Wargeyska Gobollada Dhexe - Jannaayo 2017

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Axad, 01 jannaayo 2017, Cadadka 046aad, Sanadka 4aad

MAXAA CUSUB?

DEKADDA HOBYO IYO HORUMARKEEDA | bogga 2aad

Taallo xusuus ah oo loo dhagax dhigay askartii Mareykanku duqeeyay Dhammaadkii bisii sagaalaad ayey eheed markii ay diyaaradaha Maraykanku duqeyn u gaysteen askar ka tirsan ciidanka dawlad goboleedka Galmudug. Ciidanka ayaa ku sugnaa, deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug. In kasta oo markii hore ay Maraykanku is ku dayeen, in ay weerarka ku sheegaan, in ay ku qaadeen argagixiso, haddana, baaritaanno ka dib, waxay qirteen, in ay heleen warbixinno qalad ah. | bogga 3aad.

QORAALLO KALE

Adaabta kulammada ganacsiga bogga 4aad

Ma ogtahay Abaaraha? bogga 5aad


2

WARARKA

Cadadka 046aad, Sanadka 4aad

Axad 01, jannaayo 2017

Dekadda magaalada Hobyo iyo Horumarkeeda Waxaa in muddo ah ka socda magaalo xeebeedka Hobyo, oo ah magaalada ganacsi ee dawlad goboleedka Galmudug, hawl dib loogu dhisayey, loogu dhisayey dekadda Hobyo. Ka sokow, waxaa dib loo hawlgalshay dekadda, oo muddo dheer xirneed, ayna ku soo xirteen maraakiib iyo shactarro badeecado waday. Magaalada Ganacsiga Dowladda Galmudug Hobyo ee gobolka Mudug todobaadyadan waxaa dekadda magaalada Hobyo ku soo xirtey doomo wada shixnado ka la duwan una raran ganacsato Soomaaliyeed. Doomahan u raran ganacsata, ayaa wada raashinka nuucyadiisa ka la geddisan, baabuur raaxo, qalabka dhismaha iyo agab kale. Doomahan ayaa ka soo dabayshay, oo ka ka la yimid Mambasa, Kenya iyo Dubaay, Imaaraadka. Dhanka kale, dowladda Galmudug iyo Maamulka magaalada Hobyo, ayaa canshuur la’aan ka dhigeen dhammaan waxyaabaha la dajiyo dekadda Hobyo, si hawlgalinta Dekadda loo taabbageliyo, tan oo ah tallaabo dhiirrigelin, oo dawladda Galmudug ay ugu talagshay, in ay kor ugu qaaddo ganacsiga iyo ilmaha dhaqaalaha ee deegaanka iyo kaabayaashooda, ahna tallaabo ay si weyn u soo dhaweeyeen ganactada iyo bulshada reer Galmudug. Mudane C/raxmaan Caddaawe Maalin, oo ah guddoomiyaha gudi 25-xubnood ka kooban, oo bilihii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlgalinta Dekadda Hobyo, ayaa sheegay, in hormar ballaaran laga gaaray shaqada dekadda laga hayo, waddooyinkii

la marsiin lahaa badeecooyinka iyo dhismaha garoonka Hobyo, oo dhammaan u ah hawlbowle adeegga ganacsi ee magaaladu yeelan doonto. Sidoo kale mudane C/fitaax Xuseen Sheekh, oo ka mid ah ganacsatada ay doomahan soo kiraystay, ayaa sheegay, in hadda ka dib ay badeecooyinkooda ay ka soo dajin doonaan dekadda Hobyo. Maareeyaha Dekadda Hobyo mudane Cabdirisaaq Maxamad Ducaale iyo guddoomiyaha degmada Hobyo, ayaa sheegay, in fursado badan oo maalgashi ay ka bannaanyihiin magaaladan oo hadda isu diyaarinaysa, inay noqoto il dhaqaale oo muhiim ah. Xoogsato badan, ayaa aroor kasta u shaqo taga dekadda magaalada Hobyo, si ay uga xoogsadaan doomahan, rarkana uga dajiyaan.

