Issuu on Google+

Qiimaha 3000 Sh, So

WARGEYS BILLE AH, KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Isniin, 01 juun 2015, Cadadka 027-aad, Sanadka 3-aad

MAXAA CUSUB?

MACHAD CAAFIMAADKA LAGU BARTO OO LAGA HIRGALINAYO GOBOLKA GALGUDUUD

Maalintii Axadda 24 bisha maajo ee sanadkan 2015 ayaa waxaa shirkii sanadlaha ahaa isugu yimid Helsinki dhamaan xubnaha Heyada Sahed iyo marti sharaf kale. Shirkaasi oo looga hadlayay waxqabadkii sanadkii tagay Heyada u suuragalay iyo mashaariicda sanadkaan lagu rajoweyn yahay in la fuliyo haddii Allah idmo. ka sii akhri bogga 2aad.

MASHRUUC LOOGA HORTAGAYO BACAADKA IYO BIYAHA OO LAGA BILLAABAY CEEL HUUR

QORAALLO KALE HORUKACA GANACSIGA MAGAALADA CADAADO W/Q: Layla Qaali Cabdullaahi ...ka akhri bogga 4aad.

SHAQSIYADEYNTA MU'ASASAADKA Ceel Huur: Bulshada ku nool deegaanka Ceel Huur, ee gobolka Mudug, ayaa billaabay dhismaha mashruuc wax looga qabanaayo BACAADKA iyo biyaha togga Ceel Huur xilli roobadyada, oo uu fatahaad ku sameeyo degaanka. Marar badan ayuu togga geystay khasaaro naf iyo maal isugu jirta, halka, xilliga abaaraha iyo biya la'aantu jirtana, uu bacaad iyo isu badalo bacad. Sidoo kale, biyaha iyo bacaadkuba

waxay deegaanka ka barakiciyeen xilliyo kala duwan qoysas fara badan. Howshan oo ah mid u baahan dhaqaale iyo qalab culus, ayaa dadweynuhu billaabeen in muruq iyo maalba ku baxshaan, sidii ay uga hortagi lahaayeen labadan arrimood. ka sii akhri bogga 3aad.

W/Q: C/raxmaan F. Xaashi

...bogga 4aad.

WAX BARTA AAN BARWAAQO GAARNEE! W/Q: Mahdi Xaashi Dhigif ...ka akhri bogga 5aad.


2

Cadadka 027-aad, Sanadka 3-aad

WARARKA

Isniin 01, juun 2015

MACHAD CAAFIMAADKA LAGU BARTO OO LAGA HIRGALINAYO GOBOLKA GALGUDUUD W/Q: Ramieza Mahdi Maalintii Axadda 24 bisha maajo ee sanadkan 2015 ayaa waxaa shirkii sanadlaha ahaa isugu yimid Helsinki dhamaan xubnaha Heyada Sahed iyo marti sharaf kale. Shirkaasi oo looga hadlayay waxqabadkii sanadkii tagay Heyada u suuragalay iyo mashaariicda sanadkaan lagu rajoweyn yahay in la fuliyo haddii Allah idmo. Guddoomiyaha Sahed Mr. Siciid Kaarshe oo shirka furay ayaa ka warbixiyay sooyaalkii taariikhada Sahed iyo horumarkii ay ku tallaabsaday intii ay soo jirtay laga soo bilaabo 1997 kii. Siciid Kaarshe ayaa sheegay in Sahed uu ka hawlgalo Gobollada dhexe islamarkaana ay hawshooda ku bilaabeen hirgalinta bukaan socota degmada Dhuusamareeb kaas oo ay ku guulaysteen in dib u shaqeeyo sanadkii 2000. Wixii xilligaas ka danbeeyana Sahed waxay bilaawday dayactirka xaruunta caafimaadka ee Matabaan, dhismaha xaruunta caafimaadka ee Guriceel, dhisamaha qaybta raajadda, dayactirka guryaha martida ee cusbitaalka Gobolka, xaruunta dhallanka iyo hooyadda ee Gadoon iyo qaybta shaybaarka Dhusamareeb. Laga bilaabo 2011-2014 Sahed waxay dhayactir iyo qalabayn ku sameysay Cusbitaalka guud ee Gobolka qaybihiisa kala duwan. Waqtigaan xaadirka ah Cusbitaalka iyo xaruumaha caafimaadka waxaa laga helaa adeeg caafimaad oo aad u sareeya sida qaybaha bukaan eegtada, qalliimada, MCH (Hooyada iyo Dhallaanka), Qaybta TB da iyo Raajada (Sawirka). Siciid ayaa intaa ku daray in Cusbitaalku u adeego dadweynaha ku nool Galguduud, Mudug, Hiiraan iyo Ismaamulka Soomalida Itoobiya intaba. Siciid Kaarshe oo hadalka sii wata ayaa sheegay in mashruuca caafimaadka ee Galgaduud uu si heer sare ah ku soo dhamaaday. Sidoo kalena la doonayo in mashruuc kale oo muhiimaddiisa leh loo gubdo kaas oo ah

