afrika, bal marka hore aan qeexno dhulka laga kalluumeysan karo. Dhulka kalluumeysigu waa goobaha kalluunku ku badan yahay, oo laga jillaabto inta badan. Dhulka kalluumeysigu wuxuuu u

qeybsanaa labo nooc: 1. Dhulka kalluumeysiga ee dhulka ama berriga. 2. Dhulka kalluumeysiga ee badda iyo badweynta. Geeska Afrika dhulalka laga kalluumeysto waa: - Hogooyinka.

- Webiyada. - Badda cas - Badweynta Hindiya. Wadamada geeska afrika dhammaantood, waxay leeyihiin dhul xeebeed laga kalluumeysto marka laga reebo itoobiya. Dhulalka ama goobaha kalluumeysiga Soomaaliya, wuxuu xooggiisa ku taadsan yahay magaalooyinka xeebaha ku yaallo sida: - Berbera - Bullp xoor - Bosaaso - Kismayo - Muqdisho - Baraawe Dhinaca webiyada kalluun aan badneyn ayaa laga jillaabtaa webiyada jubba iyo shabelle.

Taariikhda Geed Miroodka Muuska ee Soomaamaaliya

RAADIYO MUQDISHO

Haddaba markii ay buburtay Dowladdii Milleteriga, waxaa baaba’ay Wakaaladdii Muuska iyo adeegyadii loo fidin jiray beeraleyda Muuska. Inkastoo weli ay jiraan Beero Muus haddana ma aha kuwo soo saari karo Muus maraakiib lagu qaadi karo. Muuska dalkeena ka baxa ayaa waxaa loo iib geeyaa gobollada dalka, iyo suuqyada kala duwan ee Muqdisho oo lagu iibiyo, ganacsigaa ayay uga faa’iidaan beeralayda Muuska.

Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Talyaaniga ayaa ah suuqa ugu weyn ee muuska loo dhoofiyo inkastoo mar dambe ay ku soo biireen wadamada Sacuudiga iyo kuweyt oo inta Talyaaniga ka soo hartay qaadan jiray. Maamulkii Milleterugu 1970-kii wuxuu qarameeyay beerihii Muuska ee Talyaanigu lahaa, waxaana uu sameeyey Wakaalada Muuska Qaranka, waxaana si aad ah loo horumariyay wax soo saarkii Muuska, waxayna sameysay beero tijaabo ah oo lagu horumarinaayo aqoonta beerista Muuska.

Sahan ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in Idaacadda Raadiyo Muqdisho ay tahay tan loogu dhageysiga badan yahay idaacadaha magaalada Muqdisho. Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad na siiseen. Raadiyo Muqdisho… Ka dhageyso 90.00MHz saacadaha 6da aroornimo illaa 12ka saq dhexe.

Muuska waxa uu ahaa dalkeenu sheyga labaad ee soo raaca xoolaha nool ee aynu dibadda u dhaafinno. Berista Muuska dalkeenna, waxaa laga billaabay 1930-kii, kaddib markii uu qiima jabay cudbiga Caalamka. Muuska waxaa si xoog leh looga beeri jiray gobollada, Jubbada Hoose iyo Sh/ Hoose, waxaana billaabay shirkaddo talyaani ah, iyadoo markii dambe ayku soo biireen ganacsato S o o m a a l i y e e d . Wa d a n k a

Wadamada kale ee geeska afrika haddii aan soo qaadano dalka Suudaan, waxaa laga kalluumeystaa xeebaha badda cas, wabiga niil iyo togagga ku dara webigan. Dalalka Eretria iyo jabbuuti, waxaa laga kallumeystaa xeebta badda cas. Dalka Itoobiya malaha xeeb laakiin, waxaa laga kalluumeystaa toga iyo laamaha ku dara webiga biil. Nuuca kalluunka ee geeska afrika, waxaa ka mid ah: - Libaax badeed - Tonno - Sail fish - Aargoosato Kuwaasoo laga jillaabto badda, dhinaca berriyada waa - Jalapa - Nile perch - Mud fish - Tung fish

