Jamhuuriyada Somaliland | Republic of Somaliland
Waa Tuma Guddoomiyeku-xigeenka Cusub ee Hay’adda Shaqaaluhu?
Aamina Xuseen Maxamuud waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Hargaysa Somaliland
W
axa ay haysataa waxbarashada heerka koowaad oo Xisaabaad ah iyo heerka labaad oo ah Maamulka iyo Ganacsiga, Jaamacadda Abaarso ee magaalada Hargaysa. Hore waxa ay ula shaqaysay machadka (IPRT: Institute of Practical Research and
44
OCTOBER 2021 – MARCH 2022
Training) iyada oo ahayd tababare iyo la taliye dhanka maamulka ah. Waxa kale oo ay maamulka iyo xisaabaadka iyo cashuuraha kala shaqaysay waaxda cashuuraha beriga ee Somaliland. Bilawgii 2021, Aamina waxa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyada oo masuul
ka ahayd iskuxidhka dejinta shuruucda wasaaradda halka waaxaha kalena ay qaabilsanaayeen fulinta. Hadda, Aamina waxa uu madaxweynaha JSL u magacaabay guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.