Qiimaha 3000 Sh, So
Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Jimco, 01 jannaayo 2016, Cadadka 034-aad, Sanadka 3-aad
MAXAA CUSUB?
AHLU SUNNA IYO GALMUDUG OO WADAHADLAYA | bogga 2aad
W/ Caafimaadka Galmudug oo dawooyin gaarsiisay Isbitaallada Cadaado iyo Gaalkacyo Wasaaradda Caafimaadka maamulka Galmudug State, ayaa deeq dawo ah, gaarsiisay isbitaalka guud, ee degmada Cadaado. Dawada la gaarsiiyey isbitaalka ayaa isugu dhowr nuuc, ayaa waxaa la wareegay maamulka Isbitaalka, waxaana ay ka la wareegeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Galmudug, oo ay wehlinayeen agaasimaha wasaaradda iyo xubno kale. | bogga 3aad.
QORAALLO KALE Ganacsiga Cadaado
W/Q: Laylo Cabdullaahi | bogga 4aad
Fatahaadaha & caafimaadka W/Q: Xasan Kheyre | bogga 4aad
Alla mey heshiiyaan! W/Q: Cabdiqaadir Cali | bogga 5aad
2
Cadadka 034-aad, Sanadka 3-aad
WARARKA
Jimco 01, jannaayo 2016
AHLU SUNNA IYO GALMUDUG OO WADAHADLAYA W/Q: Maamulka Wargeyska Waxaa la filayaa, in dhawaan ay wahadal uu u furmo Ahlusunna, oo maamusho deegaano dhawr ah, oo ka tiran gobolka Galguduud iyo Maamulka Galmudu, oo ka arrimaya Gobollada Dhexe. U ka la dabqaadid muddo socotay, ayaa lagu guulaystay, in labada maamul ay aqbalaan, in ay ishorafriistaan. Dhawaan ayey eheed, markii laba wafdi oo ka la socotay labada maamul, ay tageen Itoobiya, taas oo gogol xaar u eheed, in kulan fool ka fool ah uu dhexmaro labada hoggaan. Shirka ayey eheed, inuu ka furmo magaalada Dusmo reb, ee xarunta maamulka Galmugud, balse, waxaa dib u dhaca sababay dagaalladii Gaalkacyo, shirkii madasha higsiga, bedelka eragyga gaarka ah, ee Soomaaliya Mudane Nicolas Key, oo lel Keatinagu badalay Micha iyo fasixii dhammaadka sanadka. Ilo xogogaal ah, ayaa wargeyska Gobollada Dhexe u xaqiijiyey, in Jannaayo 2016ka ay suurtagal tahay, in shir wada xaajood uu u furmo labada dhinac. Shirka waxaa goobjoog ka noqon doona madaxda wufuud ka socota IGAD, ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, QM iyo Midawga Yurub, sidoo kale, wakiillo ka la socoda, Maraykanka iyo Ingriiska, halka ay garwadeen ka noqondoonto dowlada federaalka soomaaliya. Hirgelinta qabasoomidda shirka, ayaa Madaxweynaha Galmudug Mr. Guuleed uga faa’iidaysanayaa, in fadhiga baarlamaanka, ee dhacaya 5 January 2016, uu ugu gud-
biyo tallaabada muhimka ee lagu xaqiijiyey wadahalka, oo xol u noqonaysa, arrinta caasimadda. Madaxda Alhusnno, waxay ku andacoonayaan, in in dhowr jeer heshiisyo la la galay looga baxay, waana sababta ay u dalbadeed korjoogtada duniad ka socota, balse, waxaa suurtagal ah, haddii dowladda federaalka iyo beesha caalamku cadaadis saaraan labada dhinac, in ay fududaan karto, in heshiis dhaco. Bulshada ku dhaqan Gobollada Dhexe, ayaa in muddo ah sugayey, wadahal dhexmara labada maamul, si ay u hirgasho himaladoda ah, hirgalinta maamul midaysan, oo ka dhaqan gala labada gobol,
ee Mudug iyo Galguduud. Sidoo kale, bulshada deegaanku waxay dhagaha u taagayaan, hadalhaynta ku saabsan shirka ka dhacaya Dusma reeb iyo dhaqdhaaqyada lagu doonayo nabadaynta deegaanka, iyagoo u arka guul siyaasadeed iyo gool taariikhi ah, haddii labada hoggaan wada qaataan heshiis awood qaybsi iyo maamulwadaag, ahna tallaabo hoos u dhigaysa, carqaladaha iyo caqabadaha ku horgudban hannaanka nololeedka iyo hayaanka loogu jiro.
