Qiimaha 3000 Sh, So
Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Isniin, 01 agoosto 2016, Cadadka 041aad, Sanadka 4aad
MAXAA CUSUB?
GEN. CAARRE OO MUQDISHO LAGU AASAY | bogga 2aad
Agaasimaha IFTIIN oo kormeeray waxbaridda miyiga Agaasimaha hay’adda hormarinta waxbarashada ee “IFTIIN” mudane Maxamuud Axmad Jaamac “Ilkacase” ayaa kormeeray ololaha la dagaallanka waxbarasho la’aanta reer miyiga, ee deegaanna maamulka Galmudug, inta ay hadda hay’addu ka shaqayso. Agaasimaha kormeerkiisa shaqo, waxaa ku wehliyay gabdho ka mid ah ardada wax ka barta dugsiga sare ee Cumar Alfaaruuq iftiin, oo sanadkan ka qalinjabinayey dugsiga sare..| bogga 3aad.
QORAALLO KALE
Guusha Ganacsiga waa gundhigga fiican bogga 4aad
Xildhibaan Xilkas ah xusha bogga 5aad
2
WARARKA
Cadadka 041aad, Sanadka 4aad
Isniin 01, agoosto 2016
GENERAAL CAARRE OO MUQDISHO LAGU AAASAY Eebbe ha u raxmadee, waxaa 25/07/2016 magaalada Muqdisho lagu xabaalay, oo AAS QARAN loogu sameeyay Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caarre”, oo ka mid ahaa saraakiishii hore, ee ciidamada XOOGGA DALKA, oo 24/07/2016 ugu geeriyooday xanuun in mudda ah hayey is la Muqdisho. Marxuumka waxaa lagu aasay qabuuraha “Sheekh Suufi” ee degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir. Aaskiisa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xigtadiisa, madaxda dowladda, taliyayaal ciidan, saraakiil isugu jira boolis iyo malatari, oo wax badan la soo shaqeeyay Jananka. Sidoo kale, MW Xasan, RW Cumar C/rashiid Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidanka Xoogga, Sarreeye Gaas Maxamad Aadan Axmad ayaa dhammaan umadda ugu tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caarre”. Dhanka kale, haddaan sooyaalkiisa aadka u baaxadda weyn waxyar ka qorno; Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caarre” wuxuu ku dhashay gobolka Mudug, magaaladiisa facaweyn, ee Hobyo, deegaanka gobollada dhexe. Maanta dhul siyaasad ahaan waxay hoostagtaa maamulka “Galmudug” halkaas ayuuna ku dhammeystay
barashada quraanka kariimkaa. General “Caarre” wuxuu dugsiga dhexe ku qaatay magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, halka uu dugsiga sare ku dhammeeyey magaalada Muqdisho. Ka dib markii uu dhammeeyey waxbarashada aasaasiga ah, ayuu magaalada Qaahira u aaday “”Laylis sargaal” Akeedeemiyadda Ciidammada, wxuuna soo laabtay, isaga oo “Xiddigle” ah. Gen.Caarre ayaa Sidoo kale waxa uu ka mid noqday Saraakiil Soomaaliyeed, ee ayaanka u helay inay tababbar ku soo qaataan Akaademiyadda Millateri oo ku taalla dalka Ciraaq, halkaas oo uu ka soo bartay qeybta Taangiga ama Kaaraha.k Ka dib markii uu dalka ku soo laabtay, wxuu qabtay shaqooyin ka la duwan, oo madani iyo ciidan isugu jira. Dhanka kale, wuxuu hoggaaminayey ciidankii qabtay “Kaalaa mardha, Jigjiga iyo Godeey” dagaalkii 77, ee dhexmaray Soomaaliya iyo Xbashida, guul weynna uu ka soo hooyey. Markii dambe wuxuu noqday abbaanduulihii qaybtii 26-aad ee waqooyi. Waxaa markii dambe uu ku xigeen u ahaa, nin uu isagu darajada ciidanka kaga horreeyey kagana sarreeyey, akadeemiyaddana uu uga horreeyey,
