Issuu on Google+

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Khamiis, 01 disembar 2016, Cadadka 045aad, Sanadka 4aad

MAXAA CUSUB?

KULAN LOOGA HADLAY DHISMAHA DEKADDA HOBYO | bogga 3aad

Dadka deegaanka iyo Al Shabaab oo ku dagaallamay deegaanno hoostaga Xarardheere Degmada Xarar Dheere, degaannada Daba Galo iyo Dumaaye, oo hoostaga degmada Xarar Dheere, ee gobolka Mudug, dadka deegaanka, ayaa ku dagaalay Alshabaab. Dadka dagaalka alshabaab la galay, ku la na jira hadda, ayaa waxaa haysta nolol aad u xun, sida ay sheegeen, waxa ayna dalbadeen, in gurmad iyo garab la la gaaro. Xaalad aad u adag ayaa ka jirto goobaha dagaalku ay ka dhaceen, waxa ayna dadku dalbadeen, in gurmad la la gaaryo. | bogga 2aad.

QORAALLO KALE

Doorka Da'yarta ee Dansan! bogga 4aad

Dibindaabyada Doorashada Dadban bogga 5aad


2

WARARKA

Cadadka 045aad, Sanadka 4aad

Khamiis 01, disembar 2016

Dhallaankii la dhaayotir Iyadoo laga wada ogsoon yahay qiimaha waxbarashadu u leedahay Aadamiga dhammaantii ayaa hadhana, waxaa jira amuuro fara badan oo ku xeeran waxbarashada iyo dadka baranaya, amuurahaas oo isugu jira kuwo san iyo kuwo xun haba ku ka la geddisnaadeen waqtiga, habka, nooca iyo saameynta dhaw ama dambe oo ay yeelan karayaan amuurahaas.

W/Q: Axmed Siigaale

Iskuulkaa waxaa wax ka baran jiray ku dhawaad 600 oo arday, oo isugu jiray agoon iyo danyar ku nool gudaha Dumso reeb, waxayna waxbarashadaasi aheyd mid ardayda aan laga qaadin wax

u da'yareed ee iskuulka wax ka baraneysay, xilligaana casharro ka qaadanayey. Waxaa si aan sharci aheyn furayaashii iskuulka looga fara

Ficillada guracan oo saameynta mahadhada ah dhigaalka taariikhda ku yeesha ayaa waxa ka mid ah dhacdadan ka dhacday Dusma reeb, oo lagu soo weeraray iskuul ay si bilaash ah wax kaga baran jireen carruur isugu jirtay agoon iyo kuwo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee ku nolaa magaalada. Sabti taariikhdu ahayd 26 /11/ 2016 ayey si rasmiya uga billaaban lahaayeen ISKUULKA Hoose Dhexe & Sare ee GURMAD Imtixaankii xilliga dhexe (Mid term), balse, ayaandarro ma dhicin, oo wali iskuulkii wuu xiran yahay. Waxan rajeyneynaa in dib loo fasaxo wax barashadii ka socotay Iskuulkaas.

Dunidaan aynu maanta ku noolnahay waxa lagu ka la horumaray oo dadyowga ka la tagsiiyey waa heerka cilmiga ee bulsho kastaahi leedahay. Waatii uu Abwaan Faarax Shuuriye, oo Suugaanleyda qarnihiisii ugu rugcaddaasanaa uu tixdii caan baxday ee : “Ma is raaci karaan?!” kana hadlaysa qaybo badan oo nolosha ka mid ah, ku yiri: “Nin Masaajid ku raagoo Cilmi raatib yaqaanoo Wardigiisa ridaayiyo Rufiyaanno dulloobay Ma is raaci karaan?.” In kasta oo waxbarashada Soomaaliya xilligan ay tahay mid xoogaa yare hooseyda marka loo eego waddammo badan oo Afrikada bari ah, ayaa haddana waxaa jira dhibaato ba'an oo soo wajaheysa qaar badan oo ka mida goobaha waxbarashada dalka, kuwaas oo cuuryaamin iyo feylogoyn ku ah dadaalkii waxbaridda iyo badbaadinta ubadka soo koraya. 20kii November ayay aheyd markii ciidamo hubeysan ay gudaha u galeen goob waxbarasho oo lagu magacaabo Iskuulka Hoose dhexe iyo Sare ee GURMAD, kuna taal magaalada Dusma reeb xarunta Gobolka , ahna caasimadda maamulka Galmudug.

