Page 1

Messi: Xulka Argentina wuxuu gaarayaa guul

Lacagaha laga soo xawilo Mareykanka oo xannibaad lagu soo rogay

Xiddigga kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa waxaa uu rumaysan yahay in dalkiisu uu gaarsiin doono hanashada koobka adduunka 2014.

Go’aan ay qaateen baananka Maraykanka oo ay ku xirayaan khasnadaha shirkadaha xawaaladaha ee gobolka Minnesota ayaa khatar gelinaysaa daryeelka boqollaal kun oo Soomaali ah oo gargaar dhaqaale ka hela qurba-joogta Soomaaliyeed. Bogga 3AAD

Bogga 20AAD

WARGEYSKAAN WAA LACAG LA’AAN

Tusmo • ARAGTI IYO AARAA 2 • WARARKA GEESKA AFRIKA 3-5 • WARBIXIN GAAR AH 10 iyo 11 • WARARKA DUNIDA 12 • GANACSIGA 13 iyo 14 • ARRIMAHA BULSHADA 15 - 18 • CAYAARAHA 19, 20

31 DEC 2011 - 13 JAN 2012

Ma ogtahay inuu kacaan isbeddel ah ku socdo xijaabka? Xijaabka oo markii hore ahaa wax aad la isugu adkeeyo loona qaato sidii lagu arkay, waxaa laga sameyn jiray dharka aadka u adag iyadoo la xulan jiray kuwa ugu muuqaalka qayiran ee aan midab ifaya ahayn. Laakiin waayahaan danbe waa uu sii khafifayaa. Ka akhriso Bogga 16AAD

Nuqulka 29aad

ka eeg gudaha

GOOGLE OO KU GUULAYSATAY INAY SAMAYSO GAARI AAN WADE LAHAYN Shirkadda Google ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay soo saarto gaari aan wade lahayn. BOGGA 9AAD

Tirada Baarlamaanka Soomaaliya oo la jaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in tirada xilliga xiga laga dhigo 225.

Kooxda WADDANI

T

irsiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dhigayaa 225 marka wakhtiga Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhammaado bisha August 2012ka. Tirsiga la reebayo waa in ka yar kala bar oo bar marka la eego

tirsiga mudanayaasha Baarlamaanka, waxaana go’aankaas lagu gaaray shirkii Qaramada Mibooday ee dhowaanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland. Shirka oo ay isku soo dubbarideen Qaramada midoobay ayaa waxaa looga wada arrinsanayey meel-marinta dastu-

rag rag dhalay!

urka dalka iyo sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomaaliya guud ahaan loogana bixi lahaa wadciga Ku-meelgaarka, loona gaari lahaa dawladnimo taam ah oo leh shuruucdeeda iyo hannaan dawladnimo oo madax-bannaan, markay joogto sugidda ammaanka, -KALA SOCO BOGGA 4AAD

azaaniya

Azaaniya oo qabatay kulan aan caadi aheyn Maxamuud Xikam

  Nin dhallinyaro ah oo geelley ah oo dabarka ku sida nirig ay dhashay hashiisii.

Kulan aan caadi ahayn oo ay ka soo qayb-galeen mas’uuliyiinta sar sare ee dawla-goboleedka Azaaniya ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi. Kulankan oo lagu soo dhowaynayey go’aankii ay gaareen Engineer Axmed Cismaan oo isagu sheegan jiray inuu yahay madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Jasiira iyo Qaasin Cali Weyd oo isna sheegan jiray inuu ahaa madaxweynaha Jubba raas oo intaba hoos yimaada maamul goboleedka Azaaniya oo uu madaxeyne ka yahay Dr Maxammed Cabdi Gaandhi ayaa ka tanaasulay sheegashadooda. Khudbad uu ku soo dhowaynayo labada masuul ayaa waxaa halkaa ka jeediyey Dr. Maxammad Cab di Gaandi, waxaana khudbaddii ditoorku halkaa ka jeediyey ka mid ahaa sida ay ugu ahmiyad ballaaran tahay bulshaweynta Azaaniya inay mideeyaan mawqifkooda siyaasadeed. Ditoorku wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta masuuliyiinta Gobolka. Ditoorka oo ka hadlaya geedi-socodka maamulka Azaaniya uu ugu jiro aslaaxinta ammaanka gobolka ayaa waxaa uu -KALA SOCO BOGGA 4AAD


2

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

QORAALKA TIFAFTIRAHA

ARAGTI & AARAA

Gabood-fallada ka dhacaya dalka iyo joojintooda

W

axaa in dhowaaleba socday dareen isa soo taraya oo lagu doonayo in lagu soo af-jaro gabood-fallada ka dhanka ah xuquuda aadanaha ee ay geysanayaan shakhsiyaad Soomaali ah. Waxaa dad badani is-weyddiinayaan side baa loo carrabaabi karaa dadka geysta gabood fallada. Bil xaqiiqa waxaa loo baahan yahay in marka hore la abaabulo ururrada bulshada rayidka ah, sharci-yaqaannada, maamullada kala duwan iyo hay’adaha ammaanka ee dawladda si loo soo saaro sharci loo midaysan yahay oo kala xeerinaya qodobbada qof ka dhigi kara dembiile dagaal. Su’aaasha lays weyddiinayo waxaa weeye yaa noqon kara dembiile dagaal marka la eego xeerka loo yaqaanno Rome Statute? Waxaa lagu macnaynayaa gabaadfal dagaal: Waa marka si ula kac ah loo laayo dad badan oo rayid ah iyadoo aan loo aabba-yeelin carruur iyo cirroole. Waa marka la geysto falal isugu jira: (a) Dil (b) Xasuuq (c) Addoonsi (d) Musaafuris (e) Xarig iyo in laga qaado xorriyaddooda aasaasiga ah taasoo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee xaqa qofka aadmiga ah. Way iska caddahay in gabood-falladani ay ka dhacayaan Soomaaliya, laakiin in la helo maxkamadaynta dadka geysta xadgudubyadaas ayaa waxaa marka hore looga baahan yahay in dawladda Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka saxiixay Rome Statute. Haddaba bal aynu is-weyddiinno yaa geysta gabood-falka? Gabood-fallada aalaaba waxaa geysta mujtamaca, laakiin waxaa huriya dadka madaxda ah oo bulshada ku boorriya inay dagaal ku qaadaan beelo kale iyadoo sidaana loo yeelayo in lagu gaaro dan qabiil. Haddaba si looga dheeraado in la siyaasadeeyo waxaa habboon in hawshaas ay gacanta ku qabtaan sharciyaqaannada iyo khubaro ka socota UN-ka. Markii sharciyadaas la helo ayaa waxaa la fiirinayaa kuwii horey ugu xadgudbay, iyo kuwa haatan ku xad-gudbaya, waxaana go’aan ka gaaraya khubaro ka socota Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ee Hague—waase marka dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto Maxkamaddaas. Taasina waxay fududaynaysaa hawsha Maxkamadda Adduunka ay ku maxkamadaynayso kuwa gabood-fallada ka gelaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Gaboodfalladaas iyo af-duubka iyo xannibaadaha loo geysto hay’adaha gargaarka ayaa waxay keeneen sannadkan 2011ka in dad badan ay macaluul ugu dhintaan Soomaaliya. Sababtaa aawadeed waa in beesha caalamku ay ku dadaasho sidii sharci dadka Soomaalida ah ay u wada dhan yihiin laga soo saaro qolyaha geysta gabood-fallada isugu jira dhabargoynta, dagaal-oogista, af-duubka baahsan, ka ganacsiga dhiigga dadka iyadoo welibana shakhsiyaadka dagaal oogayaasha ah ay carruutooda geystaan dibadaha. Waxa la dhowrayo waxaa weeye baaq ka imanaya dawladda si loogu biiro Rome Statute oo loo badbaadiyo nafo badan.

WADDANI 731411248

Email: waddani@wadanmedia.com Tel No. 020 2686910 ama +254

Shirkii Garoowe - Waa cusub oo u baryay dalka

D

ad badan ayaa fikirro kala duwan ka qaatay shirka wadatashiga ee dhowaanta lagu qabta magaalada Garoowe. Waxaa cambaareeyey qaar ka mid ah madaxda Baarlamaanka oo in dhowaaleba kala qayb-sanaa, waxaa kaloo ka soo horjeestay qaar ka mid ah ururrada siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ku sheegay inaan looga hadlin waxyaabo dan u ah dadka Soomaaliyeed. Runtuse waxay tahay sida xeeldheerayaasha Soomaalida ah ay ku midaysan yihiinba in shirkani marka laga reebo dad dana khaas ah leh uu ahaa mid faa’iido weyn ugu jirta dadka Soomaalida ah. Marka kowaad waxaa lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya, waxaana ammaanka shirka sugayey dad Soomaali ah—waa guul u soo hayatay dadka Soomaalida ah, waxaana iska cad cid waliba oo shirka ka soo horjeesatay inay dareemayaan dareenkii kol hore Sayid Maxammad laga qoray markii uu lahaa: “Haddaan lays Jikraarayn Tolkay laga jid Roonaa dheh.” Muhiimadda labaad ee shirka waxay ahayd in hore loo dhaqaajiyey geeddi socodka looga baxayo ku-meel gaarnimada iyadoo la tiigsanayo dawladnimo taam ah. Waxaa kaloo shirkaas lagu

falanqeeyey ama lagu kala dhigay hannaanka loo isticmaalayo magacaabista Golaha Shacabka ee dawladda iman doonta wixii ka dambeeya Augusto 20keeda, iyo tirsiga xubnaha Golaha Shacabka. Waxaa kaloo shirkaas u horreeyaa kuwa kale oo meelo kala duwan oo dalka ah lagu qaban doono—waxaanan is-leeyahay reer Puntiland oo imminka muujiyey mas’uulnimo looga dayan karo ayaa waxaa wanaagsan inay ku caawiyaan maamullada kale sidii ay ugu guulaysan lahaayeen qabashada shirarka muhiimka ah ee loogu jiro geeddi socodka looga baxayo ku-meelgaarka ee lagu gaarayo dawlad Taam ah. Waxaan is-leeyahay haatan way soo dhammaatay xilligii laga nixi jiray horumarka shakhsiyaadka Soomaalida ah ee la yimaada firfircoonaan iyo masuuliyad dheeraad ah, waxaana lagu jira xilli lagu farxo wax-qabadka wanaagsan ee beelaha Soomaaliweyn ku tiigsanayaan. Waa xilli ficilkii hoose ee nacaybka aan kororsiimada lahayn looga gudbayo is-jacayl walaalnimo, is-gargaar iyo xis-gaamur looga gudbayo hebadnimada beelo Soomaaliyeed isku dabar jaraan welwelka ah ‘maxaan berri cunaynaa’. Jahligii horene waxaa looga gudbi karaa daacadnimo ku tiirsan

Alla-ka-Cabsi Ilaah looga wakiilanayo mustaqbalka beesha, ka qoyska iyo kan Qaranka. Waxaa keliya oo kororsiima la’aanta looga bixi bixi karaa in la lahaado fikir dawladnimo, waa tii Sayid Maxammadba lahaa: “Maandhoow Ninkii Dawladaa kuu dagaallama e.” Yoolka aan ku soconno waa in la helo dawlad ka duwan tii lixdankii oo ku dhisnayd fikirro jilicsan iyo laab-lakac qof waliba ka fakarayo Qabiilkiisa. Dawladda la dhisayo, noqon mayso mid lagu kala tago, laakiin waa mid sii jiri doonta haatan iyo weligeed, waxaa laga dheeraynayaa fikir qabiil, cid waliba ee wanaag samaysana, waa loo markhaati kacayaa, ciddii xumaan geysatana meel baa looga soo wada jeesanayaa, dadkuna waa inay lahaadaa fikir la mid ah kii John F Kennedy markaasoo uu lahaa: “Is-weyddii waxa aad u qaban karto Qarankaaga, laakiin ha ku mashquulin waxa Qarankaagu kuu qaban karo.” (Ask what you can do for your Country, but don’t as what your Country can do for you.”

A Faarax (faraxke@yahoo.co.uk) Fikirka qoraagu waa u khaas, kamana turjumo fikirka WADDANI.

Waxaa si naxariis leh looga codsanayaa dhammaan dadka doonaya inay ka qayb-qaataan bogga ra’yiga dadweynaha inay inagala soo xiriiri karaan cinwaanka hoos ku qoran. Tafaftiraha Waddani wuxuu soo dhowaynayaa fikir kasta ee qofku kaga qayb-qaadanayo arrimaha siyaasadda, bulshada iyo arrimaha diinta iyo aw-qaabta. Email: waddani@wadanmedia.com Tel No. 020 2686910, www.wadanmedia.com


3

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

warar kooban

WARARKA GEESKA AFRIKA

MAMNUUCID

Haweenka BeleDweyne oo laga mamnuucay iibinta Qaadka Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ka mamnuucday haweenka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan inay iibiyaan Qaadka, iyagoo soo saaray tallaabo laga qaadayo haweeneydii Qaad iibisa. Amarka maleeshiyada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in haweenka aan loo oggolaan doonin iibinta iyo ka gancsiga Qaadka, iyagoo sheegay in ganaax lacageed oo dhan (Hal milyan oo shillinka Soomaaliga ah) iyo laba bilood oo xarig ah ay muteysan doonto haweeneydii la arko iyadoo ka ganacsaneysa Qaadka. Maleeshiyada al-Shabaab oo aan sheegin sababta amarkan ka dambeysay ayaa xusay in keliya ragga ay ka ganacsan karaan Qaadka, waana markii ugu horreysay oo ay haweenka Beledweyne ka joojiyaan iibinta Qaadka. Dhinaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa 20 dhallinyaro ah ku xirxiray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, iyagoo ku eedeeyay inay xilli dambe Qaad cunis u fadhiyeen. Dhallinyaradan ayaa laga soo kala qabtay dhowr goobood oo magaalada ka mid ah xilli dambe, waxaana dhammaantood loo taxaabay xabsiga. Mid ka mid ah dhallinyaradas ayaa sheegay inay ku dhaawaceen maleeshiyada gudaha xabsiga Jowhar mar uu isku dayay inuu ka baxsado. Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab oo ka hadashay xarigga dhallinyaradaasi iyo waxa lagu sameyn doono.

DIL

Gaari lagu rasaaseeyay Jowhar oo lagu dhintay Hal qof ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxo hubeysan ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen deegaanka Xaansho oo 2 km dhanka waqooyi kaga beeggan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca Hoomeyda ah oo ka soo tegay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday gobollada dhexe, iyadoo alaabihii iyo lacagihii ay wateen ka qaatay rakaabkii gaariga la socday. Dadkii ku dhaawacmay rasaastaas ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Jowhar. Lama oga cidda ka dambeysay dhacdadaan, iyadoo goobta uu falkaasi ka dhacay ay ka taliyaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

xannibaad lacageed

Lacagihii xawilaadaha Soomaaliya oo la xiray Go’aan qaateen baananka Mareyanka ayaa lagu joojiyay loo soo dirayay dadka tabaaleysan ee ku nool Soomaaliya. IRIN

A

rrinkanina wuxuu walaac weyn ku abuuray Soomaalidii dalka degganayd iyo qurba-joogta Soomaaliyeed labadaba waxaana dhakafaar iyo dhabannahays ku reebay go’aanka Bangiga loo yaqaanno Sunrise Community uu gaaray. Dadka soomaalida ah waxay ku adkaysanayaan in xawaaladuhu ay door wax ku ool ah ka ciyaaraan nolosha malaayiin Soomaali ah oo quudkooda ka hela qaraabadooda qurba-joogta ah. “Iyadoo dhibaatooyin colaadeed, abaaro iyo masiibooyin dabiici ah ka soo daalay, ayaa in haatan la gooyo qadkoodii nolosha ee gargaarka ay kaga helayeen eheladooda ula mid noqonaysaa dad badan oo Soomaali ah sida in dil toogasho ah lagu xukumay,” waxaa sidaa leh madaxa xawaaladda Qaran Mr Cilmi Geeddi, mar uu la hadlayey wakaaladda wararka ee Irin. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu leeyahay Mr. Geeddi, “Haddii amarka lagu xirayo khasnadaha xawaaladaha lacagta dira la joojiyo, waxaa kaloo dhibaatadu saamaynaysaa dadka kale ee barakacayaasha ah ee laga kaalmeeyo Qurbaha.” Gabadha la yiraahdo Laura Hammond, oo wax ka dhigta School of Oriental and African Studies ee magaalada London, ayaa waxay sheegtay in dhibaatadu saamaynaysaa Minneapolis (oo ah caasimadda ugu weyn ee Minnesota. Waxay kaloo leedahay haddii baananka kale ee dalka Maraykanka ay qaataan go’aanka la mid ah kan Sunrise Community Bank, oo la joojiyo dirista lacagaha la xawilo, markaa xaaladuhu way ka sii darayaan. “Soomaalida Qurba-joogta ah

Laura Hammond.

ayaa agab u ah dad badan oo soomaali ah oo ku nool dhulka colaadaha iyo abaaruhu halakeeyeen, oo kaalmada ay dadka u soo dirayaanna waa mid wax weyn u tarta dadka helaya oo wax badan ka wanaagsan kana taya fiican kaalmada ay ururrada gargaarku siiyaan dadka Soomaalida ah, waxaanay kaalmada deg-deg ku gaarsiiyaan halka looga baahan yahay,”waxaa sidaa leh Laura Hammond. “Ururrada Gargaarka waxay haystaan hawlwadeenno tababaran, laakiin marka ay joogto gaarsiinta lacagaha halka sida weyn looga baahan yahay ayaan lala simi karin Xawaaladaha oo lagu yaqaanno inay hubiyaan in lacaguhu gaaraan goobta loo diray, waxaanay kaga horreeyaan

dirista lacagaha gargaarka ah hay’ad waliba ee ka hawlgasha Soomaaliya.” Iyadoo ka hadlaysa lacaga Soomaaliya ay u diraan Qurba-joogta Soomaaliyeed, ayaa waxa sheegtay Laura inay gaarayaan ilaa iyo 2 bilyabn oo dollar sannad waliba. “Haddaba qiyaas ahaan boqolkiiba 10 ka mid ah dakhligaa kore ayaa noqonaya qaaraan--ama gargaar dad tabaalaysan loo dirayo ama lagu gargaarayo mashaariic horumarineed. Markaa saamaynta lacagahan la joojiyey waxaa laga dareemi doonaa Soomaaliya oo dhan iyadoo dad lagu qiyaasay 250’000 oo Soomaali ah oo heli jiray gargaarkaas isaga ah ay khatar u gelayaan macluul iyo gaajo. Haweenayda la yiraahdo Madiino Jimcale farah oo lixdan jira ah oo deggan

La soo xiriir Waddani

Ururrada Gargaarka waxay haystaan hawlwadeenno tababaran, laakiin marka ay joogto gaarsiinta lacagaha halka looga baahan yahay ayaan lala simi karin Xawaaladaha. Muqdisho, ayaa waxay u sheegtay wakaaladda wararka ee IRIN in iyada iyo 13 qoyskeeda iyo qaraabadeeda ka kooban ay heli jireen gargaar gaaraya $200 oo Doolarka Maraykanka ah bishiiba, taasoo uu soo diri jiray mid ka mid ah carruurteeda oo ku maqan qurbaha. Waxaa dad badan oo Soomaali ah laga soo warinayaa inay khatar gelayaan haddii lays hor taago lacagaha kaalmada ah ee qaraabada qurbajoogta ah ay soo dirayso. Waxaanay sheegeen in lacagahaasi ay ku tiirsan tahay noloshooda.