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Axad 01, jannaayo 2017

WARARKA

Cadadka 046aad, Sanadka 4aad

Magacyada Xildhibaanada lagu doortay Cadaado Xarumaha maamul goboleedyada iyo magaalooyinka ay ku meel ahaan u sii deggan yihiin, waxaa ka ka la dhacday doorashooyinka xildhibaannada labada aqal, oo ay soo doorteen ergooyin isugu jira dhaqanka beelaha, dhallinyaro, aqoonyanno iyo haween. Bishii hore, ayaan wargeyska ku daabacnay liiska iyo magacyada senotarrada lagu doortay magaalada Cadaado, si ay u metelaan maamulka Galmudug, bishanna waxaan idiin soo gudbinaynaa liiska iyo magacyada xildhibaannada lagu doortay Cadaado, waana sidan: • Bootan Ciise Cali (Dib ayaa loo soo doortay) • Xasan Macallin Maxamuud (Dib ayaa loo soo doortay) • Xersi Aadan Rooble (Dib ayaa loo soo doortay) • Xuseen Qaasim Yuusuf • Duniya Maxamad Cali (Dib

ayaa loo soo doortay) • Sahra Cumar Maalin • Siciid Nuur Qayliye • Saadiq Cabdikariim Ibraahin • Cabdi Shire Jaamac (Dib ayaa loo soo doortay) • Cabdiraxmaan Maxamad Xuseen Odawaa, wasiirka arrimaha gudaha (Dib ayaa loo soo doortay) • Cabdulkadir Gaafow Maxamuud • Cabdullaahi Cali Ahmad “Caddow Cali Geesow” (Dib ayaa loo soo doortay) • Cabdikariin Khaliif Cabdi • Cabdiweli Maxamad Qanyare (Dib ayaa loo soo doortay) • Cabdicasiis Cilmi Cali • Cabdisaabir Nuur Shuuriye • Cabdishakuur Mire Aadan • Cali Axmad Shariif “Cali Yare” • Cabdixakiin Macallin Axmed • Dr Faarax Xasan • Qaasim Maxamad Jaamac (Dib ayaa loo soo doortay) • Mahad Salaad Elmi, wasiiru

dowlaha madaxtooyada (Dib ayaa loo soo doortay) • Maxamad Faarah Cabdulle (Dib ayaa loo soo doortay) • Maryam Cariif Qaasim (Dib ayaa loo soo doortay) • Maryam Abdi Gedi • Maryan Maxamad Xuseen • Maxamad Axmad Abtidoon • Mustaf Sheiekh Cali Dhuxulow, wasiir hore (Dib ayaa loo soo doortay) • Nadiifo Faarax Jaamac • Naciimo Maxamad Gacal (Dib ayaa loo soo doortay) • Warsame Maxamad Xasan Joodax • Yuusuf Xayle Jimacaale (Dib ayaa loo soo doortay) • Ikraan Aadan Absuge • Axmad Macallin Fiqi • Ubax Tahliil Warsame (Dib ayaa loo soo doortay) • Zakariye Xasan Cali

3

Hobyo oo Maxjar cusub yeelenaysa Waxaa Degmada Hobyo laga dhagax dhigay Maxjar cusub oo loogu tala galay in lagu baxnaaniyo xoolaha ka dhoofaya dekadda Hobyo Waxaana munaasabad dhagax dhigga ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Galmdug oo uu mid ahaa Guddoomiyaha dekadda Hobyo, Maareeyaha dekadda Hobyo iyo kuwa kale. Dhismaha Marxjarka Cusub ee xoolaha dekadda Hobyo laga dhoofin doono waxaa dhismihiisa ka qeyb qaadanaya bulshada deegaanka iyo Dowladda Galmudug.

Dhammaad.

Taallo xasuus ah oo Gaalkacyo looga dhagaxdhigay askartii Mareykanku ku duqeeyey Jeexdin Dhammaadkii bisii sagaalaad ayey eheed markii ay diyaaradaha Maraykanku duqeyn u gaysteen askar ka tirsan ciidanka dawlad goboleedka Galmudug. Ciidanka ayaa ku sugnaa, deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug. In kasta oo markii hore ay Maraykanku is ku dayeen, in ay weerarka ku sheegaan, in ay ku qaadeen argagixiso, haddana, baaritaanno ka dib, waxay qirteen, in ay heleen warbixinno qalad ah. Qirashada ka dib, dowladda Markeynku waxay raalligalin ay ka bixisay weerarkaa lagu dilay askar ka tirsan Galmudug ayaa haddane muddoyinkii ugu dambeysay waxa socday qorshayal la doonaya in maamuso ciidamadii lagu dilay deegaankas, oo ay wadeen dadka deegaanka iyo masuuliyinta Galmudug. Masuuliyiinta dagmada iyo xubna ka tirsan qurbajoogta Galmudug, ayaa qeybgalay munaasbad lagu dhagaxdhigayay taallo loogu talagalay, in lagu xasuusto askartii lagu dilay deegaanka Jeedxin. Dhismaha taallada waxaa