dadkii ku mideysnaa joojinta waxbarashadii ka socotay iskuulkaas, hase yeeshee, waxa kaliya oo hadda muuqda ayaa ah, in aysan jirin wax waxbarasho ka socota xaruntii iskuulka.

“Dhallaankii waxbaraayey Adigaa u dhammeeyee Aan bal dhiibo dhambaal!” qidmo ama lacag ah. Hirgalinta Iskuulkaas ayaa wax lahaa dhallinyaro oo hore wax ugu baratay deegaanka, is la markaana xilligan ah kuwo laftoodu waxbarashada heer jaamacad ku jira. Dadaal dheer iyo dulqaad badan ka dib waxay dhalliyaradaas oo ku mideysan magaca Urur lagu magacaabo GARAAD ku guuleysteen baahi tiridda boqollaal arday ee ku nool bartamaha Soomaliya, oo si bilaash ah wax uga baran jiray iskuulka GURMAD. Mar qura ayaa lagu arkay gudaha iskuulka GURMAD ciidamo ay wataan Mursal Xeefow, iyo Maxamad Siciid Cumar Orey, oo cabsi iyo walwal ku abuurtay carruur fara badan oo aad

maroojiyey maamulaha iskuulka ka dib markii qori lagu qabtay, iyadoo mar qura ay ka la yaaceen ardaydii iyo macallimintii iskuulka GURMAD, gacan ku heyntii iskuulkana waxaa la wareegey kooxihii hubka la soo galay iskuulka. Waxaa illaa iyo haatan jawaab maangal ah loo helin sababta iskuulkaas ciidamada loo so galiyey, qasabna loogu la wareegay masuuliyaddii iskuulka, iyadoo muddo usbuuc ku dhawna ay hakad ku jirto waxbarishadii carruurtii wax ka dhigan jirtay iskuulka GURMAD. Waxaa la soo sheegayaa iney jiraan dano shakhsiyeed oo ka la duwan, oo ay ka la lahaayeen

Waxaa habboon, inta goori goortahay, in la badbaadiyo mustaqbalka carruurtii waxkabaran jirtay iskuulka GURMAD kuwaa oo qaar badan oo ka mida halis ugu jira ineysan dib waxbarasho ugu laaban waayaan, maadaama ay xusuusta qalbiyadooda ka muuqan karto ama wax u dhibi karto ciidamadii hubeysnaa ee barqo cad soo weeraray iskuulkooda. Mar kale Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu gabay ku yiri: “Nin Cilmiga ku raagee bartaa, Xaqa hadduu raadsho Ra’yi gaabtu waa uga hartaa, Rubacyaleeydaahe”.

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Khamiis 01, disembar 2016

WARARKA

Cadadka 045aad, Sanadka 4aad

Cadaado oo lagu qabtay kulan looga hadlayay dhismaha Dekadda Hobyo

3

Deegaanno hoostaga Xarar Dheere oo ay ku dagaaleen dadka deegaanka iyo Al-shabaab Degmada Xarar Dheere, degaannada Daba Galo iyo Dumaaye, oo hoostaga degmada Xarar Dheere, ee gobolka Mudug, dadka deegaanka, ayaa ku dagaalay Alshabaab.