in la hirgaliyo Machad lagu barto culuumta kala duwan sida kalkaalisanimada (Nursing) iyo xirfadaha kale ee gacanta kaas oo hadda qabanqaabadiisa ay bilow tahay. Machadkaan oo wax weyn ka tari doona In Shaa allah baahida ka jirta gobolka isla markaana abuuri doona in dadka gobolku helaan xirfado caafimaad iyadoo maanta xirfadlayaasha Cusbitaalka ka hawlgala dhibaato badan lagala kulmay keenistooda maadaama intooda badan ay ka yimaadaan gobollo aad uga fog gobolka ama qaarkood ay ku adkaato in muddo badan ka shaqeeyaan gobolka oo ay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimaadeen. Sidoo kale wuxuu fursad weyn u abuur doonaa jiilka soo kacaya ee gobolka iyagoo ka faa'iidaysan doonaa fursaddaan waxbarasho runtiina waa guul lagu faani karo inta heshaana ay yar tahay maanta.

Intaa ka dib shirka wuxuu u wareegay in la is dhaafsado aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa waxqabad dhab ah oo dhexmara umadda gobolka isla markaana loo fahamsiin lahaa dadka gobolka in ay isu tashadaan oo aysan sugin cid kale in ay wax u qabato. Gabagabadii ayaa xubnaha shirku doorteen golaha fulinta ee Heyada Sahed oo ka kooban toddobo ruux iyo laba ruux oo ku simayaal ah, golaha la doortay ayaa isugu jira xubnihii hore iyo kuwo cusub ayagoo xilka haynaya labada sano ee soo socota isla markaana dhaqso u bilaabaya hawsha u taalla Sahed. Wixii faahfaahin ah oo la xariira hawlaha Sahed kala xariir. www.sahed.fi e-mail: sahedry@gmail.com

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


WARARKA

Isniin 01, juun 2015

Cadadka 027-aad, Sanadka 3-aad

KULAN DHAQAALE LOOGU URUURIYAY WADDADA GAALKACYO IYO HOBYO OO MUQDISHO LAGU QABTAY Muqdisho: Kulan dhaqaale loogu ururinayey dib u dhiska waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, ee gobolka Mudug, oo dhererkeedu yahay 270-km, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay guddiga horumarinta iyo baraarujinta bulshada (GOB) oo loo xilsaaray inay bulshada deegaannadaas ka soo jeedda ka ururiyaan dhaqaale (ISKAA WAX U QABSO) ah oo dib loogu dhisayo waddadan ka dib shirweyne lagu qabtay koonfurta Gaalkacyo bishii Feberaayo ee 2015-ka. Waddadan ayaa waxaa so gaaray burbur xooggan, ayna u sii dheer tahay in aysan wax dayactir ah helin muddo 25 sano ah. Guddoomiyaha guddiga GOB C/qaadir Shirwac, oo kulanka furay dhowaana ka yimid magaalada Gaalkacyo, ayaa ka warbixiyey xaaladda waddadaas, isagoo soo bandhigay muuqaal laga soo duubay waddada, oo muujinaya burburka xooggan oo ka muuqda. Inj. Cumar Maxamud Aftooje oo kulankaas ka hadlay ayaa isna ka warbixiyey qiimeyn iyo sahan ay ku soo sameeyeen burburka waddadaas iyo

3

Nalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hirgaliyey waddooyinka Dusmo reeb Dhuusamareeb: Dowladda Norway ayaa Masharuuceeda Gelinta Nalalka Cadceeda ku shaqeeya gaarsiisay Magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Gobolka Galgaduud.

qaabka ugu habboon ee loo dhisi karo, wuxuuna xusay in halkii Km ay ku baxeyso lacag dhan 25 kun oo dollar, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey qalabka loo baahan yahay iyo sida dhismaheeda loo dhameysturi karo.