waxayna ka mid tahay sababihii burburka dhaliyey, walina laguu sii socdo, ee madax iyo ciidanba saameeyey, gaar ahaan sii lumiyey sharaftii iyo karaamadii xoogga dalka. Ka dib waxaa loo magacaabay Duqa magaalada Hargaysa. Ka gadaal 1981, safaaradda dalka Jiina, ayaa waxaa looga dhigay military attaché. Waxaa wax la la yaabo ahayd, in billowgii 1990kii laga dhigay howlgab, ka dib markii laga soo celiyey Jiina, oo uu ka ahaa military attaché. Si kasta oo ay tahay, Janaraal Caarre wuxuu ahaa nin afgaaban, oo aan cidna ka gabban. Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Caarre, wuxuu ka mid ahaa janannadii ugu sumcadda wanaagsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Magaciisu wuxuu ku dhex xardhan yahay xooggii hore ee dalka, oo ammaan badan iyo amaanana u wada haya. Marxuumka ka ma uusan qaybgalin dagaaladii sokeeye, ee dalka ka dhacay, isagoona ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ah ah ee ka gaabsaday siyaadda dalka. Sidoo kale Gen. Caarre wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ku sugnaa dalka xilligii ka la cararka, waxaana sanadkii 2004 uu aaday dalka Ingiriiska, halkaas oo muddo ku noolaa. Maadaama uu hore uga soo qeybqaatay dhismihii ciidamada
Xoogga dalka Soomaliyeed, ayaa genen Caarre iyo Genan Aftooje dawladdii MW Shariif ka codsatay, in ay ciidanka qabtaan, oo dib u dhis u sameeyaan, balse, Gen. Caarre, waa ka cudurdaaray, isagoo u tilmaamy madax kale oo ciidan ah. Sidoo kale, is la dawladdan ayaa iyana ka codsatay, misana sidii oo kale ayuu uga cudurdaartay. Wuxuu qoray buug uu kaga hadlayo “DAGAALKII 77” oo uu si faahfaahsan uga hadlayo wax walba, oo dagaalkaa ku xeeran kor iyo hoos. Wali buuggaa la ma daabicin, Wuxuu ahaa nin afgaaban, waayihii dambana, wuxuu ahaa nin quraas aqris badan. Qabriga lagu aasay wuxuu gatay 7 sano, oo waliba hore u sii qodnaa. Waxaan Ilaahey uga baryayaa naxariistiisii janno inuu ka waraabiyo, aamiin.
Docolleey degmo loo magacaabay Deegaanka Docolleey, oo 60 KM ku dhawaad waqooyi bari kaga jira degmada Cadaado, ee gobolka Galguduud, ayaa si rasmi ah u noqotay degmo, waxaana munaasabadda ku dhawaaqista iyo xarigjarka xarumaha degmada Docolleey ka qeybgalay wafuud ballaaran, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, mudane Maxamad Xaashi iyo Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo federaalka DFS C/rashiid Xiddig.
Dadweynaha degmada Docolleey, ayaa maamuus sare iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey madaxdii soo booqatay, ee dawladda federaalka iyo Maamulka Galmudug isugu jirtay, waxaana wafdiga ku jiray xildhibaanno federal ah, xildhibaanno Galmudug ah, taliyayaal ciidan, salaadiin, culimo, jaaliyadaha dibahada, iyo marti sharaf kale. Madaxda ayaa xarigga ka jaray xarunta Deg-
mada, saldhigga Booliska, isbitaal iyo iskool, oo dhammaan ay dhisteen dadka deegaanka, oo taageero ka helaya qurbajoogta dibadda, waxaana qorshada dhismayaashan billowdeen billowgii sanadkan 2016. Docolleey ayaa dhammeystirtay shuruudihii laga rabay degmo ay dajiyeen barlamaanka federaalka ah.
Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.
Isniin 01, agoosto 2016
WARARKA
Cadadka 041aad, Sanadka 4aad
100 Joodari oo loogu deeqay Isbitaalka Cadaado
Madax ka tirsan Galmudug oo shil gaari ku geeriyootay Gaalkacyana lagu aasay Shir gaari oo ka dhacay, deegaanka Saddex Higlo, oo u dhow magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday Wasiir dowlihii wasaaradda Maaliyadda Galmudug Axmed Claahi Diiriye iyo wasiir dowlihii wasaaradda dib u dhiska iyo howlaha guud ee Galmudug Aweys Cali Siciid. Sidoo kale, shilka gaari waxaa ku geeriyooday nabaddoon caan ka ahaa koonfurta magaalada Gaalkacyo, Nabaddoon Cabdillaahi Yuusuf, oo ku ku magac dheeraa "Nabadoon Digsi". Dhanka kale, waxaa kale oo ku geeriday askari ka tirsanaa ciidanka Galmudug, oo la yiraa; Xasan Nuur Cali, waxaana meydkooda loo qaaday magaalada Gaalkacyo. Masuuliyiinta geeriyootay ayaa ka socdaalay magaalada Cadaado, balse, gaariga ayaa la rogmaday inta aysan gaarin halkii ay u socdeen.
Allaha u naxariistee, waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu aasay labada wasiir, nabaddoonka iyo ilaalada la socday. Masuuliyiin uu horkacaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo gaaray magaalada Gaalkacyo, ayaa ka qaybgalay aaska loogu sameeyay marxuumiinta.
Ururka haweenka degmada Cadaado, ayaa shalay isbitaalka Guud ee degmada Cadaado 100 joodari, oo ay ugu talagaleen, in lagu jiifiyo bukaannada isbitaalka la keeno, waxayna aheyd kaalmo ku soo aadday xilli loo baahnaa, maxaa yeelay baahi xooggan ayaa loo qabay.
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ayaa qoysaska, ehellada iyo dadka reer Galmudug kaga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumiinta.
Madasha joodarinadan lagu wareejiyey, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee isbitaalka ah mudane Maxamed Cumar Yuusuf, Farxaan Dhoorre, oo ka socday jaaliyadda Galmudug ee Sweden, Muna M. Diirshe, oo iyana ka socotay Jaaliyadda Galmudug ee Kenya, ururka Haweenka iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Deegaanka Saddex Higlo, Maxamed Jaamac Faarax, ayaa waxaa uu sheegay in shilka gaari uu dhacat, ka dib markii uu is iskiis ah uu u qalibmay gaarigu.
Galmudug iyo koobka maamul goboleedyada Xulka kubbadda cagta ee matalayay maamulka Galmudug State ee ka qeebgalay (tartanka isdhexgalka sport dalka) ayaa waxay ka koobnaayeen 22ciyaaryahan 2tababbare iyo 3shaqaale caafimad. Tababbaraha kooxda kubbadda cagta Galmudug, ayaa lagu magacaabaa (Macalnin Maxamad Siciid). Xulka ayaa galay groupka (B) oo ay ku wada jireen koxaha Jubbaland iyo Hiiraan iyo Shabelle. Koobka waxaa lagu qabtay Istaadow Koonis, ee magaalada Muqdisho. In kastoo labadii kulan ee groupyada laga wadabadiyay, haddana, waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed soo jiitay daawadayaal badan. Kulankii hore waxey la ciyaareen kooxda Jubbaland.
Gool ay ku hormareen Galmudug, oo uu u dhaliyay Siciid “Sulub” ayaa sabab u noqday iney hoggaanka u qabtaan ciyaarta, walow 2gool looga dabakeenay, oo laga badiyay. Kulankii xigay waxey la ciyaareen Hiiraan iyo Shabelle, oo ahaa kulan tarabuunka looga istaagay ciyaartoyda Galmudug, oo qaab ciyaareed la la dhacay soo bandhigeen, balse, waqtigii dheeriga ahaa, goolka dhimashada laga dhaliyay, oo ay tartanka isaga hareen. Dadka isboortiga falanqeeya, ayaa waxay tilmaameen, in xulka Galmudug ahaayeen ciyaartooydi ugu asluubta badneed tartankakaas, ooay guushu ku raacday xulka matalayay Putland, oo ka gooldhalis kaga badiyey kooxda Jubbaland.
Agaasimaha Isbitaalka Maxamed, ayaa kaga mahadceliyay hooyooyinka deeqdan soo gaarsiyey isbitaalka, isagoo haweenka ku ammaanay dkaalintooda waxqabad, ee muuqata iyo firfircoonidooda adeeg, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarka isbitaalka iyo deegaanka guud ahaan. Farxaan Dhoorre ayaa isna dhankiisa ururka haweenka ku dhiirragaliyay sadaalka ay wadaan, waxa uuna sheegay, in ay ayagu tusaale u yihiin bulshada inteeda kale. Mudane Dhoore ayaa ka mid ah dadka sida aadka ah u tageera isbitaalka cadaado, waxaana agabkaasi ku wareejisay agaasimaha isbitaalka, mawro Sahro Caddaawe, oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Cadaado.
Agaasimaha IFTIIN oo kormeeray waxbaridda reer miyiga Agaasimaha hay’adda hormarinta waxbarashada ee “IFTIIN” mudane Maxamuud Axmad Jaamac “Ilkacase” ayaa kormeeray ololaha la dagaallanka waxbarasho la’aanta reer miyiga, ee deegaanna maamulka Galmudug, inta ay hadda hay’addu ka shaqayso. Agaasimaha kormeerkiisa shaqo, waxaa ku wehliyay gabdho ka mid ah ardada wax ka barta dugsiga sare ee Cumar Alfaaruuq iftiin, oo sanadkan ka qalinjabinayey dugsiga sare. Ololaha wax qoris iyo aqris la’aanta reer miyiga ee ay hay’adda “IFTIIN” gu’ kasta qabato xilliga uu xirmo sanad dugsiyeedka waxbarashada, ee la aadayao fasaxyada dugsiyad, ayaa sanadkan waxaa nasiib u yeeshay in laga fuliyo Xanja Barde. Dadka ololahan ka faa’iideysanaya ayaa waxay isugu jira dhallinyaro iyo waayeel. Hay’adda “IFTIIN” ololahan u xilsaartay
3
deegaan walba, labo dhallinyaro oo ka qalinjabiyay iskoollada “IFTIIN”. Agaasimaha “IFTIIN” ayaa markuu booqday xarumaha waxbarasho, wuxuu ku dhiirragaliyay, in ay waxbarashada sii wadaan, is la mrkaana ay “IFTIIN” ka taageeridoonto dhanka macallimiinta iyo agabka waxbarasho sida; buugta, jeestada, qalimaanta, iwm. Agaasimaha ayaa sidoo kale dhiirragaliyay dhallinta ololaha fulinaya. Dhanka kale, gabdhaha agaasimaha kormeerka ku wehliyay, ayaa iyaguna ku dhiirragaliyay dhallinta iyo odoyaasha ka faa’iidaysanaya ololahan, in ay gabadhaha waxbaraan oo ay magaalka u diraan si ay wax u soo bartaan. “IFTIIN” ayaa sanad waliba qabata ololaha nuucaan ah, kaas oo ay ugu magacdartay
ololaha la dagaalanka waxbarasho la’aanta reer miyiga, waxaana sanad waliba fuliya ardayda wax kabarta iskoollada “IFTIIN”
4
QORAALLADA WARGEYSKA
Cadadka 041aad, Sanadka 4aad
Isniin 01, agoosto 2016
GUUSHA GANACSIGU WAA GUNDHIGGA FIICAN W/Q: Cabdirashiid Maxamed Cabdi | alrashiidm@gmail.com
Billaabidda ganacsi miradhalo waa waxyabaha ugu adag, ee Aadmigu ku dhiirrado. waa fikrad dhalikarto ganacsi guuleysto, oo lacag badan laga helo ama mid qasaaro, oo cashar lagu qaato. Mar walba waxa loo bahan yahay qofka ganacsadaha, inow dadaal dheeraada geeliyo ganacsigiisa. Dadaalkasi maaha kaliya mid maskaxeed, ee waxa sii dheer waqtigiisa iyo lacagtisa. Haddaba maxa la gudboon qofka ku dhiirranaaya inow ganacsigiisu guulgaaro?; - Sameey daraasad xagga suuqa ah, isna waydii; maxay dadku u bahan yahiin? Maxa suuqa ka maqan? Ma ku soo kordhin karta waxa ka maqan? Su’aalahas oo dhan jawaabtooda waa inaad heshaa, ka hor inta aadan billaabin ganacsigaada. - Daraasaadda markey dhammaato waxaa ku xiga saameynta qorshe ganacsiyeed. Qorshe ganacsi waa qariirad kuu fududeyneysa wadiiqoyinkaad u mari laheed ganacsigaada. Sameynta qorshe tifaf tiran waxow kaa caawin karaa ganacsi mirodhalo. - Goobta ganacsiga aad ka furaneyso muhuimmad wayn ayay xambaarsan tahay. Tusaale ahaan haddii aad ka furtid dukaan lagu iibiyo kaafee ga meel aan dadku isugu imaan, sida xaafadaha dhexdooda, waxaad
halis ugu jirtaa, inaadba waydo qof wax kaa iibsado. Goobta ganacsi waa inay kuu lahaata mudnaanta kowaad tan labaad iyo tan saddexaadbo. - Waa muhiim inaad fahamtaa halista iyo helitanka faa’iido, adigoo is barbar dhig ku sameynaya hadba midda badan. Haddii Helitaanka faa’iidada badan tahay, waa ku dhaqaaqee billaabidda ganacsiga, waadna u bareere halis walba. - Waa inaad ka fakartaa qaabkaad lacag ku heli laheyd. Wax walba waxa fure u ah qarash lagu ka la wado ganacsiga, qarashkaas waxow kaaga imaan karaa ilo ka la duwan sida; reerkaada, asxaabtaada, bangiyada iyo malgashadayaal kaloo dibaddaa. - Muujinta dulqaad dheeriya; wax walba oo la abuura muddo ayay qataan, inay cagahooda is ku taagaan. Maahmaah baa leh; samaraa sad helo! Taaso micnaheedu yahay qofkii dulqaad badan muujiyaa ayaa ka miragurta. - Baro macaamiishaada; barashada macamiilkaada waxay ku fududdeyneysaa inaad ogaatid baahidiisa gaarka ah, is la markaana aad ku dhaqaaqdid qaabkaad u haqab tiri laheed baahidiisa adeeg. - Noqo qof hal abuur leh, wax ka badalka baahida dadka ku xeeran gaanacsigaada iyo ku
soo kordhinta wax walbay nawilayaan. Qabaab badan ayaa suuqa lagu galaa sida; ganacsi hora u jiray oo wax ka dhimmana aad ku soo kordhisid, ganacsi cusub oon jirin oo adigu abuurtid iyo waliba mid horey u jiray oo aad wax ka badashid. Wax yaabahaas kor ku xusan waxay muhiimad weyn u leeyihiin ama caawin karaan qof walba oo jecel inow billaabo ganacsi miradhila. Qodobbadan kor ku xusan kaliya waxay soo koobayaan qodobbo badan oo kaa caawinaya socodsiinta iyo ka guul gaaridda ganacasigaada. Maahmaah shiinays ah ayaa leh “haddaadan qosli karin ha furan dukaan” oo micnaheedu yahay, haddii aadan macaamishaada qancin karin oo aaadan u furfurneyn qancintooda, dukaan aad furataa meel ma gaarayo. Tusaale aahan labo dukaan ayaa waxay ku yaallaan magaalo aad u yar, oo aan dad badneyn, labada dukaan ayaa ka la iibiya labo qof; mid waxow ku dadaala inoow dadka dukaanka hareerihisa maraya soo jiito, qalbi furnaanna ku soo dhaweeyo, halka mid kale uusan muujin waji furnaan iyo soo dhaweyn. Bal qiyaasa labadaas dukanle midka ka gun gaari kara ganacsigiisa. Qurxinta, sharaxidda iyo nadaaf-
HORUMARKA DUNIDU KA SAMEYSAY CAAFIMAADKA
adda gobtaada ganacsi, waxay ka qeybqaadata soo jiidashada macmiilka. Wax badan kugu kici mayso, inaad tab bartid shaqalahaada ka hawlgala goobtaada ganacsi, inaadan tababar siniin ayaa waxay kugu kaceeysa burburka ganacsigaada. Shaqalaaha safka hore fadhiyaa oo qanacsan waxay la mid tahay macmiilkada oo qanacsan kuna faraxsan inow marar badan ku soo laabto. Adduunkan casirgan cusub waxa maanta tartan loogu jiraa kasbashada macaamiil badan oo ku qanacsan inay mar walba wax ka iibsadaan goobtaada ganacsi. Way dhib badan tahay sida loo helo macaamiil, waxase ka sii dhib badan sida loo ceshto macamiil. Ganacsiga maanta jiraa waxow ka fursad badan yahay ganacsigii jiray 10 sano ka hor, xiliyadaas waxay shirkaduhu malaayiin ku bixin jireen suuqgeynta alaabaha agnacsi, maanta waxad ganacsigaada ku suuqgeyn kartaa baraha bulshada ku kulanto, adigoon qarash badan bixin. Baraha bulshada ayaa waxay noqdeen meelaha ugu badan ee maanta loogu isticmaal badan yahay. shirkad/ganacsi walba waxow xusulduub ugu jiraa sidow ugu iib/baahin lahaa adeegga iyo agabyada ay iibiyaan.
Caafimaadka
W/Q: Khadra Caddow Ururka Qaramada Midoobay waxa uu shaaciyay qorshaha kunka sano oo ay saxiixeen 191 waddan ee ka tirsan ururkaas sanadkii 2000, waxa eyna hohgaamiyasha caalamku go’aamiyeen iney la dagaallami doonaan saboolnimada, gaajada, dudurrada, jahliga, nabaad guurka deegaanka iyo midabtakoorka haweenka, si loo gaaro hadafyada sanadka 2015. Sanaddadan dambe dad badan ayaa u le’day cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, sida cudurrada wadnaha, macaanka, cancerka. Waxa halmar faafay cudurro sababay dhimasho aad u badan sida cudurrada Ebola iyo Zika virus. Dhinaca caafimadka horumar aad u weyn ayey ku tillaabsatay dunidu, waddammada qaar waxa ey gaaren bartilmaameedkoodi, halka kuwa kale ey dib u dhaceen. Xitaa waddammada sameeyay isbadalka yarkaa, waa kuwa ey haleeleen cudurro, dhaqaalxumo iyo dagaallo. Waxaa ka mid ah horumarkas laga gaaray dhanka caafimadka:
1- Inta u dhaxeysay 1990-2013 waxaa hoos u dhacay xaddiga carruurta ey heyso nafaqaxumada ayadoo kasoo dhacday 28% noqotayna 17%, oo sii gaartay 16% sanadkii 2015. 2- Waxaa is badal weyn laga sameeyay badbaadinta carruurta, oo ka mid ah guulaha ugu sarreeya ee laga gaaray horumarka caafimaad, ee caalamka. 25tii sano ee ugu dambeysay dhimashada carruurta ka yar 5 sano waxa hoos loo dhigay 49% (ayadoo ka soo dhacday 90 dhimasho 1000ki cunug sanadkii 1990 ilaa ey gaartay 46 dhimasho sanaddii 2013), Waddammo badan ayaa meelsare gaarsiiyay daboolidda tallaallada sida; tallaalka Jadeecada, waxa qaatay 84% carruurta adduunka ee da’doodu u dhaxeyso 12-23 bilood, dhimashada cudurka jadeecada waxaa hoos loo dhigay 78%. 3- Dhimashada hooyooyinka hoos ayey u dhacday guud ahaan dunida 45%, walow 89 waddan ee ka mid ah kuwa ugu badnaa
dhimasada hooyooyinka sanadkii 1990, 13 ka mid ah waddammadaasi eysan sameyn wax isbadal ah ayaga oo sare u qaaday kaliya 2% sanadihii 1990-2013. Tirada haweenka ah ee u dhimanaya dhibaatooyinka la xariira uurka iyo dhalmada hoos ayaa loo dhigay 45% (ayada oo ka soo dhacday 523000 oo dhimasho sanaddii 1990 ilaa ey gaartay 2890000 sanadkii 2013). Saamiga haweenka helay xannaanada xilliga uurka ugu yaraan halmar waxa ey ahaayeen 84% sanadihi 2007-2014, sidoo kale kaliya 64% haweenka ayaa helay xannaanadi loo baahna ee ah booqashada dhaqtarka afar mar xilliga uurka. Ayadoo meel sare laga gaaray in haweenka xilliga dhalmada ey helaan qof ku taqasusay dhalmada waddammada badankood, kaliya waxaa hela adeeggaas 51% haweenka qaaradda Africa iyo waddammada soo koraya. 4- Sanadkii 2013 qiyaastii 2.1 milyan oo qof
QORAALLADA WARGEYSKA
Isniin 01, agoosto 2016
Cadadka 041aad, Sanadka 4aad
5
DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)
Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com
XILDHIBAAN XILKAS AH XUSHA
W/Q: :Cabdulqaadir Cali Axmed | abdulkadiralieco@gmail.com Xildhibaanku wuxuu matelaa shacabka. Adduunyada iyo dowladaha qaynuunku ka shaqeeyo, qofka baarlammaanka gelaya waa la soo doortaa, wuxuuna ku shaqeeyaa rabitaanka dadkii soo xushay. Sida laga garanayo erayga XILDHIBAAN, waa qof ay jagadu dhibeyso, oo aan xil iyo xoola doon ahayn. Soomaaliya xaalku saas ma ahan, oo dadku qabashada xilka siyaasadeed waa u xusul duubayaan, iyaga oo weliba maal raadis ah. Waxaan maalmahan aad loo hadal hayaa, in xildhibaanno cusub la soo xulo, si ay gundhig ugu noqdaan dowladda soo socota. Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa aad ugu mashaquulsan arrintan. Olole xoog leh ayaa laga dareemayaa dhammaan magaalooyinka dalka. Sanadkan waxaa cusub, in ay suurtagal tahay, in xubnaha baarlammanka qayb ka mid ah lugu soo doorto caasimadaha maamul
goboleedyada, sidoo kale, dadka dooranaya ma ahan, odayaal dhaqameed oo kali ah, ee waxaa jira qaybo kale, oo ku lug yeelan doona xulidda baarlammanka, sida: dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka. Gobollada dhexe, waxay ka mid yihiin, meelaha ugu saameynta badan siyaasadda dalka. Waa deegaan laga wada helayo, inta badan beelaha Soomaaliyeed, sidaas darteed, waxaa loo badinayaa, in uu loollan xoog lihi ka dhici doono halkaa. Odayaasha iyo dhammaan inta ku lug leh xulista xildhibaanka, waxaa habboon, in ay aad uga fiirsadaan qofka ay xilka u dhiibayaan. Gobollada dhexe oo ah deegaan aad u dib dhacay, waxay u baahanyihiin dad waddaniyiin ah, lehna xirfad, aqoon waay aragnimo, dulqaad, karti, dedaal, xog ogaalnimo iyo dhowrsanaan.
Odayaasha iyo inta la shaqeysa, ee ku howllan arrintan ha ogaadaan, in maanta ay taladu gacantooda ku jirto. Masiir ummad dhan ayaa la idinku aamminay, ee meel fiican u jeheeya. Ha dooran nin xoola ku siiyay, ee xulo qof wax qaban kara, lehna damiir iyo dadnimo, kii maanta aad laaluush ku doorato ogow, in uu berri adiga kugu xadgudbi doono, inta aan qof, qolo, qabiil iyo qaran la gaarin. U fiirso, kuwii shalay dhacay adoo ah, oday shaqameed ama ugaas, aad u sedburisay, ee markii ay xilkii heleen kuu diiday aqooqsiga ugaasnimada, dhaqan iyo odaynimo, ee kaa hor istaagay, in aad ahaato oday sharfan oo bulshadu qiimayso. Ugaas waa eray muujinaya darajo, sharaf dhexdhexaadnimo iyo garsoor, inta aad dadka u dhexeyso aadna danahooda ka shaqeynayso ayaad ugaasow haybad iyo qiimo ballaaran leedahay ee ogow.
Kan la soo xulay, sidii uu doonaba ha ku yimaadee, waa in uu u hoggaansamaa, qaynuunka iyo sharciga uu ku dhaartay, uuna ka koraa aragtida gaaban, ee ku saleysan hanti raadiska iyo wax is dabamarinta. “Xushmad baa lagaa doonayaa hadaad XILDHIBAAN tahaye Xeerkood Ilaalisaa Habboon iyo Xumaha oo diido” Heestii kooxda “Qeylodhaan”. Anna waxaan iri: • Laaluush nin xaabsaday, xildhibaan ma noqon karo • Nin xildoonayaahina, xildhibaan ma noqon karo • Nin xisaab ku soo baxay, xildhibaan ma noqon karo • Nimeey kooxi xulatana, xildhibaan ma noqon karo • Nin aan xeerka dhowrayn, xildhibaan ma noqon karo • Nin xigtaysi doonaya, xildhibaan ma noqon karo
ayuu haleelay cudurka HIV- taas oo hoos u dhacday marka loo fiiriyo 3.4 milyan ow cudurku ku dhacay sanadkii 2001. Dhammaadkii 2013, 12.9 milyan oo qof ayaa helay daawada kaalmaatiga ah ee cudurkan ee ART( Antiretrovirval Therapy). 5- Guud ahaan xaaladaha cudurka mallaaryada (duumada) hoos ayey u dhacday -ayadoo aheyd 227 milyan oo qof sanadkii 2001 waxaa eyna gaartay 198 milyan dhammaadkii 2013. Walow uu cudurku sababay dhimashada 584000 qof. Qaaradda Africa ayaa ah meesha uu sida aadka ah uga jiro eyna ka dhacday dhimashada 90%. Taas oo micnahedu yahay in hoos loo riday cudurkaan duumada 47% sanadkii 2013. dadaallo dheeraad ah oo la sameeyayna waxaa lagu guuleestay, in hoos u dhaca la gaarsiiyo 57% sanadkii 2015. Cudurka Qaaxada (TB) waxa uu haleelay 9 milyan oo qof, waxaa la hakiyay faafitaankiisa 41%, waxaana hoos loo dhigay dhimashada uu sababo cudurkaanu 45% guud ahaan dunida. Cudurka Juudaanka waxaa laga ciribtiray 119 waddan oo ka mid ah 122 waddan oo uu cudurku ka jiray.
Halkaan ku xayaysiiso ganacsigaaga, ogeysiisyadaada, codsiyadaada iyo wixii kale oo aad jeclaan laheyd. Nagala soo xariir: w.g.dhexe@gmail.com
Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe