Issuu on Google+

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  1


2 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


CONTENTS EDITOR Hassan Ahmed

SUB EDITOR

Abdifatah Ismail Abdikadir Barawani Abdirahim (Bidaar) Hamse Osman (Leeb) Issa Yuusuf Cirro

GRAPHIC DESIGN Musawi Abdalah

MANAGER & MARKETTING

Mohamed Abdi

UK MANAGER Hodan Ahmed

KENYA STAFF Abdirashid

4.Maxaad kaogtay waxqabadka dawlada hoose ee Hargeysa? 6.Macaanka Iimaanka ( QAYBTII 3 AAD ) 8.Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube (Qaybtii 1aad) 12.HAWAAWI 14.Doorka Shirkadda Casriga Ah Ee SOMTEL Iyo Adeegyada Bulshada 16Quraanka iyo Cilmiga Uur-jiifka (Embryology). (Qaybtii 1aad) 18. Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha (Qaybtii 3aad) 20.Sideed wakhtigaaga U maamuli kartaa? 22.Doorka caanaha naasku ay ka qaataan caafimaadka iyo koriinka ilmaha . 24.Doorka website ku kaga jiro ganacsiga maanta 26. Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda Afka 28.Suuban (Sheeko) 30.Ciyaartoyga Muslimiinta Ah Ee Ka Ciyaara Dacaladda Dunidda.

TELL:+252 2 4116969 +252 2 4157038. TELL:00447956022045 (UK)LONDON E-mail:galool.mz@gmail.com E-mail:info@galoolmagazine.com Web : www.galoolmagazine.com   February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  3


Maxaad ka ogtay Waxqabadka Dawlada Hoose Ee Hargeysa?

K

adib doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Somaliland 2003 oo ahayd doorashadii ugu horeysay ee ay dadwaynaha reer Somaliland kusoo doorteen xildhibaano si toos ah u matalaya bulshada. Waxa magaalada Hargeysa loo doortay 25 xildhibaan oo doorashadoodii kadib Gudoomiye iyo G/Ku xigeen u doortay eng: Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo noqday mayarkii iyo ku mayar xigeenkii ugu muddada dheeraa ee soo mara caasimada Somaliland ee Hargeysa . Si taasi la mid ahna noqday mayarkii iyo mayar ku xigeenkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara magaalada Hargeysa ,kuwaas oo isbedel la taaban karo ka sameeyay dhinacyada kala duwan ee baahiyaha Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa Sidaa darteeda ayaa Dawlada hoose ee Hargeysa waxa ka socda mashaariic horumarineed oo aad u tiro badan isla markaana qoraal kooban aan lagu soo koobi Karin,hadaba wargeyska Galool Magazine waxa uu cadadkan si kooban idiinku soo tabin doonaa qaar ka mid ah mashaariicdii u qabsoomay dawlada hoose ee Hargeysa . • Dhisidda Waddooyin cusub • Dhismaha Buundooyin • Dhismaha kawaan cusub • Dib u dajinta qaxoontigii

deganaa xarumaha dawlada iyo Guryo u samaynta qaysaska danyarta ah • Fayo dhawrka caasimada • Dhismaha MCH iyo saldhigyo boolis oo cusub • Dhismaha sariibado cusub • Dib u dhis lagu sameeyay saylada xoolaha ee Hargeysa Dhismaha cusub ee Golaha deegaan iyo Dib u Dhis lagu sameeyay xarumaha , Gacan libaax , 26june iyo Koodbuur . Degmooyinka caasimada Wadooyinka magaalada Hargeysa ee hore u dhisnaa dhamaantood waxa lagu Dhisidda Wadooyin cusub sameeyay dib u dhis iyo dahaadh cusub oo la saaray qaarkood. Waxa jira waddooyin cusub oo la dhamaystiray oo laga fuliyay dhammaan Degmooyinka magaalada Hargeysa kuwaas oo kala ah D/26 JUUN • Waddada bariga idaacada oo dib loo dhisay dhamaanteed • Waddada Cabbaaye • Waddada if iyo aakhiro • Waddada Masjidu nuur • Waddada samaale D/G.LIBAAX Waddada sheekh madar Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa Waddada maamuus mudooyinkii u danbeeyay horumar la taaWaddada milgo ban karo ka samaysay dhinaca wadooyWaddada uur cade inka oo magaalada Hargeysa ay ku soo Waddada lug iyo lacag biireen in ka badan afar iyo afartan wado Waddada shiraaqle ( 44 roads ) oo ka kala tirsan dhamaan D/KOODBUUR shanta waaxood ee ay ka koobantahay Waddada gabiiley caasimada Somaalialnd ee Hargeysa oo Waddada muuse biixi kala ah Axmed Dhagax, Maxamud Haybe Waddada total fual station

4 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


Waddada ina xarbi Waddada dhinac marta sariibada koodbuur D/M.HAYBE +M/MOOGE Wadada air port ka Jarato dhinacayada star Sadex wado oo m.mooge ah D/A/DHAGAX Waddada star kasoo bilaabmata illaa October Waddada October illaa siinay Waddada siinay illaa ina naxar Waddada nacnac Waddada ilma sigistiin Waddada ka bilaabanta jaamacada ilaa bridge ka

wayn ka qaatay fayo dhawrka xoolaha lagu qalo magaalada Hargeysa. Dib u dajinta qaxoontigii deganaa xarumaha dawlada iyo Guryo u samaynta qaysaska danyarta ah Waxa ay dawlada hoose ee Hargeysi ku guulaysatay in ay dib u dejin u samayso dadkii muwaadiniinta ahaa ka soo noqday xeryahii qaxoontiyada ee wadamada jaarka aynu nahay sida Ethiopia iyo Djibouti oo aynu ka xusi karno xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa .sidoo kale waxa qaar ka mid ah degmooyinka caasimada Hargeysa laga fuliyay dhismayaal guryo cusub oo gaadhaya 400 oo guri oo ay ku wareejisay dad danyar ah.

Buunddooyinka laga hirgaliyay degmooyinka Fayo dhawrka caasimada Magaalada Hargeysa oo ah magaalo ay Golaha deegaanka ee casimada Hargaysa inteeda badan ku hareeraysan yihiin waxa ay ku guulaysteen in ay wax wayn buuro waawayn isla markaana ay dhex- ka badalaan faya dhawrka caasimada deeda maraan Dooxyo badan oo ka dha- iyaga oo u xil saaray fayadhawrka caasishay biyaha ka soo shalwada buuraha mada labada shirkadood ee ka shaqeeya ku hareeraysan magaalada ,biyahaas oo nadaafada iyo bilicda caasimada oo kala dhibaato wayn ku keena isku socodka bul- ah dhis iyo sabo wanaag . shada xilliga roobka,sidaasi darteed ayaa waxa ay dawlada hoose ku guulaysatay Dhismaha MCH yada iyo saldhigyo inay ka dhisto buundooyin qaar badan boolis oo cusub oo ka mid ah dooxyadaas sida A/Dhagax oo laga hirgaliyay labo buundo Sidoo kale waxa ay dawlada hoose ee M/Mooge oo laga dhisay hal buundo hargeysa u suurto gashay inay dhisto G/Libaax labo buundo MCHyo iyo Saldhigyo boolis oo laga M/Haybe hal buundo hirgaliyay degmooyinka qaarkood sida Iyo qaar kale oo badan oo anaan halkan degmada A/Dhagax oo laga hirgaliyay kusoo koobi karayn MCH iyo Degmada 26 June oo laga dhisay saldhig boolis oo cusub iyo M/Haybe oo Dhismaha kawwaan cusub laga hirgaliyay MCH. Waxa magaalada Hargeysa markii ugu horaysay ay dawlada hoose ee magaalada Hargeysa iyo shirkada Maandeeq u soorta gashay inay ka hirgaliyaan kawwaan cusub oo casri ah, kawwaankaas oo qayb