Salaad Cilmi, oo ka tirsan guddiga GOB, Ganacsade Suufi Jaamac Geelle, Marwo Cibaado Warsame Dhooley IQK, oo dhammaantood ka warramay muhimadda weyn, ee ay leedahay dhismaha waddadan.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, ayaa isna khudbad ka jeediyey kulankaas, wuxuuna u hambalyeeyey guddiga GOB ee howshan iyo howlo kaleba oo horumarineedba ka wada ka wada gobolka Mudug. Sido kale, waxaa kaloo kulankaas ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Sugaal Cabdulle, oo tiriyey gabay Duco ah, Dr. Cumar

Ugu dambeyn, ka qeyb galayaashii kulanka, oo boqol xubnood kor u dhaafayey, ayaa kala qaatay saamiyadii, iyagoo ku yaboohay, lacag isugeyntoodu gaareysay ku dhowaad $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar), waxaana la magacaabay guddiyo soo ururiyo lacagaha la yaboohay, isla markaana wargeliya dadka aan ka qeyb gelin kulankaas si ay kaalintooda uga qaataan.

Mashruuca ka hortagga bacaadka iyo biyaha oo laga billaabay Ceel Huur

Ceel Huur: Bulshada ku nool deegaanka Ceel Huur, ee gobolka Mudug, ayaa billaabay dhismaha mashruuc wax looga qabanaayo BACAADKA iyo biyaha togga Ceel Huur xilli roobadyada, oo uu fatahaad ku sameeyo degaanka. Marar badan ayuu togga geystay khasaaro naf iyo maal isugu jirta, halka, xilliga abaaraha iyo biya la'aantu jirtana, uu bacaad iyo isu badalo bacad. Sidoo kale, biyaha iyo bacaadkuba waxay deegaanka ka barakiciyeen xilliyo kala duwan qoysas fara badan. Howshan oo ah mid u baahan dhaqaale iyo qalab culus, ayaa dadweynuhu billaabeen in muruq iyo maalba ku

baxshaan, sidii ay uga hortagi lahaayeen labadan arrimood. Carruur iyo cirrooleba looma kala harin hirgalinta mashruucan, iyaga oo dadka deegaanku codsaday in laga caawiyo mashruucan, oo baaqna u diray dawladda hay’adaha samafalka, jaaliyadda deegaanka iyo qof kasta oo gacan ka gaysankara. Fadlan, si aad uga qaybqaadato, wixii TABARUCAAD ah teloofannada kala xiriir: Sheekh C/raxmaan Cali (06 15 44 14 50) ama Cabdi Maxamed Yuusuf (06 15 90 16 17).

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb C/raxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in Norway ay ka hergelisay Magaaladaasi Mashruuca Nalalka Qoraxda ku shaqeeya, kuwaasi oo uu sheegay inay soo celiyeen Bilicda Magaalada. Iftiinka ay heleen Shacabka Dhuusamareeb ayaa waxa u noqotay mid dhiiragelisay Ganacsiga & Waxbarashada xilliga Habeenkii ah, iyadoo ay taasi dheertahay in isku-scocodka Habeenkii uu noqday mid wanaagsan. Dhalinyarada ayaa Kubada ku ciyaarta xilliyada Habeenkii meelaha Nalalkaasi laga hirgeliyay, iyadoo Ganacsi iyo damaashaad sare u kacay tan iyo markii Mashruucan hergelay. Amaanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo hagaagayo, oo Ciidan ay Habeenkii sameeyaan Howlgallo & Roondooyin ay ku adkaynayaan Amniga & kala-danbeynta Guud ee Degmada Dhuusarameeb.


4

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 027-aad, Sanadka 3-aad

Isniin 01, juun 2015

HORUKACA GANACSIGA MAGAALADA CADAADO W/Q: Laylo Qaali Cabdullaahi | layloqaali60@hotmail.com Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa muddooyinkii dambe ku tallaabsatay horumar, xagga bulshada ah, oo dhinacyo badan leh, sida; amniga, ganacsiga, beeraha, caafimaadka, waxbarashada, isdhexgalka iyo qaybo kale, oo ay kaga hormartay, kagana hormarsan tahay magaalooyinka gobollada dhexe. Ka dib markii loo go’aamiyay in lagu qabto shirka maamul u sameynta goballada dhexe, taasi oo hurmuud u noqotay in magaalada si aad ah u dhismato, soona jiidato indha qurbajoogta iyo ganacsatada deegaanka, oo ay maalgashi baaxadleh ku sameeyaan. Waxaad magaalada ku arkaysaa dhismooyin cusub, oo si habsami ah uga socda magaalada, kuwaas oo loogu talogalay in si heer sare ah loo qalabeeyo, lana horumariyo, si ay uga helaan ugana haqabtirmaan bahidooda dhanka

hooyga iyo waliba suuqeysiga, guud ahan bulshada degmada, gaar ahaan ergada loo idmaday iney soo xulaan iyo xubnaha ku howllan sameynta maamul loo dhanyahay, oo ka hirgalo guud ahan goballada dhexe. Magaalada waxaa ka billawday tartan xagga ganacsiga ah, oo u dhaxeeya maalqabeennada iyo hantiilayaasha, waxeyna magaaladu noqotay rug ganacsi, oo ay ku xiranyihiin degmooyin iyo deeganno kale. Waxaa ganacsiga maagalada si toos ah looga keenaa waddammada Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha, halka badeecada laga soo dajiyo dekadaha Muqdisho, Boosaaso iyo waliba garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, oo noqday mid maalin walba mashquul ah. Magaalada Cadaado iminka waxay isu diyaarineyso sidii ay ugala soo degi lahayd agabka loo keeno dekadda Hobyo, ka

dib marka qalabeynta iyo dhismaha ku dhammaadaan, halka markii hore ay uga qaadan jirtay in waqti dheer kaga lumo inta badeecadu jidka ku soo jirto, ka dib marka dekadda laga soo dejiyo, bulshadana dhex uga soo hakan jirtay, canshuuro badanna looga qaadan jiray, oo maanta loo arko dekadda Hobyo iney ka qatar iyo qarash yartahay dekadaha kale, ee Muqdisho iyo Boosaaso, waase haddey si habsami iyo howlyari ah u hirgashee. Sidoo kale, waxaa abuurmay fursado shaqo iyo waxbarasho, oo ay dhallinyarada heleen, waxaana bulshadu ku diirsadeen qalabeyn iyo dayactir lixaad leh, oo lagu sameeyay isbitaalka guud ee magaalado, oo noqday mid waxbadan ka badalay baahidii caafimaad, ee ka jirtay guud ahaan bulshada gobollada dhexe. Magaalda Cadaado waxey hadda la ciireysa bulsho

aad u fara badan, oo u jooga sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaanka goballada dhexe iney indho indheeyan, saxaafad in badan wararka u tabiyo guud ahaan caalamka gaar ah warbaahinta soomaaliya, oo degmada uga yimid magaalooyin badan, oo ku baahsan guud ahaan dalka, ergada soo xuleysa xubnaha doorashada,od ayaal dhaqameedyo,m usharaxiin iyo xubno ka tirsan dowladda federalka, kuwaas oo ka wada wardhowrayo sidii degmadu uga haqabtiri lahayd bahidooda dhanka ganacsiga, ayeey in badan bulshadu ka billaaben dhaqdhaqaaq ganacsi, oo xooggan magaalada, si ay uga faa’idaan daqliga kaga soo xaroonayo fursudda ay iminka ay haystaan.

SHAQSIYADEYNTA MU’ASSASAADKA W/Q: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi | awale31@hotmail.com Marka la falanqaynayo dhibaatada ka dhaxjirta nidaam kasta, ee siyaasadeed, waxaa muhim ah in la ogaado: in mu’assasaadku ay gundhig u yihiin nidaamka dawladnimo, haddii ay meesha ka baxaanna uu nidaamku gabi ahaanba baaba’ayo, waxa qura ee damanaad qaada jiritaanka dawlahana ay yihiin jiritaanka iyo madaxbannaanida mu’assasaadka. Dawladaha fashilmay waxa ay la fashilmeen, waxaa kow ka ah, marooqsiga la marooqsaday sarraynta iyo siyaadda hay’adahaas. Waxyaabaha markii hore keenay in dawladi burburto, ayaa waxa ka mid ah in koox yar oo dan gaar ah leh, ay ka faa’iidaysto howsha baaxadda weyn leh, ee

ay mu’assasaadka dawladdu qabanayaan, ciddii ay u arkaan in ay ayaga u nacam leeynayaan in ay soo dhaweeystaan, ciddii mucaarad ku ahna, laga foogeeyo manfacadda dawladnimo. Si kooban haddaan u dhigo, macnaheedu waxa ay tahay: in la shaqsiyadeeyey mu’assasaadka dawladda. Qaabka loo shaqsiyadeeyey waxa ay tahay in qof reer mucayan ah ku tiirsan, uu gacanta ku hayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawladda, oo uu ku tagri-falo awoodda iyo mas’uuliyadda ay hay’ddaas leedahay, loona adeegsado sida qofku u adeegsado hanitida gaarka ah, ee uu leeyahay, ayna jirin cid xisaabinaysa, kormeeraysa, ama saxaysa

qaladaadka laga dhex samaynayo mu’assasaadka dawladda. Waxaad mooddaa in waxba aan laga baran cashirkii dadka soo maray muddadii dheerayd ee waddanka musiibada dhax-maquuranayey, waxaadna mooddaa in tijaabooyinka fashilmay mar labaad dib loo tijaabinayo. Taariikh ahaan dadka wax ka qora ama baara dawladaha iyo waxa keena in ay burburaan, waxay aamin sanaayeen in wax sababa guusha iyo fashilka dawladeed ay ahaayeen: siyaasadaha dhaqaale, juquraafiyadda waddan uu dhaco, dhaqankiisa, iyo/ama nidaamka qiyameed ee waddan leeyahay, balse, labada qoraa ee qoray buugga la yiraa; (Maxay dawladuhu u guuldar-

XAYAYSIIS HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR:

w.g.dhexe@gmail.com XAYAYSIIS

raystaan?) ee aadka loo iibsaday, ayaa waxa ay soo bandhigeen doodo aad u xoog badan, oo ku saabsan sababaha keena in ay dawladuhu fashilmaan. Waxaana bud-dhig u ah mu’ssasaadka ayey ku doodeen si qayaxan, waxa ay leeyihiin: (mu’ssasaadka siyaasadeed ayaa waxa ay xadidaan kuwa dhaqaale). Sida aragtdani qabto, mu’assasaadka siyaasadeed waxaa loo qeybin karaa laba qaybood: midda koobaad mu’assasaad aan loo dhammayn (extractive institutions) oo ah in tiro kooban oo shaqsiyaad ah ay dhuuqaan manfacada dawladnimo—haddii loo dhigo sida Marx qabo, in tiro kooban oo afraad ah ay dhiigga


QORAALLADA WARGEYSKA

Isniin 01, juun 2015

Cadadka 027-aad, Sanadka 3-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com ka dhuuqaan shacabka intiisa kale; midda labaad mu’assasaad loo dhanyahay (inclusive institutions) taas oo dad badan ay qayb ka yihiin hannaanka xukunka ama ismaamuleed, sidaa darted, waxaa la yareeyay in dhiig-miirasho lago sameeyo dadka intiisa badan ama meesha ayaa laga saaray. Si loo gaaro guul dhaqaale, waxaa lagama maarmaan ah in mu’assasaadka siyaasadeed tiirdhaxaad noqdaan, si ay u qabtaan adeegga asaasiga ah: sida cadaaladda, hirgalinta sharciga si siman, hirgalinta heshiisyadda u dhaxeeya xubnaha bulshadu ka

koobantahay, baahinta adeegga caafimaadka iyo waxbarashada. Marka howlahaan la fuliyo, oo mu’assasaadku noqdaan kuwa dadka u dhaxeeya, waxaa dhacaysa in tamarta bulshadu burqato, dadkuna soo bandhigaan fikirkooda iyo hal-abuurkooda, taas oo bulshada ku hoggaaminaysa horumar iyo barwaaqo. Mar kasta, oo tiro kooban oo dad ahi, ay la wareegaan hay’adaha dawladda, ugana faa’iidaystaan danahooda gaarka, waa mar kasta oo ay fashilmaan dawladaha ay ka jiraan hab-dhaqanka siyaasadeed ee nuucaas ah. Taasi macnaheeda ma ahan in aanan horumar la gaari Karin, marka ay wad-

danka ka jiraan mu’assasaad aan loo dhammayn (extractive institutions) , waa la gaari karaa horumar, balse, marka heer mucayan ah la gaaro, waxaa imaanaysa in horumarka uu keenay hab-dhaqankaas siyaasadeed in uu istaago ka dibna uu fashal yimaado. Ugu dambayntii, waa muhim ah in aan garwaaqsano: in inta mu’assasaadka dawladda ay shaqsiyadeeysan yihiin, aan la higsan karin wax himilo ah lana gaareeyn horumar.

WAX BARTA AAN BARAARE GAARNEE W/Q: Mahdi Xaashi Dhigif | mahdixaashi@hotmail.com Haddii dhab ahaan loo hadlo, waxaan dhihi karnaa tacliintu waa waxa ugu muhiimsan, ee nolosha Aadanuhu u baahantahay, waayo, waxay sabab u noqon kartaa inay buuxiso dhammaan baahidiisa oo dhan, waana iftiinka ku haga waddada saxda ah, ee loo mari karo nolol aayatiin wacan leh. Ma ahan kaliya in tacliintu lagama maarmaan u tahay qofka kaliga ah, ee waxay sidoo kale muhiim u tahay bulshooyinka oo isku duuban, iyadoo bulsho kastaahi inta ay tacliinta ku hormarsantahay ay ka horreeyso bulshooyinka kale, waxaana tijaabo lagu ogaaday in bulshooyinka horumarka ku tallaabsaday iridda ay ka galeen horumarkaa ay ahayd, kaliya, tacliinta, oo ay si wanaagsan xoogga u saareen, iyadoo taasi ka dhigantahay in haddii aynu rabno in aannu horumar ka gaarno dhan kasta oo nolosha ka mid ah, sida dhaqaalaha, arrimaha bulshada, ammaanka, caafimaadka I.W.M ay tahay kaliya halka aan u mari karnaa tacliinta oo aynu xoogga saarno. Tacliintu waa waxa qofka ahaanshihiisa dhabta ah soo saara, kana soo bixiya

awoodda ku qarsoon iyo hibada curineed ee ku aasan. Tusaale ahaan; qofka ku wanaagsan dhisidda guryaha iyo naqshadayntooda, haddii uu barto tacliinta la xiriirta wuxuu awood u yeelanayaa inuu wax badan soo kordhiyo, oo aanu marka hore awoodin. Sidoo kale, kan ku fiican sida gawaarida loo hagaajiyo markay xumaadaan, haddii uu barto cilmiga la xiriira arrinkaa, wuxuu awood u siinayaa inuu hal-abuur wanaagsan soo gudbiyo, oo bulshada u faa’iideeyo, isaguna faa,iidaysto, in ka badan intii uu tari lahaa markii uu tacliin la’aanta ahaa. Waxaa kaloo ay tahay in aan is xasuusinno in mid kasta oo naga mid ah ay jiraan wax uu ku fiican yahay, markaa haddii waxaa uu ku fiican yahay uu tacliin ku sii xoojiyo, waxaa halkaa ka dhasha hal-abuur iyo horumar wayn. Diinta Islaamku waxay muhiimad wayn siisay tacliinta, iyadoo wixii ugu horreeyey ee Nabi Muxamed NNKH lagu soo dejiyey ay ahayd, AQRI oo ah furaha waxbarashada, iyadoo sidoo kalena Alle SWTC uu Quraankiisa meelo badan uga sheegay muhiimadda tacliintu leedahay, noolana caddeeyey in aanay marna Ilaahay agtiisa ka sinnayn kuwa

XAYAYSIIS

XAYAYSIIS

aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayni. Waxaa kale isna qiimaha waxbarashada ummaddiisa kala hadlay, Nabi Muxammed NNKH, isagoo noo sheegay in fadli gooni ah iyo dambi dhaaf lagu kasbado tacliin doonidda, isla markaana nagu boorriyey inaannu gu' gasta iyo goor walba u istaagno tacliinta, dhabba kastana u qaadno. Inta aanan qoraalkan yar gunaanadin ka hor waa in aan raaciyaa in aanay arrin sahlan ahayn in wax la barto oo ay u baahantahay arrimo dhowr ah, oo ay ugu mudan yihiin sabar iyo adkaysi, waayo, waxaa hubaal ah in qofkii u qalab qaata socdaalka tacliinta, inuu la kulmayo turaanturrooyin badan, marka haddii aadan arrinkaa u biyo qaadan culays badan baad foodda saaraysaa. Waxaa kale oo iyaduna mudan in maanka lagu hayo, in mar kasta ujeeddada wax loo baranayo oo tacliinta loo raadinayo aan laga dhigin in lacag lagu tacbo oo kaliya, waayo, tacliinto way ka qiimo badan tahay xoolo kasta.


WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Wargeyska Gobollada Dhexe - Juun 2015