Kulankan ay ku yeesheen magaalada Cadaado, ganacsato iyo waxgarad ka so jeeda deegaannada Galmudug, ayaa waxaa lagu gorfeeyey sidii loo dadajin lahaa qorshaha dhismaha dekadda Hobyo, oo marar badan lahu hanweynaa, in la hirgalsho iyo sidii looga qaybgelin lahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Xubno ka tirsan guddiga ganacsatada Galmudug, oo bilihii u dambeeyey, waxay ku hawllanaayeen qiimaynta qarashka ku baxaya dhismaha dekadda iyo abaabulka hawlaha fulinta, ayaa waxay

madashaa kulanka lagu qabtay ku soo bandhigay macluumaad ay arrintaa ka soo aruuriyeen. Mudane Cabdiraxmaan Axmad Caddaawe, oo ah guddoomiyaha guddigaas, ayaa wuxuu sheegay, in waqtiga foodda nagu soo haya, ay dekadda Hobyo ku soo xiran doonaan maraakiib shixnado ka la duwan ku raran. Isago xusya, in ganacsatada Galmudug, looga baahan yahay, inay qorshahan dhiirrigaliyaan. Dhanka kale ganacsatada kulanka ka soo qaybgashay, ayaa sheegay, in dekadda Hobyo

ay haddaba shaqaynayso, oo hawlaha dejintu billowdeen, inta laga gaarayo, in dhismaha guud ee dekadda la dhammeeyo, laguna sameeynayo dayactir iyo habyn guud, maadaama shactar la keenay todobbaadkii hore. Mudane Maxamad Nuur Diini wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha dawlad goboleedka Galmudug, ayaa sheegay, in dekadda Hobyo ay ahmiyad wayn u leedahay Galmudug, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo Galmudug, inay ka qaybqaataan dadaallada socda, ayna maalgashadaan.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Isbitaalka Baxdo deeq dawo ah Gaarsiiday Iyadoo lagu jiri, xilli waddanka ay abaaro ka jiraan, deegaannada qaarna ay ka dillaaceen cudurrada faafa, sida shubanka, ayaa in ka badan 100-Ruux oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodku waxaa maalmihii u dambeeyay la gaarsiiyay Isbitalka deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

la dhigay in ka badan 100Ruux, oo badankood ku soo xanuunsaday dhulka miyiga ah. Wasiiradda caafimaadka dawlad goboleedka Galmudug, marwo Naciima Maxamad Maxamuud, ayaa booqatay Isbitalka, iyadoo gaarsiisay deeq dawo ah, si xaaladaha caafimaad, ee isbitaalka loogu caawiyo.

Xilli abaaro ba’an ay ka jiraan deegaannada Galmudug, ayaa meelaha qaarkood waxaa u dheer xanuunnada cudurrada fafa, oo halis sii galinaya nafta dadka deegaanka.

Dr Khaliif Muuse Maxamuud, agaasimaha isbitalka Baxdo, ayaa ka mahadceliyay deeqdan dawada ah, oo ku soo aadday waqti baahi wayn loo qabay, bukaan badanna ay isbitaalka u jiraan. Wasiiradda caafimaadka Galmudug, marrow Naciima Maxamad Maxamuud, ayaa dhankeeda sheegtay, in xaaladaha abaaraha ka jira gobolka

Isbitalka magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa

ay sababayaan caafimaad darro baahsan, wax ayna ku baaqday in arrintaas il gaar ah loo lahaado. Sidoo kale, waxay baaq ay dirtay ku sheegtay, in dadka abaaruhu haleleen gargaar la la gaaro, maxaa yeelay, abaarta ayaa dhammaan wada saamaysay deegaannada Galmudug. Dhanka kale, agaasimaha guud ee Wasaaradda Cafimaadka Galmudug, oo saxaafada ku la hadlay isbitalka Gaalkacyo, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiis cudurka polio ah, oo laga helay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Agaasimaha ayaa sheegay, in ay billabeeen qorshe ay kaga hortagayaan faafidda cudur-