Golaha Wasiirrada Galmudug oo ansixiyay sharciyo kala duwan Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado waxaa ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Khamiis walba yeelan jireen Golaha Wasiirada dowlada Galmudug waxaana kulankaan shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Galmudug Mudane Cabdiqaadir Sheikh Cali “Shugri” ayaa soo bandhigay muhiimada ay leedahay hirgalinta Xeerka Garsoorka, waxuuna Wasirka soo bandhigay shaxda Xeerka Garsoorka Galmudug oo ay ugu horeyso sidii loo heli lahaa Gudiga Golaha Garsoorka Galmudug iyo
Hirgalinta Maxkamadaha Gobolka. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Cali Saciid Cumar Ibraahim ayaa isna soo bandhigay Qorshaha dhismaha Wasaarada Maaliyada oo ka kooban 8 qodob oo ah habka ay Hay’ada wasaarada Maaliyada ku shaqeyn lahayd iyo haykalka Wasaarada ay ku leedahay Abuurista illo Dhaqaale oo ay ugu horeeyaan Dejinta xeerarka canshuuraadka sida Hanti dhowrka Canshuuraadka Maamulada, Daqliga Dowlada iyo Diyaarinta Miisaaniyadda. Dood dheer oo Golaha Wasiirada Galmudug yeesheen kadib waxa ay kulankooda gacan taag u ansixiyeen shanta qodob ee hoos ku
qoran ee laga dooday 1. Sharciga Dhismaha Wasaarada Maaliyadda 2. Qaab Dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda 3. Sharciga Dhismaha Guddiga Shaqaalaha 4. Sharciga Shaqaaaha Rayidka 5. Xeerka Mushaarka Shaqaalaha Rayidka. Si kastaba ha ahaatee, shanta qodob ee la ansixiyay ayaa ah shan qodob oo aad ugu muhiim ah howlaha Wasaaradaha ay quseeyaan ee ka tirsan dowlada Galmudug.
Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.
Jimco 01, jannaayo 2016
WARARKA
Cadadka 034-aad, Sanadka 3-aad
Wasaaradda caafimadka Galmudug oo dawooyin gaarsiisay Isbitaallada Cadaado iyo Gaalkacyo
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan Cali, oo isna ka hadalay madasha, ayaa sheegay, inay ka warhayeen baahida dawo, ee Isbitaalka Cadaado ka jirto, is la markaana, ay ku dadaalayaan sidii ay gacan buuxda u sii lahaayeen. Isbitaalka ayuu sheegay wasiir ku xigeenka, inuu yahay mid dadka baahidooda sida loo baahnaa uga haqabtira, ka maamul ahaanna ay la shaqeyn doonaan. Isbitaalka magaalada Cadaado, ayaa qaabila bukaanno badan, oo ay ka howlgalaan dhaqaatiir aqoon fiican leh. Dhinaca kale, waxaa sidoo kal, isbitaalka Gaalkacyo lagu wareejiyay deeq ka la duwan, oo loogu talagalay isbitaalka, kana kooban
Ragga la afduubay ayaa kala ah, Cabdi Kaafi Japan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalkii baabuurka, Yaxye Muxiyadiin. Guddoomiyaha Degamada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biya Quute ayaa u sheegay VOA-da in ragga afduubka geystay ay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabab dawooyin iyo qalabka isbitaalka loo isticmaalo. Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa ku Wareejisay Maamulka isbitaalka Gaalkacyo, ee Galmudug waxaana kulanka Wareejinta ka qaybgalay madaxda isbitaalka iyo wasaaradda. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay, in Maamulka Galmudug uu dawooyinka iyo qalab kale gaarsiindoono isbitaallada kale ee ku yaalla deegaannada Galmudug, si loo daboolo baahida dhanka caafimaadka. Ugu danbeyn dawooyin la gaarsii yay isbitaalka ugu weyn Gaalkacyo, ayaa ku so aaday, xilli ay isbitaalka ka baxeen hay’adihii taakuleyn jiray, is la markaana ay ku jiraan tiro dhaawacyo ah, oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo, Dhanka kale, waxaa isbitaalka ka socda dayactirka waxyeelladii ka soo gaartay shaqaaqadii November ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Ururka Midnimada iyo Horumarinta G/Dhexe oo kulmay Swedan Ururka Midnimada iyo horumarinta Gobollada Dhexe, oo ka dhisan dalka Swedan, lana aasaasay bilowgii 2015kii, ujeedkuna ahaa, sidii loo heli lahaa midnimada dadka gobollada dhexe iyo sidii loo adkayn lahaa. Kulanka ayaa looga hadlay, qodobbada kala ah: maxaa qabsoomay? Dhammistirka guddiga golaha dhexe, ee ururka. Xaggee maraysaa, lacag bixinta ururka iyo dhisidda guddiyada joogtada ah, ee ururka. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha golaha dhexe Cabdi Elmi Degel iyo ku xigeenkiisa Xasan Cumar Cabdulle. Sidoo kale, Guddoomiya guddiga , Mahamuud Cali Xasan, ku xigeenkiisa Farhaan Maxamuud Dhoorre, xubbnaha guddiga wakiillada, fulinta, odoyaasha deegaanka, hablo iyo marti sharaf kale. Warbixin laga dhagasytay guddiyada ka dib, waxaa la go’aamiyey, in la dardargaliyo qabsoomida hawlaha dhimman
Shaqaale lagu afduubtay Dhuusa Mareeb Kooxdan ayaa afduubtay Cabdi Kaafi Japan oo kalkaaliye ka ahaa cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalka baabuur gurmadka deg degga ah.
Wasaaradda Caafimaadka maamulka Galmudug State, ayaa deeq dawo ah, gaarsiisay isbitaalka guud, ee degmada Cadaado. Dawada la gaarsiiyey isbitaalka ayaa isugu dhowr nuuc, ayaa waxaa la wareegay maamulka Isbitaalka, waxaana ay ka la wareegeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Galmudug, oo ay wehlinayeen agaasimaha wasaaradda iyo xubno kale. Dr Maxamed Cumar Yuusuf, oo ah agaasimaha guud ee Isbitaalka Cadaado, ayaa sheegay, in xilligaan loo baahnaa dawada, oo isugu jiray Faleebooyin, Dawooyinka Duumada iyo kuwa lagu dhayo dhaawacyada. Agaasimaha ayaa ugu mahadceliyay wasaaradda caafimaadka Galmudug, oo uu sheegay in shaqadooda dardar ay ku wadaan.
3
Waxa uu sheegay in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaariga inay taleefan ka waceen iyagoo u sheegay inay yihiin ehelka haweeneey fool aheyd, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaasi tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay. Gaariga la afduubtay ayaa lagu arkay Magaalada Galhareeri ee ku dhow Ceelbuur. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay xaaladda raggan la afduubay. Xigasho: VOA Somali
Ahlu Sunna oo xir-xiray haween iibinayay dhar laga sameeyay calanka Galmudug Haweenkaan la xiray ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa ilaa 10 waxaana ku jira labo haween ah oo waayeelo ah Sababta ay u xireen Ahlu Suna ayaa lagu sheegay inay tahay inay ka cadhoodeen Maamulka calanka Galmudug dharka loo ekeysiiyay ee Magaalada Dhuusamareeb lagu iibinaayo. Odayaasha Magaalada ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo sii deyn lahaa Haweenkaasi ay xireen Ahlu Suna. Waxaa xusid mudan haweenka inay Iibiyaan dharka Dumarka, balse dharkan ay keenee mar dhaw. Maamulka Ahlu Suna ee Magaalada Dhuusamareeb kama aysan hadlin xarigaan ay u geysteen Haweenkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu socdo dadaalo la doonayo in qaab damaanad ahaan ah lagu sii daayo haweenka, maadaama caruur ay u shaqeeyaan. Xigasho: Universal TV