Isniin 12 February 2018 10

Maxaad ka taqaan Qorraxda & Saameynteeda Dunnida? Qorraxdu, waxay ka mid tahay Toddobada falag ama maareeye wareegga oo ay ka mid yihiin:1- Zuxla 2- Mushtari 3- Zahro 4- Mariikh 5- Cadhoorid 6- Qamar ama Dayaxa Toddobada, falag ama maareeye midba, wuxuu ku yaalla Samo ka mid ah Toddobada Samo waxayna isugu xigaan marka laga soo tiriyo Sammada sare ilaa iyo Sammada Dunnida waana sidaan:1- Zuxla----------- -Samada Toddobaad 2- Mushtari------- Samada Lixaad 3- Mariikh---------Samada Shanaad 4- Shamso---------Samada Afaraad 5- Sahro------------Samada Saddexaad 6- Cadhoorid -----Samada Labaad 7- Qamar --------- Samada Kowaad oo loo yaqaan Samada Dunnida. Qorraxda wareegga socodkeedu, waxay ku dhawaaneysaa 365 Beri iyo maalin rubaceed oo ah Lix Saac. Qorraxdu, waxay leedahay 360 dariiq, Qorrax soo bax Sannadkii, taasoo ka dhalata isbeddelka habeen iyo dharaar ee isku ah Afar iyo Labaatan (24) Saac. Qoarraxda, waxay kaloo sababtaa isbeddelka Afarta xilli ee kala ah:A) Gu’ga ------21ka maarso ----- 20ka June B) Xagaa------ 21ka June ------ 22ka Sep C) Dayer ----- 23ka Sep--------- -21ka Dis D) Jiilaal-------22ka Dis------------ 20ka Maarso Qorraxdu, waxay kul iyo diirimaad siisaa noolaha iyo dhirta intaba, annagana iyadaa si toos ah iyo si dadban diirimaad uga helnaa,waxayna daawo u tahay cudurro badan, oo riixa ama romatiisimka ka mid yahay. Socodka Qorraxda waxaa si toos ah ugu xiran Salaadaha shanta ah ee maalin kasta la tukado kuwaasoo la kala tukado dharaar iyo habeen, sidoo kale waxay socodka qorraxdu saameyn ku leedahay Soonka dharaartii la Soomo habeenkiina la Afuro. Haddaba, maadaama qorraxdu dariiqeedu yahay ku aadka dhul baraha iyo labada xariiq ee kor iyo hoos kala mara. Dhulbaraha, waxaa jirta inaan si fiican looga arkin Qorraxda labada cirif ee dhulka. sidaa darted, waxaa habboon in ay la socdaan waqtiga iyo saacadda daloolka ku yaalla dhulbaraha iyo hareerihiisa markay Salaadda tukanayaan ama ay soo mayaan waxaa jirta in dalal ka tirsan Yurub oo aan qorrax laga arkin oo ay isku saacad yihiin oo uu maro qadka dhigaha (Longitudine) Aqal Adduun (Globale Terreste) sida dalalka:1- Iceland 2- Ireland 3- Uk 4- Portugal 5- Gaana 6- Liberia 7- Maroko 8- Senigal iyo 9- Sierra lione Haddaba, waxaa habboon Dalalka ku yaalla Yurub muslimiinta ku nool inay la socdaan waqtiga qorrax baxa iyo qorrax dhaca ee Dalalka Afrika ku yaal, oo iyagu si toos ah u arkaya qorraxda xilliga Salaadaha iyo Soonka, oo ayan cudurdaar ka dhigan annagu Qorrax ma aragno, balse uu la socdo Dalka Afrika ama Aasiya ee ay isku Saacadda yihiin. Mas’alada dharaar iyo habeen waa mas’alo Joqoraafi, waxaana ka Jawaabi kara aqoon yahan Joqoraafi. Sidaa darteed, Dadka muslimiinta ah ee ku nool Dhulalka ka fog Dhul-baraha, waxay arrintan oo kale weydiinayaan Aadka aqoonta u leh Cilmiga Joqorafiga ee ma aha in la weydiiyo Culimada Diinta. Waayo,Cculimada fiqiga marka la weydiyo shey inuu xaaraan yahay iyo inuu xalaal yahay, waxay marka hore u bandhigaan Culimada Caafimaadka, hadduu sheygu waxyeello Caafimaad leeyahay iyagoo raacaya qaaciddada ah “Wixii waxyeello Caafimaad leh waa Xaaraan” isticmaalkiisa iyo ka ganacsigiisa sida, khamriga, oo si cad ugu soo arooray Kitaabka qur’aanka. Culimada fiqigu, waxay mararka qaar xukumintoodu iyo fulinta xukunkooda la kaashadaan Culimada Caafimaadka. Tusaale, haddii qof tuug ah lagu xukumo in gacanta laga gooyo, sida sharciga qabo oo takhtar caddeeyo in uu Sonkor qabo, haddii lagu fuliyo xukunka gacan-goynta uu dhimanayo, markaasi waxaa qasab ah in la joojiyo fulinta xukunka. Sidaa darteed, Culimada fiqigu, iyo takhaatiirta aad ayeey isu kaabaan, isuguna xiran yihiin, waxaa jirta kiisaska qaarkood caddeyntooda u baahan yihiin caddeynta dhakhaatiirta, sida dhaawaca, kufsiga Haweenka.

Bogga 10 aad  
Bogga 10 aad  
Advertisement