Dhismaha sariibado cusub Waxa dawlada hoose ee magaalada Hargeysa hirgalisay sariibado tiro badan si culayska looga yareeyo suuqyada waawayn ee caasimada sariibadahaas oo kala ah Sariibadda ina naxar Sariibadda koodbuur Sariibadda daami Sariibadda idaacada Sariibadda M/Mooge Sariibadda kilalka Sariibadda cabdi iidaan Sariibadda inji Saylada xoolaha Hargeysa oo dib u dhis lagu sameeyay • Hadh loo dhisay dadka ku ganacsansada Saylada iyo Xoolaha • Dayr lagu wareejiyay dhamaan wareega dheer ee Saylada oo lagu dhamastiray • Goobo loo dhisay rarida xoolaha (Raamam) • Barkado biyood oo laga hirgaliyay saylada xoolaha Hargeysa • Dhismaha Xafiis kala maamulaha hawlaha saylada Dhismaha cusub ee golaha deegaan iyo Dib u Dhis lagu sameeyay xarumaha degmooyinka caasimada Waxa dawlada hoose ee Hargeysa u suurta gashay inay dhisme cusub u dhisaan golaha deegaanka ee caasimada dhismahaas oo ku fadhiya dhul balaadhan kana kooban dabaq , Waxay sidoo kale dawlada hoose ku guulaysatay dib u dhiska iyo dib u habaynta xarumaha degmooyinka caasimada iyadoo qaarkood xarumo cusub loo dhisay.

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  5


6 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


DIINTA IYO NOLASHA

Macaanka Iimaanka ( QAYBTII 3 AAD ) Qore : Sh/Axmed C/laahi Aadem ( Shacbaan ) . Email: abo-xamza@hotmail.com

A

staamaha lagu garto qofka dhadhansaday Macaaka Iimaanka waxa ka mida : Quraan kariimka ah ayaa qalbigiisa ku wayn , xidhiidh dhaw ayuu la leeyahay kitaab alle akhris ,dhagaysi , dhuuxid iyo ku camal fal isaga oo garawsan in uu yahay khatinkii kutubta samaawiga ah loosoo dhiibay nabigii nabiyada lagusoo khatimay ee loo soo diray umadii lagu soo gabagabeeyay umadaha sababta uu ugu xidhan yahay waa sidan ; Cidda aad jeceshahay hadalkiisana waa aad jeceshay kol haddii aad ilaahay jeceshay ka xiisa gooyn maysid hadalkiisa akhris iyo ku camal falba . Farriinta laguu soo diro waxay qiimo u leedahay kolba qiimaha cidda soo dirtay ay leedahay kol hadaynu qirsanahay in uu yahay hadalkii ilaahay waxaynu uga jeedsannaa ama u dayacnaa waa guul darro . Waa kitaab la galiyay sharafteena iyo karaamadeena adduun iyo aakhiraba sida uu ku yidhi Allaah (sw) suuratu zukhruf aayadda 10 aad ( waxanu idiin soo dajinnay kitaab ay ku jirto sharaftiinu ee miyaydaan garaad lahayn) . Waa kitaab Allaah galiyay caafimaadkeena wadareed ama kali ahaaneed , caafimaad qalbiga oo uu ka daweeyo ( shubuhaadka & shahawaad )waa labada cudur ee qalbiga ku dhaca waa labada shaydaan ku dadaalo in laynaga helo waxanu sii jecel yahay ( shubuhaadka ) oo ah : wax kasta oo shaki & khalkhal galiya caqiidada qofka muslimka ah , hadii uu ku guul darraysto ayuu isku dayaa( shahawaadka) oo ah dunuubta nafteenna laga daba riday . Allaah waxa ku yidhi suuratul yuunus aayada 57aad “dadyahaw waxa idiin yimi waano xaga rabbigiin ah iyo caafimaad qalbiga ah muuminiinta wuxu u yahay hanuun iyo naxariis” . Xaraf kasta oo aad akhrido waxaad ku helaysaa toban ajar ah , imam tarmathi wuxu soo saaray xadiithka uu warinayo C-laahi Ibnu Mascuud ( rdc) in uu yidhi

nabigu ( scw) qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa uu leeyahay toban xasano ,alif laam miim xaraf iskuma ah ee waa sadex xaraf oo u dhigma sodon xasano . Qofka ka jeesta kitaabka Allaah waxa uu leeyahay nolol adag maalinta qiyaamana waxa uu imanaya isaga oo indho la’ intaa kadib waxa uu odhanayaa maxaad ii keentay aniga oo indho la’ sawnigii indho qabay aduunkii , waxa loogu jawaabayaa markii aayadahayagu kuu yimaadeen waadigii illaaway maantana waa sidaas oo abada’ ah . ( suuratu daaha 124-125). Waxa uu rasuulkeenu ilaahay uga cawday sida quraankii looga jeestay ee noloshii wax kale loogu dhistay , dad badani waxa ay quraanka xasuustaan marka cidi ka xanuunsato ama ka dhimato amaba rammadaan soo gasho , way yaryihiin inta leh raatub joogta ah oo aanu marna ka tagin , cidda akhridana waxa ay u akhriyaan in ay ajar ku helaan akhrintiisa uma akhriyaan in ay noloshooda oo dhan ku bineeyaan dushiisa qofka qoyska iyo qarankuba lagama fogaado waxyaala kale lasoo waarito ama hallaga keeno bari ama galbeed . Waxa ka sugnaaday rasuulkeena kariimka ah in uu yidhi : mu’minka quraanka akhriyaa waxa uu ka dhigan yahay ( utruja ) -waa geed midhihiisu isku darsadeen macaan & udgoon- waa iimaanka oo dhadhankii ah & quraanka oo udugii ah , mu’minka aan quraanka akhriyinna waa timir oo kale macaan kaliya oo aan udug lahayn, munaafiqa quraanka akhriyaa waa sida ( riixaanada ) -geed shabbaha dhigriga udgoon buu leeyahay laakin waa qadhaadh - munaafiqa aan quraan akhriyin waa dacar oo kale -qadhaadh & udgoon la’aan ayay isku darsatay- waa iimaan la’aan & quraan la’aan , u fiirso akhristaw sida quraanku munaafiqii u siiyay urta xun !!! Qofka xafidsan kitaabka Alle dadka waa ka horreeyaa adduunka iyo qabriga iyo banka qiyaame iyo jannadaba maxaa caddayn u ah ?

ADDUUNYADA : Marka la tukanayo waxa la jideeyay in uu hor maro oo uu dadka tukiyo ka ugu quraan badan ha yaraado ama ha waynaado sidii u noqday Cuthmaan Ibnu Abil Caas imaamka waftigii reer thaqiif ee rasuulka u yimi isagoo 12 jir ah waxa uu yidhi mara igu filan malahayn markaan sujuudo cawradayda qayb ka mid ah ayaa muuqanaysay markaasa la yidhi imaamka maro haloo iibiyo laba go’ waxaan noqday ilmihii ugu horeeyay ee labo maro xidha . QABRIGA : Haddii laysugu keeno laba iyo wixii ka badan qabri waxa la hor mariyaa ka ugu quraan badan sidii uu yeellay rasuulkeennu (scw) markii uu aasayay mujaahidiintii ku shahiiday dagaalkii uxud ee ay ku hirdameen muslinka iyo gaaladu . BANKA QIYAAME : Waxa ka sugnaaday rasuulka (scw) inuu yidhi : “ka quraanka xariifka ku ah waxa uu la jiraa maalinka qiyaame malaaikta waxyiga qorta ee sharafta leh” maba joogo halka dadku joogaan dhib iyo rafaad midna arki mayo waxaasaa sharaf & karaama ah , ka uu ku adag yahayna wuxu leeyahay laba ajar . JANNADA ; Marka Alle wayne uu amro mu’miniinta inay jannada galaan waxa lagu yidhaahda ka quraanka qaybsan akhri oo darajaadka jannada fuul deegaankaagu waa halka aayadda ugu dambaysaa kaaga dhammaato , bal sawiro akhristaw hadii adiga ama aniga lagu yidhaahdo dhulkaasaa lagu siinayaa tallaabso suradda suuradaha ugu yar akhri sida suurtul kawthar waa innaa acdayn eh halkay kaaga dhamaato ku joogso intaynu gaadhsiin lahay sidaynu u jiid jiidi lahayn maxaad u malayn hadii meesha lagu siinayaa ay tahay jannadii ilaahay uu dhigay wax aan ili waligeed qaban dhagina maqal qalbi bini aadanna aan wali kusoo dhicin . Alle hayna ilaaliyo adduunka oogadiisa iyo uurkiisa iyo aakhiraba .

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  7


SUUGAANTA IYO DHAQANKA

“Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@ hotmail.com, www.dharaaro.com” Cabdillaahi Cabdi Shube

Macallinkii Mederasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii) “Ilaahayoow cadawgeenna, Burjujuc iyo bagagac, Bukur awr ku raftiyo, Quraarad buur lagu tuuriyo, Beed maroodi ku joogiyo, Bisad uu jiidhay tareen iyo, Bilaalahoo kala duuliyo, Bad aleel ku dhacdiyo, Buul dabeyli riddiyo, Buurigoo la afuufay, Ay dabeylina qaadday, Ilaahow baabbah ka yeel, Oo sidaasaan ku baryay,” Ducadii Cabdillaahi Cabdi Shube Hordhac: Magaca Cabdillaahi Cabdi ayaa la odhan jiray, laakiin wuxu ku caano-maalay oo loo wada yaqaannay Shube. Curinta iyo hal-abuurka asaaggii tahan ayuu ka dhaqaaqay oo da’dii la filka ahayd higsi iyo hayaan midna kuma ay gaadhi jirin. Falkinta maansada murti-dhaadhi aan midhihiisa la qawadin ayuu ahaa. Murtida iyo maaddu agtiisa ayay iska yaalyaalleen oo tabtii Timacadde ayuu ahaa kuna dhawaa in uu yidhaahdo: “U-meermeeri maayoo tixaan meel dhow ku ogaa.” Si qurux badan oo fan iyo farshaxannimoba ku dheehan yihiin ayuu maansadiisa u falkin jiray. Hadba seeb ayuu u rogan jiray.

hore wuxu ahaan jiray reer miyi sidii dadkuba xilliyadaa u badnaa, laakiin markii uu Hargeysa soo galay wuxu u digo-rogtay oo uu noqday dhal magaalo. Beryihii ugu horreysay ee uu Hargeysa soo galay wuxu ka shaqayn jiray meel ku taallay halkan fooqa Shirkaddii “Bis” oo ganacsato Hindiyi deggeanaan jireen oo uu u ahaan jiray cunto-kariye, isaga oo la siiyay oo wadan jiray ‘Baaskiil’ uu ku soo adeegan jiray. Sida uu noo sheegay wiilkiisa Aabi, Cabdillaahi Cabdi Shube intii uu halkaa ka shaqaynayay ayay is-barteen xubno ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu beryihii danbe ka mid noqday. Cabdillaahi Cabdi Shube dhowr iyo kontannadii ayuu magaaladan Hargeysa ku guursaday Qamar Bile Cali Liibaan, waxaanay u dhashay toddoba carruur ah oo ay maanta ka nool yihiin: gabadh iyo saddex wiil oo kala ah: Axmed, Aabi, Aadan iyo Xayaat, halka ay ka shafeeceen saddex wiil.

Dad badan ayaa u haystay in ay maansooyinkiisa oo dhami Jacbur ahaayeen, bal se Cabdillaahi Cabdi Shube halka uu ka gaadhay curinta iyo farshaxannimada intaba wuu isku darsan jiray. Wuxu lahaa karti la yaab leh oo uu ku dhowro xarafCabdillaahi Cabdi Shube wuxu ku dha- raaca isaga oo maansadiisa isla markaana shay magaalada Bullo-xaar 1926kii. Isaga ka ilaalinaya laaxinka, taasina waa ta u oo yar ayuu halkaa ka yimid, waxaanu suuro-gelisay in uu Cabdillaahi Cabdi u soo wareegay magaaladan Hargeysa Shube yeesho heeso caadiya oo ay fannaaoo uu ku barbaaray. Markii uu yaraa ee niintu ku luuqeeyaan, sida aanu ka soo 8 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

