Page 1

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MARREEB Talaado, 01 april 2014, Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE OO GU’ JIRSADEY

Gugii hore 2013kii bishii afaraad ee April kowdeedii ayaa la taabba geliyey Wargeyska Gobollada Dhexe, oo ah Wargeys bille ah, oo ka soo baxa xarunta gobolka Galguduud ee magaalada Dhuusa Marreeb, oo in badan aad looga xiiseeyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. ...ka sii akhri bogga 2aad.

Qiimaha 3000 Sh, So

QORAALLO KALE WAFDI BOOQDAY DH/MARREEB IYO SHABAAB OO LAGA SAARAY DEEGAANNO ...ka akhri bogga 2aad.

GALMUDUG OO BIXINEYSA KAARARKA AQOONSIGA ...ka akhri bogga 2aad.

CEEL HUUR OO LAGA FURAY XARUN CAAFIMAAD ...ka akhri bogga 3aad.

DHAMMAYSTIRKA QORSHAHA QARAN-JABKA UMMADDA HAWEEN TABABAR LOOGU SOO GABA-GABEEYAY GAALKACYO

HORUMARINTA WAXBARASHADA DHUUSA MARREEB OO LAGA HADLAY

Qeybtii 2aad

W/Q: Cabdifitaax Axmed Cali ...ka akhri bogga 4aad & 5aad.

SAMAANTA IYO XUMAANTA MAAMUL GOBOLEEDYADA

W/Q: Cabdirisaaq Cabdullaahi ...ka akhri bogga 5aad & 6aad.

Tababar sare loogu qaadayey aqoonta caafimaad ee hooyooyinka Soomaaliyeed, ee ku dhaqan gobollada dhexe oo loogu magac daray Marwada Caafimaadka ayaa loogu soo gabagabeeyay haween gaaraya ilaa iyo.. ...ka sii akhri bogga 3aad.

Kulan si heer sare ah loo soo aagisamay, oo looga hadlayay hormarinta iyo sara u qaadista waxbarashada gobollada dhexe ayaa lagu qabtay magaala madaxda gobolka Galguduud ee Dhuusa Marreeb.. ...ka sii akhri bogga 3aad.

QATARTA CUDURKA HIV/AIDS W/Q: Maxamed Cali Axmed

Wixii Faahfaahin dheeri kala soo xiriir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi iyo Tifaftiraha: Cabbaas Cali Xasan Tel: 0615585328 ama E-mail: brdiraac@hotmail.com

...ka akhri bogga 6aad. Kala xariir: info@midnimodesigns.com


2

WARARKA

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

Talaado 01, april 2014

WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE OO GU’ JIRSADEY W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr | galayr1977@hotmail.com

Gugii hore 2013kii bishii afaraad ee April kowdeedii ayaa la taabba geliyey Wargeyska Gobollada Dhexe, oo ah Wargeys bille ah, oo ka soo baxa xarunta gobolka Galguduud ee magaalada Dhuusa Marreeb, oo in badan aad looga xiiseeyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Wargeyskan oo ah mid madax bannaan ayaa waxaa isu xilsaarey dhallinyaro Soomaaliyeed, oo hammigoodu yahay isku xirka iyo dhiirrigelinta bulshada ku dhaqan geyiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan gobollada dhexe. Wargeyskan ayaa wuxuu soo baxay xilli loo baahnaa, oo aysan deegaankaa ka jirin Wargeys daabacan, oo laga aqristo, taa oo dadka iyo madaxda deegaanka ay aad u soo dhaweeyeen. Wargeyska waxa uu ku caan baxay, kor u qaadista dhaqanka iyo suugaanta, raadraaca sooyaalkii hore iyo saadaalinta timaaddada. Sidoo kale, wargeyskan ayaa qayb lixaad leh ka qaata dhiir-

rigelinta iyo caraadinta bulshada dhinacyada horumarka gobollada dhexe. Tan ugu muhimsan ayaa ah ka qayb qaadashada nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka, oo ka dhalatay, in uu faafiyo qoraallo, dhambaallo iyo warbixinno ku saabsan maamul wadaagga, wada noolaashaha, iwm. Wargeyskan oo hadda muddo sanad ah jira ayaa lagu soo bandhigay qoraallo badan oo tayeysan, kana turjumaya heerka biseylka bulsho ee maanta ay marayaan gobollada bartamaha Soomaaliya. Wargeyska wuxuu aad u tixgeliyaa aragtiyada iyo qoraallada ku salaysan horumarinta bulshada oo ay dhallinyarada gobollada dhexe ee dunida daafaheeda kala jooga ku soo gudbiyaan; si ay dadkooda ula wadaagaan waaya aragnimadooda, ogaalkooda iyo aqoontooda. Wargeyskan ayaa had iyo gooraale waxaa saldhig u ah horuma-

rinta iyo dardargelinta bulshada dhinacyada dhaqan iyo dhaqaaleba. Wargeyskan oo haatan bulshada ku dhaqan bartamaha iyo koonfurtuba aad u xiiseeyaan waxaan kula talin lahaa Maamulkiisa inay ku soo kordhiyaan Wargeyska dhawr arrimood, oo kala ah: 1- Magazine ama Maqaalad koobeysa dhacdooyinka oo bille ah. 2- In laga dhigo TODDOBAADLE halka uu ka yahay BILLE. 3- In la gaarsiiyo degmooyinka iyo dhammaan deegaammada koonfurta iyo bartamaha. 4- In la helo qaybo la keeno waddamada galbeedka ee Yurub iyo Ameerika.

Maamulka ayaa sheegay in deegaannada hoos yimaada Galmudug laga bixinayo kaarka aqoonsiga ee afka Ingiriisiga loogu yaqaanno ‘National ID’, kaa oo ay dhawaan soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Axmed Baasto ayaa sheegay in ay bixinta kaararkan noqon doonaan mid joogta ah, iyadoo qof walba oo muwaadin ahna uu heli doono. Baasto oo Warbaahinta

la hadlay ayaa sheegay in qaadashada kaarka uu billowday, uuna Shacabka Galmudug ugu baaqay inay qaataan kaarka aqoonsiga, isagoo ku sii daray in qofkii aan qaadan kaarka uusan duullimaad sameyn karin, kana dhoofi karin garoomada ku yaalla Galmudug. Kaarkan ayaa ka caawinaya qof kasta safarrada iyo nabadgalyada, kaas oo caddaynaya Soomalinimadiisa sida uu Wasiirku ka dhawaajiyay. “Shacabka Galmudug waxaan u fududeynnay inay helaan kaarka

Mahadsanidiin.

Maamulka Wargeyska ayaan leeyahay iyo dhammaan aqristayaasha sanadguuro wanaagsan, waxaanna sidoo kale idinka codsanaynaa inaad halkaa dedaalkiinna ka sii waddaan siina laba laabtaan. Wargeyskii waayahaan Bulshada Wadnaheeda galay

Maamulka Galmudug oo bixinaya Kaararka Aqoonsiga Maamul goboleedka Galmudug State ayaa billaabay bixinta kaarka dhalashada.

Wacaal iyo samo wadoow Warsame iyo waacidoow Wanaagsidahii dalkoow Waxyeella ka dhawrayoow Wacnaanta baahiyoow Wargeyska wargeysyadoow Haddaay walqashaadi tahay Haddaad weynaatayoo Waddooyinkii kuu furmeen Weedhaami akhbaarahoo Waldaami waxii sanoo Weedhaafi xumaatadoo Warbaahin ahoow dhexoo Ha wiiqin dadkaaga abid Halkaa ka wad baan ku iri Hambalya kuu waaridnaye Wargeys adna naga guddoon.

caddeynaya in qofka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed…” ayuu yiri Axmed Baasto. Dhawaan ayey ahayd markii dawladdu ay soo saartay kaararka aqooniga, kuwaas oo laga dhaqan galiyay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo lagu wado dhawaan in gobollada dalka dhan la wada garsiiyo kaararkaasi, oo ay dadku ku tilmaameen horumar lagu tallaabsaday.

NOO SOO DIR WARBIXIN KA HADLEYSA HORUMAR!

w.g.dhexe@gmail.com

Wafdi ka socda DFS oo Dhuusa Marreeb tagay iyo Shabaab oo laga saaray deegaanno G/Dhexe ka mid ah Wafdigan ayaa ka koobnaa wasiirro (Maxamad Sheekh Xasan Xaamud, C/llaahi Goodax Barre, Mustaf sheekh Cali Dhuxulow, C/ kariim Xuseen guuleed), Xildhibaanno, Taliyeyaal Ciidaan iyo Safiirro sida Axmad C/salaam Xaaji Aadan. Wafdigan oo hal habeen joogay xarunta gobalka kana soo dagay Garoonka Ugaas Khaliif ee Dhuusa Marreeb ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubnaha bulshada rayidka ah iyo maamulka Culumada Ahlusunna Waljamaaca. Shir gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaan

ka soo bixin wax natiijo ah, oo la isku mari waayey qaabka looga qaybqaadanayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Culimada Ahlusunno ayaa ku adkaystay si ay muhim tahay in laga dhabeeyo ballan qaadyadii hore loogu ballan qaaday, loona gudbo fulin iyo waxqabad. Dhanka kale, dagaallo is daba jooga ah oo ka dhacay deegaanna ka tirsan Gobollada Dhexe ayaa laga sifeeyey Al-shabaab. Deegaannada waxaa ka mid ah Ceel Buur iyo Buula Barde, ayna wehliyaan tuulooyin iyo deegaanna kale oo ka tirsan gobolka.


Talaado 01, april 2014

WARARKA

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

Haween tababar caafimaad loogu soo gaba-gabeeyay Gaalkacyo Tababar sare loogu qaadayey aqoonta caafimaad ee hooyooyinka Soomaaliyeed, ee ku dhaqan gobollada dhexe oo loogu magac daray Marwada Caafimaadka ayaa loogu soo gabagabeeyay haween gaaraya ilaa iyo 32, oo ka kala yimid lix dagmo oo ka tirsan goballadda Mudug iyo Galguduud.

3

Dhuusa Marreeb oo lagu qabtay kulan looga hadlayay sare u qaadidda waxbarashada Kulan si heer sare ah loo soo aagisamay, oo looga hadlayay hormarinta iyo sara u qaadista waxbarashada gobollada dhexe ayaa lagu qabtay magaala madaxda gobolka Galguduud ee Dhuusa Marreeb.

Tababarkan ayaa fulintiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka dowladda fedaraalka, wasaarada caafimaadka Galmudug, Jaamacadda Gaalkacyo (GU) iyo Hay’adda WHO, oo socday muddo saddax bil ah.

Waxaa kale oo madasha ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii tababarka loo soo xiray, oo dhammaantood u mahad Munaasabadii lagu xirayay celiyey wasaaradihii, madaxdii tababarka ayaa waxaa ka qeyb iyo maamulladii soo qabangalay masuuliyiin ka socatay qaabshay, tilmaamayna in boohi wasaaradaha aan kor ku xusnay xooggan loo qabay, ayna wax iyo madax ka tirsan maamulka badan ka korarsadeen muddadii Galmudug, maamulka Jaamay ku jireen tababarka caafiacadda Gaalkacyo iyo haweenkii maadka. tababarka ka qeyb qaatay Gunaanadka munaasadda Ku simaha Guddoomiyaha ayaa waxaa ka hadlay Eng. Cali Jaamacadda Gaalkacyo Muxya- Cabdi Muunye oo ka socday diin C/llaahi Cabdi ayaa sharwasaaradda caafimaadka DFS raxaad ka bixiyay tababarka ahna madaxa xog-uruurinta iyo ujeedkii laga lahaa, isagoo wasaaradda. Eng. Muunye xusay in looga gol lahaa sidii loo wuxuu sheegay in barnaamijkan heli lahaa hooyo ku tababaran loogu magacdaray Marwada dhanka caafimaadka isla marCaafimaadka uu yahay mid kaana bulshada ugu adeegto xil- loogu talagalay in goob kasta liyada ay yimaadaan baahiyada oo ka mid ah dalka miyi iyo caafimaad ee dag dagga ah. magaalo laga helo hooyo ku tababaran caafimaadka kana Muxyadiin C/laahi Cabdi qeybqaadan karta badbaadayaa sidoo kale ka warbixiyay inta ubadkeeda iyo bulshada deegaannada ay ka kala ay la nooshahay, isagoo sidoo yimaadeen, oo kala ah; Godinkale sheegay in haweenkan labe, Xeraale, Caabudwaaq, lagu soo xulay arrimo dhowra, Bandiiradleey, Gaalkacyo Iyo oo ay ka mid yihiin; xilkasnimo Ceelguula. iyo iney yihiin hooyooyin, isla

markaana aan aheyn mid ka maqan deegaanka marka loo baahdo oo ay timaaddo xaalad caafimaad darro oo u baahan gurmad dag dag ah. Ugu dambayntii waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cumar Cabdi Maxamed oo ku boorriyay haweenkii tababarka loo xiray in waxa ay barteen aysan noqan kuwa ay guryahooda la fadhiistaan oo ay noqdaan mid ay uga faaiideeyaan bulshadii ay wax u soo barteen iyo dadkii ay la noolaayeen. Tababarkan loogu magac daray Marwada Caafimaadka ayaa ah mid wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay uga dan leedahay sidii loo yareyn lahaa aqoon la’aanta caafimaad ee keenta in carruur iyo hooyooyin Soomaaliyeed ugu geeriyoodaan mar kasta cudurro si sahlan loo daweyn karo guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaannada miyiga.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda Plasma, oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne kala duwan oo isugu jira maamulka gobolka, degmada, madaxda Ahlusuna waljamaaca iyo dad shacab ah oo daneeya wax barashada. Prof. Axmed Salaad Kulmiye oo ka mid ah macallimiinta Jaamacadda Plasma oo ka hadlay kulanka ayaa ugu horreyntii sheegay in kulankan ujeedkiisu yahay sara u qaadista waxbarashada gobolka Galguduud iyo guud ahaan gobollada dhexe. Guddoomiye ku xigeenka degmada Dhuusa Marreeb Cabdullaahi Macallin Axmed ayaa isna sheegay in ay si weyn uga qaybqaadan doonaan wax kasta oo lagu tayeynayo wax barashada, isagoo ku nuux nuuxsaday in ay muhim tahay in qof walba gacan ka gaysto howshan umadda dhan u taal. Waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin kale iyo dadweyne kulanka ku sugnaa, oo ka hadlay in waxbarasho la’aan aysan nolol jirin, haddana, aan waxbarasho aan tayo lahayn hormar abuuri karin, iyagoo soona dhaweeyey hormarinta tacliinta iyo wax barashada ubadka iyo dadka waa weyn.

Deegaanka Ceel Huur oo laga furay Xarun Caafimaad Xarun caafimaad oo lagu xannaaneeyo Hooyada iyo Dhallaanka ayaa laga furay deegaanka Ceel Huur oo u dhaxeysa degmooyinka Hobyo iyo Xarar Dheere.

Ceel Huur Cabdi Qani Sheekh Maxamed ayaa ka warbaxshay xaaladda caafimaad darri ee ka jirta deegaanka iyo sida ay maanta u soo dhaweynayaan furitaanka xaruntan.

ayaa sheegay in mashruucan ay fuliyeen xubnaha ururka, ayna tahay tallaabo hore loogu qaaday dhanka xoojinta caafimaadka iyo faaya dhawrka dadka deegaanka.

Munaasabadad ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha deegaanka, waxgaradka, culumo awdiinka, haweenka iyo dhallinyarada, maamulka deegaanka, Dhaqaatiir iyo madaxda DEH RELIEF SOMALIA ee hirgaliyay xaruntan caafimaad oo ah tii ugu horraysay ee ay dadku deegaanku yeeshaan. Madaxa Arrimaha Bulshada

Dr Daahir Cali Abtidoon oo ah Agaasimaha Isbitalka Dhexe ee Cadaado ayaa hadal uu ka jeedeyey ku sheegay inay u taagan yihiin gaarsiinta adeegga caafimaadka deegaannada fog fog iyo Tuulooyinka ka tirsan gobolka.

Ceel Huur oo ka mid ah deegaannada Xeebta kulaala ee hoos yimaada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa muddooyinkan dambe ay kor ku soo kacayeen waxqabadkiisa ku aaddan dhanka adeegga bulshada, in kastoo ay jiraan caqabado badan oo maamulka ka haysta hirgalinta himlooyinkooda, oo ay ugu weyn tahay midda dhaqaale.

Maxamed Cabdi Yuusuf madaxa DEH RELIEF SOMALIA ee hirgaliyay xaruntan caafimaad

OGEYSIIS..OGEYSIIS! WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE WAXA UU GANACSATADA, HAY’ADAHA, SHIRKADAHA IYO CID KASTA OO WARGEYSKA DANEYNEYSA UU FURSAD U SIINAYAA INAY XAYAYSIIS KU DAABACAN KARAAN. SIDOO KALE WAXAAN AWOODNAA INAAN IDIIN NAQSHADEYNNO, HADABA WIXII FAAH FAAHIN ARRIMAHAA LA XARIIRA, KU SOO DIR FARRIIN CIWAANKA w.g.dhexe@gmail.com


4

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

MAQAALLO

Talaado 01, april 2014

DHAMMAYSTIRKA QORSHAHA QARAN-JABKA UMMADDA Q2AAD W/Q: Cabdifitaax Axmed Cali Haddii aad loo soo koobo federaalnimo (FEDERAAL SYSTEM) waa hab dhisme-dawladeed oo 2 dawladood, maamul, deegaan iyo tiro ka badani ay ku bahoobaan, lehna xukuumad dhexe oo federaal ah. Xukuumaddaas ayaa mar walba gobannimada amaba awoodda sare iska leh (SOVEREIGNTY), kuwa kalena waxay leeyihiin awoodo xagga sharci-dejinta iyo xagga maamulkaba isugu jira, kuse eg dhulka ay juqraafi ahaan ku fadhido. Waxa uu ka dhashaa dawlado, markaas ka horrow uu xiriir ‘konfederayshan’ ahi ka dhexeeyey, dabadeedna ku heshiiyey intii hore inay isaga soo dhowaadaan; iyaga oo taas ka filaya cudud ciidan iyo tu dhaqaale inuu hannaankaasi u keeno. Intii aysan isu iman, waa dawlado ay tu waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto. In kastoo aysan mar walba shardi ahaynna, hannaanka federaalka waxaa badanaa ku midooba ummado isir iyo dhaqan ahaanba kala duwan oo ka gaashaamanaya tu ka mid ahi intay si uun uga saayid-caleyso inay berri ka maalin, inta kale ku amar ku taaglayso. Dawladda federaalka ahi waxay yeelataa dastuurro xubnaha federaalka ku jiraa ay midiba gaar u leedahay iyo mid ay wadaagaan oo xukuumadda federaalka ahi ay ilaaliso, kuna dhaqanto. Sidoo kale, waxay dawladdaasu yeelataa xeerar tiro badan oo awoodda u qaybiya xukuumadda federaalka ah iyo dawladaha federaalnimada isku bahaystay, Baarlamaanno kala heer ah ayay haddana leedahay. Midka ay dawlad waliba leedahay ka sokow, waxaa isna jira baarlamaan inta badan laba aqalle ah (BICAMERAL PARLIAMENT) oo ka kooban wakiillo dawladaha federaalka ahi ay soo dirsadaan. Federaalnimadu waa hab ka dhaqangalay qarammo ka mid ah dunida hormartay, ha yeeshee lagu guuldarraystay markii dalal Afrika ka tirsani ay isku dayeen inay hirgeliyaan. Tusaale waxaa taas u noqon kara dalalka Cameron (1961), Congo (1960 & 1964), Tanzania iyo Ethiopia oo iyada iyo Eritariya dawlad federaal ah la isugu geeyey 1952kii, ka dibna hooggii ka dhacay loo soo joogey! Sida muuqata, federaalnimadu ma aha wax fudud ama u habboon ummadaha dunida oo idil. Waa hannaan ay bulshooyinka aqoonta lihi hirgelin karaan, una baahan garaad siyaasadeed oo ilaalin kara soohdimaha qaanuuniga ah ee ku qeexan xeerarka dawladaha federaalka xubnaha ka ahi ay ku heshiiyeen. Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran karto.

*** Haddaba, su’aasha maanta taagani waxay tahay: Soomaaliya dawlad federaal ah ma u baahan tahay? Mase ka hirgeli kartaa? Su’aashaas jawaabteeda aan ka toyanno buunigii soomaaliyeed ee xeeldheeraha ku ahaa qaanuunka dastuuriga ah (CONSTITUTIONAL LAW), allaha u naxariistee: Prof. Axmed Ashkir Bootaan oo 2001dii dalka Holland ku iishay. Saddex sano ka hor intii aanu geeriyoon (1997) ayaa Bootaan waxa uu qoray maqaal dheer oo uu ku magacaabay: Soomaaliya; dawlad federaal ah, mase federeeshin qabiil?. Wuxuu ahaa maqaal uu si cilmiyaysan ugu falanqeeyey wax walba oo ku saabsan fikradda federaalnimada oo, sida maantaba jirta, beryahaasna Soomaalida lala dhex-ordaayey, dagaal-oogeyaasha qaarkoodna ay ku hadaaqayeen. Xag falsafadeed, xag qaanuun iyo xag siyaasadeedba, wuxuu buunigu maqaalkiisa ku faahfaahiyey taariikhda federaalnimada iyo sida aanay ugu habboonayn in Soomaaliya looga dhigo hab lagu dhaqo. Aad ayuu ugu dheeraanayaa sababaha aanay Soomaalidu nidaamkaas u qaadan karin, uguna baahnayn. Ha yeeshee, sida muuqata, qoraalkiisa dardaaranka u eg shalayto cidi dheg uma dhigin, sida aanan u filayn kaygan inay maanta cidi u danayn doonto! Si kastaba ha ahaatee, waxaa ila habboonaatay inaan halkan ka soo jeediyo su’aalo aniga iyo adigaba madaxayaga ku wareegaya, dabadeedna qoraalka buuniga aan jawaabaha ka soo saaro; iyada oo su’aal waliba ay tay tahay, jawaabahana uu Bootaan leeyahay. --Su’aasha 1d: maxaa diidaya dawlad federaal ahi inay Soomaaliya ka dhisanto? --Jawaab: “dhismaha iyo hirgelinta nidaam federaal ahi wuxuu u baahan yahay...awood dhaqaale iyo aqooneed oo ballaaran, garaad dawladnimo oo qoddo dheer, qab qarannimo iyo waddaninnimo oo daacad ah, dareen caddaaladeed oo sugan; arrimahaas oo dhammaan ah kuwo maanta Soomaaliya aan laga heli karin”. Nidaam federaal ahi Soomaaliya maanta kma dhismi karo, haddii lagu jujuubana, toos ama si dadban, ma noqon doono mid hirgala oo miro dhala. Haddii arrinta loola jeedo xiriir qabaa’il ka dhexeeya oo magac federeeshin la huwiyo, markaas ma noqonayso mid federaalisimka ku abtirsata ee waa in magacyo kale loo baadi-goobaa, maxaa yeelay federaalisimku ma aha fikrad antarabooloji (ANTHROPOLOGICAL THOUGHT) oo dhalasho iyo abtirsiinyo ku socda. Waa fikri qaanuuni ah oo degaan ku salaysan. ‘Federeeshin qabaa’il’ ma dhisi karo nidaam federaal ah oo caddaalad iyo dimoqraaddiyad ku salaysan,

waayo’aragnimada dunidana laguma hayo meel federeeshin qabaa’il ka hirgalay!” --Su’aasha 2d: “arrinta federaalnimada Soomaaliya waa maxay danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay? --Jawaab: “waxaa jira dano siyaasadeed, dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya laga leeyahay; danahaas oo sida la rabo aan loo fushan karin haddii ay jirto dawlad soomaaliyeed oo midaysan, xoogna leh. Haddiise ay dawladdu tahay mid daciif ah oo ka kooban qaybo ama gobollo hab qabiil ku dhisan oo midba midda kale lagu xuuxin karo; danahaas si fudud ayaa loo fushan karaa”. --Su’aal 3d: kooxda Soomaalida ah ee federaalnimada wadwaddaa waa tuma, maxayse uga jeeddaa? --Jawaab: “kooxda Soomaalida ahi waxay u badan tahay rag siyaasiyiin ah iyo kuwo isku wada inay siyaasiyiin yihiin oo federaalisimka iyo waxa uu yahay toona aan fikrad ka qabin, hase yeeshee u arkaya inuu yahay nidaam abuuraya jagooyin badan ee maamul iyo siyaasadeed; jagooyinkaas oo ay isku wadaan inay iyaga noqdaan kuwa buuxin doona. Danta ka dambaysa oo laga leeyahay jagoraadiskuna waxay tahay oo keliya in si degdeg ah oo hawl yar lagu maalaysto, si kastaba maalaysigaasi ha ku yimaadee”. --Su’aal 4d: waa maxay hab-dhismeedka dawladeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay? --Jawaab: “Soomaaliya, dad iyo degaan ahaanba, waa dal aad u yar; iyadoo dadka Soomaaliyeedna yahay mid wadaaga waxyaabo maguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah;...midnimadaas asalka ah oo keenaysa in, run ahaantii, ayan jirin baahi lagama-maarmaan ah oo loo qabo dhisme nidaam dawlad federaal ah. Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay dawlad midaysan (UNITARY STATE) oo ku dhisan hab doorasho oo dimoqraaddi ah, lehna maamul baahsan ee gobollada iyo degmooyinka siinaya madaxbannaani maamul (ADMINISTRATIVE AUTONOMY)”. Sida uu Bootaan qabo waa inay taasi noqotaa “madaxbannaani aan gaarsiisnayn dhinaca siyaasadda, maxaa wacay madaxbannaani siyaasadeed oo waqtigan degaannada la siiyaa, xaaladda qabyaaladdu heerka ay marayso awgeed, waxay noqonaysaa in qabiil kastaa u macnaysto gobannimo uu helay, markaasna wixii uu doono uu sameeyo, halkaasna mar kale ay dawladnimadii ku dunto. Dawladdu waa inay yeelataa xukuumad urursan oo kooban, qabiil-raalligelin aan ku dhisnayn ee ku dhisan awoodda iyo baahida dalka; dawlad karti u yeelan karta sugidda nabadgelyada guud iyo dib-u-dhisidda dalka, bulshada soomaaliyeed ee kala


MAQAALLO

Talaado 01, april 2014 firirtayna dib u soo ururin karta, dibna isugu soo celin karta”. Gebagabo; Jamhuuriyaddii burburtay ha ka tirsanaato ama kuwa tooska loo gumeysto ha ku abtirsatee, Soomaalidu, sinji ahaan, halis bay ku sugan tahay. Sida ay hadda wax u socdaan haddii aan wax iska beddalin, waxay qarka u saaran tahay goor aan dheerayn si buuxda inay u weydo 1960kii gobannimadii iyo calankii uu qaarkeed helay, dabadeedna ay is-aragto iyadoo cadawgeeda taariikhiga ahi uu dhulkeeda ku wada xukumayo. Waxaa laga yaabaa akhristeyaasha qayb ka mid ah inuu hdalkaygu u cuntami waayo oo ay u qaataan inaan ahay muraayado madow nin wax ku arkaya! Laakiinse arrintu sidaas ma aha. Si aad iigu garawdana, waxaan isku daydaa su’aalahan soo socda inaad kaga jawaabto sida ay yihiin. Toos iyo gurracba, maantaba talada Soomaalidu miyaysan gacmaha shisheeyaha ku jirin?. Goormaa u dambaysey soohdimaha dalka oo la ilaaliyo, ciidammada shisheeyuhuna ay ka caagganaadaan?. Dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, marna ma aragtay, mase maqashay, shir uu shisheeye u qabto mooyee, mid intay isugu timaaddo ay keligeed Soomaalidu arrimaheeda kaga tashanayso? Goormaa u dambaysey hogaamiye beeshayda yiraahda mooyee, mid ‘Soomaaliya’ ka welwelaya oo faroggelinta shisheeyuhu ay la qalloocan tahay? Ma dhacday, waaba dhacdaye, 3 janan oo mid

waliba Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Soomaaliya uu wasiir ka soo noqday inay Itoobiya Addis Ababa isugu geysey, mar dambena Ceel-berde ku shirsatay, iyagoo ka amar-qaadanaya saraakiil yaryar oo nabadsugiddeeda ka tirsan? ‘Qab jabay’ iyo ‘qarannimo baduugantay’ sow halkaas kaagama muuqdaan? Goormaa u dambaysey Soomaali isu damqata iyo gobol ay midka xiga dani ka hayso? 30ka nin ee Keenya ku sugan, isuna soo taagey doorashada madaxtooyada Soomaaliya, miyaad ku maqashay mid qura oo ka dhiidhiyey arrrinta dawladda federaalka oo ah tallaabbadii lagu ebyaayey qorshihii soo taxnaa ee qaran-jabka ummaddeenna? Sow sababtu ma aha cabsida uu mid waliba ka qabo shisheeyaha ay rabiddiisa u tartamayaan? Ujeeddada cadawgu shalay sow ma ahayn, welina sow ma aha dhulka Soomaalida inta uga harsan inuu taabo? Haddii aan dad ka ceshadaa jirin, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ma wax u diidayaa jira inuu xoog ku qabsado oo uu berritana sheegto; isaga oo weliba saxiixa dagaal-oogeyaasha wata? Haddii ay sidaas ku sii socoto, Soomaaliya allaha u naxariisto! Aragtidayda, tan iyo jabkii Axmedgurey, maalin ay Soomaalidu ka indho xun tahay ma soo marin. Waxay u eg tahay, sida shacbiga Kurdiga, mid ummadaha deriska ah ku milmi doonta oo dal la’aani ay u qoran tahay. Dawlad iyo ummad ahaanba, si ay u bedbaadi kartaa, kolley aniga, waa iga madowdahay!

Samaanta iyo xumaanta Maamul Goboleedyada W/Q: Cabdirisaaq Cabdullaahi Sida ku qoran Dastuurka SOOMAALIYA maamul goboleed walba waxaa shardi ah inuu ka kooban yahay uguu yaraan LABO GOBOL ama wax ka badan oo hoostagaya dowladda Soomaaliya. Maamul u samaynta Gobollada waxaa ka jira qilaaf iyo muran, oo Gobollada Dhexena kama mid yihiin, oo, aan wali kuma kala tagin xil jecleysi iyo waxii lamid ah, balse, waxaa na hortaal su’aasha ah; Haddaan nahay reer Gobollada Dhexe, Maamul Goboleed wax faa’iido ah ma noo leeyahay?. Jawaabta ayaa ah wax aad loo fahmi karo, sidaas daraaddeed, waxaan qoraalkan diiradda ku saari doonnaa 4 qodob oo kala ah: 1. Faa’iida uu leeyahay maamul gobolleed (Positives). 2. Xumaanta uu leeyahay maamul gobolleed (Negatives).

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

Bal u fiirso dhacdadan dhiillada leh ee Soomaali qofkii qab qarannimo leh oo idili uu ku baraarugi karo. Aqoon-yahan Soomaali-Ameerikaan ah oo Itoobiya ka soo noqday ayaan dhowaan London kula sheekaystay. Mar uu Jaamacadda Addis Ababa booqday ayaa dadkii uu kula kulmay waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda; kaasoo arrimaha gobolka ay isla jeexjeexeen. Kuxigeenkii ayaa ku yiri: “Soomaaliya waxaa u dan ah inay Itoobiya la midowdo. Haddiise ay iyadu taas garan weydo, iima muuqato sabab naga hor-joogta inaannu xoog ku qabsanno. Sow iyada qofka xanuunsanba dawada lagu qasbo!”. Ku-xigeenka Jaamacadda oo haddana faahfaahinaya sida fudud ee ay taasi dalkiisa ugu suuroobi karayso ayaa yiri: “Itoobiya waxaa ku nool 80 malyan dad cagacagaynaya, Soomaaliduna haddii ay ugu badato waa 8 malyan. Weligayo badaha Soomaalida waannu u baahnayn, waxaase naga hor-taagnaa waddaniyaddii xoogga lahayd ee qaybtii dambe ee qarnigii 20d ay Soomaalidu ku midaysnayd! Maanta waddaniyaddaasi ma jirto, waana dal aan dawladi ka jirin, annaguna ma dhawran karno deris olol aan baqtiyayni uu dhexdiisa ku baxaayo!”. Hadalkaas Ku-xigeenka Jaamaccaddu wax dhiillo ah ma ku geliyey? Jawaabtu haddii ay ‘haa’ tahay, weli waad dhaqan tahay, haddii kalese Allaha kuu

3. Caqabadaha hortaagan in aan maamul goboleed sameesano (Challenges). 4. Fursadaha aan heesano si aan maamul gobolleed u sameesano (Opportunities). 1. Faa’iidada ay leeyahay maamul goboleedyadu (Positives) waxaa ka mid ah: A. Helidda nabad waarta, taas oo keeneysa in dadku ay helaan xasillaan, ammaan darraduna meesha ka baxdo. B. Dadka oo deegaankooda ku nagaada, hayaankii iyo dhalandhoolkuna dhammaado ama yaraado. T. Hormarinta dadka, oo keenta in la helo adeegyo caafimaad iyo waxbarasho IWM. J. Dadka oo deegannadooda maalgashta maadaama ay nabadi jirto, oo aysan meelo kale u hanqaltaagayn inay aadaan ama u guuraan. J. Dhaqaalaha oo sii hormara ama awood fiican yeesha. 2. Xumaanta ay leeyihiin maamul goboleedyada (negatives) waxaa ka mid ah: 1. Waxaa muhiim ah in kala fahamo farqiga u dhaxeeya DAWLAD iyo QARAN.

5

naxariisto! Malahayga, waxa keliya ee mustaqbalkaas naxdinta leh lagu baajin karaa waa iyadoo la helo dhallinyaro iyo waayeel is-urursada, kuwaas oo hawshooda ka billaaba qaaddacaadda dhammaan shirarka cadawgeeda taariikhiga ahi uu maamulkooda wax ku leeyahay. Waxay u baahan tahay hoggaamiye Sayid Maxamad Cabdille Xasan la ujeeddo ah iyo dhallinyaro kuwii Leegada ku fikrad ah; rag iyo dumar qabyaalad ka xoroobey oo arki kara qaran-jabka sinjiga Soomaalida loo qorsheeyey. Waxay u baahan tahay rag iyo dumar garan kara, iyadana ka dhaadhicin kara inaan cadawgu kala jeclayn, dantiisuna ay tahay sidii ay xeebaha soomaalidu ugu gacan-geli lahaayeen. Haddiise ragga iyo dumarka tilmaamahaas lihi ay kol dhow ummadda u soo bixi waayaan, waxaad filataa wax walba oo guuldarro qaran ah iyo Soomaaliya oo ka baxda maabka dawladaha xorta ah ee dunida! Nin-siyaasadeed dalka Mexico u dhashay oo qarnigii 19d noolaa ayaa beri u fiirsaday derisnimada Ameerika dhibaatada uu dalkiisu ku qabo, markaas buu ku tiraabay oraah halqabsi noqotay. Wuxuu yiri: ‘Mexico ayaan aranaa: Allena ma sidan bay uga fog tahay, Ameerikana (USA) ma caynkan bay ugu dhowdahay!’. Annana malaha gef naguma aha haddii aan niraahno: ‘Soomaaliya ayaan daranaa: waddaniyadna ma halkaas bay ka taagan tahay, Itoobiyana ma sidan bay dhinaca ugu haysaa!’

DAWLADA nuucey rabto ha noqotee, sida mid (Dikteetar ah, Islaami ah, Demogracy ah, Shuuci ah, Boqortooyo, Jamhuuri, iwm). QARAN waxaa la dhahaa 3shey oo kala ah. 1.DADKA 2.CALANKA 3.CIIDDA Haddaba maamul goboleedka ceebtiisa waxaa ka mid ah in saddexdaas uu kala qeybiyay, dadka uu kala qeybiyay, calanka uu kala qeybiyay, dhulkana uu kala qeybiyay. 2. In qolo waliba oodato (XIRATO) inta ay dagto, taasoo kala geyneysa dadka walaalaha ah ee dariskaa. 3. Midnimadii Soomaaliya oo meesha ka sii baxda, maadaama qof kasta uu aaminayo gobolkiisa kaliya, uusanna ku fakareyn danta guud ee umadda iyo waxa kale ee la wadaago, ee ku sal leh maamulka iyo maaraynta. 4. Is qabqabsi ka dhasha xagga deegaanka, maadama magalooyinka qaar la is la dago. Tusaale Magaalada Gaalkacyo.


6

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

5. Qeyraadkii dalka oo la kala ooto, maadama xurgufi jirto, ayna keeni karto in dagaal uu hor seedo. 6. Qabyaaladdii oo si toos ah u soo muuqata, iyadoo in badan loogu malhadayo shaar maamul. 3. Caqabadaha hortaagan in aan maamul goboleedyo sameysmin (Challenges) waxaa ka mid ah: 1. Fahmka dhabta ah ee maamul goboleed leeyahay oo naga maqan. 2. Qabiillada kale ee gobolka daga oo ayagana raba in ay gooni maamul u sameestaan.

MAQAALLO/CAAFIMAAD

3. Dadka wax bartay oo ku yar gobollada. 4. Dhallinyarada oo aanan heysan dad waddada toosan ku haga, kana dhaadhiciya wacyiga wanaagsan. 5. Jaaliyadaha iyo aqoonyaannada dibadda oo hurdaya. 4. Fursadaha aan heysanno si aan maamul goboleed u sameesanno (Opportunities) waxaa ka mid ah: 1. Dadkii oo dareen maamul goboleed ku dhashay. 2. Dadkii kale oo maamullo sameestay.

Talaado 01, april 2014

Haddaan u soo laabto su’aasha ah maamul goboleed faa,iido ma noo leeyahay haddaan nahay reer Gobollada Dhexe? Waxaan jawabteeda dhihi lahaa; haa waa inoo fiican yahay waqtiga dhaw si dadkeennu nabad xooggan u helaan, inta dowladda dhexe ay xoog ka yeelaneyso. Waxaa kaloo hubaal ah in mamul goboleed uusan marnama qarankeenna anfaceenin waayo, dadkii, calankii iyo dhulkii ayuu kala qeybinaa taasina waxey liddi ku tahay jiritaanka umadeenna.

Qatarta Cudurka HIV/AIDS

W/Q: Maxmed Cali Axmed | Cali_640@hotmail.com Taariikhada cudurka HIV/AIDS Markii ugu horresay Cudurka HIV/AIDS waxaa laga helay waddanka Maraykanka sanadku markuu ahaa 1981dii kadib ayaa waxa laga helay mar kale Qaaradda Afrika, gaar ahaan Afrikada Dhexe, waxaana soo if baxday in isku ekaansho aad u weyn u dhaxeyso dadka qaba cudurka AIDSka iyo Cagaarshowka Horraantii sanadkii1984tii ayaa waxaa suurtagashay in la ogaaday Fayruska sababa cudurka, laguna qoray diwaannada cafimadka in uu yahay cudurka AIDSka yahay mid cusub oo aan hora uga jirin dunida, oo uu aad ayuu ugu faafay gaar ahaan dalkeena oo aan laga heyn tirade rasmiga dadka qaba iyo magaalada uu ku badan yahay. Waxaa hubaal ah in dalalka dariska ah dadka ka soo labanaya dad badan oo ka mid ah ay qabaan cudurkan misna si sahal ah ku gudbi kara. Haddaba: Waa maxay cudurka AIDS-ka? Cudurka AIDSka waa cudur la isku qaadsiiyo isutagga ragga iyo haweenka (GALMADA), waxaana keena Virus loo yaqaanno HIV. Fayruska HIV wuxuu dilaa difaaca jirka, wuxuuna laciifiyaa qofka ilaa marka dambe uu ka dilo (DHINTO). HIV/AIDS waxaa markii hore la heley qiyaastii 20 sano ka hor, wuxuuna muddo yar ku noqday mid fida oo dunidoo dhan saameeyey. Wuxuu dilay malaayiin qof, wuxuuna abuuray carruur badan oo waalid la’aan ah, welina waa sii fidayaa. Waddamada saboolka ah ayaa ugu sii liita marka laga hadlayo AIDS-ka, sida Koonfur Africa, Itoobiya iyo India oo ah saddexda waddan ee ugu badan dadka qaba cudurka AIDSka. Waxaa jira qaxooti badan oo Afrika asalkoodu ka soo jeedo kuna nool gobolka Minnesota kaliya oo qaba cudurka HIV/AIDS, markii waddan ahaan loo kala saaro, waxaa ugu sii badan Itoobiyaanka, waxaana ku soo xiga Liberia iyo Kenya, dhawaanna waxaa soo baxday warbixin sheegaysa in Soomaali badan laga helay. Maxaa sababa cudurka AIDS-ka? HIV, oo ah fayrus sababa cudurka AIDS, ayaa marka hore qofka ku dhaca, kaasoo sababa inuu dilo unugyada cad ee dhiigga oo loo yaqaan T-Lymphocytes kuwaasoo jirka ka difaaca cudurrada iyo jeermiska ama bakteeriy-

AIDS: Inta uu fayruska HIV isu bedelo cudurka AIDS waxay ku xirantahay waxyaabo fara badan. Dadka qaar waxay AIDS ku qaadaan bilo gudahood markii dhiiggoodu uu ku beermo fayruska HIV, dad kalena waxay ku qaadataa 10 ilaa 15 sano. Sidaa daraaddeed lama oran karo muddadaa ka bacdi ayuu cudurku isu bedelayaa AIDS.

Astaantan waa astaanta ka hortagga caalamiga ah ee Aids-ka, waxana midabkeedu rasmiga ah yahay guduud/cassaan.

ada keeni kara cudurrada. Markii difaaca jirka uu sii laciifo, qofku wuxuu gaaraa heer uu cudur ama infection walba ku dhaco oo aan jirro ka bixin, wehelna u noqdaa cudur kasta in uu ku dhaco ama abbaarsado. Sidee lagu kala qaadaa cudurka HIV? Dadka qaba cudurka HIV ayaa ugu gudbiya dadka aan qabin cudurka galmada ama dheecaan ka yimaada qofka jirran oo u gudba qofka kale. Siyaabaha ugu badan ee loo kala qaado waxaa ka mida: - Galmada - Irbad ama siliinge uu qofka qaba HIV/AIDS oo la isticmaalo. - Hooyada oo qaadsiisa ilmaha uurka ku jira, ama caanaha naaska ku qaadsiisa ilmaha. Yuu ku dhacaa cudurka AIDS? Cudurkani ma kala sooco dadka, wuxuuna ku dhici karaa qof walba. Wuxuu badanaa ku dhacaa dadka aan iska dhowrin waxyaabaha soo socda: - Qofka oon ku koobnaan lammaanihiisa oo dad kala duwan la wadaaga sariirta rag ama dumar kuu doono ha ahaadee. - Qofka aan difaac samayn sida isticmaalka kondomka. - Qofka isticmaala daroogada leysku duro oo siliingaha la isticmaala dad kale. Intee bay qaadataa in HIV uu isu bedelo

Daawo ma leeyahay cudurka HIV/AIDS? Tallaalse ma leeyahay? In kastoo dadaal badan la muujiyey, ilaa hadda daawo ama tallaal looma hayo cudurkan. Laakiin, waxaa jira daawooyin kaalmaati ah oo qofka caawiya. Daawooyin cusub oo soo baxay waxay suurtogeliyeen in dadku noolaadaan muddo dheer iyagoo qaba cudurka oo aysan hore ka dhiman sidii waagii hore ee cudurku ku cusbaa dunida dhici jirtay ka duwan. Daawooyinkan cusubi waxay kaloo sahleen in aysan hooyadu u gudbin HIV ilmaheeda. Sida ugu habboon ee qofku iskaga difaaci karo cudurka HIV/AIDS waa inuu iska ilaaliyo waxyaabaha lagu kala qaado sida gogol dhaafka aan lahayn difaac. Sidee baan HIV/AIDS isaga difaaci karnaa? Waa inuu qofku iska ilaaliyo waxyaabaha keeni kara oo khatarta ah, gaar ahaan: - Inuu qofku iska ilaaliyo galmada aan lahayn xeydaanbka, hadduu xaas leeyahayna ku koobnaado xaaskiisa. - Mar walba isticmaal kondhomiska. - Ha la wadaagin saliinge qof kale, iskana ilaali inaad isticmaasho daroogada saliingada la isla isticmaalo - Labada qof ee isguursanaya waxaa fiican iney iska baaraaan HIV marka hore. - Qofka oo iska baara dhiigga inta aan lagu shubin - Ha la wadaagin sakiin qof kale logu jaray ama loogu xiiray, isticmaal mid cusub oo gaar ku ah adi. - Iska ilaali in aad la wadaagto qof kale cadayga ama Rumayga.


SUUGAAN

Talaado 01, april 2014

Cadadka 013-aad, Sanadka 2-aad

7

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

GABAYGA “DAWO” Waxaa curiyay: Maxamed Xuseen Faarax

Gabaygan macagaciisa waxaa la yiraa: (DAWO), dawana waxaa laga doonaa qofkii isagu daweysan, oona garanaya dawadu meesha ay ku jirto, kana madaxbannaan inta gabaygu sheegayo ee eel ah, illeyn waxaa la yiri: “Gacan Daahira ayaa wax daahirasa!” waxaaba ka sii muhimsan inuu yaqaan waxa ayba dawadu tahay. Gabaygiina wuxuu ku billowday sidan: Dadweynoow su’aal diirran baan, idiin dareensiine Soo diyaarsha jawaab dedi kartoo, doorbin lagu eegay Haddii duul jirrado ee xanuun, damaqo ruuxdiisa Waxaa dabiiba digtoorrada dhayiyo, duraha weeyaane Ama culimmo Diin saarta iyo, DAA’IN xugunkiise Dal dhanoo dadkiisii jirradey, yaa daweyn karaya? Waxaan uga danleeyahay haddaan, idin dareensiiyo Soomaalidaan dastuur iyo sharciba, diiddan labadiiba Soomaalidaan runtii daba martee, beenta dabajoogta Soomaalidaan dillaal iyo mallaal, dabagashee raacsan Soomaalidaan dagaal oogihiyo, dulunka taageerta Sooomaalidaan dubaaqada qabiil, iyo dirirta dooneysa Soomaalidaan qabyaaladda dugsane, diirka ka collowdey Soomaalidaan dayowdee ninkii, dumi lahaa diiddan Soomaalidaan wixii dan u wadaba, daalaca u raacan Soomaalidaan dabkii shalatan gubay, maanta dogob saari Dawadeeda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?. Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e Soomaalidaan Libaax doola iyo, Yeeydu dabajoogto Soomaalidaan dunji habar dugaag, dhaawac dilanaayo Soomaalidaan Dafada duullankaa, sahan dul haadeyso Soomaalidaan Dukuhu soo ag degey ee, duuqa suganaayo

Soomaalidaan Abeesada dadbani, jiifto derinteeda Soomaalidaan Yaxaas labadi daan, daaqalka u joogta Soomaalidaan dariiqey martaba, halaq ka duubanayo Soomaalidaan Diqsigu leefayee, sii damqiyi boogta Soomaalidaan dembiga lagu tiree, kiiska lagu duugo Soomalidaan la daandaaniyee, lana diciifeeyey Soomaalidaan intii laysku diray, laysku dacareeyey Soomaalidaan la kala daadiyee, duud la ka ooday Soomaalidaan sidii duunyadii, loo hagaag duwayo Soomaalidaan sidii Eey dafara, loo tilmaan dirayo Soomaalidaan sidii Dibiyadii, dhagarta loo daadshey Soomaalidaan dalkeedii la yiri: “Hoo ku soo dumiya” Soomaalidaan afkiyo labada daan, looga dano gaaro Soomalidaan wedkii dili lahaa, nolol ka dooneysa Soomaalidaan la weel duwahayoo, loo dardaar weriyey Dawadeeda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?. Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e Soomaalidaan duqowdeedi iyo, culimmo dacar dhuuqday Soomaalidaan aqoon durugsanihii, beenta daabacayo Soomaalidaan da’weyn iyo da’dhexe, fayris dihaneysa Soomaalidaan damiirkii dhintee, ducufa iimoowdey Soomaalidaan qalbigu uu dilmoo, laabtu ay dubantey Soomaalidaan dheguhu ay dameen, aragna uu daahmey Somaalidaan calooshii la degey, oo uurku daxaleystey Somaalidaan dulmiga beeratee, ceebta dubaneysa Somaalidaan dambaaburo leqdee, daamurka cantuugtey Soomaalidaan intey belo darbiday, qurunka daaceysa Soomaalidaan dalqada laga galiyo, daamankiyo gowska Soomaalidaan qandhadu daa’imtee, duumadu asiibtay Soomaalidaan dabaan iyo da-

baan, cudurku daanneeyey Soomaalidaan waqtigii daahiraba, sii dibiro qaadday Dawadeeda yaa garanayoo deeqi kara maanta?. Afartaa diyaarshaye mid kale aan u daadego’e Kuman dubato kuman diiratiyo, kuman dugaagiina Kuman duula kuman dooxatiyo, kuman dagaal ooga Kuman daanaq kuman dagagar iyo, kuman dariiq jooga Kuman dumiya kuman uga dariyo, kuman wanaag diida Kuman dawdar kuman doogsadiyo, kuman dabuuriina Kuman doofil kumanyaal dalagan, kuman dareenmooga Kun digteytar kun daneysta iyo, kuman dijaaliina Kun daydaya kun mooryaan dulliya, kuman dafaa booba Kun dableeya kun daroogo iyo, kuman dubaabiina Kun wax dilaya kun u daabayiyo, kuman u dooyeeya Kun dahsoon kun ay soo diraan, kuman dallaaliina Kun dambiile kun la duuban iyo, kuman durbaan raaca Kun daneyste kun ay duufsadaan, kuman dareer leefa Kun damdaman kun damuuman iyo, kuman aqoon daahan Kun dulloobey kumanyaal ka daran, kuman ka sii duugxun Iyo kuman waxey doonayaan, deelka laga waayey Iyo kuman duruusaha naxliga, daabacoo dhigaya Iyo kuman dammane oon ogeyn, dhagarta loo duugi Intaasoo is dacaltaalla, oo diirka ka colleysan Dawadooda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?. Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e Kuman daacey kuman duurka xulay, kuman dalaaw guurey Kuman deris la’ kuman kala durgiyo, kuman is diir waayey Kuman dalagle kuman duuqay iyo, kuman macluul daallan Kuman deegey kuman aan dubeeyn, kuman dacaam waay ah Kun danyara kun dibjiraya iyo,

kuman duruufeysan Kun dawaraya kun doogataa gacmaha, kuman da’dood tuuga Kun dayacan kun daryeel la’ iyo, kuman daleel yaalla Kun dugsi la’ kun hooy daashash laa, kuman dardhoonaaya Kun dagaagay kun duuddii ka baxay, kuman doh dheer aaday Kun dammaaday kun dayoobey iyo, kuman wareer daaray Kun darmaday kun deegaan kiciyo, kuman dawaareeyey Kun la didiyey kun la kala diriy, iyo kuman la daaduunshey Kun dowdabey kun diiqdiiqay iyo, kuman dakaan liicay Kun loo diidey kun laga diirtay iyo, kuman la duudsiiyey Kun la dilayo kun la dooxayiyo, kuman la daanneeyo Kun deldelan kun daqar gaarey iyo, kuman dubaaqeysan Iyo kuman darbiyo jiifsadoo, cidi u doodeynin Iyo kuman dandarro heysatoo, cudur dilloonaayo Dawadooda yaa garanayoo, deeqi kara maanta? Dhammaad.

WARGELIN! MA TAHAY GABYAA? AMA QORAA JECEL INUU MAQAALLO KU QORO WARGEYS? WARGEYSKA GOBOLLADA DHEXE WAXA UU FURSAD KUU SIINAYAA INAAN GABAYGAAGA, MAQAALKAAGA IWM. KUUGU DAABACNO WARGEYSKA. KU SOO DIR QORAALKAAGA AMA GABAYGAAGA CIWAANKA w.g.dhexe@gmail.com


WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Wargeyska Gobollada Dhexe - Bisha April 2014  

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Marreeb.

Advertisement
Read more
Read more
Similar to
Popular now
Just for you