Jamhuuriyada Somaliland | Republic of Somaliland
Nidaamyada Anshax-marinta ee Shaqaalaha Dawladda
X
akamaynta anshax-marinta shaqaalaha dawladda waa mid ka mid ah hawlaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda sida ku cad qodobka (52-aad) ee xeerka cusub ee Shaqaalaha Dawladda ee lambarkiisu yahay 97/2022 Shaqaalaha dawladda waxaa laga filayaa in ay dhawraan daacadnimada iyo ilaalinta sharafta xafiiska loo magacaabay. Haddaba waxaa lama huraan ah in qof kasta oo shaqaale dawladeed ahi u hoggaansamo xeerarka hab-dhaqanka iyo anshaxa ee uu xeerku dhigayo. Iyadoo la adeegsanayo awoodaha xakamaynta anshaxmarinta, Guddigu waxay ka feejigan yihiin mabaadi’da aasaasiga ah ee caddaaladda dabiiciga ah. Waa in aan si fiican u tixgelinnaa in anshaxmarinta adeegga aan laga eegin oo keliya dhinaca ciqaabta shaqaalaha ama ka-hortagga shaqaalaha kale inay ku kacaan anshax-xumo la mid ah, balse sidoo kale, waa qaab carbineed oo lagu horumarinayo dabeecadaha shaqaalaha. Ujeedada ugu weyn ee anshax-marintu waa in la abuuro shaqaale dhiiran isla markaasna u heellan oo ilaalinaya shaqo wanaagga bixinta adeegga ay u hayaan bulshada. Habka ugu fudud ee lagu ilaalin karo carbinta waa in xoogga la saaro iscarbinta, taas oo ah go’aanka inagu hoggaamin kara filashada. Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waa Hay’ad dastuuri ah oo u xilsaaran haggaajinta iyo maamulka shaqaalaha dawladda ee loo soo magacaabo xilalka kala duwan ee dawladda. Si sida ugu ugu habboon loogu fuliyo, Hay’addu waxa ay horumarisay siyaasadda maalumka carbinta taas oo uu ansixiyay madaweynuhu bishii Ogos, 2019 si loogu dabaqo nidaamka kiisaska carbinta shaqaalaha dawladda. Buug-yaraha siyaasaddu ma beddelayo xeerarka shaqaalaha rayidka ah ee ay sameeysay Hay’addu ama sharci kasta oo uu sameeyo Baarlamaanku, balse waxa looga danleeyahay In uu hago guddiyada carbinta ee Wasaaradaha, Waaxyaha iyo 34
OCTOBER 2021 – MARCH 2022
Hay’addaha Dawladda. Haddaba waxaa guddiyada laga rabaa inay akhriyaan buug-yarahan oo ay la socdaan dukumentiyadan:a. Dastuurka Somaliland b. Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah c. Siyaasadaha Maamulka, Xeerarka iyo Hababka Shaqaalaha Dawladda d. Xeerka Anshax-marinta e. Xeerka Ciqaabta f. General circulars issued by the Government from time to time. g. Wareegtooyinka joogtada ah ee ay Dawladdu kolba soo saarto h. Iyo wixii kale ee la xidhiidha Adeeg dadweyne
Baaxadda Buug-yarahani waxa uu bixinayaa hab-raac guud iyo qalab ay u isticmaali karaan, Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladdu si loo maareeyo dhammaan kiisaska carbinta ee ka dhanka ah shaqaalaha rayidka ah.