Email: waddani@wadanmedia.com Tel No. 020 2686910 www.wadanmedia.com


4

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

WARARKA GEESKA AFRIKA shirkii garoowe

Baarlamanka Soomaaliya oo la dhimay KA YIMID BOGGA 1AAD

maamul-wanaagga iyo wadarinta Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in mudanayaasha Baarlamanka lagu soo dooran doono hannaanka loo yaqaanno 4.5, kaasoo afarta qabiil ee ugu waaweyn Soomaaliya ay helayaan qayb dhan, marka qabaa’illada kale ee laga tira badan yahayna la siiyey 0.5 marka la qaybsanayo kuraasta. Baarlamaanka ama golaha Shacabka ee xiga Baarlamaanka xilligan jira ayaa wuxuu yeelanayaa aqalka odayaasha ama guurti, waxaana aqalkaasu u shaqaynayaa sida aqalka senateka Maraykanka oo kale ama House of Lordska dalka Ingiriiska.. Madaxda dalka Soomaaliya ayaa waxay ku kulmeen magaalada Garoowe, oo ah caasimadda maamulgoboleedka Puntiland. Magaalada Garoowe waxay 1000 Km woqooyi bari ka jirtaa magaalada Muqdisho. Haddaba ummuurihii looga hadlay shirkii dhacay bishii December 21-23keedii ayaa waxaa ka mid ahaa maamul-wanaagga oo ay ku jirto arrinka khuseeya isbeddelka (Baarlamaanka) Golaha Shacabka intaanu dhammaanin muddada Baarlamaanka oo ku eg 20, August, 2012ka, taasoo welibana soo dhammaynaysa xilliga dawladda Sheekh Shariif. Waxaa madaxdii halkaa isugu timid ay qalinka ku duugeen qodobbo dhowr ah oo ay ugu magac-dareen “Xeerkii Garoowe” kaasoo lagu qeexay isbeddellada la damacsan yahay in lagu hirgeliyo xilliga ka harsan dawladda Sheekh Shariif iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa haddaba xusid mudan in markii Dawladda Federalka ku meelgaarka lagu ansixiyey dalka Kenya sannadkii 2004tii laba sannadood oo wada hadallo ah oo ka socday Mbagathi kaddib, ayaa wax-

aa la soo magacaabay Baarlamaan ka kooban 275 mudane. Tirsigaa isaga ah oo aad u badnaa ayaa haddana la laban laabay 4 sannadood kaddib markii wada-hadallo ay ka dheceen Jabuuti sannadkii 2008da, waxaana Baarlamaankii hore lagu daray ilaa iyo 275 xufbnood oo kale, waxaana tirada guudi noqotay ilaa iyo 550 xubin. Waxaa haddaba laysku raacay in dawladda cusub lahaato laba gole oo sharci-dejiyayaal ah, iyadoo wakiillada aqalka sare ay ka imanayaan maamul-goboleedyada. Waxaana laysku raacay in wakiillada maamul-goboleedyada la dhaqangeliyo sannadka 2016ka. Inta u dhexaysa June 2012 ilaa iyo June 2016ka, Baarlamaanka dawladda federaalka ah wuxuu yeelanayaa aqalka wakiillada oo ka koobnaan doona 225 mudane oo laga soo dooran doono qabaa’illada iyadoo la raacayo hannaanka ama qaacidada 4.5. Waxaa kaloo la go’aamiyey in boqolkiiba 20 kuraasta la siiyo dumarka, oo qof aan dumar ahayn iskuma taagi karaan kuraastaa haweenka loo qoondeeyey. Waxaa kaloo ka mid ah qodobbada “Xeerka Garoowe” in laysugu yeero shir ay ka soo qayb galayaan wufuud gaaraysa ilaa iyo 1000 qof oo la qaban doono bisha May 2012 si ay isugu raacaan qaadashada ama diidista Axdi Qarameedka ku dhisan nidaamka Federalka ah ama ku salaysan maamulgoboleedyada isku yimid. Haddaba shirka layskuma wada raacin hannaanka qabiilka ku dhisan ee 4.5. Waxaana Cabdiraxmaan Mohammed Faroole oo martigeliyey shirka uu yiri: “Weligiin ma aragteen qof nus ah? Hannaankan 4.5 waa mid aan caddaalad ku dhisnayn wuxuuna kala qaybinayaa dadkayaga. Balse waxaannu u tanaasuleynaa saaxiibbadayo iyadoo la eegayo xaaladaha siyaasa-

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha DKMG.

Augustine Mahiga, wakiilka Xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo ka hadlaya shir ay isugu yimaadeen bulshada rayidka ah. deed iyo kuwa ammaan ee dalka Soomaaliya uu maanta ku sugan yahay.” Madaxweynaha dawladda Federalka ku meelgaarka ayaa codsi u soo jeediyey Soomaalida, waxaana uu yiri: “Waxaan Soomaalida oo dhan weyddiisanayaa in midba kan kale cafiyo oo la wada shaqeeyo. Waayo tani waa sida keliya ee aynu innagoo wada jirna kaga xorayn karno Soomaaliya qolyaha soo galay ee magacyada badan wata—Ha ahaadeen al-Shabaabka iyo alQaacidada argaggixisada ahba e. Waxaa haddaba shirkii Garoowe saxiixay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan

Shiekh Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Maxammed Cali; Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxammed Faroole; Madaxweynaha Gal-mudug Maxammad Axmad Caalin iyo guddoomiyaha ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca Sheekh Maxammuud Maxammad Yuusuf “Aw Libaax”. Iyo ku xigeenka ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Christian Manahl. Haddaba shir kale oo kan xiga ayaa mar kala lagu qaban doonaa magaalada Garoowe. Shirkan lagu qabtay magaalada Garoowe wuxuu u horreeyaa shir caam ah oo Soomaaliya lagu qabto muddo labaatan sannadood ah kaddib.

Waxaan Soomaalida oo dhan weyddiisanayaa in midba kan kale cafiyo oo la wada shaqeeyo. Waayo tani waa sida keliya ee aynu innagoo wada jirna kaga xorayn karno Soomaaliya qolyaha soo galay ee magacyada badan wata.

azaaniya

Shir deg-deg ah oo looga hadlayo arrimaha Azaaniya KA YIMID BOGGA 1AAD

sheegay in uu soo dhowaynayo cid waliba oo wax tabanaysa oo ku abtirsata gobollada si hal meel looga soo wada jeesto wax kasta ee dhaawici kara ammaanka iyo midnimada bulsha weynta hoos timaadda maamulkan Azaaniya. Madaxweyne Gaadi oo la hadlaya dadkii halkaas isugu yimid ayaa waxaa uu yiri: “Dadka Soomaalida ah waxaa beryahakan dambe caado u noqotay inay dadka kala diraan, innana waxaannu doonaynaa inaannu dadka isku soo dhowayno.” Waxaa kaloo hadalladiisii ka mid ahaa in labada nine e haatan ka tanaasulay sheegashada madax-

tinnimada jubba ay garteen habsami u socodka daacadnimadu ku laran tahay ee Masuuliyiinta maamul-goboleedka Azaaniya oo uu garwadeenka ka yahay Maxammad Cabdi Gaandi. Labada masuul ee kala sheegan jiray labada maamul ayaa waxay sheegeen inay u tanaasuleen Maxammad Cabdi Gaandi oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin isku keeni kara dadka gobolka oo dhan lenna aqoonta, kartida daacadnimada lagu midayn kara fikirrada ay kala aaminsan yihiin masuuliyiinta qoomiyadaha kala duwan ee gobolka deggan. Haddaba kulamadan lagu midaynayo mawqifka masuuliyiinta

gobolka ayaa weli u soconaya maamulka iyo dadka kala duwan ee ku nool gobollada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gobolka Gedo. Kulan oo muhiimadisu ahayed xog waran iyo iswareysi ayaa Madaxweyne Gaandhi uu u sheegay Mas’uuliyiinta in barnaamijka dawladd goboleedka Azaaniya uu yahay barnaamij socda oo aan dhamaystirneyn cid walba oo deegaanada Azaaniya dagana ay qayb ka tahay ayna diyaar u yihiin in lala hadalo cidii wax tabaneysa Wuxuuna Madaxweynuhu fasiraad dheer ka bixiyey nidaamka lagu dhisay Dawladd goboleedka Azaaniya iyo go’aamadii ka soo baxay

dhamaan shirarkii dadka deegaanku ay yeesheen intii uu socoday dhisamaha Dawladd goboleedka Azaaniya. Masuuliyiintani waxay isla qireen, in ay jiraan warar aan sal iyo raadtoona laheyn oo dadka lagu kala fogeynayay ayna wadaan dad warxuma-tashiil ah oo aan rabin, in ummadda Soomaaliyeed ay gaaraan midnimo iyo horumar toona. Waxay ugu dambeyntii Masuuliyiintani ku soo gunaanadeen kulankooda, in hadafka loo socdo uu yahay sidii deegaanka cadowga heysta looga xoreyn lahaa, Soomaaliya oo dhanna loogu horseedi lahaa nolol aayatiin wacan leh.


5

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

WARARKA GEESKA AFRIKA

Sarkaal DKMG ka tirsan oo dhaliilay nidaamka 4.5

M

aamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah ayaa dhaliilay nidaamka 4.5-ka ah oo ay iminka ku dhisantahay dowladda Federalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur oo ka hadlayay munaasbad ay soo qaban qaabiyeen beelaha Banaadiriga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u dhaliilay sharciga ay ku dhisantahay dowladda KMG ee 4.5-ka ah, isagoo muujiyay in sharcigaasi uu yahay mid abuuraya colaad islamarrkaana uu yahay xaqiraad lagu sameynayo beelaha qaar. Tarsan ayaa sheegay in beelahaasi ay yihiin kuwa dulman, isagoo tusaaale usoo qaatay beelaha Banaadiriga oo uu sheegay inay yihiin beel Soomaaliyeed oo la xaqiray sida u hadalka u dhigay. Dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku dhisan nidaamka 4.5-ka iyadoo dhawaan shirka wadatashiga Garoowe oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay qodobadii la isu raacay oo looga dooday ay ka mid aheyd in uu sii shaqeeyo nidaamka 4.5-ka, barlamankana laga dhigo tiro yar oo lagu soo xulayo nidaam 4.5-ka .

Gaari lagu rasaaseeyay Jowhar oo lagu dhintay

H

al qof ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxo hubeysan ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen deegaanka Xaansho oo 2 km dhanka waqooyi kaga beeggan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca Hoomeyda ah oo ka soo tegay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday gobollada dhexe, iyadoo alaabihii iyo lacagihii ay wateen ka qaatay rakaabkii gaariga la socday. Dadkii ku dhaawacmay rasaastaas ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Jowhar. Lama oga cidda ka dambeysay dhacdadaan, iyadoo goobta uu falkaasi ka dhacay ay ka taliyaan maleeshiyaadka al-Shabaab.

dhibaatooyinka burcad-badeedda

Burcad-badeedda oo wali haysta 200 oo qof Ciidammada badda oo jooga biyaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in burcadda ay haystaan 200 oo qof. Wakaaladaha wararka

D

ad lagu qiyaasay 199 oo rag ah iyo qof dumar ah ayaa maxaabiis ahaan loogu haystaa xeebaha dalka Somaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay falal burcadbadeednimo oo ka soconaya badda weyn ee Indian Oceanka. Haddaba 49 ka mid ah dadkaas la haysto ee labada boqol oo qofood ah ayaan lahaynin markaakiibtii ay la socdeen, oo qaarkood la dejiyey ama maraakiibtu ay ka tageen shaqaalahaas, waxaana taasu ka macne tahay in mustaqbalkoo0du uusan sugnayn, marka qiimahooduna aanu gaaraynin markaakiibta ay ka shaqeeyaan. Haddaba markaakiibta lagu afduubanayo badda Soomaaliya ayaa warbaahintu si weyn uga hadlaysay afartii sannadood ee la soo dhaafay, laakkiinse xaaladaha shaqaalaha markaakiibta ayaan aalaaba laysku mashquulinin. Ilaa iyo haddaba markii Midowga Yurub bilaabay inuu ciidammadiisa badda u soo diro Soomaaliya si iskudayada burcadbadeedda loo fashiliyo sannadkii 2008da, ayaa waxaa burcadbadeeddu ay gacanta ku dhigtay ilaa iyo 23176 badmareen ah, waxaana hormo waliba la haystay muddo shan bilood ah. Haddaba markabka haysashadiisu ugu dheer tahay waa mid la haysto ilaa iyo 19 bilood oo ay saran yihiin shaqaale gaaraya 24 ruux, waxaanay saran yihiin Mv Iceberg 1, kaasoo ilaa iyo haatan la haysto. Waxa lagu qiyaasayaa ilaa iyo muddadaas afarta sannadood ah inay dhinteen 60 bad-mareen ah, kuwo bandanna la jirdilay, qaar bandanna markaakiibtii ay la socdeen laga reebay si markabka loola gorgortamo. Waxaana burcad

Mid ka mid ah shaqaalayaasha maraakiibta oo dhawaan ay sii deysay burcad-badeed Soomaaliyeed. badeeddu ayaamahan ay reebtaan shaqaalaha maraakiibta iyagoo kyula gorggortamaya dawladaha horey ugu xirxiray burcad-badeed Soomaaliyeed waddamadooda. Waxaa Soomaaliya lagu hayaa haatan afar muwaadin oo u dhashay dalka Koofurta Kooriya iyo toddoba badmareen oo u dhashay Hindiya oo la socday markabka la yiraahdo |MvGemini

iyo Asphalt inkastoo welibana maraakiibtii ay la socdeen la sii daayey. Saddex markab aya looga tegay xeebaha Soomaaliya, waxaana la malaynayaa inuu saxa-xumo u keeno xayawaanka xeebaha ku nool, marka shaqaalihii markabkaas la socday oo gaarayey ilaa iyo 54 loogu haysto maxbuus ahaan deegaannada xeebaha Soomaaliya.

Ciidammada badda ee ka socda dunida ayaa waxay halkaa geeyeen ilaa iyo soddomeeyo markaakiib dagaal ah si ay ula dagaallamaan Burcad-badeedda. Haddaba maraakiibta shixnadaha gargaarka ah sida xitaa, waa in la raaciyaa ilaalo marka loo diro Soomaaliya, haddii kale waxaa qabsanaya burcadbadeedda dhooban badaha Soomaaliya.

wararka gobalka oo kooban

SUDAN

ITOOBIYA

ERITREA

PUNTLAND

Hoggaamiyaha Jabhadda ugu weyn ee Darfuur oo loo yaqaanno Justice and Equality Movement, ayaa la dilay. Hoggaamiyaha oo la oran jiray Khaliil Ibraahim iyo ilaaliyihiisa ayaa dhintay kaddib markii gantaal ku soo dhacay xaruntooda maalintii khamiistii sida laga soo xigtay af-hayeenka jabhadda Jibril Adam Bilal. Af-hayeen u hadlay ciidammada Suudaan Sawarmi Khaled Sad ayaa waxaa uu sheegay isna in la dilay hoggaamiyaha jabhadda kaddib markii uu isku dayey inuu u soo gudbo Koofurta Suudaan, taasoo xorriyaddeeda ka heshay Dal-weynaha Woqooyi ee Suudaan bishii July ee sannadkan.

Dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay wariyayaal Swedish ah oo lagu eedeeyey inay gacan siinayeen argagixisada iyo inay ku soo galeen dalka Itoobiya sharcidarro. Martin Schibbye iyo Johan Persson waxaa lala soo qabtay rag ka mid ah jabhadda ONLF, waxaana labadoodiiba lagu xukumay midkiiba 11 sannadood oo xarig ah. Raggaas ayaa maxkamadi ku heshay dacwaddaa toddobaadkii la soo dhaafay. Wariyayaashu waxay sheegeen in markii la soo qabtay ay ku hawlanaayeen shaqadooda wariyenimo.

Bankiga horumaringa Afrika ayaa waxaa uu sheegay inuu gelinayo dalka Eritrea 19.2 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si loo helo xirfado suuragaliya kafaa’iidaysiga khayraadka, tababarrada dhanka xirfadaha shaqagelinta iyo waxbarashada ee dalka Eritrea. Mashruucan waxaa wada maalgelinaya Sanduuqa Bangiga Horumarinta Afrika iyo dawladda Eritrea oo iyadu ku tabarucaysa ilaa iyo 2.06 million oo Dollarka Maraykanka ah. Haddaba Mashuurcan waxaa lagu soo saarayaa xirfadleyaal heerka dhexe ah oo dhaqaalaha dalka Eritrea sida weyn ugu baahan yahay iyo khaasatan Hay’adaha xoogsadada dalka Eritrea waxaanu mashruucu abuurayaa rugo cilmi-baaris laga cabbiri karo waxqabadka gaar ahaaneed ee hanaanka tababarrada, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen saraakiisha Bangiga Horumarinta Afrika. Waxaana lagu bartilmaameedsaday in mashruucu u faa’iideeyo ilaa iyo 50,000 oo arday ah.

Taliska Ciidamada Maamulka Puntland ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii qeybta booliska ee gobolka Mudug, iyadoo dhinaca kale taliye cusub la magacaabay. Warqad qoraal ah oo kasoo baxaday Taliska Ciidamada booliska ee Maamulka Puntland ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii qeybta booliska ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashaanle dhexe C/rashiid Caday Dhay lo’aad. Warqadda ayaa lagu sheegay in taliyhiii qeybta booliska uu ku fashilmay howlihii laga rabay iyo in uu wax ka qaban waayay ammaan dari kusoo korartay Magaalada Gaalkacyo.


6

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

SAWIRRADA WIXII DHACAY 2011

Kacdoonkii dowladaha carabta ka bilowday Tunisia bishii Jannaayo 2011.

Bas ay soo qaadeen biyaha badda ee Tsunamigii weynaa ee ka dhacay dalka Japan bishii March 11-keedii 2011.

Laurent Gbagbo oo laga soo saarayo godkii uu ku jiray 11-kii April 2011.

Dilkii Cusaama bin Laden ee May 1-deedii 2011. Arrooskii Amiirka Wales, William iyo Kate Middleton ee dhacay 29-kii April 2011.

Xornimadii ay heshay Koonfur Sudan ee dhacday 9-kii July 2011.

Macaluul baahsan oo ka dhacday Soomaaliya July 2011.


7

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

Dilkii Fazul Cabdalla oo lagu dilay Muqdisho 8-dii June 2011.

Qaraxyo lala beegsaday dalka Norway oo dhacay 22nd July 2011.

Qaraxii lala beegsaday ardey Soomaaliyeed oo ku sii jeedday Turkiga October 4-keedii 2011.

October 16-keedii - Ciidammada Kenya oo galay Soomaaliya.

20-kii October 2011 - Gaddafi oo lagu dilay Sirte, Libya,

Qarax ay geysteen ciidammada Nato oo ay ku dhinteen ciidamo Pakistaniyiin ah oo dhacay 26-kii November 2011.

Geeridii hoggaamiyihii Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Il ee 17-kii December 2011.


8

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

WARARKA GOBALKA qalliinka dadka faruuran

150 qof oo qalliin loogu sameynayo Garoowe Wakaaladaha wararka

D

hakhaatiir Kenyaan ah oo ka socda hay’ad maxalli ah ayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ka wada maalintii labaad howlo qalliin lacag la’aan ah oo ay u sameynayaan dadka faruuran. Dadka ka faa’ideysanaya howlaha qalliinka ayaa la sheegay inay tiradoodu gaareyso 150 qof. Dr. Maxamed Xasan Carrabey oo saxaafadda kula hadlay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in dadka qalliinka loo sameynayo ay isugu jiraan qaar faruuran iyo kuwo dhanxanagga la’.

Dhaqaatiirta qalliinka sameynaysa ayaa la sheegay inay ku takhasuseen qurxinta wejiga. Horay ayaa isbitaalka guud ee magaalada Garoowe waxaa qalliinno noocaan oo kale ah loogu sameeyay dad ku dhow 5 boqol oo qof. Dhakhaatiirtu waxay durba bilaabeen hawshoodii shaqo iyadoo shaqada ay wadayaan tahay mid ay ku ogaanayaan dadka sugaya oo ay ku qaabilayaan iyadoo qof walba iyo shaqada uu u baahan yahay iyo in qaliin lagu samayn karaba ay ogaanayaan waxaana ka mid ah waxa ay ogaanayaan xanuunada ay dadku qabaan iyo miisaankoodu inta uu

leeg yahay iyo in lasuuxin karo caruurta caafimaad ahaan. Waa doorkii labaad oo ay dhakhaatiirtani qaabilsan qaliimada dadka farfaruuran ay dalka yimadaan waxayna horey u yimaadeen bishii October ee sanadkan waa 2 bilood muddo laga joogo, hadana waxay bilaabeen wareegii labaad ee hawlgakooda caafimaad oo ay balanqaadeen markii ay shaqadii hore waqtigeedu ka dhamaadey dhakhaatiirtu waxay codsadeen in dadkii horey ay uga balameen ee waqtigu u saamixi waayay inay wax u qabtaan in loosoo hormarsho oo ay iyagu yihiin kuwa xaqa koowaad leh.

Dhakhaatiir qalliin ku sameynaya dadka faruuran ee reer Garoowe.

rajo xumo

Xukunkii soo qabashada al-Bashiir oo wali taagan Amarkii maxkamadeed ee Maxkamadda Sare ee Kenya ay gaartay ayaan waxba iska baddalin.

W

Wakaaladaha wararka

M

axkamadda sare ee dalka Kenya ayaa diidday in laga noqdo xukunkii la riday ee lagu soo qabanayo haddii Al-Bashiir ka soo dego Kenya. Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa waxaa uu soo qoray qoraal uu ku doonayo inaan la meel-marin xukunkii maxkamadda sare ee Kenya ee ahaa in la qabto Al-Bashiir haddii uu ka soo dego Kenya. Xukunka lagu soo qabanayo Al-Bashiir waxaa maxkamadda sare u soo gudbiyey xafiiska Maxkamadda Dembiyada dagaalka ee adduunka ay ku leedahay Kenya, taasoo ay ku weyddiisteen in maxkamadda sare ay go’aan ka gaarto dacwaddooda ay ku doodayeen in Al-Bashiir la soo qaban karo, haddii uu ka soo dego dalka Kenya, maaddaama ay Kenya xubin ka tahay maxkamadda adduunka.. Haddaba maxkamadda racfaanka ayaa diidday qoraalka uu soo qoray xeer ilaaliyaha, waxaanay ku sheegtay in waxa dawladdu ay ku muddacayso ay qabyo tahay. Haddaba maxkamadda dembiyada dagaalka qaybteeda Nairobi ayaa waxay ku doodaysaa inaanay sharci ahayn in Xeer ilaaliyaha guud aanu awood sharci u haysanin inuu xukunka maxkamadda sare ay ridday uu keeno maxkamadda racfaanka. Waxaa Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalku ay ku dacwoonaysaa haddii dacwadda ay go’aan ka gaareen qaybta dembiyada ee Maxkama-

Natiijada imtixaankii KCPE Waqooyi Bari Kenya 2011

Madaxweyne al-Bashiir. dda Sare, in Qareenka dawladda oo keliya uu codsi u diran karo maxkamadda racfaanka laakiinse aanay sharci ahayn in Xeer Ilaaliyaha guud uu dirsado qormo lagu istaajinayo xukun maxkamadda sare ay ridday. Maxkamadda racfaanka ayaa waxay go’aan ka gaari doontaa is-hortaagga qabashada AlBashiir January 24keeda. Haddaba xaakin ka mid ah kuwa maxkamadda sare ee Kenya oo la yiraahdo Kokolas Ombija ayaa waxaa uu bixiyey amar lagu soo qabanayo Al-Bashiir 28kii November ee Sannadkan kaddib markii ay dacwad qoraal ah oo khusaysa qabashada Al-Bashiir haddii uu Kenya yimaado ay soo gudbisay Maxkamadda Dembiyada caalamiga ah qaybteeda magaalada Nairobi. AlBashiir waxaa dacwad ku haysta maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamiga ah ee ku taalla Hague. Waxaana lagu soo eedeeyey

inuu galay gaboodfallo uu u geystay dad rayid ah oo ku dhaqan dhulka laysku haysto ee dagaalladu halakeeyeen ee Darfuur. “Waxaan ku qanacsanahay in muddaclayga oo ah (Maxkamadda Dembiyada Dagaalka” ay ku taagan tahay xeer sharciyeedka locus sandi (oo ah xaqa ay u leeyihiin inay maxkamadda ka doondoonaan amar waayo Kenya waxaa ay ku khasban tahay inay soo qabato Al-Bashiir maaddaama ay qayb ka tahay Xeerkii Rooma ee lagu xukumayo dadka ku xad-gudba xuquuqda Aadanaha, “ ayuu yiri Mr Ombija markii uu ridayey xukunka soo qabashada Madaxweyne Al-Bashiir. Haddaba amarkan waa inay xoogeeyaan labada hay’adood ee kala ah Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudah, haddii Al-Bashiir cag soo dhigo dalka Kenya,” ayuu yiri Xaakin Ombiji.

axaa imtixaanaadka dugsiyada hoose ee dalka Kenya u fariistay sannadkan 776,214 arday, oo ay ku jiraan 1299 ka mid ah kuwii imtixaanka u fariistay. Natiijada 2011da waxay ahayd tii ugu wanaagsanayd ee dugsiyada Woqooyi Bari marka la eego saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, iyadoo ardayda ugu horraysay ee dugsiyada deegaannada woqooyi bari ay heleen in ka badan 400 oo dhibcood. Ardaygii ugu horreeyey woqooyi Bari wuxuu helay 416 dhibcood, waxaana ku xigay arday reer Mandheera ah oo helay 414 iyo arday reer Wajeer ah oo helay 406 dhibcood, laakiin marka la eego degmooyinkan woqooyi bari heerka isku celceliska dhibcaha ardaydu ay heleen waxaa u horreeya degmada Wajir oo isku celcelisku noqday 253.80. Waxaay gashay degmada Wajeer heerka 13 marka la eego dalka Kenya oo dhan, waxaana soo raaca Mandera oo iyaduna heshay 251.24 oo gashay heerka labaatanaad ee dugsiyada dalka Kenya oo dhan. Waxaana ugu hooseeyey dugsiyada Woqooyi Bari, degmada Gaarisa oo iyadu heshay isku celceliska dhibcaha ardayda 248.29 waxaanay noqdeen heerka 22 ee digsiyada qaranka, waxaana taasu muujinaysaa in dugsiyada Gaarisa ay ka hooseeyaan dugsiyada Wajeer iyo Mandeera. Habase yeeshee heerka Woqooyi Bari ee waxbarashada ayaa sare u kacay sannadkan, waxaanan ku leennahay ardaydii gudubtay oo dhan”HAMBALYO IYO SALAAN NAGA GUDDOOMA”.


9

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

TIKNOOLAAJIYAD gaari aan wade lahayn

Google oo ku guulaysatay inay samayso gaari aan wade lahayn Shirkadda Google ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay soo saarto gaari aan wade lahayn. Maxamed Maxabuub

H

addaba lahaanshiyaha qofka ayaa loo beddelay hannaan gaarigii laga qaadayo qofka oo gaariga qudhiisu uu is-wadayo iyadoo cidina aanay waddada ku toosinaynin. Waxaa markaa farsamo-yaqaannadii gaariga sameeyey ay sharraxeen sida gaarigu isku wadayo, halka uu marayo iyo jahada uu abbaarayo. Waxaa gawaarida caynkan oo kale ah loo isticmaalayaa in lagu qaado dal-xiisayaasha oo uu geeyo goobo dalxiis oo aanay garanaynin amase in gaariga qudhiisu uu ka soo iibsado dukaamaha dayactirka qalab gaariga lagu dayactiro. Waxaa qoraal Google ay soo saartay lagu sheegay in gaarigu leeyahay laba dareeme ama sensors, kan koobaad wuxuu carabaabayaa “Halka Gaarigu caga-dhiganayo” markii uu joogsado, Waxaanay keenaysaa in gaarigu helo akhbaaraad u sheegaya halka uu taagan yahay iyo halka uu u baqooli doono. “Waxaa qaybtan dareemaha ah ay u fasaxaysaa qofka saaran ee gaariga iska leh inuu eego parkinnada ama meelaha gaawaarida la dhigto,” sida qormadu leedahay. “Qaybtan Cagadhigashada” ayaa gaariga xusuusinaysa halka ay tahay inuu is xukumo, ama iswado.”Waxaa shirkadda Google

sheegaysaa in “Qaybta ay gaariga u tahay calaamad dhulka ah, sida inuu ku kala garto derbiyada, iyo diillimaha kala sheegaya tubta uu qaadayo ee loogu raadinayo baakinnada. Si gaarigu ku garto baarkinkiisa ama barxadda la dhigayo, waxaa gaarigu leeyahay GPS ama (global positioning system) oo ah qalab ku xiran satelighta oo war tebiye ah si gaarigu ku ogaado meesha uu joogo ama uu marayo. Wuxuuna dabeeto isticmaalayaa dareemayaashiisa si uu ku kala garto haddii uu geed ku yinmaado iyo haddii uu ku yimaado waxyaabo dhulka laga taagay sida derbi, iyo siimanka dhaadheer iyo qalab kasta taasoo u sahlaysa inuu qiyaaso halka uu joogo. Waxaa kaloo warbixintu leedahay fatuuraddu waxay akhrin kartaa QR Code ama erayo maldahan oo ah diillimo laba jibbaaran oo uu ku kala garanayo “Goobta Caga-dhigashada” halka ay tahay. Haddaba in gaarigu garanayo halka uu caga-dhigto ayuu ku garan kara oo keliya halka oo ku sii jeedo. Waxaanay farsamayaqaannadu leeyihiin Qalabka GPSka ama khariidadda Sateliteku qoro markii la turjumanayo ama la raacayo wuxuu runta sheegi karaa ilaa iyo 9.1meters. Markaa haddii gaarigu wadadiisa uu ku socon karo ama maaraysan karo, oo uu garanayo halkii uu safarka ka bi-

laabay, waxaa lagu wargelin karaa inuu fogaansho kale ka sii socdo halkii uu ka soo tegay, si uu ku soxo jahada ay ka jirto halkii uu ku sii jeeday. Tusmada ayaa waxay kaloo sharraxaysaa sida akhbaaradka ama macluumaadka “goobtacagadhigashada” ay gaariga u ogeysiinayso inuu eego shabakadda internetka taasoo u sheegaysa computerka gaariga wada haddii uu u baahan yahay inuu doonto qalab dayactir amase inuu barxad-

da la dhigto fariisto si waafaqsan hannaanka shirkadaha gawaarida kireeya oo gaari waliba booskiisa u taagnaado. Waxaa Ingineeradu sheegayaan in “goobta cagadhigashada” ay siinayso gaariga macluumaad khuseeya inta gaarigu nasanayo intaanu mar kale waddada qabsanin. “Haddaba inta uu gaarigu taagnaanayo waxaa habayn kara qofka wata. Gaarigu wuxuu leeyahay hannaan toos ah ama autamatic ah kaasoo markii toos laga

dhigo ay tahay in qofku aanu ka dheeraan. Waxaa qofka wata uu ka caawiyayaa inuu gaarsiiyo halka uu doonayo ee qofku uusan garanaynin, waxaana qofku iska fariisanayaa kursiga gadaale. Hawsha darawalnimadana waxaa qabsanaya gaariga sida ay sheegayaan farsamaqayaannada Google. Haddaba farsamadan Google ka hor istaagi mayso farsamayaqaannada kale inay la yimaadaan hannaan kale oo ka wanaagsan kan Google.

Isticmaalayaasha tasiilaadka sharciga ah ee Windows 7 waxay heli doonaan agab lacag la’aan ah Bogagga Internet-ka

S

hirkadda qalabaynta computerka ee Microsoft qaybteeda Afrika ayaa waxay kharash la’aan ku siinaysaa DVD macaamiisheeda Africanka ah ee soo iibsada hannaanka makiinadaha computerradu ku shaqeeyaan ee loo yaqaanno Windows 7 ama computerradoodu ay ku soo degeen. Waxaa si wada jir ah isaga kaashanaya suuqgeynta Microsoft Windows saddexda shirkadood ee kala ah Kenya copyright Board iyo Kenya Anti-Counterfeit Agency iyo Shirkadda Micorosoft Afrika. Waxaanay si wadajir ah u billaabeen barnaamij wargelin ah bishii November si loo ciribtiro ganacsiga

sharcidarradaha ah ee agabyada ay shirkadda Microsoft soo saaraan, sida Window 7, Window XP oo iyagoo sharcidarro ah oo aan si xalaal ah loo iibsan suuqa laga helo. Haddaba “Microsoft Afrika Pack” waxaa ku jira tasiilaad aad u badan oo caan ah oo ay soo saaraan Microsoft iyo waxyaabo dadka reer Afrika u faa’iidaynaya sida Window 7 tusmadu ay Sawaaxili tahay, taasoo sida la malaynayo soo jiidanaysa macaamiil aad u fara badan. Waxaa haddaba tasiilaadka |”Microsoft Afrika Pack” loo sameeyey in lagu abaal-mariyo kuwa sida xalaasha ah u soo iibsada makiinadaha ka shaqaysiiya computerka ee loo yaaqaanno “Operating System”. Kuwa aan sida xalaasha ah u soo

iibsan Windows 7, waxaa ku xiran Windows 7 tasiilaadka ammaanka ee loo yaqaanno “Microsoft Security Essentials” taasoo markaa hawlgab ka dhigaysa hawlgelinta “hannaanka shaqagelinta computerka, ama operating systemska,” waxaana sidaas leh maamulaha shirkadda u fadhiya, Bariga, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika Mr Kevin Connolly. Waxaa taas wehliya in shirkadaha la shaqeeya Microsoft ay qaybinayaan Afrika Pack DVD ama tasiilaadka lagu kaabayo Afrika oo horey loo soo gelin doono computerrada cusub ee dadka Afrika ay

iibsanayaan, waxaana ku xiran nooca Windows 7 sharci ama lego ah. Haddaba cilmi baaris la sameeyey sannadkii 2010ka ayaa tasiilaadka sida sharcidarrada ah nuqliga loogala baxayo ee dalalka Afrikada Bari iyo Afrikada koofureed oo aanay ku jirin dalka Koofur Afrika ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan 83%, waxaana lagu qiyaasay in lagu waayey kharash gaaraya ilaa iyo $109 milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Mr Connolly ayaa waxaa uu leeyahay tasiilaadka Microsoft oo sida sharcidarrada ah loo koobiyaysanayo ayaa ganacsigii gobolka saamayn weyn ku yeeshay, wax-

aanay khaldayaan dadka caadiga ah oo ay ka iibinayaan nuqli aan la diiwaangelin oo aan si sharci ahna loo soo iibsanin. Isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu leeyahay:“Nuqliyada la musuqmaa-suqiyey ee tasiilaadka computerka kuwooda ugu casrisan ee aynu Kenya ku aragnay ayaa waxay leeyihiin sahan iyo galayaal. Waxaanay dadka qarsoodiga ay ku galaan internetka ee loo yaqaanno ‘passworka’ iyo numberrada kaararka bangiyada iyo emailladooda ee ku jira computerkooda ay u dirayaan xarumo kale oo ay yaallaan computarro Casri ah oo ku yaalla Bariga Europe iyo Bariga Asia.”


10

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

WARBIXIN GAAR AH

Kooxda waayaha cusub oo baraarujinaysa beeshooda Kooxda Waayaha Cusub ayaa dagaal xagga afka ah kula jira al-Shabaab. Kooxda WADDANI

W

iilka Shiine la yiraahdo oo arbaha ka ah kooxda Waayaha Cusub nin sahal looga cabsiiya ma ahan. Haddii ay dhaci kari lahayd in la cabsiiyo, horseed kama ahaadeen kooxdan saldhiggoodu yahay Nairobi, ee samaysa heesaha qoob-ka-ciyaarka ee looga soo horjeedo xag-jirnimada ururrada Islaamiyiinta ee ka taliya meelo badan oo dalkiisii hooyo ee Soomaaliya ka mid ah—waxaana kooxdiisu ay magac weyn ku leedahay dunida guud ahaan, gaar ahaanna caasimadda Kenya ee Nairobi. Saddex sannadood ka hor, xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa gurigiisa soo jebiyey markaasay toogteen. “Waxay igu yiraahdeen farriimaha aad gudbiso jihaadka ayaa looga soo hor-jeedaa. Waxaanad dhallinyarada ku guubaabisaa inay ka istaagaan ama yareeyaan himada iyo muxibbada ay Jihaadka u qabaan.” Waxaa sidaas leh wiilkan 29 jirka ah ee hor-booda kooxda caanka ah ee “Waayaha Cusub.” Shiine surweelkiisa jiiniska ah ayuu gadaal u laabay, oo funaanaddii uu watayna kor isaga bixiyey, waxaana uu ina tusay dhaawac ku yaalla bowdada dhanka midig. Dhaawac kalena gacantiisa bidix ayuu ku yaallaa. “Markii ay i xabbadeeyeen, haddaan joojin lahaa miyuusikada, way adkaan lahaayeen, laakiin horey baan u sii waday hawsha, awooddayda ayaa guulaysatay,”. Ninkan haddaba aasaasay kooxda, oo xubinna ka ah kooxdan muustikiistayaasha ah ee 11ka xubnood ka kooban, ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan Soomaali, Kenyaan, Itoobiyaan, iyo Ugandays. Kooxdan waxay curiyaan heeso lid ku ah kooxda fallaagada ah ee welibana ku xiran al-Qaacida ee Shabaabka, waxaanay sameeyaan heeso lagu ciyaaro oo ka hadlaya xaqaa’iqa ka jira Geeska Afrika, sida heeska laga haray ee DABADHILIF ee kooxdu ay sida weyn ugu soo caan baxday Waxaa Mudane Shiino billaabay kooxda Waayaha cusub oo Ingiriisi ahaan noqonaysa “New Era” sannadkii 2004ta. Waxay soo saareen Heeso badan wixii intaas ka dambeeyey, balse sannadkii 2010 ayey soo saareen cajaladda heeska caanka ahi ku jiro ee “Maya al-Shabaab.” Al-Shabaab, oo macnuhu yahay “Dhallinyaro” Carabi ahaan, ayaa waxay maamulaan gobollo dhowr ah oo ka tirsan koofurta iyo gobollada Dhexe ee Soomaalia halkaasoo dagaalyahannadu ay ku soo rogeen “Shareecada Islaamka.” Waxaanay gowraceen dad badan, kuwana

Shiine, madaxa kooxda Waayaha Cusub.

Kooxda Waayaha Cusub. gacmaha ayey ka gooyeen, oo meelaha qaarna waxay ka mamnuuceen in teleefoonnada gacanta heeso ay ka sharqamaan, waxaanay mamnuuceen oo kale filimada iyo daawashada kubbadaha. Waayaha Cusub heesahooda waxaa lagu duubaa Nairobi, laakiin inta si sharcidarro ah loo koobiyeysto ayaa waxaa loo diraa meelo badan oo Soomaaliya ah. Waxaa kaloo ay ku xiran tahay kooxda youtubeka, halkaasoo dhegaystayaal badani heesahooda ka dhegaystaan, waxaa kaloo heesahoodu ay ku jiraan shabakada internetka iyo raadiyayaasha. Maaddaama ay dadka ku baraarujiyaan nabadda oo dhaleeceeyaan al-Shabaab, haddana waxay kaloo kooxdu ka hadashaa cudurka Aidska oo aanay dadka Soomaalida ahi jeclayn sheeg-sheeggiisa, waxay kaloo ka soo hor-jeedaan qabiil-qabiilka oo la ogaaday in faa’iidadiisu ay tahay in laysku dagaal-geliyo. Midda kale ee dhibaatadu ka haysato kooxda waxaa weeye in heesahooda muuqaal-

ka ah ay ku jiraan gabdho saraawiil wata oo ciyaaraya. Mid ka mid ah gabdhaha heesaayaasha ah ayaa lagu sakiimeeyey sannad ka hor magaalada Nairobi, wixii intaas ka dambeeyeyna waxay bilowday inay iska qariso dadka. Haddaba markii aynu booqannay stuudiyahooda ku yaalla magaalada, ee sida wanaagsan loo qurxiyey dul ahaan iyo hoos ahaaba, ayaa heesaayaashii la joogay Shiino waxaa ka mid ahaa, Lixle, Dikriyow iyo Burhaan Axmad, waxaanay laxan saarayeen hees cusub oo ka hadlaysa Burcadbadeedda. Laba gabdhood oo xijaabka madaxa wata, oo saakooyin dhaadheerna xirnaa ayaa meel gees ah fadhiyey iyagoo aamusan, waayo qaybaha dambe ayey ku lahaayeen heeska burcadbadeedda. Markii aynu duubaynay, qaar kale oo ka mid ah kooxda ayaa ka baaqday tijaabada heeska maalintaas waayo ma ay doonaynin in wejiyadooda la arko. Sida runta ah Cabsidu way ku badan tahay kooxda iyo dadka Soomaalida oo dhexda uga jira nacayb sii

Markii ay i xabbadeeyeen, haddaan joojin lahaa miyuusikada, way adkaan lahaayeen, laakiin horey baan u sii waday hawsha, awooddayda ayaa guulaysatay kordhaya ee dadka reer Kenya ka imanaya iyo nacaybka al-Shabaab. Ka gadaal markii ciidammada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya bartamihii bishii October ee sannadkan iyagoo doonaya in ay Shabaabka riixaan, ayaa fallaagaduna ku dhaaratay inay dagaalka soo rogaal-celiyaan.


11

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

Waxaana taasu dhalisay in dad badan oo Kenyaan ah tuhun ka galo dadka Soomaalida ah ee Kenya ku nool, iyadoo xaqiiqda la hubana ay tahay in weerarkii rogaal celiska ahaa ee al-Shabaab uu geystay shakhsi Kenyaan ah—oo sheegtay inuu xubin ka yahay kooxda al-Shabaab. Wiilka Cali Shiino ahna wuxuu ku dhashay gobollada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna soo galay Nairobi isagoo gaban ah, wuxuuna la soo qaxay kumanaan Soomaali ah oo xilligaas ka soo cararayey gabood-fallo tira badan oo dalka ka socday xilligii la af-gembiyey Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, oo xukunka haystay in ka badan 21 sannadood. Ha yeeshee beryahakan Kenya maahan goob ammaan sidii beri ay ahayd. Cali Shiino oo ka hadlaya arrinka ammaanka Nairobi ayaa waxaa uu leeyahay: “Nairobi iyo Muqdisho waa isugu mid qofka Soomaaliga ah maanta.”Shabaabku waxay joogaan Eastleigh oo maalmahan dambe loo garanayo “Muqdisha Yareey.” Waxaa ‘Wiilkan Qoob-ka-cayaarka looga haray’ uu ka walaacsan yahay sida reer Kenya ay kaga jawaabi doonaan haddii khasaaro lixaad leh loo geysto ciidammadooda? Wuxuu garanayaa waxyaabaha uu samaynayo inay halis gelinayso nafsaddiisa, laakiin wuxuu yiri “Sida keliya ee laysaga daafici karo Islaamiyiinta Shabaabka waxaa weeye in la wacyigeliyo dhallinyarada.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa Shiine leeyahay: “Dhallinyaradan Shabaabka waa la marin habaabiyey, haddii markaas aynu siinno fikir suubban, oo aan nolosha kala hadalno, oo reero la siiyo oo ay ubada dhanaa, oo nolosha arkaan, waa la istaajin karayaa.” Shiine oo isaga qudhiisuba dhallinyaro ah ama Shabaaba ah, ayaa waxaa uu leeyahay: “lama dagaallami kartid qof doonaya inuu dhinto, laakiin waad badbaadin kartaa, miyaanay ahayn?” Markaasaa wariyayaashu weyddiiyeen Shiine oo ku yiraahdeen: ‘Miyaad doonaysaa inaad Xamar tagto, oo heeso ka soo

Kooxda Waayaha Cusub oo ka soo degay Gagida Diyyaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. qaaddo?” Markaasuu intuu miiska gacanta ku dhuftay yiri: “Yeaeaeaeah” ama “HAAAAAA” Runtuse waxay tahay in xilliyadii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho ay ka yaraatay dirirtii badnayd, ilaa iyo markii alShabaabku ka bexeen magaalada Muqdisho

bishii August, ciidammada Midowga Afrikana ay isku fidiyeen meelo badan oo caasimadda ka mida h. Habase yeeshee weli waxaa soconaya is-miidaamintii, miinadii jidadka la dhigayey iyo tacshiiraddii laysweydaarsanayey. Balse taasi dhibaato kuma hayso Cali iyo Waayaha Cusub, oo wuxuu

leeyahay: “Haddii aan garab helo, Muqdisho waan gaarayaa, waxaanay inoo tahay aniga iyo kooxda wax wanaagsan waayo waxaannu u baahan yahay inaan da’ yarta u sheegno in al-Shabaab aanay u gudboonayn, waxaanan ku baraarujinaynaa inay taageeraan dawladdooda.”

la socodsiin

Jagooyinka awoodeed ee Al-Qaacidadii la dilay sannadkii 2011 Hazrat Omar, Khan Mohammed Miraj Wazir iyo Ashfaq Wazir—waxaa dhammaantood la dilay 27kii October 2011ka. Cumar wuxuu la dhashay madaxa hoggaamiye ka mid ah Talibaanka oo la yiraahdo Mullah Nazir, waxaana jagadiisu ay ahayd ammaan-duulaha hawl-gallada Afganistaan. Maxammad ayaa isna wuxuu ahaa ku-xigeenka Nazir. Axmed Cumar Cabdul Raxman: Wuxuu madax ka yahay hawgallada, wuxuuna ku xiran yahay Xaqaani Network, Rahmaanna waa wiil uu dhalay “Sheekii Indhoolaha ahaa” ee welibana ahaa hoggaamiyaha diinta Islaamka ee Reer Masar oo horey loogu xiray dalka Maraykanka iyadoo lagu xiriirinayo inuu ku lug lahaa weerar lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee dalka Maraykanka, waxaana la dilay Mr Axmad Cumar Cabdul Raxman bishii October 14, 2011ka.

Anwar al-Awlaki: IOo dhimashadiisu ay ka nixisay Ururka Al-qaacida ayaa waxaa loo haystay dembiyada argagixisada (waxaana dilay ciidammada khaaska ah ee sida weyn loogu tababaray la dagaallanka Argagixisada) ayaa door muhiim ah ka ciyaari jiray sidii uu dadka uga hor keeni lahaa dadka Maraykanka ah iyo saraakiisha reer Yemen. Haddaba labada Mwaadin ee ku dhashay dalka Maraykanka oo kala ah Anwar a-Awlaki iyuo Samir Khan, oo tafaftire ka ahaa jariidadda shabakadda internetka caanka ka ahdy ee Slic Jihad, ayaa waxaa lagu dilay weerar Bombaano oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidammada CIAda iyo milettariga dalka Maraykanka, sida ay ku soo warramayaan saraakiil u hadashay ciidammada ka hortagga argaggixisada caalamka. Haddaba AlAwlaki waxay u muuqataa in wakhti dheer la baadi goobayey, laakiin Khan ayaan si toos ah loo bartilmaameedsan.

Abu Miqdad al Masri: Wuxuu ka mid ahaa golaha Shuurada ee loo yaqaanno Majlis, wuxuuna faraha kula jiray hawl-gallada gudaha ee ururka Al-Qaacida. Waxaa isagana la dilay October 13-14, sannadkan 2011ka.

Xaleem Ullah: Wuxuu ahaa ammaanduule ku xigeenka Talibaan Xaafiz Gul Bahadar, waxaana la dilay bishii September 30, 2011.

Cabdal Rahman al Yemeni: Wuxuu ka mid ahaa Hawlwadeennada sarsare ee ururka al-Qaacida shabakadda hawlgallada dibadda, waxaa la dilay 13-14kii sannadkan 2011ka.

Abu Hafs al Shahri: Isna wuxuu ka mid ahaa madaxda sarsare ee al-Qaacida wuxuuna u sarreeyey hawlgallada al-Qaacida ee dalka Pakistan. Waxaa la dilay bishii Septmeber 11, 2011.

Jan Baz Zadran: Wuxuu ahaa ninka saddexaad ee shabakadda argaggixisada, wuxuuna ku-xigeren u ahaa Siraj Xaqaani, waxaana la dilay bishii October 2011ka.

Atiyah Cabdal-Raxman: Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyaye ka mid ahaa ilaaadii hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Cusama Bin Laden, wuxuu kaloo ka mid ahaa ammaanduulayaasha sar-

sare ee hawlgallada ururka al-Qaacida. Waxaana la dilay bishii August 22, 2011. Ilyas Kashmiri: Wuxuu ahaa hoggaamiyaha kooxda al-Qaacida ee Lashkar al Zil, wuxuu kaloo ahaa ammaanduulayaasha Xarakatul Jihatul i-Islami. Ilyaas wuxuu kaloo xubin ka ahaa Golaha hawlgallada argaggixisada ee dibadaha. Waxaa la dilay Kashmiri bishii June, 3deedii, sannadka 2011ka. Abu Zaid al Iraqi: Wuxuu ka mid ahaa Ururka al-Qaacida, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka al-Qaacida qaybta maaliyadda eek u sugan dalka Pakistan, Abu Zaid waxaa la dilay bishii Febraayo 20, 2011ka. Fazuul Cabdullah Muxammad: Waxaa dilay ciidammo ka tirsan dawladda 8dii June, 2011ka mar uu ku soo dhacay isbaaro ciidammada u tiillay duleedka magaalada Muqdisho. Xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka oo ka hadlaysay geeridii Fazul Abdullah Mohammed ayaa waxay tiri, “Dhimashada Fazul waxay dhabar-jab weyn ku tahay ururka al-Qaacida.” Fazul ayaa waxaa madaxiisa lagu doonayey lacag gaaraysa ilaa iyo $5’000’000 oo dollar kaddib markii lagu eedeeyey isaga iyo shakhsiyaad kale qarixii loo geystay safaaradda maraykanka ee caasimadda Kenya ee dalka Maraynkanka sannadkii 1998dii, kaasoo lagu laayey dad maraykan iyo Kenyan ah oo gaaraya ilaa iyo 224 qof. Maxammed Fazul ka hor intaanu dhiman wuxuu ahaa madaxa ururka al-Qaacida ee Afrikada Bari.


