Jamhuuriyada Somaliland | Republic of Somaliland
Barnaamijka Maaraynta Hibada
B
arnaamijka maaraynta hibada waa barnaamij aad ugu muhiim ah hirgelinta qorshaha dib u habaynta ee Hay’adda shaqaalaha. Barnaamijkan waxaa loo diyaariyay qaab ka caawinaya Hay’adda isla markaasna fursad siinaya in laga warhayo oo laga faa’ideeyo awoodda iyo khibradda shaqsi ee shaqaalaha kuwaas oo ah mishiinka dib u habaynta. •
Guulaha laga gaadhay barnaamijka maaraynta hibada saddexdii bilood ee u danbeeyay waxaa ka mid ah
•
Qayb laxaadle ayay ka qaadatay qorshaha dib u habaynta ee Hay’adda
•
Waxa la hirgeliyay nidaam toos ah oo shaqaalaysiineed kaas oo ku salaysan baahiyaha xarumaha dawladda iyo hibada shaqo doonayaasha.
•
•
• 40
Waxa la shaqaalaysiiyay dufcaddii labaad ee TMP 20 taas oo la siiyay tababar halka shaqaalihii cusbaa ee maaraynta hibadana lala wadaagay shuruucda iyo siyaasaddaha shaqo ee xarumaha dalwadda. Waxa tababar loo qabtay agaasimayaasha waaxyaha cudduda shaqaalaha ee xarumaha dawladda kuwaas oo lagu tababary shaqaalaysiinta, waxqabadka iyo xeerka anshaxa Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Waxa qorshaha qiimaynta waxqabadka loo OCTOBER 2021 – MARCH 2022
qaybiyay xarumaha dawladda si ay u soo buuxiyaan loona mariyo anshaxa Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Machadka shaqaalaha. •
Abaal marinta waxqabadka ayaa la qabtay waxaana la abaal mariyay shaqaalihii ugu waxqabadka fiicnaa.
•
Waxaa la dhammeeyay hababka dabagalka iyo qiimaynta waxaana lala wadaagay dhamaan waaxyaha Hay’adda
•
Waxa la horumariyay mawaadiicdii cilmi baadhiseed ee sannadkii 2020
•
Waxaa la saxay xogta shaqaalaha ee ku jirta kaydka
Guud ahaan, maaraynta hibadu waxa ay isbeddel taban ku keentay shaqada Hay’adda iyo waxqabadkeedaba. Maaraynta hibadu waxa ay sii wadi doontaa dhiirigelinta ikhtiraacyada iyo afkaarta cusub iyada oo lagu hagayo nidaamka iskaashiga iyo islaxisaabtanka si loo gaadho maxsuul wax ku ool ah. Ugu danbayn, maaraynta hibadu waxa ay ku soo kordhisay isbeddelo muhiim ah oo la taaban karo waxqabadka waaxyaha iyo guud ahaan hay’adaha.