Dadka dagaalka alshabaab la galay, ku la na jira hadda, ayaa waxaa haysta nolol aad u xun, sida ay sheegeen, waxa ayna dalbadeen, in gurmad iyo garab la la gaaro. Xaalad aad u adag ayaa ka jirto goobaha dagaalku ay ka dhaceen, waxa ayna dadku dalbadeen, in gurmad la la gaaryo. Guryaha la gubay, ayaa waxaa lahaa ehellada dadkii ku la dagaalamay Shabaabka deegaankaas, waxaana la sheegayaa, in dhulka miyiga ah, ee u dhaxeeya Daba Gale iyo Dumaaye ay ka baadigoobayaan dadkii xoolo dhaqatada ahaa, ee ay la dagaallamay. Dhanka kale, Alshabaab ayaa gubay tuulooyin dhowr ah, waxaana ka mid ah tuulada Cali Yaale iyo tuulooyinka kale. Dhulka ay gubeen Alshabaab waxaa ka mid ah dhul beereed, xilli dalka dhan ay ka jirto abaauro iyo roob la’aan. Sidoo kale, malleeshiyada Alshabaab, ay hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Xarar Dheere, iyo deegannada hoostagga, si aan macluumaad rasmi ah looga helin xaaladda deegaanka Dumaaye oo ka tirsan Gobolka Mudug. Wasiirka wasaaradda amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Cismaan Ciise Nuur Taar Dhuleed, ayaa sheegay, in ciidamo xoojin ah ay u direen dadka xoola dhaqatada ah ee dagaalka ku la jira Al-Shabaab. Dagaalka ka soconaya degaannada Daba Galo iyo Dumaaye, ayaa wuxuu sheegay wasiirku, in malleeshiyaadka AlShabaab, looga dilay, in ka badan 26, oo ay ku jiraan horjoogayaal. kaasi, xilli xubno ka tirsan wasaradda Cafimaadka Galmudug, ay uu deeq lacag ah guddinsiiyeen qoys cudurkaasi haleelay. Agaasimaha ayaa sheegay, in ay wadaan qorshe lagu ciribtirayaan cudurka dabaysha, wuxuuna shacabka ugu baaqay, in ay ku tageeraan wasaaradda iyo hay’adaha caawiya sidii cudurkan looga hortagi lahaa.


4

Cadadka 045aad, Sanadka 4aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Khamiis 01, disembar 2016

DOORKA DA’YARTA EE DANSAN! W/Q: Axmed Ciise Guutaale

Dhallinyaradu waa indhaha iyo aayaha dal leeyahay, isla markaana horumarka dal ama qaarad waxay ku xiran tahay heerka dhallinyaradu ay horumarka ka gaarsiisan yihiin una mustaqbal wanaagsan yihiin.70% illaa 75% ayaa lagu qiyaasaa dadweynaha soomaaliyeed in ay yihiin dhallinyaro da’doodu ka yartahay 35sano, haddii dhallinyaradu ay caddadka intaas la eg ka yihiin bulshadooda soomaaliyeed; - Soo maahan awood weyn oo aan la qarin karin, maadaama ay afar meelood saddex {¾} ka yihiin shacbiga? - Soo ma awoodaan inay waxweyn ka baddelaan xaaladda aan qurxanayn ee dalka? - Soo ma awoodaan inay ka dhiidhiyaan dagaallada joogtada ah iyo horumar la’aanta dalka ka jirta?. - Dhallinyaradu soo maanta maahan kuwo ay badan yihiin qayb aqoonta heersare ka gaaray? - Maadaama ay dhallinta ku jiraan qaar badan oo aqoonyahanno ah, soo ku ma dhiirran karaan inay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka? Waxaan hubaa, in dhammaan waydiimahaan ay warcelintoodu HAA! Noqon lahaayeen haddii ay dhallintu lahaan lahayd awood, aqoon sarreysa iyo baaraarugsanaan, ayna ku dhiirranaan lahayd heerka dhiggooda waddammada caalamku ay higsanayaan. Bil cagsi waxaa awooddoodii dhabarka jabshay qabyaalad ku dagaallan, mabda’ diineed ku diririd iyo haddoo ay cagta saareen inay ku dagaallamaan oo laysaga horkeeno qaab maamul goboleed. Muddo 30 sano ku dhaw ayey dhallin-