4
Cadadka 034-aad, Sanadka 3-aad
QORAALLADA WARGEYSKA
Jimco 01, jannaayo 2016
HORUMARKA IYO GANACSIGA DEGMADA CADAADO W/Q: Layla Cabdullaahi Cusmaan | layloqaali60@hotmail.com Degmada Cadaado, xarunta sida ku meel gaarka uu ugu shaqeeyo, maamulka Galmudug, ahna mdashii shirka maamulka lagu dhisay, waxey ka tirsan tahey gobolka Galguduud. Cadaado, waa degmo aad u baaxad wayn, taas oo aad u faaftay, ka dib burburkii ku habsady dalka, hase ahaatee, waxaa laga dareemayaa, isbedal dhanka bilicda ah, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay dib u dhis muuqda uu ka soconayo. Degmada waxaa si habsami ah uga socda, kobac dhaqaale, ganacsi iyo horumar, oo ku saleysan abuur shaqo, badin ilaha dhaqaalaha, waxbarashada,
caafimaadka iyo hormarinta deegaanka, kaas oo si lixaad leh uga billawday sanadkii 2015ka, markaas oo degmadu martigalisay shirkii doorashada hoggaanka goballada dhex, ee lagu qabtay horraantii sanadkaa. Ganaciga magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa dardar, ka dib markii ganacsatadu billaabeen, inay suuq geyn badan u sameeyeen ganacsigooda, iyaga oo baraya bulshada qiimaha alaabta iyo tayada ay u leedahay isticmaalkeeda noloshooda. Waxaa sidoo kale ka billawday magaalada, maalgashi ballaaran, taas oo ay sameynayaan qurbajoogta deegaanka, ka dib markii
ay dareemeen in faa’iido badan laga helayo maalgashiga magaalada. Waxyaabaha aadka ugu soo badanayay maalgashikooda, baryahan danbe, waxaa ka mid ah, Carwoyinka lagu iibsho dahabka, kuwaa oo ah kuwa ugu maalgalinta badan, iyagoo xilliyadii dambe aad looga furayay magaalada Cadaado, oona ganacsiga uu yahay mid sii korayay sida ganacsatada sheegayaan. Degmadan ganacsigeedu waxuu ku xiran yahay magaalaada Muqdisho iyo magaalooyinka u dhow, sida magaalada Baladwayne, Gaalkacyo, Bosaaso iyo waliba Hargeysa, oo ah meelaha inta badan ay is ku xiranyihiin.
Caasimadda ku meel gaarka ah, ee maamulka Galmudug, Cadaado, waxaa ku yaalla seylad wayn, oo lagu iibiyo xoolaha loo dhoofiyo dalalka Carbeed. Waxey leedahay warshado badan, sida warshadda biyaha sifaysa “saxa”, warshadaha barafka “biyaqaboojinta”, warshadda hilibka, warshadda kalluunka iyo kuwabkale oo badan. Sidoo kale, Cadaado waxa ay leedahey shirkado aad u badan oo ganacsi, oo isugu jira kuwo wax soo dajiya iyo kuwo wax dhoofiyo.
Saameynta fatahaaduhu ku leeyihiin caafimaadka W/Q: Xasan Kheyre Dawladda Soomaaliya iyo hey'adda qarammada midoobay, waxa ey sheegeen, in laga cabsi qabo, dabeysha “El Nino” iyo roobab ay wadato, iney ku fatahaan, qeybo ka mid ah gobollada dalka, inta u dhexeysa bilaha oktoobar ilaa december 2015. Sidoo kale, waxaa la qiyaasay in 900,000 qof ey saameyeen. Daadadku, waa musiibo dabiici ah, oo aad u badan, taasoo saameyn ba'an ku leh caafimaadka, ha ahaato, saameyn waqti dhow ama mid waqti fog. Kuwa waqtiga dhow dhaca, waxaa ka mid ah: hafashada, qaniinyada xayaawaanka, dhaawacyada, cudurrada maqaarka iyo cudurrada faafa, halka, dhibaatooyinka dhaawacyada, sumowga, cudurrada maskaxda, ey ka mid yihin kuwa waqtiga fog yimaada. Biyaha daadadka, waxaa ku jiri kara waxy-
