Building NGO/CBO Capacity through Managing and Developing Human Resources - Part 1

Page 51

DHISIDA AWOODDA NGO/CBO MAARAYNTA IYO HORUMARINTA KHAYRAADKA LACAGEED NOOCYADA KHARASHYADA JOOGTADA AH Adeegyada shaqaalaha- waxa ka mid noqon kara mushaharka, gunada ama xaqa, bedidda kharashka safar iyo xuquuqo kale oo la siiyey saraakiisha ama qof shaqaale kale ka mida. Xuquqda waxa kale oo ka mida biirada ay shaqaaluhu ku darsadaan kaydka hawl gabnimada, caymiska caafimaadka, fasaxa bukaanka, mushaharka ugu danbeeya ama xuquuq kale oo la mida. isgaadhsiinta, gaadiidka, xayeysiiska, daabacaadda, caymiska, adeegyada biyaha iyo laydhku, dayactirka iyo hagaajinta, kirooyinka, iyo shaygii kale ee ay cid uun kharash ku ah hadduu yahay qof ama shirkad , ama haya’ad adeeg bixinaysa. Raasamaalka hawl lagu fulinayo- oo ah iibsashada lagu yeelan karo hanti ama lagu kordhin karo hanti ma-guurta ah oo hore ay u soo iibsato NGO/CBO, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan qalab ama mishiino, Computar, miisas iyo kuraasi, dhul, daaro, hagaajinta waxa aan ahayn daaro oo kale, iyo dibu-dhis ama hagaajintooda oo lagu gaadhay shuruudo qandaraas. Ururada intooda badani waxay go’aansadaan xaddigga ugu yar ee ay iibsan karaan, si ay u sugaan inuu shaygu yahay mid raasamaal isrogaya ama uu yahay qalab. Tusaale ahaan, urur baa iibsashada miis qiimihiisu yahay $400 u aqoonsada inuu miisaniyad ahaan ka mid yahay qaybta alaabta iyo agabka; NGO/CBO kalena waxay u aqoonsadaan inuu ka mid yahay qaybta raasamaalka hantida kobcisa ee miisaniyada. ODOROSKA KHARASHYADA Barnaamij kastaa waa inuu buuxiyaa foom la mid ah foom ‘D’-codsigaMiisaaniyad barnaamij iyo foomka E- oo ah foomka shaqaalaha barnaamijka. Foomka codsiga miisaniyadda barnaamijku, tiirarkiisa (columns) 3aad, 4aad, 5aad waa tirooyin taariikheed iyo qiyaaso kuwaas oo muujiya xogta aad ku salaysan karto go’aaminta xaddigga codsigaaga miisaaniyadda sanadka. Sadexda tiir (column) ee u dambeeyaa waxa ku muujisan xadiyada ay u baahan tahay miisaaniyada sanadku. Codsiga wadarta miisaaniyad waxa loo kala qaybiyey laba tiir (column): Miisaaniyada adeegyada dhamaanaya, iyo isbedelka adeegyada. Miisaaniyada adeegyada dhamaanaya waxay ka kooban tahay xaddiga doolarka ee ugu yar ee dabooli kara kharashka adeegyada ama hawlgaladda lagu wadi karo heerka ay hadda ku socdaan.Xaddiyada tiirkan (column) waa inay ka mid noqdaan adeegyada shaqaalaha, agabka iyo alaabada, adeegyo kale iyo kharashiyaadka, raasamaalka hantida kobciya, iyo kharashyada kale ee daruuri u ah hawl galka barnaamijka iyadoo la raacayo miisaaniyadda sanadka oo aan waxba lagu kordhin hawlaha ama adeegyada la qoondeeyey. Tirooyinkani badiba waxay xaddi ahaan ku dhow yihiin kuwii sanadihii ka horeeyey. Isbedeladu waxay tilmaamaan sicir barar, korodh mushahar, sicir beddel, ama tirada dadka oo korodhay. Shaqaale iyo qalab dheeraad ah oon ahayn beddel qalab, looma codsan karo tiirka miisaaniyada adeegyo dhamaanaya. Codsiyada lacagta ee ku saabsan korodhin ama dhimid hawlaha ama adeegyada loogu talo galay ama adeegyo la curinayo waa in lagu muujiyaa tiirka (column) “beddelada adeegyada.” Tusaale ahaan: Maktabada wareegta oo cusub oo u baahan baabuur, buuggaag, qof baabuurka wada, iyo kharash hawlgal oo siyaado ah waxa lagu diiwaangelinayaa tiirka (column) beddeladda adeegyada, iyadoo la hoos keenayo qaybaha ta ugu haboon. Tiirka (column) “Miisaaniyadda sanadka” waxay koobtaa wadarta tiirarka “miisaaniyada adeegyada dhamaanaya” iyo tiirarka “Beddelada adeegyada.” Waxay muujisaa oo keliya miisaaniyada sanadka ee barnaamijkaas. Codsiga miisaaniyadda barnaamij waa in ay la socdaan foomam taageera, kuwaas oo kaaba, caddeeyana tirooyinka ku qoran foomka miisaaniyada kooba. Si aanu kaaga siino tusaale cad codsiyada kharash geliddu ay u ekaan karaan, marka laga dheehdo miisaaniyada ku talo galka ah ee sanadka soo socda, 50


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.