yaradu ahaayeen aafada dalka, dadka, duunyada iyo diinta lagu wax yeelleeyo, sidoo kalena is la dhallinyarada ayaa ahaa kuwa ugu badan (90%) ee ku waxyeelloobay dagaalladii sokeeye, ee ay fuliyaha uun ka ahaayeen, ee aysan wax talo iyo turxaan bixin ah ku lahayn, halka lagu duulayo, cidda lagu duulayo, sababta loogu duulayo iyo xilli duulayo. Maahan macnahaygu maxaa talada dagaalka loogu dariwaayay, ee macnahaygu waxaa weeyaan, in dhallintu la sife ahaayeen xoolo dhankii la doono loo kexeeyo, is la markaana aysan lahayn wax HAN & mustaqbal ah ee kaliya waxay ku qalnaayeen go’aanka uu gaaro danaystaha ayaga ku adeegta ee danihiisa ugu bislaysta sida xaabada cuntada loogu bislaysto. Daneysteyaashaas waxaa ka mid ah: Hoggaamiye kooxeedyadii beelaysnaa ee dalka soomaray iyo Urur diimeedyada dhowrka ah ee hadda dalkeena ka jira;

dhiirro awooddaada EEBBE ku siiyay, waayo, ka xoroobiddaada xero baastaas ayaa ummadda soomaaliyeed u ah xasil iyo naruuro xagga EEBBE kaga timid, marka loo eego qaybta iyo doorka aad ka ahayd xasildarradii dalka horay uga jirtay (waa haddaad xoroowdide). Bal eeg oo arag sida laguu ka la dhantaalay oo awooddaadii loo ka la dhimay dhallinyarooy, ka dib markii is la adigii cadow laysaga kaa dhigay, si aad qayb lixaad leh kaga noqoto dhibaataynta dhulkaaga hooyo iyo daadinta dhiigga shacabkaaga, ee isugu jira waalid, walaal iyo warasaba. Dhallinyarada dunidaan aannu geeska kaga nool nahay ku nool waxaa ka mid ah ama ku badanba kuwo ka la qoomiyado ah, ka la diimo ah, ka la midabbo ah, ka la afaf ah haddana uu ka dhexeeyo hal dal, hal calan, hal jamhuuriyad iyo hal astaan oo dhammaantood ka wada dhaxaysa.

“ALLEYLEHE annagaa isku ajaran, run haddii la abbaaro”

Waxay kaloo aragti midaysan ka qaataan aayaha iyo mustaqbalka dalkooda dhanka bilcinta iyo dhanka horumarka guudba, ayagoo aan ku ka la qaybsamayn af, midab, qoomiyad iyo mabda’ diimeed toona. Bal cabbir faraqa noo dhexeeya dhallinta sifahaas leh iyo annagoo ah dhallinyarada soomaaliyeed, maxaa kuu soo baxay?. Ma garanayo hal beeg aan ku jimeeyo, si aan u sheego ka la duwanaanshaha noo dhexeeya, balse, waxaan hubaa, inaan aad iyo aad u ka la fognahay, xaddiga ka la fogaanteenuna uu yahay mid ay isaga dhaw yihiin maalinta cad iyo habeen madoow! Waayo, habeenku marmar ayuu leeyahay caddo ‘dayax’ wax lagu arko oo qodax iyo qani-

Dhallinyaro dhawaq kasta oo xun ee dhulka soomaaliyeed ka soo yeera waa mid aan annagu gacmaheenna ku samaynnay, ha noqdo wax na loo diray ama ha noqdo wax annagu aan isu dirnaye. Qorilahaan dhallinyarada ah ee danaystuhu ku shaqaysto, wuxuu khatar ku yahay sharafta dalkiisa, naftiisa iyo nafta kan kale dhiggiisa ah ee danaystaha dhanka kale ka soo jeedaa uu ku adeegto. Wuxuu sidoo kale khatar ku yahay dhammaan ammaanka ummadda gaar ahaan ummadda deegaanka ku la nool. Dhallinyaro ka xoroow xerada jahligu kugu xaraystay kuna

Waa maxay warqadda dheellitirku (balance sheet)? Q2AAD Warqadda dheellitirku waxay muujisaa qiimaha ay shirkaddu markaas joogto. Qiimaha shirkaddu joogto ku ogow isla egtan: Owner’s Equity = Assets – Liabilities. Hantida (assets) iyo warqadda dheellitirka (assets and balance sheet): Hantida ay shirkaddu leedahay waxaa ka mid ah lacagta caddaanka ah iyo agabka ay shirkaaddu leedahay. Sida caadiga ah, hantida marka lagu qorayo warqadda dheellitirka, waxaa loo qeybiyaa laba

qeybood: hantida diyaarka ah (current Hassets) iyo hantida aan diyaarka aheyn (noncurrent assets). 1. Hantida diyaarsan: • Lacagta caddaanka ah: oo iskugu jirta lacagta yaryar ee kaashka ah, tan koontada shirkadda lagu shubay iyo lacag maalgalin ku jirta oo si fudud KAASH loogu bedeli karo. • Deymaha macaamiisha lagu leeyahay (accounts receivable): Waa lacagaha ay shirkaddu ku

leedahay macaamiisheeda, oo la filayo, in ay ku bixiyaan sanad ka yar. • Keydka (Inventory): waxaa noqon kara maaddooyinka ceyriinka iyo adeegga aan la soo saarin, ee howsha lagu wado. • Qarashaadka la hormariyay: waxaa ka mid ah qarashka ceymiska iyo qarashaadka kale ee la filayo, in sanad gudihiisa lagu bixiyo. 2. Hantida aan diyaarsaneyn: • Guryaha: Hantida maguuraanka

inba aad isaga eegi karto. Ma laga yaabaa, in qaarkeen aamminsan yihiin, in jiilkaas ajaanib uu aqoon ama aqli dheer yahay jiilka soomaaliyeed ee aan barbar dhigayno? Anigu ma aamminsani taas adigase yeelkaa, balse, mid baan hubaa, inay na dheer yihiin waana inay heleen barbarian ka caaffimaad qabta EEX, QABYAALAD iyo NACAYB, halka sida caanihii na loo kaga haqab tiray saddexdaas iyo wax ku siyaado ahba, balse loo baahan yahay inaan si aqliga waafaqsan isaga saarno, si aan u noqono kuwa awood u yeesha inay wax ka baddelaan xaaladda dalka.Ma ku la tahay akhriste haddii dhallinyaradaas horumarsan ay noqon lahaayeen kuwo ku sifaysan sifaha dhallinyarada soomaaliyeed, in dalalkoodu ay gaari lahaayeen horumarka maanta laga yaabo inay gaareen? Jawaabtu waa maya, ee annaga ayey naga sii liidan lahaayeen. Haddaba doorka ugu yar hadde waa ugu yar! Ee aad dib u xasilinta dalkaaga kaga qaybqaadan kartaa, waa inaad meel is ka dhigto qoriga aad ummadda ku dhibaataysid (haddiiba aad ka mid tahay qorileyda), haddii aad wax ka sii badan sida inaad wacyigelin samaysid ama aad ka qayb noqotid horumarinta deegaanka aad deggan tahayna, ka ba sii fiican (qorile ahaaw ama ha ahaane). Maanta dhallinta soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa, inay doorweyn ka noqdaan is baddel mug leh oo dib u dejineed oo ka dhaca dalka, taasna waxay ku imaan kartaa marka ay ka fogaadaan dhaqammada xun xun ee danayste dabafadhiga ah ee naftooda iyo mustaqbalkoodaba dhigtay meel mugdi badan.

W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre ah waxaa ka mid noqon kara qalabka, mashiinnada, dhulalka iyo dhismooyinka. Deynta iyo warqadda dheellitirka (liabilities and balance sheet): Liabilities-ku waa deyn lagu leeyahay shirkadda, oo yareeya qiimaha guud ee shirkadda. Waxaa jira laba deymood oo lagu qoro warqadda dheellitirka: Deyn hadda taagan (current liabilities) iyo deyn aan taagneyn (long-term liabilities). 1. Deymaha taagan: waa deymaha lagaa rabo inaad bixiso


QORAALLADA WARGEYSKA

Khamiis 01, disembar 2016

Cadadka 045aad, Sanadka 4aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

DIBINDAABYADA DOORASHADA DADBAN W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed Dalka oo dhan waxaa ka socda soo xulista xubnaha baarlammanka; aqalka sare iyo golaha shacabka. Waxaa lugu tilmaamay doorasho dadnban, dadkii soo hindisay doorashadan dadban waxay ku doodeen, in talada laga ballaariyo tii 2012 dii, sanadkaas oo ay odayaasha dhaqanku ahaayeen kuwa go’aanka ka gaaray xubnihii baarlammaanka soo galay. Siyaasiyiintu waxay is tuseen, in ay muhiim tahay, in odayaasha talada la la qaybsado, oo ay soo xulista xildhibaannada tala ku yeeshaan qaybaha kale ee bulshada. Waxaa lugu taliyay, in halkii qof ee xildhibaan noqonaya ay soo doortaan 51 qofood oo ergo ah, ergadani waxay isugu jiraan dhallinyaro, haween, culimmo, aqoonyahan iyo qaybo kale. 51 ergo waxaa lagu qaybsanayaa hab qabiil, iyada oo ay jufooyinka beeluhu si hoose u sii ka la goosan doonaan. Doorashada dadban maxaa lagu dhaliilay? -2012dii iyo ka horba, oday dhaqameedka beesha ayaa soo xuli jiray qofka xildhibaanka noqonaya, siyaasigii si aad ah u qanciya oday dhaqameedka ayaana ku soo bixi jiray xubinnimda baarlammanka. Doorasha xildhibaanku ma ahayn mid aad u saameysa jilibyda iyo jufooyinka beesha uu xildhaanku ka soo baxayo, illeyn maba la soo dhexdhigi jirin, oo waxay ahayd mid uun ku kooban odayga

beesha hoggaamiya iyo inta ku hareeraysan oo kali ah. -Tan hadda socota waxay uga duwantahay, ergooyinkii wax dooranayay ayaa beelaha la soo dhexdhigay, taasina waxay keentay, in beeluhu ay aad iyo si hoose ugu ka la qaybsamaan, ayna is ku nacaan, oo ay ku ka la tagaan soo xulista ergooyinkii wax dooran lahaa, beelaha iyo jufooyinka qabilladu waxay is ku nacen soo xulisata ergadii wax dooranaysay, tiiyoo aysan gacantoodaba ku jirin, oo uu ugu danbeyn ninka jaga doon ka ahi dad iska soo qoran doono! -Tan ugu daran ayaa ah, in doorashadani uu aad musuq u hareeyay, sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah hay’adaha dowladda, sida HANTI DHOWRKA QARANKA.

sanad gudihiisa sida: • Payables: Waa lacag lagu leeyahay shirkadda, oo horay loogu soo iibiyay alaab ama adeeg ay shirkaddu bixiso shirkadduna ay ballanqaadday, in ay sanad gudihiisa ku bixin doonto. • Kharashaadka aruuray (accrued expenses): waxaa ka mid noqon kara canshuurta dowladda ama mushaarka shaqaalaha ee aan la bixin. • Dakhliga aan la kasban wali (unearned revenue): Waa dakhli laga helay adeeg ama badeeco aan wali la sameyn ama aan la gaarsiin macaamiilkii loogu talo galay. • Amaahashada gaaban (short-term borrowing): Deymaha yaryar ee ay shirkaddu isticmaasho sida credit kaaryada. 2. Deymaha waqtiga dheer (long –term

Sida ay siyaasiyiinta jaga doonka ah iyo dadka doorashada ku lugta lihi u miyir beeleen, damiir iyo dadnimana uga dhimatay waxaad ka garan, in ay boqollaal kun oo dollar ku dhiibayaan si ay ugu guuleystaan jagada ay u ordayaan, iyada oo nasiib darro marka lacagtaas laaluusha ka ah uu xildhibaankaasi bixinayo, dhowr kun oo qof, oo ka mid ah dadkii uu metelayay ay goobta doorashada meel u muuqata ugu dhibaataysanyihiin abaaro, colaado, biyo iyo baad la’aan iyo dagaallo sokeeye. Is weydii sida uu noqon doono xildhibaanka ku soo baxay lacagtaas faraha badan, oo lagana yaabo, in uu qaranka horay uga dhacay? Ma laga yaabaa, in uu wax u qabto dadka uu iyaga oo baahi u dhimanaya, xusiisan waayay, ee

liabilities ): • Waxaa ka mid ah amaahda ay shirkaddu qaadato, si ay u dhisto xafiisyadeeda ama goobaha ay ku howlgali doonto sida; in loo dhiso warshadihii soo saari lahaa adeegga ay iibin doonto. • Deymo kale: sida deymaha ku baxa gaawaarida shirkaddu ku shaqeyn doonto. Xuquuqda Milkiilayaasha iyo warqadda dheellitirka (owner’s equity and balance sheet) Xuquuqda milkiilayaashu waxay meteshaa qiimaha ay milkiilayaashu ku leeyiihiin shirkadda, waxaana lagu koobi karaa seddex qeyb: • Lacagta ay markii hore milkiilayaashu ganacsiga ku maalgaliyeen (capital). • Kaash dheeri ah oo ay milkiilayaashu shirkadda ku maalgaliyeen ka dib maalgelintii hore • Dakhliga aan la qeybsan (retained

uu lacagtaas ku ag baabi’iyay? Sidoo kale, doorashadan dadbani waxay sababtay, in waallida dadku ay gaartay, in la is ku dilo qaar ka mid ah goobaha doorashada, lana xiro qaar ka mid ah oday dhaqameedka beelaha. Arrimo aad u foolxun ayaa ka dhacay gobollada ay doorashada dadbani ka dhacday, dad muwaadiniin ah ayaa naftooda ku waayay, qaar ka mid ah goobaha ay ka socotay doorashada dadbani. Ugu danbeyn, doorashadan dadban waxaa laga faa’iiday: ka la fogaashaha beelaha Soomaaliyeed, musuqii oo la ballaariyay, lana gaarsiiyay dad doorashooyinkii hore ka bed qabay wax is daba marinta iyo goynta naf Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

revenue), sida dakhliga ganacsiga ka soo xarooday, balse, aan wali la qeybsan. SIDA LOO SAMEEYO WARQADDA DHEELITIRKA: Haddii aad dooneyso in aad sameyso warqadda dheellitirka, adiga oo isticmaalayaa “excel” waxaad abuurtaa laba tiir. Tiirka dhanka bidix waxaad ku qortaa hantida shirkadda (assets). Tiirka dhanka midig xigana ku qor deymaha shirkadda lagu leeyahay iyo xuquuqda milkiilayaasha. Is ku darka Xuquuqda milkiilayaasha (owner’s equity)iyo deynta shirkadda lagu leeyahay (liabilities ) waa in ay la sinnaadaan hantida ay shirkaddu leedahay (assets). Sawirka hoose wuxuu muujineysaa sida EXCEL-ka loogu sameeyo warqadda dheellitirka.



Wargeyska Gobollada Dhexe - Disembar 2016