aabo muda ama sari kara qofka, sida: muraayad, bir, iwm, kuwaasoo sababi kara dhaawac, badanaa, waxay yimaadaan, xilliga la soo badbaadinaayo dadka iyo marka ay guryahooda ku noqdaan, dhaawacyadaas waxaa ka mid: jeextin, goysmo, murgacasho iyo dhaawacyada korantada sababta. dhinaca kale, hafashadu waxay ka mid tahay, halista caafimaad ee degdegga ah, gaar ahaan hadday biyuhu rogmayaan. Fatahaadahu waxay sababaan, cudurrada ka dhasha dulinka, sida: duumada, kaadi dhiigga, iwm iyo cudurrada ka dhasha biyaha, sida: daacuunka. Qaniinyada cayayaanku, sida: maska, ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka fatahaadaha. Dhinaca kale, bulshada ey fatahaaduhu saameeyaan, waxaa lagu arkaa, cudurrada maskaxda ku dhaca, sida: walaac, argagax,
XAYAYSIIS
XAYAYSIIS
niyadjab, waxaana sabab u ah, burburka guryahooda, hantidooda iyo dhimashada ehelkooda. Ilaalinta nadaafadda shakhsiga, sida: gacan dhaqashada, waa muhiim si loo joojiyo fidista cudurrada faafa, in kastoo, ey adagtahay, in la helo biyo nadiifa oo la cabo, balse, waa u muhim nadaafadda iyo dhaqashada gacmaha., si looga hortago cudurrada faafa. Is ka ilaali, biyaha daadadka, haddii aad qabto dhaawac furan, kuna dabool faashad, kana dhig mid nadiif ah, intii suurtogal ah, una dhaq si fiican, adigoo isticmaalaayo saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii uu ku qaniino mas, isku day in aad aragto, oo xasuusato, midabkiisa iyo qaabkiisa, waayo, waxay ku caawin, xiliga daaweynta, ka dibne raadi talo caafimaad, sida ugu dhaqsiyaha badan.
QORAALLADA WARGEYSKA
Jimco 01, jannaayo 2016
Cadadka 034-aad, Sanadka 3-aad
5
DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)
Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com
ALLA MEY HESHIIYAAN! (GALMUDUG IYO GOBOLLADA DHEXE) W/Q: Cabdiqaadir Cali | abdulkadiralieco@gmail.com Maalmahan ayaan maqlay war suuq, kaas oo ah, in gobolkii aan ka imid lugu heshiin rabo. waa hadal aanan xaqiiqdiisa hayn, ha yeeshii aad ayaan ugu farxay, markii uu i soo gaaray. Ugu ma farxin jacayl aan u qabo dadka maamulka Gobollada Dhexe is ku haya, ama taageero aan u hayo kuwa sheegta huggaanka Gobollada Dhexe, ee waxaan ku farxay, in dadka deegaanku ka nastaan colaadda halakaysay iyo qaxa daashaday. Talada maamulka haddii lagu heshiiyo, oo la is la garto waa nasiinada shacabka, intase maamulka la is ku haysto, oo laba ciidan is hor fadhiyaan, ma qalbi deggani, oo waxaan ahay dareen suge. Galgaduud iyo Mudug waxaa ka jira laba maamul, oo aan is aqoonsanayn, is na oggoleyn, oo is ka soo horjeeda; waa Maamulka Gobollada Dhexe (Ahlusunna) ee aan aqoonsi haysan, balse, dhawr dagmo ka taliya iyo Maamulka Galmudug, ee dawladda dhexe iyo dunidu aqoonsan tahay. Ciidanka labada maamul, wuxuu ka la joogaa Mareergur iyo Godinlabe, aad waxaan u jeclaan lahaa, ciidankaas oo la is ku dhafo, oo halmeel u wada jeesta, shacabkana u shaqeeya. Rejo badan ka ma qabo, in uu maamul tayo leh, oo deegaan horumariyaa ka soo baxo, xitaa haddii ay midoobaan, kali ah dadka oo ay xabbadda ka dhawraan, dhibka ka yareeyaan, cabburinta ka dulqaadaan waan ku ammaani lahaa. GOBOLLADA DHEXE GUURTI MA LEH! Dad iyo deegaan kasta, waxaa badbaadiya qayb bulshada ka mid ah, oo si uun uga indheer-garadsan inta kale. Soomaalidu waxay lahaan jireen dad sama jeclayaal ah, oo wanaagga ka shaqeeya, dadkaas waxaa ugu caansan culimada, dhaqanka jaadadkiisa iyo qaybo kale. Dadkan diinta Islaamku