12

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

WARARKA DUNIDA warar kooban DAROOGO

Daroogo laga helay qoyaanceliyaha Carruurta loo xiro Ciidammada Boliiska ee dalka Ecuador ayaa waxay soo qabteen daroogo lagu qariyey sanaadiiqda waaweyn ee maraakiibta ama containerro ay ka buuxaan qoyaan-celiyaha carruurta loo xiro. Shan qof oo reer Sierra Leone ah iyo dad kale oo shisheeyayaal ah ayaa loo soo qabtay arrinka. Haddaba kooxaha daroogada ee Laatiin Ameerica ayaa waxay isticmaalaan Galbeedka Afrika si daroogada loo soo geliyo Yurub. Sanduuqa ay ku jireen qoyaan-celiyaha ayaa lagu qiyaasay dhererkiisa ilaa iyo 40 foot oo u dhiganta ilaa iyo 12 meter. Waxaa dhowaan dalka deriska la ah Sierra Leone ee Gambia lagu qabtay siddeed ka mid ah qolyaha daroogada oo ka ka shaqeeya. Waxaana lagu xukumay 50 sannadood oo xarig ah midkiiba kaddib markii lagu qabta daroogada cocainta oo gaaraysa ilaa iyo labo ton oo laga keenay Laatiin America waxaana loo waday dalalka Yurub . Siddeedda qof ee xabsiga la dhigay afar waxay ahaayeen reer Venezuela, labana waxay ahaayeen Dutch, mid wuxuu ahaa Mexican, midna Nigerian—waxaa iyaga oo dhan ay ku sugnaayeen xaafad laga kalluumaysto, kaddib markii la qabtay Cocainta. Mid kale oo ka mid ah dadka tuhunka loo soo xiray ayaa ku dhintay xabsiga maalin Axaddaad, maalma ka hor intaan xukunkooda la soo saarin.

SII DEYN

Soomaali laga sii daayay Xabsiga dhexe EE Tripoli Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 172 dhallinyaro ah, kana kooban 118 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya. Muhaajiriintaan Soomaaliyeed, ayaa in muddo ah ku jiray Xabsigaas, ka-gadaal markii ay Ciidanka Nabad-sugidda ee dalkaas Libya ku soo eedeeyeen inay u guntanaayeen Tahriib xagga Badda ah, doonayeenna inay si sharci-darro ah Doonyo ugu gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga. Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya: M/D. Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa si lixaad leh ugu guntaday, kuna guulaystay sidii uu Mahaajiriintaan Soomaaliyeed uga sii dayn lahaa Xabsiyada Libya, ayna dib ugu heli lahaayeen Xorriyaddooda. Muhaajiriintaan Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay waxa lagu eedaynayo, waxayna ku doodeen in ay damacsanaayeen in ay u sii gudbaan dalka Tuunis, si ay ugu biiraan Qaxootiyada kale ee ku sugan Xerada ‘Shousha’ ee ku taalla Xadka labada dal. Halkaas oo ay ku sugan yihiin Boqollaal Qaxooti Soomaaliyeed ah, oo iyagu markii hore ka bara-kacay dalka Libya. Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Tripoli Muxyaddiin M. Kaalmoy ayaa ka codsaday Maamulayaal ka tirsan Xukuumadda KMG ah ee Libya,inay ka-caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed, sidii ay Sharciga degganaanshaha (Iqaamad) iyo shaqooyinba uga heli lahaayeen gudaha dalkaas. Codsigaas oo laga oggolaaday Madaxda Safaaradda.

xiisadda Mareykanka iyo iiraan

US oo uga digay Iiraan inaanay xirin Hormuz Saansaan colaadeed oo laga daereemayo marinka Hormuz. Wakaaladaha wararka

C

iidammada Badda ee dalka Maraykanka ayaa waxay sheegeen inaanay soo dhowayn doonin fal waliba oo carqalad lagu gelinayo marinnada ay saliiddu marto, waxaana hadalkaasu soo baxay kaddib markii dalka Iiraan ku hanjabay inuu xiri doono marinka Hormuz. Waxaa dawladda Iiraan ku dhaaratay inay xiri doonto marinka Hormuz haddii reer Galbeedku ay dalkeeda cunaqabatayn ku soo rogaan mashaariicdeeda Nuclearka awgii. Dalka Maraykanka iyo xulufadiisa ayaa waxay rumaysan yihiin in Iiraan ay isku taxluujinayso inay samaysato hubka wax baabi’iya ee nuclearka, waxaana marar badan diiday arrinkaas isaga dawladda Iiraan. Iyadoo ka jawaabaysa hanjabaadda Iiiraan ayaa haweenayda madaxda ka ah markabka dagaalka ee US Fifth Fleet, oo geyigaas ku sugan waxay tiri, ”Innagu diyaar baannu u nahay

Khariidad muujineysa marinka Hormuz. inaannu wax ka qabanno ficil waliba ee waxyeello geysanaya.” Marrinka Hormuz wuxuu ku xirmaa Gacanka—oo dalalka saliidda soo saara ee Bahrain, Kuwait, Qadar, Sucuudiya Careebiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa isticmaala, waxaana loo sii maraa Badweynta Hindiya. Marrinka Hormuz waxaa mara ugu dhowaan 40% markaakiibta shiidaalka sida ee dunida. Waxaa Gacanka ku sugan maraakiib dagaal oo maraykanku leeyahay si aan loo carqaladayn marinnada Saliiddu marto ee ku yaalla gobolka Khaliijka.

“Haddaba marinkaasi ayaan ahmiyad u lahayn amniga iyo xasilloonnida gobolka oo keliya, balse wuxuu laf-dhabar dhaqaale u yahay dalalka gacanka iyo Iiiraan” waxaa sidaa leh af-hayeenka xarunta gaashaandhigga ee Maraykanka George Little. Mr George oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu leeyahay: “In xiisad laga kiciyo Gacanka ayaan cidna u danaynaynin, waxaase uu intaa raaciyey inaanu ogayn ficil dagaal oo ka dhan ah maraakiibta dalka maraykanka oo ka dalandoolaya biyaha gacanka.

Haweenay u hadashay markabka dagaalka ee US Fifth Fleet Rebecca Rebarich ayaa waxay BBCda u sheegtay, “in Ciidammada badda ee dalka Maraykanka ay weerarro qaadi karaan saacad waliba oo, ‘bay tiri’, ciidammadayadu waxay leeyihiin awood badan, waxayse u go’een xasiloonnida gobolka iyo ammaankiisa, waxaanay mar waliba heegan u yihiin inay ka jawaabaan ficil waliba ee waxyeello geysanaya, si loo sugo xorriyadda socodka maraakiibta gobolka u kala gooshaysa.”

MAXKAMADEYN

Maxkamadeyntii Mubaarak, wiilashiisa oo dib loo furay

W

axaa dib loo furay maxkamadayntii ku socotay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak iyo wiilashiisa kaddib markii la hakiyey muddo laba bilood ah. Idaacadda televisionka Qaranka ayaa waxaa lagu arkayey Mubarak oo 83 jir ah oo la soo gelinayo maxkamadda ku taalla akdemiyadda ciidammada boliiska ee Qaahira isagoo saran bareelle. Waxaa Mubaarak lagu eedeeyey musuqmaasuq, iyo inuu geystay dilka dad dibad-baxayaal ah oo gaaraya 840 ruux wakhtigii kacdoonku jiray, taasoo kolkii dambe keentay inuu iska casilo xukuumadda bishii Febraayo sannadka 2011ka. Labadiisii wiil, Alaa iyo Gamal, oo uu wehliyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo lix ka mid ah saraakiishii sar sare ee ka hoos shaqaynaysa ayaa la hor keenay maxkamadda. Iyaga oo dhanina way diideen eedaymihii lagu soo oogay. Televisionka Qaranka ayaa si

toos ah u soo daynayey dacwadda Xusni Mubaarak iyo jameecadiisa, waxaana lays tusayey Mubaarak oo la soo gelinayo maxkamadda wuxuuna watay dharka sportiga, wuxuuna huwanaa shaal. Waxaaa laga soo dejiyey gaari Ambalaas ah iyadoo sariir lagu wado. Dacwadda ayaa markii hore la hakiyey iyadoo ay ugu wacan tahay in wakiilladii qaraabadii dadkoodu ku dhintay kacdoonkii 18ka maalmood (oo gaarayey 840) dalbadeen in xaakinka dacwadda u weyn Axmd Rafaat iyo laba Xaakin oo kaleba la beddelo. Bishii August, ayaa Refaat ka caraysiiyey wakiillda markii uu ka mamnuucay Televisionka inuu dacwadda soo tebhiyo, isagoo ku doodaya in tebinta dacwadda aanay habboonayn. Haddaba ilaa iyo markii dacwaddu bilaabatay ayaa waxaa markhaatifuray dad magac ku leh dalka Masar oo si toos ah looga daawanayey Idaacadda Qaranka Masar.

Mubaarak oo la keenayo maxkamadda. Markaana haddii dacwadda lagu soo astakeeyey lagu helo, waxaa xukunkiisu noqon karaa dil toogasho ah.Haddaba wakhtigaas kacdoonku socday ayaa biliiska rabshadaha la dagaallama waxay kala dhex joogeen mucaaradka iyo mu’ayidka dawladda.


Ganacsiga

13

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

Ganacsigii dekedda Kismayo oo hoos u dhac weyn ku yimid

Maaddaama ciidammada al-Shabaab ay heegan ku jiraan, ayaa waxaa hoos u dhacay ganacsigii Kismaayo.

Xubin ka tirsan ciidammada al-Shabaab. Wariyaha WADDANI

D

iyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa waxay kicisay caramaanyada markii ay ku soo degaysay deegaanka Buurgaabo, oo ah aagga koofureed oo ku taalla dhanka ciidammada Shabaabku ay ku xoog badan yihiin ee laga difaaco magaalada dekadda ah ee Kismayu. Haddaba Buurgaabo waa tuulo ka kooban mudullo iyo carshaan ka samaysan dhoobo iyo baal-mukuuti waxaanay leedahay laba jamal oo dhexda ka kala go’an oo markaakiibta yar yari ay soo mari karaan, waana meesha webiga Bush-Bush uu kaga daro biyaha Badweynta Hindiya.Waxaana qarka kale ee jamalka ku sugan ciidammada Shabaabka. Waxaa markiiba diyaaradda xamuulka ah ee Helikobterka ah hareeyey gawaarida gaashaaman, waxaa kaloo dhanka Shabaabka gantaalo ku riday diyaarada kale oo weerar ah oo welibana ka mid ah kuwa qumaatiga u kaca, waxaana isla markiiba soo noqday shibanaantii iyo shanqarla’aantii. Madaxa Ciidammada Qalabka sida ee Kenya Major Seif Rashid ayaa waxaa uu leeya-

hay: “Ilaa iyo maalintii aynu qabsannay dhinacan tuulada Buurgaabo ka mid ah ayaa Shabaabku isku taxluujinayeen inay dhankan soo gaaraan , oo ammaanka khatar geliyaan ha yeeshee sutida ayaannu u qabannay, waxaanan awood u yeelannay inaannu weerarradooda dhexda ka kala jebinno.” Taliyaha Ciidammada Koofureed Mr Rashiid ayaa intaas raaciyey in weerarro ay soo qaadeen ciidammada Shabaabka oo fadhiya geddiga kale la fashiliyey, waxaana ugu dambeeyey toddobaadkii la soo dhaafay weerar ay soo agaasimeen, ha yeeshee sutida ayaa loo qabtay, oo waxaannu haysannaa hub aan u oggolaanaynin iyaga inay giddiga kale ka soo gubaan, buu yiri, Taliye Rashiid oo ku sugan aagga dagaalka. Waxaa ciidammada Kenya ay qabsadeen tuuladan bishii October 26keedii markaasoo Ciidammada Qalabka Sida ee Kenya ay ka soo galeen Soomaaliya saddex aag oo dalka Kenya xuduud kala leeyahay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-shabaab oo dawladdu ku eedaysay inay falal argaggixiso ka wadeen Kenya. Dhanka kale ciidammada

dawladda federalka ku-meel gaarka Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen ciidammada Qalabka sida ee Kenya inay kaalmo raashin iyo dawo ah la soo gaaraan dadka halkaas ku dhaqan, waxaana sidaa leh taliyaha ciidammada dawladda fedaraalka ku meel-gaarka Soomaaliyeed Mr Mohammed Farah Ali mar uu la hadlayey warfidiyeenka. Waxaa iyaga oo ka jawaabaya baaqa taliyaha, ay bilaabeen Ciidamnmada Qalabka sida ee Kenya in dadkii halkaa degganaa ay u qaybiyaan bariis,waxaanay dadku sheegeen in kaalmadani ay ahayd tii ugu horraysay ee ay helaan ilaa iyo markii ciimammada Kenya ay halkaas yimaadeen. “Dhibaato ayaa iga haysata inaan quudiyo toddoba carruur ah oo aan dhalay”, waxaa sidaa leh Faadumo Yuusuf oo 27 jir ah, laakiin markii aad eegto ay kula noqonayso inay ka weyn tahay da’da ay sheeganayso, waxaanay la carartay laba bac oo bariis loogu shubay. Raashin gargaar ah ayaa dadku si weyn ugu baahan yihiin iyadoo ay ugu wacan tahay in suuqii xiran yahay, oo dooniyaha dhuxusha qaadana aanay haatan iman

karin aagga, welibana doonyihii kalluumaysiga ayaa xayiran, oo wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo aaggaas ka socda ma jiraan. Waxaana suuqa jooga xayn riyo ah iyo dhowr daanyeer, laakiin nafar aadmi ah oo jooga halkaas ma jiraan. “Markii ciidammada Kenya iyo Dawladda Federaalka Ku-meelgaarka ay yimaadeen aagga Buurgaabo ayaa alShabaabku waxay istaajiyeen wax kasta,” waxaa sidaas leh Cumar Bulgas oo uu u turjumayo mid ka mid ah ciidammada qalabka sida ee Kenya. Waxaa suuragal ah in weliba Ciidammada Qalabka Sida ee Kenya aanay raalli ka ahayn in doonyo yimaadaan dhanka ay ka taliyaan ammaanka ciidanka aawgii. Haddaba doonyaha la xannibay ayaa waxay saameeyeen ganacsigii dhuxusha la geyn jiray Abu Dabai, waxaana doonyihii laga lahaa Buurgaabo laysugu keenay hal waddo oo ka mid ah waddooyinka magaalada. Markaasina waxaa magaalada lagu arkayey gaari laba boqol oo jawaan oo dhux ah laga dejinayo, ha yeeshee doonyihii qaadi lahaa ayaa xayiran dagaalka awgii. Balse waxaa labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya ay sheegayaan inay horey u soconayaan. Hase yeeshee Sarakiisha Kenya ayaa waxay leeyiyihiin waxaannu horey u soconaynaa oo keliya marka labada aag ee kale ay iyana dhaqaaqaan. Haddaba asbaabaha keenay in Ciidanku xuduudaha ku ekaado ayaa waxay tahay iyadoo dhulka roob badan uu ka dhacay, inkastoo haatan dhulkii uu engay, roobkiina yaraaday. Waxase weli jira caddaymo sheegaya in roobab ay ka jiraan dhulka, qorrax badanina jirto, balse weli waddooyinka jid-caddayaasha ah, oo xeebta gees maraya ayaa qoyan sida saraakiisha sahanka ahi ay ku warramayso. “Qabanqaabada socota imminka waxaa weeye inaannu qabanno Kismayo,” waxaa sidaas leh taliyaha ciidammada Qalabka sida ee xeebaha Soomaaliya ku sugan Major Rashiid.

warar kooban DEEQ

EU oo magaalooyin Somaliland ka tirsan ugu deeqay $30.5 milyan Afar magaalo oo ka tirsan Somaliland oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Hargaisa ayaa waxay ka faa’iidaysan doonaan lacag gaaraysa ilaa iyo $30.5 million oo doollarka maraykanka ah oo ay ugu deeqeen ururka Midowga Yurub taaasoo loogu talagalay dayactir, sare u qaadidda bilicsamida magaalooyinka iyo tayeynta ceelasha biyaha la cabbo ee magaalooyinka Soomaaliland. “Wakhti dhow ayaa reer Soomaaliland heli doonaan biyo nadiif ah,” waxaa sidaa leh wasiirka macdanta Mr Xuseen Axmad Ducaale oo la hadlaya saxaafadda Soomaaliland ee Hargaysa maalma ka hor. Wasaraddiisa ayaa waxay dib u habayn ku samayn doontaa haamaha kaydka biyahya la cabbo, waxaanay beddelayaan qasabadihii ciidda ka samaysnaa ee biyaha geeya magaalada, iyadoo weliba biyaha magaaladana sare loo qaadi doono. Waxaa mashruucan lagu hirgalinayaa in sare loogu qaado tayada biyaha saxadoodu wanaagsan tahay iyadoo la soo iibin doono weliba qalab yaraynaya biyaha darrooraya, si biyahav la beytamaalinayo loo yareeyo, caafimaadka biyahana magaaladana tayo ahaan sare loogu qaado.

TIKNOOLAJIYAD

TelefoonNADA Samsung oo laga jeclaysanayo UK Tartanka ka dhexeeya Shirkadda Samsung iyo Apple oo ay gucla roorka ugu jiraan cidda ku gacansarraysa teleefoonnada loo yaqaanno Smartphones-ka ayaa soconaya. Haddaba dagaal dheer oo xagga sharciga, iyo xayeesiinta iyo farsamada oo midba tan kale ay ku bahdilayso, ayaa waxay haatan u muuqataa in shirkadda Samsung loo magacaabi doono tan ugu taleefanna-soo saarid wanaagsan shirkadaha ku sugan dalka Ingriiska, sida ay soo warinayaan shabakadaha u dhuun-duleelada tartanka farsamada mobaylaa casriga ah. Inkastoo haddaba sida la moodayey la rajaynayey in Shirkadda Apple Macintosh ay guulaysanayso toddobaadkii la soo dhaafay kaddib markii ay soo saareen iphoneka loo yaqaanno 4s, ayaa haddana teleefoonnadii la iibsaday afartii toddobaad ee December 2011ka la ogaaday in teleefoonnadii dadku ay iibsanayeen saddex marka loo qaybiyo in qayb ay ahaayeen Samsung. Waxaana soo raaca telefoonnada HTC oo ku dhawad, teleefoonnada shirkadda Apple ayaa iyana waxay galeen kaalinta saddexaad.


14

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

GANACSIGA warar kooban DEYN

Lacago lagu leeyahay East African Community Dawladaha ku bahoobay ururka East African Communiy ayaan weli bixin lacago kaalmo ah oo loogu talo-galay Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaaqaanno JUCEA, sida aynu ka helayno ilo wareedyo. “Lacagahan aanay dawladuhu bixinin ayaa aad u batay taasoo keentay in golaha wasiirrada ururka East African Community ay wareegto soo saaraan taasoo ay u dirayaan dawladaha ku bahoobay Ururka Beelaha Bariga Afrika si ay kharashka lagu leeyahay ee gaaraya ilaa iyo 10 milyan oo Doollarka Maraykanka ah ay isaga bixiyaan,” sida wararka ina soo gaaraya aynu ku helayno. Beelaha Bariga Afrika oo horey u ahaan jiray Kenya,Tanzania iyo Uganda, oo lagu soo daray dhowaan Rwanda iyo Burundi, ayaa waxay u baahan yihiin inay dib u soo nooleeyaan Jaamacadaha ka dhexeeya iyaga si Jaamacadahoodu ay door muuqda uga ciyaaraan horumarinta tacliinta sare ee Beelaha Afrikada Bari. Haddaba Beelahan ku bahoobay ururka ayaa laga doonayey inayy Jaamacadaha ku tabarucaan lacago siman oo dal waliba si isla eg uu u bixinayo iyadoo lacagaha la gaarsiinayo golaha Jaamicadaha Beelaha Bariga Afrika. Julydii la soo dhaafay kowdeedii ayaa lacagaha lagu leeyahay Tanzania waxay gaarayeen ilaa iyo $3 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, Kenyana waxaa lagu lahaa ilaa iyo $4.8 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, Ugandana waxaa lagu lahaa $1.9 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, Burundina waxaa lagu lahaa $275,718, Dalka Rwandana waxba laguma lahayn haba yaraatee. “Golaha Jaamacaduhu waxay rajayayaan in lacagaaasi la bixiyo ka hor dhammaadka miisaaniyad sanadeedkan shanta dawladoodba,” sida lagu sharraxay ila wareedyada aynu helayno.

SHIDAALKA KENYA

Kenya oo iibsanaysa saliid dheeri ah Oo gaaraysa ilaa iyo 138,000 Dalka Kenya ayaa shiidaal kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 138’000 kun oo tan ku iibsanaysa qandaraas waxaana shiidaalka la soo gaarsiinayaa dalka Kenya bisha soo socota, iyadoo dawladdu ay horey u soo iibsatay in ka badan 200’000 oo kun oo tan oo shiidaal ah bishan sida ay iliilo laga helayo wakaaladaha batroolku ay ku soo warramayaan. Wasaaradda Tamarta ayaa hore u soo iibisay ilaa iyo 25’000 oo tan oo gaaska neefta ah, 58’000 oo tan oo Gaaska la shito ah iyo 25’000 oo shiidaalka diyaaradaha loo isticmaalo ah, iyo 30’050 tan oo Nafto ah oo ay ka soo iibsadeen shirkadda Addax kenya, Galana Oil Kenya, Gulf Afrika Petroleum iyo Gulf Energy, sida lagu sheegay warbixinnada aynu ka helayno shirkadaha. Haddaba dalabka Shiidaalka ay isticmaalaan dalalka Afrikada Bari ayaa sii kordhayey kaddib markii hoos u dhac uu ku yimid farsamadii sifaynta Batroolka iyo in dadka isticmaalaya shiidaalka ay sare u kaceen, taasoo keentay in Kenya ay Shiidaal ka doonato Bariga Dhexe iyo Aasiya. Dhaqaalaha dalka Kenya ayaa la filayaa in uu kor u koco ilaa iyo 5% sannadka soo socda, kaasoo sida la saadaaliyey sannadkan ahaa 4.5%, waxaana lagu wadaa sannadka 2012ka in dhaqaalaha Kenyo uu sare u koco 5%. Shiidaalkii ugu dambeeyey oo Kenya ay soo iibsatay ayaa waxaa uu gaarayey 347’768 tan oo lagu waday inuu dalka soo gaaro bishan December 2011ka waxaana dalku isticmaalayaa ilaa iyo bisha Febraayo 2012ka.

GANACSIGA

GANACSIYADA AL-wALIID

Al-Waliid oo Twitter ka iibsaday saami ah $300m Amiir Waliid-ka Sacuudiga ayaa saami ka iibsaday shabakadda Twitter. Wariyaha WADDANI

M

aalgashade Sucuudiyaan ah ayaa wuxuu ka iibsaday saami gaaraya ilaa iyo 300 oo milyan oo Doollar Shabakadda Twitter, taasoo markaa tujaarkan reer Sucuudiya u suuragelinaysa inuu saami ku yeesho shabakadda ugu dadka badan shabakadaha bulshadu ku wada hadlaan ee adduunka. Billioneer Al-Waleed bin Talal oo uu abti u yahay boqorka Sucuudiga ayaa waxaa jariidaddaForbes oo soo baxday bishii March ay ku qiyaastay hantidiisa ku-dhowaad 20 bilyan oo Doollarka Maraykanka, waxaana uu ku leeyahay ilaa iyo 7% shirkadda akhbaaraadka ee loo yaqaanno News Corp waxaanay jariidaddu sheegtay in AmiirTalaal doonayo inuu dhowaan bilaabo Wakaalad qaabilsan wararka. Haddaba saamigan laga iibsaday Twitter oo ay Amiirka kula jirto Shirkadda maalgelinta ee loo yaqaanno Kingdom Holding, ayaa Amiirku bilo badan uu la gorgortamayey sida ay warbixinta ku sheegtay shirkadda Kingdom Holding maalmo ka hor. Haddaba hantida Shirkadda shabakadda Twitter ayaa waxaa lagu qiyaasayaa ilaa iyo 3.75%. Twitter oo macaamiisheeda u oggol inay dirsadaan 140 xaraf oo warar ah saaxiibbadooda, ayaa la ogsoon yahay inay tahay mid ka mid ah shabakadaha ugu caansan ee dalka Maraykanka, waxaanay ku heer tahay facebook iyo Zyang oo labaduba ka mid ah shabakad-bulsheedyada loogu jecel yahay. Shirkadda ayaa waxay sheegtay bishii September inaanay ku degdegaynin inay qaadato naadadii caamka ahayd ee suuqa taasoo Twitter ay doonayeen inay iibiyaan saami gaarayey ilaa iyo 300 oo milyan oo doollarka Maraykanka ah. Haddaba waxaa 300 oo milyan laga daray 100 milyan oo kale bishii July taaoo ku baxaysa maalgelinta naadada caamka ah ee saamiga shirkadda Twitter.Waxaa shirkadda Twitter ay leedahay haatan in ka badan 100 milyan oo ka mid ah macaamiishooda oo soo gala shabakadda bishiiba mar ugu dhowaan. Shirkadda Facebook, oo ah shabakad bulsheedka ugu weyn duni9da ayaa waxay leedahay ilaa iyo 750 milyan oo isticmaala shabakaddooda. Waxaa beri dhowayd ay billawday Google shabakad ay ku kulmaan ma-

Al-Waliid bin Talaal.

Amiirka Sacuudiga al-Waliid bin Talaal. caamiishooda oo ay ugu magac dareen Google + taasoo korjoogtada shabakadaha ay la tahay inay macaamiisha ka kaxaysan doronto shirkadda Twitter. Haddaba isticmaalka shabakadda Twitterka ayaa door weyn ka ciyaaray kacdoonnadii dhowaanta ka dhacayey dalal badan oo Carbeed.Waxaa dadweynaha isticmaala shabakadda Twitterka u suuragashay in Twitterka laysugu gudbiyo akhbaaraadka waxaanay keentay in la af-gembiyo dalal badan oo ku yaalla woqooyiga Afrika oo Carbeed, waxaa kaloo Twitter uu khalkhal ka abuuray dalal badan oo Carbeed oo ku yaalla Bariga Dhexe Sanadkan. Kacdoonku wuxuu soo gaaray Boqortooyada Sucuudiga, waxaana isla markiiba lagu dhawaaqay deeqo lacageed oo isugu jira mushaaro kordhin, iyo maalgelinta shacbi weynaha reer

Maalgashiga aynu maalgashannay Twitter ayaa xaqiijinaya xirfadaha aynu u leenahay inaannu carabaabno fursadaha lagu maalgashanayo ganacsiga faa’iidada badan leh ee welibana saamayn weyn ku lahaanaya caalamka.”

Sucuudiga, oo gaarayey ilaa iyo $130 bilyan oo Doolarka Maraykanka ah. Haddaba Sucuudiyiintu haatan waxay aad u daawadaan Televisionnada ku xiran sateliteyada , iyo akhbaaraadka tooska ah iyo shabakadaha sida tooska ah uga warama akhbaaraadka dunida si ay ula socdaan waxyaabaha dunida ku xeeran ka dhacaya. Haddaba Sucuudiga oo ah dalka ugu badan dhoofinta Saliidda aya Saudis are increasingly turning to satellite wuxuu ku dhawaaqay sannadkan in warfidiyeennada xakame adag la gelin doono. Alwaleed, oo saami aad u badan ku leh Citigroup, ayaa waxaa uu sheegay inuu jecel yahay inuu arko dad badan oo ka qayb qaadanaya siyaasadda dalka iyo in la qaban-qaabiyo doorashooyin xor ah iyo in dhallinyarada C arbeed shaqooyin loo abuuro. Shirkaddiisa King-

dom ayaa waxay leedahay ugu dhowaan 30% saamiga wakaaladda Baarista iyo suuqgeynta eeSucuudi Careebiya oo ay hoos yimaadaan hay’ado warbaahineed oo aan faro yarayn. “Haddaba maalgashiga aynu maalgashannay Twitter ayaa xaqiijinaya xirfadaha aynu u leenahay inaannu carabaabno fursadaha lagu maalgashanayo ganacsiga faa’iidada badan leh ee welibana saamayn weyn ku lahaanaya caalamka,” waxaa sidaa leh Alwaleed Talaal oo ah ganacsade weyn oo reer Sucuudi Careebiya ah, oo welibana dhowaan Soomaalida tabaalaysan ee ku soo barakacay Muqdisho ugu yaboohay gargaar aan farayarayn.


WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

Bulshada

15

Sinnaanta aadmiga Diinta Islaamka waxay si weyn u aaminsan tahay iyo Diinta Islaamka sinnaanta aadmiga. Axmed Oogle

S

innaanta diinta Islaamka maahan oo kaliya inay aqoonsan tahay in dadku sinnaadaan markay joogto midab, diin iyo qaran ahaanba, laakiin waxay mabda’an sinnaanta ka dhigaysaa diinta Islaamku hubanti ama xaqiiqo dhab ah. Allaahu Subxaana Watacalaa ayaa Quraankiisa ku leh: “BinuAadmigow waxaa laydinka abuuray Nin iyo Naag,” Xujuraat (Quran 49:13) qaybta kowaad. Waxaa taasu ka macne tahay in dadka Aadmiga ah oo dhan ay wada dhasheen oo ay ka soo askumeen hal Aabbe iyo Hooyo qura. “Waxaa laydinka yeelay qoomiyado iyo Qaramo si aad isku garataan” Suuratul Xujuraat (Quran 49:13 qaybta labaad) Waxaa taasu ka macne tahay in kala duwanaanshaha dadkan iyo qaramadan kala duwan loo yeelay un inaynu isku aqoonsadaan, oo qofba kan kale haybtiisa, dawladdiisa iyo qoomiyaddiisa ku ogaado, laakiin haddana la ogaado in dadku ay mid yihiin. Markaa dadkan kala qolada ama isirka ah ayaan ka dhignayn inay qaranba kan kale ugu faano awood, kamana dhigna in hal qaran uu mid kale liido ama ceebeeyo, ama uu ka faano oo uu qaato xaqooda. Waxaa Allah Subxaanahu Watacaalaa leeyahay: “Kan idiinku weyn dhexdiinna wuxuu noqonayaa kan idiinku adeecis badan.” Suuratul Xujuraat (49:13) qaybteeda 3aad. Marka dhanka kale laga eego, kan dadka u sarraynaya ayaa lagu saleeyey Qofka Cibaadada Alle ay ku weyn tahay, iyo inuu hufan yahay oo damiir sare leeyahay, balse kuma salaysna midab, qoomiyad, qaran ama luuqad. Welibana kuwa Ilaah ka cabsada ayaan laga doonayn inay madax-taagaan oo u dhaqmaan sida inay dadka kale ka sarreeyaan. Haddaba kibirka iyo isla weynanka waa wax Ilaah aad u neceb yahay. Loona qaadan maayo in ninka cibaadada leh leeyahay sharaf ka badan dadka kale, haddii kale waxay ka hor imaanaysaa dastuurka Alle ee Sinnaanta Aadmiga. Marka la eego aragtida damiir ahaaneed, samaha iyo acmaasha wanaagsan ayaa ka wanaagsan xumaanta iyo dullinimada. Waxaa haddaba mabda’aas Rabbaaniga ah sii balballaariyey Nebiga (s.c.w) sida ku cad mid ka mid ah Axaadiista markaasoo uu lahaa:”Ma jiro ruux Carab ah oo ka sarreeya kuwa aan carabta ahayn, sidoo kalena mid aan Carab ahayni kama sarreeyo nin Carab ah. Nin Cadna kama sarreeyo nin Madow, mid Madoobina kama sarreeyo mid Cad. Laakiin idinka oo dhan waxaad ka farcanteen Abkoow Aadan oo isagana laga abuuray dhoobo.”

TAARIIKH

Sidii uu ku soo islaamay Abul Caas bin Raabic - qeybtii 2aad Bogagga Internet-ka

C

amar sidaas ayuu raalli ku noqday, wuxuuna Zeynaba u celiyay Makka. Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay sidii uu Abuu Sufyaan u sheegay, oo wuxuu soo kaxeeyay Zeynaba, wuxuuna gacanta u geliyay ergadii sugeysay. AbulCaas wuxuu intaa ka dib iska joogay magaalada Makka ilaa ay ka soo dhowaatay furashadii Makka. Abul-Caas. sidii ay caadadiisu ahayd wuxuu si ganacsi ahaan u soo aaday Shaam, markii uu soo dhammeystay dantii ganacsi, ayaa wuxuu u soo anbabaxay magaaladii Makka. Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya ilaa 100 halaad, ayna waheliyaan shaqaalihiisa dhamaan , ilaa 170 nin ayaa waxaa u soo baxay ilaalo ka mid ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii way qabsadeen, ragiina

way qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas wuu ka badbaaday oo lama qaban isaga. Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-Caas soo galay magaalada Maddiina isagoo cabsanaya. Wuxuu u tagay xaaskiisa Zeynaba, Isagoo weydiistay magangalyo,markii Rasuulka (scw) u soo baxay Salaaddii Fajar, xirtayna salaaddii isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay la takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba iyadoo Dumarka ka dhex dhawaaqday Zeynaba iyadoo leh “Dadyahoow waxaan ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan magangaliyay Abul-Caas ee idinkana magangaliya”. Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay Salaadda ayaa wuxuu u jaleecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh “Ma maqasheen wixii aan anigu maqlay?”. Saxaabadii ayaa yiri “Haa, Rasuulkii Alloow”. Intaa dabadeedna

wuxuu yiri Rasuulka “Allaha nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartaye waxna kama ogi arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana waxa wax magan galiya kuwooda ugu sokeeya”, kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa “Wanaaji hoyga Abul-Caas, waxaadna ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn. Wax yar ka dib Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray ilaaladii soo qabqabtay raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda, wuxuuna ka dalbay Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla markasna u celiyaan maalkiisa iyo saafarkiisa, iyagoo xaq u leh inay diidi karaan, waayoo waa wax ay xaq u leeyihiin. Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen Rasuulka (scw), waxayna yiraahdeen “Waan u celinaynaa maalkiisa” “AbulCaas wuxuu ku noqday magaalada Makka, wuxuuna siiyay

dadkii amaanadii iyo maalkii ay u dhiibteen, isagoo leh “Qureeyshey ma jiraa qof aan helin maalkiisa.”.. Waxay yiraahdeen maya, Ilaahna ha kaa abaalmariyo. Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib “Haddaba haddii aan idiin guday xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan qirayaa inuu Ilaah xaq yahay, Nebi Muxammadna yahay Rasuulkii Alle soo diray, mana iga reebin inaan Muxammad agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida aan ka cabsanayay inaad u qaadataan inaan maalkiina la cararay ama boobay.. Lakiin markii aan idiin soo celiyay maalkiina, aa na madax banaanaadey ayaan Islaamay”. Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti gelintiisa, wuxuuna u celiyay xaaskiisa, isagoo oran jiray “Abul-Caas wuu ii waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila ballamay wuuna oofiyay.


16

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

BULSHADA BULSHADA ARrIMAHA is beddel ku yimid xijaabka

Ma ogtahay in uu xijaabka iska beddelay sidii hore? Dumar badan ayaa waxay xijaabka u soo xirtaan siyaabo kala duwan. Maxamed Xuseen

X

irashada xijaabka Islaamiga ah waxay sanadihii ugu danbeeyay noqotay arrin si weyn ugu shaacday mujtamaca Soomaaliyeed oo la oran karo 100% waxay siyaabo kala duwan u xirteen xijaabka. Xijaabka oo markii hore ahaa wax aad la isugu adkeeyo loona qaato sidii lagu arkay, waxaa laga sameyn jiray dharka aadka u adag iyadoo la xulan jiray kuwa ugu muuqaalka qayiran ee aan midab ifaya ahayn. Kadib waxaa dhacday in midab waliba midka uu ka qurux badan yahay xijaabka laga tosho, kacaanka xijaabka ku socda dartiina wuxuu iminka marayaa in laga sameeyo dharka ugu khafiifsan iyo kuwa ugu jilcan ee dumarku isticmaalaan taasoo laga deyrinayo. Waxaa markii ugu horreysay la arkay dharka loo yaqaan Baariyada qafiifka ah oo si baahsan looga toshay wax u eg xijaabka, iyadoo dhammaan noocyada dharka ee la qaato aanay jirin wax ka reebban. Haddaba waxaannu

wax ka weyddiinay dharka haweenku ku xijaaban karo shuruudaha laga doonayo Sheekh Maxamed Rashiid Sheekh Cali oo ka mida Culumaa’diinka magaalada Nairobi isagoo sheegay in dharka xijaabka noqonayo ay sharci tahay inuu jirka qarin karo oo aanu ahayn khafiif, xubnaha jirka ka muuqanayaan, inuusan lahayn mid dhaldhalaaya oo indhaha soo jiidanaya, inuusan ahayn wada gaarayo jirka haweeneyda isla markaana ka semeysneyn xiriir iwm. “Haweenaydu ciddii aan maxramkeeda iyo ninkeeda ahayn way iska asturaysaa, oo way ka xijaabanaysaa, maxramkeedu waa dadka aan guursan karin weysadana aan ka jabin,waxa sidoo kale aanay ka asturanayn wiilasha yaryar,ee aan kala

saari karin, cawrooyinka iyo jirka kale,” ayuu leeyahay Sheekh Maxamed Rashiid Sheekh Cali. Aayad Qur’aan ah ayaa oranaysa “wax denbiya ma leh xijaab la’aan hadday haweenku la joogaan aabbayaashood iyo wiilasha

ay dhaleen,inamada walaalohood ah iyo inamada walaalohood dhaleen iyo dumarkooda iyo inta ay mulkiday midigtoodu, Allena ha ka cabsadeen oo ha ka baqeen, Alle wax kasta waa og yahay oo marag buu ka yahay”.

Shuruudaha iyo qaabka xijaabku leeyahay ee sharciga ahi waa sidan: 1. Waa in uu asturaa dhamaan jirkeeda haweenayda,wejiga iyo labada calaacalood mooyee,waxana khayr badan in wejiga iyo calaacalahana la asturo. 2. In aan marada xijaabku noqon mid soo jiidasho iyo qurux gaar ah leh. 3. Waa in uusan ahayn mid khafiif ah oo jirku ka muuqanaayo. 4. Waa in uu ahaado mid waasac oo aanu jirka ku dhagganeyn. 5. In aanu lahayn wax ka soo carfaya sida barfuumka. 6. Waa in aanu shabbihin dharka gaalada iyo siday u lebistaan,sida soorooyinka…iwm. 7. Waa in aanu shabbihin dharka ragga. 8. Waa in aanu ka geddisnayn lebbiska la yaqaan,oo aanu qariibnimo bixinayn. Ugu danbeyntii sheekha ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisii sidan “Alle xaqa ha ina garansiiyo,oo xishoodka iyo xushmadda diintu ina farayso Alle ha innagu hanuuniyo,oo xijaabka iyo waajibaadka kaleba kuwo adkaysta ha inaga dhigo. Aamiin!

Ila qosol Nin baa maalin dhakhtar u tegay isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baritaan ku sameeyey, su’aalana weydiiyey si uu u ogaado nooca cudurka haya. Dhakhtarkii wuxuu dareemay in ninkan uu hayo cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn, wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri “Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa.” Ninkii ayaa yidhi “Waa hagaag dhakhtaroow”, oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi “Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii”. Ninkii baa yidhi “Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey.” XXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXX Nin tuugsade ah ayaa habeen habeennada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri “Magan Alle” waxay ku yiraahdeen “Allah ha ina siiyo” markaasu yiri “Xataa jab muufo ah oo qallayl ah maad isiisaan?” markaasay yiraahdeen “ma haysanno” markaasu yiri “ Xooga har haraa ahna maa isiisaan?” markaasay yiraahdeen “ma awoodi karno” Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri “Galaas biyo ah isiiya marka” Hase ahaate waxay ku yiraahdeen “ biyo nooma yaallaan “ Kolkaasu ku yiri “ waa maxay meesha aad fadhidaan,ina mariya aan wada tuugsanne ileen idinkaa iga mudan in la tuugsadee”.

qiso jaceyl

Qisadii jaceylka ee taxanaha aheyd - qebtii 9aad …Waan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo nolosha cusub ee ii bilaabtay, haddana waxaan is iri armuu aabe ku weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin gabadha na bar oo guriga keen iyo waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan go’aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha aan indhaha ugu fiiqayo Istar, dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo, sidaa ayaana nafteeda ku qarsaday. Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii hayay, maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay, markaasaa anoo carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri “Waa maxay qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay”, waxba igama aysan waalin’e qosol ayayba igaga baxday, waxaana aya-

da oo faraxad ay ka muuqato ay igu tiri “ wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay, waa inaad sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la yaabin waa un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?’, “oo ma kula tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?”, ayaan haddana weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay “ Waan arki doonaa bal waxa ka yimaada dadaalkeyga”. Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin, waxaanse isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda qaabta darran. Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si aan hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag inta aan du-

nida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii ahaa farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba gaartay heer ay i tiraahdo “hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto”, waayo jaceylka ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri jiray, taasna waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida amiir oo kale, anna waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga dhigayo iilka aan garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena sidaasi ayay isugu xirmeen. Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray waqtigii aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd xiliggii Istar ay ii

sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u leh inuu fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd 3, ayaa waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka Daljirka Daahsoo. Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa, iyana iguma aysan daahin’e durbaba way ii tilmaameen. Xaruntii ayaan tagay, waxooga dad ayaa iga horeeyay’e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana ugu dambeyn u galay dhaqtarkii. Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday “fariiso” ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri “haye maxaa dhib ah oo ku heysta”, kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo dhamaad uga sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka kaliya ee daweyn kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durb-

aba wuu gartay wuxuuna igu yiri “waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka galay, intiisa badanna xal looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si aan u eego, ogowna hadii ay noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in lagaaga baahan yahay, $1000, si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad sii bixi kartaaa”. Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la’ ayaan kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma jirin, hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono.


17

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

BULSHADA madoobeysada timaha

Madoobeysada oo laga sameeyo sun khatar ah Wariyaha WADDANI

H

aweenay Ingiriis ah oo 38 jir ah ayaa la sheegayaa inay miyir beeshay iyadoo loo malaynayo in miyir beelku sababay kaddib markii ay ka shaashootay dawo ay timaha marsanaysay. Dhakhaatiirta dawaynaysa Julie McCabe, oo timaheeda ku qurxinaysay kiimikada lagu beddelo midabkatimaha ee L’Oreal bil ka hor, ayaa waxay leeyihiin fursaddeeda ah in miyirku u soo noqdo oo ay ka bogsato cudurka haya mid aad u liita. McCabes xaaladaheeda caafimaad ayaa qayb ka ah dhibaaooyin caafimaad oo maalmahan dambe laga qaylinayey, kuwaasoo soo wajahay gabdhaha timaha ku qurxiya dawooyinka, taasoo la sheegayo in mararka qaar ay dumarka u keento dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Haddaba bil ka hor ayaa gabadh dhowr iyo toban jir ah oo la yiraahdo Tabitha McCourt ay iyana markii ay dawada timaha marsatay la soo sheegayaa inay sarajoogga ka dhacday oo dhimatay iyadoo sababtuna tahay dawada timaha oo qaddar labaatan daqiiqo ka hor ay soo marsatay. Haddaba dawada kiimikada ah ee timaha lagu qurxiyo, taasoo la leeyahay waxay geysataa dhaawac halis ah ayaa la rumaysan yahay inay tahay p-Phenylenedianmine hari dyes.” Waxaa kaloo laga soo qaylinayaa boodharro kale oo dumarku isku qurxiyaan, sida Indhakuusha, dawada laysku caddeeyo, iyo kuwa indhaha baarkooda la mariyo ee loo yaqaanno mascaras. Waxaa kaloo ka mid ah dawada loo isticmaalo cillaanka oo korka lagu qurxiyo. Haddaba dawooyinkaas oo dhan sharci maahan in dadku isticmaalaan, waayo dadka isticmaala dawooyinkaas ay ka shaashoonayaan kimikada PPD oo awood u ley inay

saamayso 1.5 dadka dalka deggen oo dhan. Haddaba sharci maahan in dadku ay isticmaalaan dawooyin halis ah oo kiimikada PPD ay ku jirto, taasoo la ogsoon yahay inay ku jiraan walxo sumayn kara jidhka. Waxaa kiimikadaas loo isticmaalaa khadda wax lagu daabaco, xardhiska iyo weliba in laga sameeyo waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan iyadoo la ogsoon yahay inay dadkuna ku shaashoodaan. Waxaa kiimikadaasu ay saamaysay ku dhowaad 1.5 dadka dalka Ingiriiska. Su’aasha

lays weyddiinayo yaa waxay tahay waxa dadku ay welu u isticmaalayaan dawo la og yahay inay khatar u tahay dadka? Kiimikadan ayaa waxay si weyn loogu isticmaalaa oo ay qayb ka tahay dawada timaha lagu dhayo ee odayaashu ay dhallinyaro isaga dhigaan ama ku qariyaan cirradooda. Haddaba maxaa ilaa iyo hadda loo la’ yahay dawo kale oo beddesha middan khatarta ah? Haddaba shirkadaha suuq-geynta dawooyinka laysku qurxiyo sida Clairol, Avon iyo L’Oreal ayaan innaba wax degdeg ah ku

jirin marka ay joogto in la keeno dawadii beddeli lahayd PPD oo la rumaysan yahay inay tahay dawo khatar ah, maaddaama shirkadaha yar yarka ahina aanay lahayn awood ay ku beddelaan dawadan loo yaqaanno PPD oo loo isticmaalo in laga sameeyo waxyaabaha dumarku ay isku qurxiyaan iyo tan odayaashu ay cirrada ku qariyaan. Haddaba dawooyin waxaa jira timaha lagu qurxiyo, kuwaasoo aan lagu darin kimikada PPD oo markii qofku lix ilaa siddeed jeer dhaqo timihiisa ay ka baxayso, laakiin haddana waxaa la ogsoon yahay in kiimikadaasu aanay ka maqnaan karin wax kasta ee timaha lagu dhayo si cirrada loo daboolo ama midabbo loogu sameeyo. Xitaa haddii Kiimikadaas PPD laga saaro, oo lagu soo daro dawada tan kale ee loo yaqaanno “PTD”, oo iyaduna wadata walxo la mid ah tan ay ku shaashoodaan dadka horey ugu shaashoon jiray kiimikada PPD, waana in “PTD” la laba jibbaaraa si loo helo midab dabooli kara cirrada, ama beddeli kara midabkii timaha, oo haddana timaha xabbad-xabbad u qabsanaya. Dhowaan ayaa Midowga Yurub waxay dhimeen heerka kiimikada PPD oo loo isicmaali karo waxyaabaha laysku qurxiyo ilaa iyo 2%, marka lala isticmaalayo timaha (haddaba hadla sida dawadu ugu badan tahay PPD ayey timuhuna midab ahaan madowgu ugu sii badanayaa.) Haddaba dumar badan ayey la tahay in waxyaabaha dabiiciga ah ee loo isticmaalo isqur xinta aan lagu darin kiimikada PPD, laakiin ma badna dawooyinka loo isticmaalo timaha oo aan lagu darin kiimikada PPD. Haddaba ma jiraan dawo timaha loo istimaalo oo ama timaha midabbo u yeesha ama cirrada lagula dagaallamo oo aan lagu darin PPD ama PTD.

sheekooyiin layaab leh

Gabar carrabkeeda dheeraysay, si ay Dad waxaa jira maqla shanqarta dhaq-dhaqaaqa ishu ay samayso ugu hadasho Luuqadda reer Korea

G

abar ardayad oo la yiraahdo Rhiannon Brooks –Jones ayaa qalliin lagu sameeyey carabkeeda si ay hagaag ugu higaadiso luuqaddeeda hooyo ee Korea. Rhiannon, oo 19 jir ah oo markii ay jaamacadda dhammayso filaysa inay ku noolaato Kuuriya ayaa waxay aragtay inaanay si wanaagsan hadallada dadka reer Kuuriya u higaadin Karin. Dhakhtarka ilkaha ayaa waxaa uu u sheegay inaanay xarfaha qaar ee reer Korea higaadin Karin waayo carabkeeda ayaa wuxuu ka yar yahay carabyada dadka reer Korea; taasoo macnaheedu yahay inaanay si hagaagsan erayga L ee Luuqadda Korea u higaadin Karin. Haddaba gabadhan Ingiriiska ah oo si weyn u doonaysa inay ugu hadasho luuqadda reer Korea isla sida dadka reer Korea ugu hadlaan ayaa go’aan ku gaartay in xoogaa loo yara dheereeyo carrabkeeda iyadoo halka gadaale carabka laga kala fakinayo—waxaana u suuragashay in carrab-

keedu hal centimeter ka dheeraado intiisii hore. “Qalliin oo keliya ayaa ii furnaa, maahan un inaad carabkaaga yara sikiso. Dadka qaarkii ayey la ahayd inaan go’aankayga ku fogaaday, laakiin anigu waxaan jeclahay inaan wax waliba kaamilo. Higaadayda beryihii hore waxaa la arkayey inaan qof shisheeyaa ahay, laakiin haatan waxaan luuaqadda reer Korea ugu hadlaa si la mid ah sida dadka reer Korea ay luuqaddooda ugu hadlaan,” waxaa sidaas leh Rhiannon oo reer | Beeston ah, oo haatan sugaysa natiijadeedii dugsiga sare, waxaanay rajaynaysaa inay luuqadda Korea barashadeeda ay digree kaga qaadato Jaamacadda Sheffield oo ku taalla isla dalka Ingiriiska. Waa gabar u go’day barashada luuqadda Korea, laakiin qisadeedu waa dhab, rumayso ama ha rumaysan, waxay si hagaagsan ugu hadashaa luuqadda reer Korea.

C

udur ku dhaca gudaha dhegta oo loo yaqaanno Ciladda kor-u qaadista maqalka ayaa waxay keentaa in shanqar waliba ee jidhka qofku samaynayo ay baahdo, xitaa il-libiqsiga qofkaba ku daroo. Waxay u muuqataa wax la yaab leh in qofi maqlo xitaa markii ishiisu libiqsato, laakiin taasi waa run, waana wax la dawayn karo-rumayso ama ha rumaysanine. Waxay u muuqataa sheeko khiyaali ah, laakiin dadka qaarkii markii cudurkan uu ku dhoco aad bay ula anfariiraan in codku ka imanayo jidhkooda. Waxaan maqli jiray dad yiraahda, duulal baa iga dhex hadla, laakiin waxa shanqaraya, waa garaacista wadnaha, xididdada dhiigga bixiya, dhaqdhaqaaqa indhihiisa iyo illibiqsiga. Habase yeeshee Ciladda dhegfuranka oo Ingiriisi ahaan loo yaqaanno Superior canal dehiscence Syndrome waa cudur jira waxaana sababa duleel marinka dhegta ee lafaha ka hooseeya ay

yeelato. Duleelkaas ayaa wuxuu sababaa in maqaliddu isku dhex-yaacdo, mararka qaarna wuxuu sababaa cudurku inuu isku-dheellitirnaantii qiyaasaha codadka uu waxyeelleeyo. Waxaa markaa wanaagsan haddii aad isku aragtaan in mararka qaar aad codad maqlaysaan, in codadkaasu ka imanayaan gudihiinna, laakiin aanay dibadda ka imanaynin, waana wax la dawayn karo ee la kaashada dhakhaatiirta cilmiga u leh si ay dhegta qalliin ugu sameeyaan.


18

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

BULSHADA HEES

Heesaaga: CabdiJabaar Alkhaliiji Heesta : Alam Dheh haaa tukaanka dhexdiisa bood boodooy mar unbaan banaanka kaa heli tukaanka dhaxdiisa bood boodooy mar unbaan banaanka kaa heli alam dheh alam gariir dheh goodiroo rig dheh balaw dheh baar baxey dheh Ladaney la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan haaa nin daar ku jira daruur ma arkee illeen xalay roobkii baa da’ey nin daar ku jira daruur ma arkee illeen xalay roobkii baa da’ey alam dheh alam gariir dheh goodiroo rig dheh balaw dheh baar baxey dheh ladaney la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan haaa Afrika iyo Aasiyaan marayoo adoo kale aadmi kuma arag Afrika iyo Aasiyaan marayoo adoo kale aadmi kuma arag alam dheh alam gariir dheh goodiroo rig dheh balaw dheh baar baxey dheh ladaney la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan alam dheh la’aantaa miyaan nagaan

damiinnimada

Calaannimada oo keenta damiinnimada carruurta Cilladda calaannimada waa mid ku jirta dhiigga qofka oo la kala dhaxlo, waxaana qofka damiinka ku dhashaa chromosome dheeri ah. Nadara Idiris

H

addaba ciladda “Unugyada Hayb-raaca” waa xaalad ilmuhu ay ka dhaxlayaan waalidkooda, waxaana qofka damiinka ah loo gudbiyaa “Unugyada Haybraaca” oo gaaraya 21 intii uu heli lahaa laba Chromsome ama “Unug-haybraac”. Haddaba Haybraacyada dheeriga ah ee qofku helaya ayaa waxay beddelayaan isku-dheeli9tirnaantii jidhka waxaanay sababayaan calaamado muuqaalka iyo garaadkaba leh oo soo baxaya. Markaa la garan mayo waxa sababa cilladahan calaannimada, laakiin waxaa la ogsoon yahay in mid ka mid ah 1000kii cunugba laga helo aafadan; waana cudur caadi ahaan loo kala dhaxlo oo keena ciladda damiinnimada. Waxaa jira saddex namuun oo calaannimada damiinnimada u kala baxdo: Tan caadiga ah ee loo yaqaanno (Trisomy 21)—ayaa unugyada oo dhan waxaa ku jira “Haybraaca dheeri ah oo gaaraya 21. Haddaba ilaa iyo 94% dadka ciladdan damii-nnimada qaba ayaa waxay qabaan noocan loo yaqaanno (Trisomy 21). “Haybraaca dheeriga ah ee 21ka ka kooban ayaa waxaa ku xiran haybraacyo kale oo mid ka mid ah waalidka carruurta ayaa wata haybraacyadan aan caadiga ah iyadoo welibana taasi aanay wax saamayn ah ku lahayn. Qofka sida “haybraaca aan caadiga ahayn” ayaan lahayn ama qabin ciladdaas. Haddaba kuwa wada ciladda haybraaca aan caadiga ahayn haddana gudbiya ayaa waxaa lagu qiyaasaa 4%. Mosaic—Qaar ka mid ah unugyada

Canug calaan ah oo ku jira dugsi loogu talo galay carruurta calaannimada ku dhalatay. haybraaca ayaa waxay gudbiyaan 21 haybraac ama chromosome. Dadka calaannimada noocan ah qaba ayaa waxaa lagu qiyaasaa 2%, dadkan cudurku xoog kuma lahan, laakiin damiinnimadu way ka muuqataa wax walibana kuma horreeyaan, haddana fahmadoodu way ka yara roon tahay sida kuwii kowaad ay ahaayeen. Sababtaas aawadeed dadka noocan damiinnimada khafiifka ahi ku dhocdo ayaa waxay leeyihiin muuqaallo kala duwan. Qaarkood weji sallaxan bay leeyihiin, iyo indha buurbuuran ood mooddo in godkii ay ku jireen laga yara siibay, qaar ka mid ah kuwa ciladdan qaba ayaa waxaa lagu arkaa dhego yar yar, iyo jeego sallaxan, iyo carrabka oo bannaanka ay u soo bixiyaan had iyo goor. Dadka cudurka damiinnimada khafiifka ah qaba way ka gaaban yihiin dadka caadiga ah, waxaan dhisnayn jidhkooda, gacmahooduna way gaagaaban yihiin, calaacalahana haryuub ayey ku leeyihiin. Kala bar dadka noocan damiinnimada ah qaba ayaa waxaa ku dhaca cillado xagga wadnaha ah, kuwaasoo qaarkood la dawayn karo, ha yeeshee qaar ka mid ah cudurrada

wadnaha ayaan dabiib lahayn. Kuwa badan oo qaba ciladdan nooca labaad ayaa waxay kala hayaan afka, waxaana ku adag inay cunnada qaataan, qaarkood waxaa ku dhaca calool-xiran, iyo qanjirrada dhuunta oo barara. Cilladaha kale ee muuqda waxaa ka mid ah cudurrada indhaha, maqalka iyo aragga, waxaanay u nugul yihiin cudurrada faafa. Badankood dadkan ciladda damiinnimada khafiifka ah qaba ayaa markii ay da’ gaaraan waxaa ku dhaca cudurka kansarka dhiigga ee loo yaqaanno Leukaemia, iyo cudurrada xusuusta baabi’iya ee Alzheimer. Ubadka damiinnimada ku dhasha ayaa waxaa uu la socdaa da’da hooyada, waxaana ubadka damiinnimada ku dhasha ay u badan yihiin haweenka da’da yar. Waxaase ubadka ciladdan ku dhasha ay ku badan yihiin haweenka haysta ilmo dammiinnimo ku dhasha, laakiin markii daraasaad lagu sameeyey waxaa la ogaaday inaanay hal qoys un ka iman, laakiin dad kala duwan ayaa cudurkani ku dhacaa. Haddii hooyadu mararka qaar ay dilanto, ayaa waxaa suuragal ah in ilmaha xiga ay ku dhashaan ciladda damiinnimada.

La soo xiriir Waddani

Email: waddani@wadanmedia.com Tel No. 020 2686910 www.wadanmedia.com


19

WAdDANI sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

KubbaddaCagta

barbarro

Galliani: AC Milan kama yareysato Barcelona

M

Mourinho oo jecel Ingiriiska Jose Mourinho.

T

ababare Jose Mourinho ayaa mar kale sare u qaaday rajada ah inuu dib ugu soo noqday dalka Ingiriiska, oo uu tababare u noqdo kooxaya ka qayb qaata ciyaaraha horyaalka Ingiriiska ee loo yaqaanno Primeir league “sannado ka dib” marka ay soo dhammaato heshiiska xilligan uu tababaraha u yahay Real Madrid. Haddaba tababarihii hore ee kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaan afka kala baqi jirin jacaylkiisa ciyaaraha Ingiriiska waxaana dadku sheegaan inuu ind-

haha ku hayo Jose Mourinho tababaranimada kooxda Manchester United markii uu shaqada ka fariisto ninkan reer Scotland. Tababaran Portugqiiska ah wuxuu u yimid kooxda Madrid oo uu la saxiixday heshiis afar sano ah xagaagii hore ee sannadkii 2010ka. Wuxuuna gaarsiiyey Real inay saddex dhibcood ka sarreeyaan, wuxuuna sheegay in haatan tallaabada xigta ee uu gula-roorka u gelayaa ay tahay sidii lagu hantiyi lahaa koobka premeira oo ah horyaalka dalka Spain. Mourinho oo la hadlaya BBCda ayaa waxaa uu yiri: “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la joogo

kooxda Real Madrid, oo tani waxay ii tahay buu yiri khibrad aad u weyn, waxaanan rumaysanahay in Naadigan Madrid ka mid yahay naadiyada ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta, oo marnaba dooni maayo inaan seego fursadda shaqo ee halkan iigu diyaarka ah, laakiin qalbigaygu wuxuu jiraa Ingiriiska, tallabada xigtana waxay tahay inaan ku noqdo dalka Ingiriiska, oo aan halkaas joogo wakhti dheer hadday ii suurowdo. Oo haddii aad naadi aan tababaro iiga raadinaysaan Ingiriiska naadi wacan halkaa iiga daydaya.” Mourinho oo 48 jir ah, waa nin bartay ama qalin iyo

buur u qaatay kubadda cagta, waxaase marka la weyddiiyo khibradihiisa uu ku adkaysanayaa oo uu leeyahay, “waa garaad shakhsi ahaaneed”. Waxaa lagu yaqaannaa Jose Mourinho inuu yahay nin aan sahal looga badinin kooxaha uu tababaro. Waxaa uu yiri: Waxaan u malaynayaa in garaadka uu yahay kan keenaya isbeddellada. Ha yeeshee fahamkayga ciyaaraha ayaa waxay saaran tahay ciyaartoyda aan la loodin karin ee kala dira urur waliba iyo xirfad waliba maara-iyotaaqadeeya. Waxaa Jose intaa raaciyey oo yiri, “Xirfadda maamulkanameesha kama maqna.

adaxweyne ku Xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa rumaysan in kooxdiisu ay ku dhow dahay inay buuxiso farqiga iyaga iyo Barcelona u dhexeeya.. Mar uu la hadlayey jariidadda Gazzetta Della Sport, ayaa Galliani oo 67 jira ah faafaahiyey ciyaartii dhex-martay iyaga iyo Barcelona xagaagan, taasoo uu sheegay inay u ahayd imtixaan ka daal badan marka ay ciyaarayaan Real iyo Bacelona.”Ciyaar ahaan kalama fogin innaga iyo Barcelona, laakiin dhibaatada weyn ee haysata kooxda Pep Guardiola haysata waxaa weeye in kooxda ay sida weyn uga baqayeen qaybtii kowaad ee ciyaaraha xagaagan ay tahay AC Milan laakiin aanay ahayn Real Madrid

Adebayor: Man City meelna gaari meyso

W

eeraryahanka Tottanham Emmanuel Adebayor ayaa wuxuu rumaysan yahay in dardarta Manchester City ay ku doonayso hanashada horyaalka Ingiriiska inuu xagal-daaci doono mrka la gaaro Ciyaaraha Horyaallada Qaranka Afrika ee la qaban doono sannadka soo socda horraantiisa. Waxaa ka tegaya Manchester City ciyaaryahanka caanka ah Yaya Toure iyo Kolo Toure si ay kooxdooda Qaranka ugu ciyaaraan. “Laba ciyaartoy ayaa ka tegaya sida Adebayor leeyahay. Waxaa ku soo fool leh ciyaaro khatar ah Manchester City bisha January waana kuwa lagu ogaan karo haddii ay horyaalka Ingiriiska qaadanayaan iyo haddaanay qaadanaynin, reer Touresna way ka maqan yihiin ciyaarta bisha Jannaayo oo dhan. Adebayor ayaa wuxuu leeyahay, “Waa inaan fiirinno bal sida ay ku guulaysan karaan labadaa ciyaaryahan la’aantood. Kubadda cagtana laba dhaawac ayaa toddobaad gudihiis ku soo gaari karta, isla sida kooxdayada Tottenham ku dhacday.” Waxaa Adibaayo oo reer Toogo ah, kooxdiisa qarankana looga adkaaday is-reerbreebka ciyaaraha Horyqaallada Qaramaha Afrika, uu leeyahay kooxda Manchester City waa koox adag, waxaanay ciyaaraan kubbad wanaagsan, laakiin haddana bal ha la arko sida xaaladaha ay noqdaan bisha January oo dhan, oo labada ciyaartoy ay ka maqan yihiin naadiga. Isla bisha January kooxda Chelsea waxay luminaysaa Didier Drogba iyo Salomon Kalou, marka Arselana aanay haysanin Gervinho iyo Marouane Chamakh. Waxaa Adebayor hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Innaga oo dhan Ingiriiska ayaannu joognaa marka Ciyaaraha Afrika ay bilowdaan bisha January.


20

sabti, 31 december - jimce, 13 january 2012

Weli waxaan rumaysanahay in aannu ku guulaysan doonno Copa Amerika anigoo u ciyaaraya kooxda Qaranka. Waxaanan garanayaa in taasi ii ahaan doonto.”

X

warar kooban ammaan

Ronaldo: La Liga waa horyaalka ugu wanaagsan Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in La Liga dalka Spain uu yahay horyaalka ugu wanaagsan adduunka. Ronaldo ayaa hadalkan ka jeedinayay shirweyne sanadle ah oo arrimaha ciyaaraha kubbadda cagta looga hadlo, waxaana goobta lagu guddoonsiiyay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka. 26-jirka u dhashay dalka Portugal, waxa uu sheegay in qibradda uu helay intii uu joogay horyaalka Premier League-ga ay ka caawisay inuu la qabsado horyaalka ugu wanaagsan adduunka. Ronaldo waxa uu tilmaamay in horyaalka Ingiriiska uu ka bartay anshaxa iyo shuruucda aasaasiga ah ee ciyaaraha, laakin La Liga uu yahay horyaalka ugu wanaagsan dunida, waxaana uu sabab uga dhigay in ciyaartoyda ka ciyaarta ay xirfado iyo farsamooyin adeegsadaan. Cristiano Ronaldo oo sanadkii 2009 Real Madrid kaga soo biiray Manchester United ayaa dhaliyay 79 gool 86 kulan oo uu kooxdiisa Real u ciyaaray.

Messi

Marka laysku barbardhigo kooxda Barcelona iyo Argentina, aad bay u kala duwan yihiin waayo dhowaan ayaa Barcelona waxay ku guulaysatay koob caalami ah.

suuqa cayaartoyda

Pato oo lala xiririnayo PSG Kooxda kubbadda cagta Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska ayaa xiiseyneysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara xulka Brazil iyo kooxda AC Milan, Alexandre Pato, sida uu xaqiijiyay wakiilka ciyaaryahanka, Gilmar Veloz. Veloz, waxa uu sheegay in milkiilaha reer Qatar ee naadiga PSG uu muujiyay sida uu ciyaaryahanka u daneynayo, isagoo sidoo kale carrabka ku dhuftay in Pato uu xiiseynayo inuu ka ciyaaro horyaalka Farance. Waxaa jira warar sheegaya in wakiilka ciyaaryahanka iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG, Leonardo ay toddobaadkii horeay kulan ku yeesheen magaalada Paris, isla markaana ay ka wada hadleen sida ugu sahlan ee uu Pato kaga mid noqon karo ciyaartoyda Paris Saint-Germain. PSG waxaa la sheegay in Pato ay ku qarash gareyn-doonto lacag gaareysa €50 million oo lacagta Yurub ah, haddii Milan ay ogolaato inay iibiso.

i d d i g g a k o ox d a Barcelona Lionel Messi ayaa waxaa uu rumaysan yahay in dalkiisu uu gaarsiin doono hanashada koobka adduunka ee lagu qaban doono Baraaziil sannadka 2014ka. Messi ayaa waxaa uu gaarsiiyey Barcelona heer ay ku hanato koobab badan, laakiin weli koobab qiima leh uma keenin dalkiisa, oo aan innaba wax koobab ah ku guulaysannin ilaa iyo sannadkii 1993dii, waxaana dad badan ka yaabiyey waxa Arganiina aanay uga soo dhalaalin ciyaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah. “Weli waxaan rumaysanahay in aannu ku guulaysan doonno Copa Amerika anigoo u ciyaaraya kooxda Qaranka. Waxaanan garanayaa in taasi ii ahaan doonto,” ayuu yiri Messi oo ah xiddig ay Barcelona ku dhaarato. Haatan kooxd a q a r a n k a ee Argentine oo loo keenay tababaraha cusub Alejandro Sabela, ayaa bilowgii ciyaaraha is-reebreebka fashaxaar kala kulmay markii ay Venezuella ay ka badisay. Laakiin haddaba ay badiyeen, laakiin haatan kooxdu way ku han-weyntahay inay badiso, waxaase sida Messi dareensan yahay ay u baahan yihiin hal raysmo, si ay shakiga uga baxaan. Haddaba marka laysku barbardhigo kooxda Barcelona iyo Argantine ayaa Messi leeyahay, aad bay u kala duwan yihiin waayo dhowaan ayaa Barcelona waxay ku guulaysatay koob caalami ah, waxaana ugu wacan buu yiri in Barcelona ay maal ku khasireen ciyaaraha, taasina wax qarsoodi ah maahan, ayuu yiri Messi. Barcelona waa kooxda ugu wanaagsan dunida, sida dadka aan xiisaynin kubadda cagtaba kuu qirayaan.

messi:xulka argentina guul ayuu gaarayaa

La soo xiriir Waddani

Email: waddani@wadanmedia.com Tel No. 020 2686910 www.wadanmedia.com

Read the latest issue of Waddani  

Waddani 29th issue

Read more
Read more
Similar to
Popular now
Just for you