gacan xooggan ka gaysanaya Abwaanada Sahro Daahir Mire, oo ka mid ah dibadjoogta reer Gallmudug, kana mid ah abwaannada Soomaaliyeed. Marwo Sahro Daahir Mire ayaa sheegta, in xaruntani loogu tal galay duqeymihii lagu laayay dadka shacabka ah ee ka la dhacay Muqdisho iyo Mudug. Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa dagmada Gaalkacyo, ayaa sheegay, in loo baahan yahay, in la xasuusto askartii lagu dilay deegaanka Jeexdin ee bariga mudug .


4

Cadadka 046aad, Sanadka 4aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Axad 01, jannaayo 2017

ADAABTA KULAMMADA GANACSIGA W/Q: Jason Gillikin | W/T: Bashir Xaashi Dhoorre Sumcadda ama sharafta ganacsiga waxaa lagu dhisaa ama lagu dumiyaa sida uu qofku u dhaqmo marka uu ka qeybgalayo shir ama kulan ganacsi. In kastoo shirkad kasta ama urur walba uu dajiyo siyaasadda ku aaddan ka qeybgalka shir, haddana, ganacsadata garaadka leh, waxay si taxaddar leh u raacaan tilmaamo iyo adaabo qoran, si ay u hubiyaan, in kulan kasta, oo ay ka qeybgalaan uu noqdo mid guul u soo hooya ganacsigooda . Dhowr waqtiga: Ku tag waqtiga loo qabtay shirka, hana tagin ka hor inta aan la gaarin waqtigii shirka la xiri lahaa. Waxaa jiro dhaqan ama dabeecado yaryar, oo ka careysiin kara dadka ku la shaqeeya ama ganacsigu kaala dhaxeeyo, sida in aad ka soo daahdo shirka amaba aad caadeysato inaad tagto inta aan la gaarin waqtigii loogu talagalay inuu shirku dhammaado. In kastoo ay dhici karto, in ay is ka horyimaadaan jadwalkaaga iyo ballamaha kaala dhaxeeya

dadkal kale, haddana, ma habboona, in uu jadwalkaagu mar kasta buuxo, taas oo tilmaam u noqon karta waqtimaamul xumadaada ama in aad ka arradan tahay xirfadda mudnaansiinta. Ogawna, inta badan dadka dabeecad ka dhigta, in ay jaraan ama ka daaha kulammada, in aysan helin xushmada dadka la shaqeeya iyo madaxdoodaba. Soo diyaargaroow kulanka ka hor Ma wanaagsana, in aad kulan ka soo qeybgasho adiga oo aan si buuxda ugu soo diyaargaroobin. Haddi uu jiro qalab horay laguugo soo diray, horay u soo qaado, sida ajendaha shirka. Dib u eegis ku samee qoraallada iyo waraaqaha laguu soo diray, ee mowduuca ku saabsan, haddii ay jiraan si aad u noqoto mid la socda waxa laga hadlaayo ama laga doodaayo. Samee baaritaan ku aaddan mowduuca laga arrinsanayo, sidoo kale, is ku day inaad la xariirto howlwadeennada is ku dubbaridaya kulanka, si aad u ogaato, in ay jiraan waxyaalo lagaa rabo, inaad sameeyso ka hor inta aadan kulanka imaanin.

Foojignaaw Ha noqonin “ruux” ku mashquula laptop-kiisa kuna dhammeysta waqtigiisa ka shaqeynta mashaariic kale ama ku mashuuqla ka jawaabidda teleefankiisa shanti daqiiqaba mar. Haddii aad u soo hurtay, in aad shirka qof ahaan uga qeybgasho, ogaaw waxaa muhiim ah sidoo kale, in aad maskax ahaanna uga qeybgasho oo aadan noqon maqane jooge. Is ka ilaali inaad si gooni ah u la hadasho ruux ka mid ah ka soo qeybgalayaasha shirka, gaar ahaan, in aad ka la hadasho waxyaabaha aan shirka quseyn. Haddii aad dooneyso, inaad la hadasho ruux ka tirsan ka soo qeybgalayaasha, tixgali waqtiga iyo meesha aad ku la hadleyso. Isticmaal watigaga biririfta (break time). Si tayo leh uga qeybqaado waxyaabaha laga doodaayo Ku ekaaw ajedanaha shirka, ka fogaaw soo hadalqaadidda arrimaha ka baxsan shirka, ee aan laga doodeyn. Is ka ilaali inaad is

Caafimaadka taranka hooyada iyo dhallaanka Haddaad rabto inaad eegto bulsho si guud xaalkooda cafimaad waxaad ka eegtaa tilmaamaha unuggu iyo halka ay ka soo tarmaaan, adeegga cafimaad ay heli karaan iyo isticmaalka adeeggas. Hooyada iyo dhallaanka waa kuwa ugu hurreeya ee u nugul qatarta caafimad darro ee bulsho. Waxay u baahan yihin adeeg caafimad, oo ka dheeri ah marki la barbardhigo bulshada qaybaheeda kale, maadaama ay tahay baahidooda caafimaad mid joogta ah misana so noqnoqta.

dhala isku waqti in mid ka mida u dhimanayso sababo la xariira dhalintanka. Sidoo kale, tirada dhimashada carruurta ka yar 5 sano ay ku dhawaad 2 ka mida 10kii carruur ay u dhintaan sababo kala duwan.

Marka la eego Soomaaliya, hooyada iyo dhallaanka cusub waxa soo wajaha dhibaatoyin caafimaad darro kuwaas oo keeni kara cudurro ama dhimasho hadday noqon lahayd dhalmada ka hor, inta dhalmada lagu gudajiro iyo dhalmada ka dib.

Hay’adda caafimaadka adduunka dhanbaalkeeda istaratijiyadda waddanka ee 2010-2014 waxay ku xustahay sabahaha keena dhimashada hooyada waqtiga dhalmada. Waxaa ka mida dhiigbax dhalmada ka hor iyo ka dibba, dhallaanka oo soo mari waaya miskaha hooyada, dhiikarka ow keeno uurka iyo caabuqa hooyada ku dhaca marka ay dhasho ka bacdi. Sidoo kale, is ku furanka waa midka ugu qatarta badan ee sababa

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa waxa ay sheegtay dhanbaal ay ka qortay 2006 in qiyaas ahaan dhimashada hooyada xilliga dhalmada 10kii hooyo ee

Tirooyinka kor ku xusan waxay caddaynayaan inay jirto qatar aad u wayn oo caafimad darro dhinaca hooyada iyo dhallaanka, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa dalka ugu qatar badan hooyo meel ay ku dhasho ubad iyo dhallaanka laftiisaba.

dhimashada, xaaladaha kale ee sababa dhimashada hooyada waxaa kaloo ka mida dhiigyarida iyo nafaqodarrada. Caqabadaha siyaadinaya dhimashada hooyada iyo dhallaanka waxaa ka mida la’aanshaha xirfadlayaal ku filan bulshada, helidda adeeg aasaasiga ee caafimaad oo aad u liita iyo sababo kale oo la xariira xagga dhaqanka sida guurka da’ yar gabdhaha lagu guursado iyo dadka oo aaminsan ama aqbala umulisooyinka aan xirfad buuxda lahayn. In kasta ow yahay adeegga caafimaadka dalka mid burbur ka soo kabanaya sanadihii tagay, haddana waa in mudnaanta kowaad la siiya u adeegidda bulshada kuwooda ugu nugul. Goobaha adeegga caafimaadka taranka, hooyada iyo dhallaanka laga helo waxa ka mida heerka xarunta caafimaadka, ee loo soo gudbiyo bukaanka sida ku cad dhanbaalka siyaasadda caafimaadka Soomaaliya ee soo baxay 2014. Waxaa intaa

ku daydo, in aad kulanka afduubato oo aad mar kasta adigu hadasho. Taas bedelkeeda, u oggolaaw dadka kale, in ay hadlaan adiga oo aan oggolaanin, inaad hoos noqoto. Ka qeybqaado guusha kulanka adiga oo fikirkaaga dhiibanayaa. Ha is tusin inaad u baahan tahay, in aad ka faallooto wax kasta oo laga hadlo. Noqo qof furfuran (Social) Is ku day in aad barato ka soo qeybgalayaasha kale, haddii ay jiraan kuwo aadan horay u aqoonin. Gacan qaad, dhoollacaddeey, ka dibna is dhaafsada kaararka ganacsiga (business cards ). Is ku day inaad barato xubnaha muhiimka ah, ee kulanka qabanqaabiyay, si aad xariir wanaagsan u la yeelato. Arrintaannu waxay muhiim u tahay ganacsatada ama milkiilayaasha ganacsiga yaryar, waxaana laga yabaa, in kulanka maaanta uu berri is ku bedelo ganacsi dheeraad ah.

W/Q: Gallad Daahir Xassan hareersocda xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee afka qalaad lagu dhaho (maternal and child health) ee khayriga ah iyo waaxyada caafimaadka gaarka loo leeyahay. Marka laga soo tago goobaha qalabaysan waxaa kaloo jiro umulusooyin dhaqameed xirfad ay u tahay inay dhaliyaan dumar kana raadsada nolol maalmeedkooda kuwaas oo aan la is ku hallayn karin adeegga caafimaad ay bixiyaan sababo la xariira aaladaha ay isticamalayan iyo qibraddooda shaqaba, laakiin haddana aysan meesha ka marnayn adeegga ay u hayaan meelaha ka fog xarumaha caafimaad ee laga heli karo xirfadlayaal sharciyaysan. Haddaba ogow Aabbe, hooyo cafimadqabta ayaa dhasha cunug cafimaad qaba. Mana ahan hooyada uurka leh inay u baahantahay adeeg caafimaad marka ay dhalayso oo kaliya ee waxay u baahan tahay, sido kale, dhalmada ka hor iyo ka gadaalba.


QORAALLADA WARGEYSKA

Axad 01, jannaayo 2017

Cadadka 046aad, Sanadka 4aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

MA OGTAHAY ABAARAHA? W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed Run ahaantii aad ayaan uga naxsanahay abaaraha iyo macluusha laga soo sheegayo meelo ka mid ah gobollada dalka, waxaanna aad uga murugooday warbixinno laga qoray iyo sawirro laga soo qaaday ama muuqaallo laga soo duubay dadkaas tabaaleysan. Waxaan arkay haween, carruur iyo cirroole aad u liita, sidoo kale, geeri ayaa la soo tebiyay. Waxaan aad uga xumahay, in dadkaasi aysan lahayn dowlad xoog leh oo garab istaagta, maamul wax u qabta iyo madax ay magansadaan. Abaarahani waxay ku soo aadayaan, iyada oo uu dalku marayo xaalad xasaasi ah; hoggaanka dhexe ee dowladda iyo maamullada gobolladuba doorasho ayay ku mashquulsanyihiin, waxaana runtii wax laga naxo ah, in boqollaal kun oo dollar lagu iibsanayo jago, iyada oo ay dad dhimanayaan. Abaaruhu waa qaddar Rabbi, oo dadka ayaa lagu aafeeyaa. Guud ahaan abaaraha waxaa keena, arrimo badan oo is biirsaday. Noocyada abaaraha waxaa ugu muhiimsan: • Mid bin Aadanku sabab u yahay. • Mid dabiici ah. Aadanuhu wuxuu sababaa, dhibaatooyin badan oo jiitama. Mushkilooyinkaasi waa kuwo raad xun ku reeba noolaha. Mararka qaar dadku ubadkooda ayay dhibkaas dhaxalsiiyaan, oo ay u beeraan. Sababaha ugu waawayn ee abaaraha Soomaaliya keena, ma arag cid daraasad ku sameysay, oo si cilmiyaysan u faaqidday, una soo gudbisay, ha yeeshee, waxaan is leeyahay sababaha ugu waaweyni waxay noqon karaan: • Jaridda dhirta (xaalufin), si loo helo dhuxul ama beer. • Biyaha oo aan si fiican loo is

ticmaalin. • Dhulka oo aan la nasin. Waxaa kale oo abaaraha kordhiya: maamulxumo guud, nabadgelyo la’aan iyo la’aanta siyaasad horumarisa biyahaya, deegaanka iyo dhirta. Maxaa xal ah: Soomaaliya waxaa horay u soo maray abaaro badan, waxayna galaafteen nolosha dad iyo duunyo aan yareyn, waxaa habboon, in aan wax ka baranno waayihii na soo maray, oo aan ku qaadanno aqoon iyo waaya’aragnimo. Mustaqbalka dhow iyo kan fogba, waxaa laga ma maarmaan ah: • In la dejiyo sharci adag, oo ilaaliya deegaanka, laguna qaado cid kasta oo jebisa. • In si cilmiyaysan loo ka la qorsheeyo, dhul beereedka, daaqsinta iyo dhul deegaanka. • In la abuuro ama la beero dhirta waawayn, oo abaaraha u adkeysan karta. • In la diyaariyo khubaro ku xeeldheer abaaraha iyo xaalufka, si ay u soo diyaariyaan cilmi baaris la xiriirta: sababaha ras-

Qoraalkan ku ma soo koobi karno cudurrada la darsa hooyada uurka leh iyo dhallaanka yar, laakiin, waxaa muhiim ah, in la la socdo xalaadda caafimaad ee hooyada uurka leh laga taxadiro nafaqada hooyada iyo quudinta carruurta iyo dhallaanka aan bil gaarin. Nuujinta naaska waa quudinta ugu wanaag-

miga ah, ee soo celceliya abaaraha iyo sida looga hor tegi karo. • In la helo iskuullo lagu barto culuumta dhirta iyo wixii la xiriira. • In la ka la fogeeyo ceelasha iyo dhulka daaqsinka leh Dadka Soomaalida oo weligood ba ahaa kuwo is caawiya, waxaa waajib ah, in ay dhaqankaas wanaagsan joogteeyaan. Horay ayay dadka Soomaalidu isu taakuleeyeen xilli ka adkaa xaaladdan hadda jirta, dowladda dhexe iyo maamulladaba waxaa loo baahanyahay, in ay qaataan kaalin mug leh, ayna si wax ku ool ah ugu gurmadaan dadka dhibaataysan. Gunaanad: Waxaa muuqata, in abaaraha iyo macluuluhu ay soo laa laaban doonaan, haddii aan la helin hab diyaarsan, oo looga hortago, waa xaqiiqo biyo ka ma dhibcaan ah, in noloshu aysan ahaan karin mid marna burburta marna la dhiso. Shacabku waa in ay ogaadan, in uusan jirin maamul xoog leh, oo loo wakiisho samatabixinta dadka silacsan, sidoo kale, waxaan dadkaas lagu halleyn ka-

san dhallaanka ugu yaraan 6da bilood ee ugu horraysa ilaa labo sano ka gaarayo. Waxaa intaa sii dheer, in laga tallaalo carruurta cudurrada looga hortagi karo tallaalka. Haddaba maxaa na la gudboon, si wax looga qabto heerka caafimaad oo liita ee hooyada iyo dhallaanka. Waxay i la tahay, in loo la

rin hay’ado uu waxqabadkoodu u badanyahay sawir la qaado iyo kormeer, sidaas darteed, waa in ay dadku u midoobaan, sidii ay ummadda tabaaleysan u caawin lahaayeen. Bulshadu waa in ay sameeysaa sanduuq dhaqaale, oo aan ku ekeyn marka ay abaartu jirtu, balse, si joogta ah u shaqeeya. Abaarahan hadda taagani waxay u baahanyihiin, xaalad degdeg ah iyo nafcelin, waana in falceinta caynkaa ah aan gudubnaa, oon u tallaabnaa keyd yeelasho. Aqoonyahannada Soomaalidu waa in ay ka fekeraan qorshe cilmiyaysan, oo looga hortagi karo abaaraha. Waxaa kale oo loo baahanyahay, in warbaahinta guduhu ay doorkeeda qaadato, dadkana ay u horseeddo, in ay is gacan qabtaan. Culimada masaajiddu waa in ay is ka illoowaan xafiiltanka kooxaha, oo ay ogaadaan, in waxa dhimanayaa yihiin nafaf Aadane., oo muslim ah. Qofkii naf badbaadiya, wuxuu badbaadiyay dadka oo dhan.

siiyo helitaanka adeeg caafimaad ee tayo leh, sahal lagu gaari karo, la aqbali karo, lana awoodi karo, oo sahlaya, in la tiigsado gaarsiinta dhammaan bulshadu daryeel caafimad oo loo wada-simanyahy, lana awoodo.


06155555209 / 0699969192