waxay u taqaannaa “AHLUL XALLI WAL CAQDI” (TALO GOOYEYAAL) dadkani ma ahan kuwo dan gaar ah raadiya, ee waa kuwo ajir raadis ah, danta guudna ka shaqeeya. Waa dad dhibka ka damqada, xumaanta soo socotana ka diga kara, intii karaankood ahna ka hortaga. Soomaaliya oon weligeed ba nasiib u yeelan maamul si dhab ah dadka ugu adeega, ayaa waxaa weligeed ba nabadda ka shaqeyn jiray odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka. Nabadoonnadu waxay ahaayeen kuwo ka madax bannaan siyaasadda, oo aan laaluush qaadan mar walbana go’aannadooda ku saleeya maslaxadda dadka ay guurtida u yihiin. Meelaha odayaasha iyo waxgaradku ay door nadiif ah, oo wacan ka qaateen, waxaa ka mid ah Soomaaliland (Waqooyi), oo ku guuleystay, in samaystaan, maamul iyo ka la danbeyn. nabaddaas waxaa kaalinta ugu weyn ku lahaa, odayaasha dhaqanka, walina ku leh dhawriddeeda iyo ilaalinteeda. Sidoo kale waxaa jira Golaha Guurtida oo ah gole dadka ku jiraa ay yihiin duqey da’wayn, oo xalliyay qilaafyo badan oo gobolladaas soo maray. Dhanka kale, isimmada Puntland ayaa sidoo kale door muhiim ah qaatay, marka laga hadlayo nabadeynta gobollada Puntland maamul iyo shacabba. Waxgaradkii gobollada dhexe maxaa helay? Miyaysan dadnimo iyo damqasho lahayn? Mise sida wax yihiin ayay ka qaybyihiin? Ma in maatidooda la qixiyo, dhaqaalaha deegaanku baaba’o, ayay raalli ka yihiin? Miyaysan ku baraarugsanayn mustaqbal xumada soo wajahaysa carruurtooda iyo qoysaskooda? Mise waxay ku milmeen siyaasadda? Caada qaatayaal miyay noqdeen?. Wax garadka Gobollada Dhexe, waxaa la joogaa xilligii ay doorkooda qaadan lahaayeen, oo ay labada maamul heshiis dhexdhegi
XAYAYSIIS
XAYAYSIIS
lahaayeen. Waa in ay Galmudug iyo Gobollada Dhexe u soo jeediyaan, sida ay danta dadka deegaanku ku jirto, is la markaana cadaadis ku saaraan, in ay u huggaan samaan rabitaanka dhacabka, i suna tanaasulaan, si wada noolaasho dhab ah loo dhaliyo, ooba horaba u jirtay. SI AY WAXGARADKU U GUULEYSTAAN WAXAY U BAAHAN YIHIIN: 1- In ay noqdaan dad dhexdhexaad ah, oo aan ku milmin siyaasadda. 2- In shaqadaas loo wakiisho dad ay labada dhinacba dhegeysanayaan, deegaankana laga jecelyahay, wanaag iyo xurmana lagu yaqaan. 3- In dadka howshan qabanayaa ay noqdaan, dad aan gobolka mansab iyo maal ka rabin. 4- In dumarka kaalin mug leh laga siiyo, maadaama ay yihiin lafdhabrkii bulshada iyo badbaadadii burburka. 5- In lugu dadaalo, in dadka gobolka joogaa ay door wax ku ool ah qaataan, intii oday Xamar jooga, oo aan muddo dheer tegin gobolka, masiirka ummada gacanta loo gelin lahaa. ALLOW YAA IS GARABSADA KOLLEY, KA LA MA GUURTAANE (Indha-geelle) Galmudug oo wadajirtaan gocanayaa Gobollada dhexoo nabadahaan gocanayaa Guurtidoo hagtaan gocanayaa Ummad i su garowdaydaan gocanayaa Gobolkoo horumaraan gocanayaa Gayigoo colaad la’aan goconayaa Garoomadoo shaqeeyaan gocanayaa Ganacsigoo ballaartaan gocanayaa Gabannadoo waxbartaan goconayaa Gabdhahoo aqoonlahaan goconayaa Guul iyo gobonnimaan goconayaa.
WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!
*Waxaan ku siineynaa hal bil oo bilaash xayaysiis ah oo naqshadda xittaa aan kuu sameyneyno, balse waxaad nala galeysaa heshiis 6 bilood ah.
Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe