__MAIN_TEXT__

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Axad, 01 nofembar 2015, Cadadka 032-aad, Sanadka 3-aad

MAXAA CUSUB?

MADAXWEYNE GUULEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY DALKA CIRAAQ | bogga 2aad Roobabkii deyrta oo ka curtay Gobollada Dhexe iyo qasaaro ay geysteen Roobabkii dayrta ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan Gobollada Dhexe, oo ay qaar ka mid ah ka jireen xaalado abaareed iyo biyo la’aan. Deegaanka Ceel Garas oo u dhow degmada Dusmo Reeb ee gobolka Galgaduud, ayay ku diirsadeen dad iyo duunyaba. Sidoo kale, roobabkan ayaa ka da’ay dhinaca waqooyi ee gobolka Galgaduud, si gaara degmada Cabudwaaq. Deegaannada roobabka dayrtu ay ka curteen ayaa hore waxaa uga jiray biyo la’aan haysatay dadka iyo duunyada. | bogga 3aad.

QORAALLO KALE Horumarinta Ganacsiga

W/Q: Maxamed Royal | bogga 4aad

Cudurka Diiqada

W/Q: Xasan Kheyre | bogga 4aad

Qurbojoog: Qeyr mise qasaaro W/Q: Cabdiqaadir Cali | bogga 5aad


2

Cadadka 032-aad, Sanadka 3-aad

WARARKA

Axad 01, nofembar 2015

MADAXWEYNE GUULEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY DALKA CIRAAQ W/Q: Maamulka Wargeyska Madaxweynaha dowlad goboleedka GALMUDUG, mudane, Cbdikariim Xuseen Guuleed, ayaa socdaal howleed ku tagay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdad, bartamihii bishii Oktoobar, ee na dhaaftay. Madaxwene Guuleed, ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Iyaad Callaawi. Labada mudane, waxay is dhaafsadeen, xaaladaha labada, Soomaaliya iyo Ciraaq ku sugan yihiin, ammaan, la dagaallanka argagixada, dib u sheesiin, dhaqaale, dib u dhis iyo dibu deginba. Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Iyaad callaawi, ayaa sheegay in dowladdiisa, ay gacan ka geysanayso, howlaha horumarineed, ee ka socda dalka. Madaxweyne ku xigeenku waxuu balanqaaday, inay taageero buuxda u fidinayaan howlaha horyaalla dowladda cusub ee Galmudug iyo sidii loo furdaamin lahaa. Kulanka labada masuul, waxaa goobjoog ku ahaa, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Galmudug Maxamed Maxamuud Guure. Dhanka kale, Madaxweyne Guuleed iyo wafdiga uu hoggaaminayey, ayaa gaaray caasimadda is maamul goboleedka Kurdistan ee Erbil, halkaa, oo uu casuumad rasmi ah ka heleen madaxda Kurdistan. Inta uu madaxweyne Guuleed joogay magaalada Erbil, wuxuu la kulmay madaxda ugu sarraysa maamulka Kurdistan. Dhanka kale, wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Guuleed, ooy ka mid yihiin, Wasiirro ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane, Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Oshaco, ee magaalada Gaalkacyo Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay, in safarka magaalada Gaalkacyo arrimaha ugu muhiimsan, ee uu yimid ay ka mid yihiin, soo celinta ciidan dhawaan ka gadooday magaalada Cadaado, kuwaas oo hadda ku suggan Gaalkacyo iyo sidii loo nadiifin lahaa waddada u dhaxeysa Galkacyo iyo Galinsoor. Ka hor, madaxmweyne Guuleed, ayaa Muqdisho uga qaybgalay shirka wadatashiga higsiga 2016, oo ay goobjoog ka ahaayeen

madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda dhexe. Soo laabashadiisii ka dib, ayaa madaxweyne Guuleed, wuxuu booqasho ku tagay, safar dhulka, qaaar ka mid ah sagmooyinki iyo deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Bandarqaali, isagoo oo u kuurgalayay xaaladda nololeed, ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaannadaa.

XAYAYSIIS

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


WARARKA

Axad 01, nofembar 2015

Cadadka 032-aad, Sanadka 3-aad

ROOBABKII DAYRTA OO KA CURTAY GOBOLLADA DHEXE IYO QASAARO AY GAYSTEEN Roobabkii dayrta ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan Gobollada Dhexe, oo ay qaar ka mid ah ka jireen xaalado abaareed iyo biyo la’aan. Deegaanka Ceel Garas oo u dhow degmada Dusmo Reeb ee gobolka Galgaduud, ayay ku diirsadeen dad iyo duunyaba. Sidoo kale, roobabkan ayaa ka da’ay dhinaca waqooyi ee gobolka Galgaduud, si gaara degmada Cabudwaaq. Deegaannada roobabka dayrtu ay ka curteen ayaa hore waxaa uga jiray biyo la’aan haysatay dadka iyo duunyada, iyadoo goobahaas ay ka muuqato raxmadda Alle ay ku qabowsadeen. Si la mid ah, waxaa roobabku ka de’een magaalooyinka Dusmo reeb, xarunta maamulka Galmudug, Cadaado iyo magaalooyin kale. Dhanka kale, magaalada Dusmo Reeb, ayaa waxaa ku soo fatahay biya xireenka, oo magaalada ka xiga dhinaca waqooyi, isaga oo soo jabsaday xayndaabkii, ka dib markii roobab xooggan ay ka da’ayeen, oo ay biya xirka ay si xowli ah ugu soo fatahay magaalada, taa soo saamayn ku yeelatay qaar ka mid ah

3

Ciidamada Galmudug oo la wareegay deegaanka Camaaro Ciidamada maamulka Galmudug, ayaa la wareegay deegaanka Camaaro, ee gobolka Mudug. Deegaanka Camaara wuxuu 180-km dhinaca bari kaga beegan yahay degmada Cadaado, ee gobolka Galguduud. Camaaro, horay waxaa u haystay Alshabaab, oo qabsaday dhowr maalmood ka hor, iyagoon la kulmin wax iska caabbin ah. Aadan Cabdi Cumar (Aadan Low) oo ka mid ah saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii la wareegay Camaara ee Galmudug, ayaa sheegay, in dagaalku uu mid kooban ahaa, uuna kaga dhaawacmay hal askari, balse, aanu ogeyn khasaaraha dhanka kale soo gaaray. Sidoo kale, sarkaalkan ayaa u sheegay inay xoogaggii Alshabaab ay aadeen dhanka degmada Xarardheere, oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay markii horeba ka yimaadeen.

xaafadaha magaalada. Maamulka magaalada Dusma Reeb iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa billaabay inay wax ka qabtaan dhibaatadan soo wajahan magaalada, inta awooddooda ah, oo markii horeba is ka koobneed, iyagoo jawaanno carra ah ku xiraya halka uu biya xirku ka soo fatahay, si loo sameeyo carrotuur celiya biyaha.

Biyo xirka ayaan in muddo ah lagu samayn dayartir iyo dib u habayn, iyada oo biyaxirka ay ka dambeeyso dooxo aad u dheer, oo lagu qiyaaso, in ay ka badan tahay 40km, taasoo biyaha si xowli ah, ugu soo wadda magaalada, oo ay halis weyn ugu jirta, in fatahaadda iyo daadadku harqiyaan magaalada, maadaama wali roobabkii ay da’ayaan.

Ahlusunno oo lacago ku soo rogay deegaannada ay maamulaan Warar xaqiiq ah, oo laga helayo, deegaannada ay maamulaan Ahlusunno, ayaa sheegaya, in ay billaabeen lacago ay ku sheegan canshuur, oo laga qaadayo dadka deegaanka. Lacagta ayaa lagu sheegay, mid xad dhaaf ah, oo dadka cabasho weyn ka muujiyeen. Dhawaan ayey eheed, marka ay Ahlusunno canshuur wax lagu sheegay, ay ku soo rogeen ganacsatada Dusmo Reeb iyo Guri Ceel, oo ka badan tii ay hore u bixin jireen. Lacagaha faraha badan, ee laga qaadayo ganacsata, ayaa waxay keentay, in ganacsato ay hakad galiyeen, si ku meel gaar ah duullimaadyadii ay diyaaradahoodu ku tagi jireen Dusmo Reeb

iyo Guri Ceel. Tan ugu yaabka badan ayaa ah, in Ahlusunno ay amar ku bixisay, in dadka laga qaado canshuur madax tiris ah, oo qof walba laga qaadayo bil walba, oo ah 5 doollar! Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa ka cabanaya in deegaannada ay ku soo badanayaan dhaca, oo aan hore ugu jiran deegaanka. Marka laga soo tago, in lacagtu badan tahay, ha ahaato midda ganacsiga laga qaado ama ha laga qaado dadkee, maxay kaga duwan tahay, wixii Shabaabku ku sheegi jireen sako ama sadaqo, oo dadka qasabka looga qaadi jiray?

Madaxweyne ku xigeen Galmudug oo Caabudwaaq tagay Wafdi uu hoggaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, oo safar ku tagay degmada Caabudwaaq, ee gobolka Galguduud. Madaxwayne ku xigeenka mudane Maxamad, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaaladaa, oo uu hore looga saaray malleeshiyada Ahlusunno.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan Galmudug. Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Cabdirisaaq Xassan Cawl, ayaa madasha Madaxweyne Ku xigeenka lagu soo dhawaynayay ka dalbaday in dawladda Galmudug looga baahan yahay, in ay la timaaddo waxqabad muuqda.

Dhanka kale, Dowladgoboleedka Galmudug oo war-saxaafadeed ka soo saaray 20kii oktoobar ayuu Madaxweynaheeda ku yiri “Guusha maanta ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada magaalada Wabxo waxey fursad siineysaa in shacabka deegaanku ay cabsida ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deegaanka kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug”. Madaxweyne Guuleed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka deegaankaas gar-gaar lala soo gaaro, wuxuuna yiri “Shacabka Wabxo iyo dhammaan deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waxay nooga baahanyihiin inaanu si deg-deg ah ula gaarno gar-gaar bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga si shacabka deegaanku u dareemaan faa’iidada ay dowladnimadu leedahay..” Wasiirka Arrimaha gudaha, mudane Jaamac Xasan Salaad, oo ka mid ahaa xubnaha safarka la socday Madaxweyne ku xigeenka, ayaa xusay in ujeedka safarkoodu yahay, sidii loogu kuurgeli lahaa xaaladda degmadan, waxna loogu qaban lahaa Bulshada Caabudwaaq. Madaxwane Ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi ayaa asna sheegay, in imaatinkooda yahay, sidii looga qaybqaadan lahaa, hormarka iyo dadaallada ay dawladda Galmudug ka waddo degmada Caabudwaaq.


4

Cadadka 032-aad, Sanadka 3-aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Axad 01, nofembar 2015

HORUMARINTA GANACSIGA IYO DHIIRRIGELINTA DHALLINYARADA W/Q: Maxamed Axmed Cali Royal | mohamedmidnimo@gmail.com Bulsho kasta, oo dunida ku nool, waxaa jira, baahiyo ay ka siman tahay, sida; caafimaadka, waxbarashada, deegaanka, ganacsiga iwm. Si loo daboolo baahiyahaas ama loo hormariyo, dal iyo dowlad kasta, waxey leeyihiin xarumo iyo golayaal looga doodo hormarinta, tayeynta iyo fayadhowrka adeegyadaa. Goleyaashaas iyo xarumahaas, waxey u sameysmaan si madaxbannaan, dowladuhuna waa dhiirrageliyaan ama iyagaaba unka inta badan, waxeyna diiradda saartaa xarun walba, iney bulshada ugu soo bandhigto, sida loo hormarin karo, mid kasta oo ka mida adeegyadaas aas aasiga ah, ee ay ka shaqeyso. Waxaa jira xarun u xilsaaran hormarinta caafimaadka. Waxaa jira xarun u xilsaaran waxbarashada. Waxaa jira xarun u xil saaran arrimaha deegaanka iyo bii’ada. Waxaa jira xarun u xils-

aaran hormarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha. Mid kasta oo ka mida xarumahaas, waxey cilmi baaris ku sameysaa, dhinaca ay ka shaqeyso, sida hadduu jiro hoos dhac, haddii ay jirto wax lagu kordhin karo, haddii ay jirto wax yaabo qatar ah oo ay ka digeyso IWM. Haddaba, xarumahaas waxaa ugu caansan kuwa ka shaqeeya hormarinta ganacsiga, iyagoo heer waddan, heer gobol, heer qaaraddeed iyo heer adduun ah. Shaqooyinka ay qabtaan xarumahaas waxaa ka mida, iney tilmaaman caqabadaha ganacsiga, ee jira, iney dowladaha ka la shaqeeyaan dhimista canshuuraha, dhiirragelinta iyo abuuridda fursado ganacsi oo cusub, soo bandhigidda shirkaddaha ugu sarreeya ama ugu fiican dalkaas, qaraaddaas ama adduunyada IWM. Soomaaliya horay uga ma jirin xarun ama hay'ad qabata wax u dhaw adeegyadaas, gaar

ahaan dhanka ganacsiga uguna muhiimsan waxyaabaha ay bulshadu hormar ku sameyn karto. 18 kii Oktoobar, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, bandhig ganacsiyeed ay ku soo bandhigeen dhallinyaro halabuurro ah fikirkooda ganacsi, ayna u soo bandhigeen ciddii u maalgalin leheed, haddii u fikirkaas yahay mid la maalgalin karo, oo ah Bankiyada. Waxa ugu badan, ee ay qabtaan hay'adaha ka shaqeeya hormarinta ganacsiga, waa iney istusaan maalgeliyaha iyo ciddii haysa fikir la maalgelin karo, ayna ku hishiiyaan faa’iidada. Fursadda ganacsi, ee Soomaaliya ka jirta maanta, ma ahan mid yar, laakiin, waxey u baahan tahay, in dhallinyaradu arkaan fursadaha, dadka hantida haystaana maalgelin ku sameyaan fikradaha macquulka ah. Sax ma ahan in ardeydii

waddanka wax ku baratay keliya ku fakaraan iney shaqo helaan, oo ay cid u shaqeyaan, haddey waayaanna ay taas ka dhigan tahay, inuusan dalku wax mustaqbal ah lahayn, sidaas darteed, ayey is dhiiban, oo quustaan noloshana ka dhacaan ama ay tahriibaan oo badaha ku dhintaan ama qurbaha qaxooti ku noqdaan, iyagoo shahaado haysta. Xarun ka shaqeysa hormarinta ganacsiga, dhiirragalisa dhallinyarada halabuurka leh, daraasaad iyo cilmi baaris ku sameeysa fursadaha ka la duwan, ee dalka, waxaan aamin sanahay, iney tahay baahida ugu badan, ee bulshadu qabto xilligaan, in kastoo ay ahayd, iney jaamacaduhu xilweyn is ka saaran arrintaas, haddana, ma dhicin, laakin, dhallinyarada jaamacadaha ka baxayana iney is ka indha tiraan ma ahan.

Cudurka Diiqada W/Q: Xasan Kheyre Sanad walba, tobbanka bisha oktoobar, waxaa la xusaa “Maalinta Caafimaadka Dhimirka ee Aduunka”. Hey'adda caafimaadka adduunka, waxa ay sheegtay, mid ka mid ah saddexdii qof, oo Soomaali ah, in uu qabo nooc ka mid ah cudurrada dhimirka. Cudurka Diiqadu/Niyadjabka (depression) waxuu ka mid yahay, cudurrada dhimirka ugu badan, ee bulshadeenna ku dhaco. Haddaba, barnaamijka caafimaadka bishan, waxaa ku soo qaadaneynaa:- waxa uu yahay cudurka Diiqaddu/Niyadjabka, Maxaa sababa? Noocyada cudurka, calaamadaha cudurka iyo sida loo daaweeyo diiqada/niyadjabka?. Diiqadu waa qeexid caafimaad, oo koobaysa waxyaalo badan, oo ku saabsan ciriiriga nafta. Waxay kugu keeni kartaa niyadjab, oo carqaldeenaya noloshaada caadiga ah. Niyadjabka waxaa loo la jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah, oo uu qofku muddo dheer dareemayo, dhib iyo ciriri nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyadjab, haba yaraatee, ma jiraan dareen wanaagsan, oo farxad geliya, wayna ku adag tahay in uu hawl billaabo, hadduu billaabo si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Niyadjabku wuxuu badanaa ka billaabmaa, marka uu isbeddel weyn ku yimaado nolosha qofka. tusaale ahaan inuu qofku lumiyo (waayo) dad muhiim u ah, ama waxyaabo noloshiisa muhiim u ah, sida shaqo la’aan, guri la’aan, guuritaan meel cusub iyo la qabsasho dhaqan cusub ama barasho af cusub. Niyadjabku/diiqaddu waxay leedahay noocyo badan waxaana ka mid ah:-

1. Diiqadda umilitaanka ka danbaysa, waa murugo fudud oo ay dumarka la kulmaan ka dib markii ay dhalaan, in ka badan 10% hooyooyinka ayey ku dhacdaa. ka dibne waaxay sabab u noqonaysaa saxariir aan loo baahnayn, waxaana dhici karo puerperal psychosis (cudur maskax wareer/waalli) oo ah xaalad xun, oo si kedis ah u dhacdo lixda toddobaad, ee koowaad ee dhalida ka dib. 2. Diiqada waallida, tani waxay ku kalliiftaa dadka mawjado isugu jira diiqad iyo waalli, waallidanu waa xaalad isugu jira kacsanaan iyo dabeecad aan kontorol lahayn. 3. Diiqadda musiibada ka dib, waxay iman kartaa, markuu qofku si degdeg ah u la kulmo arrin dhibaato ah, oo maskaxdiisa ka weyn. tusaale ahaan, markuu qofku la kulmo dagaal, jirdil, nabarro lagu dhufto, shil gaadiid, oo weyn iyo masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhulgariirrada. Calaamadaha diiqaddu/ niyad-jabka, waxay naqon karaan kuwa khafiif ah, dhexdhexaad ah ama kuwa daran. Dadka ka cabanaya diiqadda waxa laga yaabaa (in ay ku dhacdo): kalsooni darro, isku mashquulin, fekero xun, quus, dulqaadasho yaraan, toosid goor hore hurdada, cunno xumo lagu dhuubto, awood darro xagga jinsiga ah, firfircooni aad u hoosaysa iyo ka go’ida dadka kale intii ay waydiisan lahaayeen caawimo. Daaweeynta Diiqadda/ Niyadjabka, haddii niyadjabku uu yahay mid wakhti dheer jiray, uuna dhibaato u keenayo nolol maalmeedkaa qofka, waxaa wanaagsan inuu qofku caawimo raadsado, wakhti ayuu u baahan yahay, si uu niyadjabka uga bogsado, in niyadjabka laga bogsado, waxay

caadi ahaan qaadataa toddobaadyo badan, mararka qaarna bilooyin. Waxaa muhim ah, in qofka uu ka la hadlo waxyaabaha niyadjabka ku saabsan shaqaalaha caafimaad, dhakhtar iyo ehelkiisa. Ka hadalka dhibaatooyinka iyo waxyaabaha adagi inta badan qofka way caawiyaan, xitaa iyada oo aan markiiba xal loo helin dhibaatooyinkaas. Dadka ay hayso diiqaddu waxa la siiya daawada diiqado-dhimista (antidepressants) marka ugu horraysa. Isticimaalka daawooyinku waxay badanaa soo dedejiyaan, inuu qofku niyadjabka ka bogsado, waana daawooyin nabadgelyo leh, mana keenaan inuu qofku ka maarmi waayo ama uu la qabsado. Waxtarka maskaxda ee daawooyinka waxaa la dareemaa 2-4 toddobaad ka dib, markuu qofku isticimaalka daawada billaabo. Waxaa wanaagsan in isticimaalka daawada la wado markuu qofku raysto ka dib, sababtoo ah astaamaha jirradu si fudud ayey u soo noqdaan, marka daawada la joojiyo ka dib. Caadiyan daawada waxaa la isticimaalaa hal sano iyo bar. Billowga hore ee isticimaalka daawada waxaa laga yaabaa, in laysku arko cillado ay daawadu keento. Cilladahaas waxaa ka mid ah, madax xanuun, dhidid badan, iyo daal. Cilladahan ay daawadu keento waa kuwo sahlan, dhowr maalmood gudohood ayeyna ku baaba’aan, ka dib markuu jirka qofku la qabsado daawada, mararka qaar waxaa dhacda, in qofka daawada laga beddelo, haddii cilladaha daawadu keento ay yihiin kuwo aad u daran.


QORAALLADA WARGEYSKA

Axad 01, nofembar 2015

Cadadka 032-aad, Sanadka 3-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

QURBAJOOG: QAYR MISE QASAARO? | Q2AAD W/Q: Cabdiqaadir Cali | abdulkadiralieco@gmail.com Qaybtii hore, ee qormada, waxaan uga hadlay, horumarka dadka dibadda ka soo laabanaya ay dalka ku soo kordhiyeen, haddaba, qormadani, waxay si kooban u tilmaamaysaa sida dib u dhaca ah, ee qurbajoogta qaar ka mid ahi u saameeyeen guud ahaan dalka.

dad AJNABI ah, safar shaqo oo ku meel gaar ahna meesha ka haya. Qurbajoogta in badan oo ka mid ahi, waa dad aan wax badan ka soo faa’iidaysan dalalkii ay tageen. Afsuuqa looga hadlo dalkii ay ku noolaayeen oo kali ah unbey cilmi ahaan u haystaan.

Shaqada Dowladda: Markii qurbajoogtu ay la wareegeen xafiisyada dowladda, waxaa la sheegaa, in uu aad u soo batay musuqu. Intooda badan, waxay is ka degganyihiin hoteello qaali ah, xafiisyadana u ma soo shaqatagaan. Shacabka Muqdisho iyo meelo kale, oo dalka ah, waxay ugu yeeraan wasiirradii Qurbjoogta ahaa, oo Laab-toobka watay, markii ay jago waayaan, dalka waa isaga baxaan, oo waxay u dhoofaan dalkii ay ka yimaadeen. Mararka qaar xitaa xil wareejin ma sugaan. Waxaan xasuustaa mar baarlamaanku warsaday, wasiir, in uu keeno heshiis ay dowladdu la gashay shirkad ajnabi ah, wasiirkii wxuu yiri muddo badan ayay igu qaadatay, in aan helo ASALKA (Original ) heshiiskan, oo uu galay wasiir iga horreeyay, malaha nin ayaa la dhoofay! In kasta oo Soomaali la wada yahay, dalkana la wada leeyahay, haddana, waa loo kala xog-ogaal sanyahay. Nin dhalasho dal kale haysta, qoysna ka degganayn dalka iyo nin ilmihii iyo ahalkiiba dalka ka yaallaan, is ku si u ma fekeri karaan. Waxaan u la jeedaa, dad badan, oo xilal ka haya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, u ma fekeraan u mana shaqeeyaan sidii dad dalka leh, ee waxay u fekeraan sidii

Dhaqaalaha: Qurbajoogtu Xamar iyo Gobollo kalaba, waxay ka hirgeliyeen ganacsi ay inta badan ka soo minguuriyeen dalal dibadda ah. Abuurista ganacsi waxay u baahantahay, in aad looga fekero, luguna xisaabtamo habdhaqanka bulshada iyo kobaca dhaqaale ee dalka. Tusaale ahaan, Soomaaliya inta badan dadku jid wax ku ma cunaan, goobtooda shaqo xitaa aad u ma badna, in ay dadku ku qadeeyaan ama ku qureecdaan, dibad jooggu waxay dalka keeneen, cunto baabuur lagu wareejinayo, shaah Ccod baahiye wata, oo baabuur lugu qaadayo, ee dadka suuqa loogu geynayo iwm. Ganacsiyadaasi inta badan waa burbureen, waxayna sababsadeen dhaqanka ah, in aan Soomaalidu jidka ama suuqa wax ku cunin intooda badan. Sidoo kale, qurbajoogtu dalka waxay keeneen badeeco aad qaali u ah, oo aysan dadku awoodin, in ay iibsadaan, taas ayaana sabab u ah in ganacsi badan, oo ay qurbajoogtu abuureen socon waayo, ka dib markii la waayay dad wax ka iibsada. Dad badan, ayaa aaminsan, in qurbjoogtu qaybta ugu wayn ku leeyihiin sicir bararka baahsan ee dalka ka jira.

Dhaqanka iyo arrimaha Bulshada: Dhaqan aad waddan shisheeye ku soo aragtay, in aad sidiisa u soo rarto sax ma ahan. Qurbajoogta qayb ka mid ahi, waxay soo min guuriyeen dhammaan qaab nololeedkii ka jiray dalkii ay qaxooti ahaanta u tageen. Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan aad u fac wayn, oo la sheego, in uu ka mid yahay kuwa ugu taariikhda dheer Afrika. Sheekooyinka aan qurbajoogta ku arkay waxaa ka mid ah tan: Nin oday ah, oo muddo ku noolaa dal ka mid ah Yurub, ayaa qoys Xamar deggan, oo aan weligii dalka ka bixin dan ka yeeshay, xilli qiyaastii duhurkii ah uu gurigii soo garaacay, ilmihii ayaa albaabka ka furay, wuxuu ku yiri wax hebel ayaan u baahanahay ee hooyo iigu yeera, carruurtii waxay yiraahdeen: Hooyo way huruddaa, wuxuu ku yiri qurbajooggii: hooyadiin hurdada ka toosiya. carruurtii waxay yiraahdeen: hooyadeen ma kicinayno. Ninkii diyaasbarada ahaa ayaa xanaaqay oo yiri: waa in la kiciyaa, maxaa yeelay, innagu marka aan joogno Ingiriiska maalin ma hurudno, oo waa qof maalin cad riyooday ayaan ba ku maadeysannaa. Taasi waxay noo caddeysay, sida qaar ka mid ah qurbajoogtu ay ugu hoggaansameen dhaqankii dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay ahayd in ay xushmeeyaan dhaqanka iyo qaab nololeedka dadka. Qurbajoogta iyo qorraxjoogtu siday isu kaashan karaa? Qayta danbe, ee qormada, oo xanbaarsana doonta talo iyo maanso ayaan ku qaadaadhigi doonaa, ee la soco.

TAAGEER MASHAARIICDA HORUMARINTA GALMUDUG


WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!

*Waxaan ku siineynaa hal bil oo bilaash xayaysiis ah oo naqshadda xittaa aan kuu sameyneyno, balse waxaad nala galeysaa heshiis 6 bilood ah.

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe

Profile for Wargeyska Gobollada Dhexe

Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofembar 2015  

Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofembar 2015  

Profile for w.g.dhexe
Advertisement