xigannay Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay taariikhdii iyo curintii aabbihii. Aabi oo keliya iskuma aanu koobin bal se dad badan oo kale ayaanu ka hubinnay oo ay Cabdillaahi Cabdi Shube aqoon fiican isu lahaayeen, heesahaana waxa ka mid ah: 1. Ma la dhuubtay awgaa: Maryan Mursal iyo Xuseen Tarabbi, 2. Dhibtan I haysa hadmaan illaawi: Maxamed saleebaan Tubeec, 3. Dul-qaad: Maxamed Saleebaan iyo Marwo Maxamed, 4. Buur baa kugu gudbane: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle, 5. Hal-xidhaale: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle, 6. Hees ay wada qaadaan: Axmed Muxumed Good (Shinbir) iyo Aamina Cabdillaahi, 7. Astaanta dalka: Seynab Xaaji Cali (Baxsan), marna Habboon Xaaji Cabdillaahi, 8. Cabashiyo caloolyow: Maxamed Saleebaan Tubeec, 9. Ii tali, aniga ii tali: Marwo Maxamed iyo Maxamed Saleebaan, 10. Ma tallaabsan karaayee: Xaliimo Khaliif Cumar (Magool), Riwaayadihiisii waxa ka mid ahaa: 1. Bililigo, 2. Is-dhaafe dhallintiyo dadkii dhalay, 3. Ama Muumina keen, ama maalki I sii, ama aduun baa ii mehersan,


SUUGAANTA IYO DHAQANKA “Maalintii aynu caddaannay, Haddana seebka kale ayuu u rogan jiray Waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay in Kolna aynu casaannay, oo maansooyin Jacbur ah oo aanu xaraf- ay maansayahanka iyo kuhaanka isla xid- Ee ay caynba cayn noqotay, raaca dhowrin bal se laaxinka ka jiro ayuu hiidhiyaan. Haddaad suugaanta Soomaa- Calankeenna la saarayee, lahaa. Xulashada ereyada, doorashada lida dhex qaaddo tusaalayaal faro badan Cirradii igu taallaayee, muuqaallada, sahansiga mowduucyada ayaad soo helaysaa. Nuuraddaa ka caddayd, iyo sidii la yaabka lahayd ee uu ereyada u Culaygaa noqotayee, tixi jiray ayaa siin jirtay ama maansooy- Waxa ka mid aha geeridii naxdinta lahayd Innammadii canbe weeye, inkiisii ka dhigi jirtya fan gaar ah oo aanay ee Maxamed Mooge Liibaan ku timid Dumarkii waa canbaruud, cidina la wadaagi jirin ilaa maantadaa la bishii Juun 4dii 1984kii oo jid-gooyo lagu Ka dib waa isku cun, joogana aanay la wadaagin oo uu isagu dilay taas oo mararka qaarkeed loo nis- Haddii ciidda dhulkiyo, horseed ka ahaa. Foolaadkii fanka Jac- beeyo hees uu qaadi jiray oo Hadraawi Buuraha la isku cajiimo, burka iyo maadda ah ayuu ahaa. lahaa oo tidhaahda: Caawa caawo ka weyn, Dhinac kale marka aad iska taagto Waageedba ii ma caddaanine, curintii iyo hal-abuurkii Cabdillaahi “Waxyeello halkay u taallo, Alla waa cawadayda oo, Cabdi Shube, waxaad ku hafanaysaa Naftayda maxaan ka waanshay, Calan Soomaaliya weeye.” tiraabtii uu xeel-dheerida iyo farshax- Walaalkay nimaan u haystay, annimadaba ku falkin jiray ee aanay jirin Muxuu waddo ii fadhiistay, Mar ay Qamar ka sheekaynaysay Cabdilwax loo dhigaa, isaga oo adeegsan jiray Qof aan wehelkayga mooday, laahi Cabdi Shube iyo hawlihii uu inta aqoontii iyo waayo-aragnimadii hodanka Ka qayb-galay weerarkayga, badan qaban jiray, waxay tidhi: “Cabdilahayd ee uu u lahaa suugaanta iyo dhaqa- Ruux aan la wadaagay oontu, laahi farsamo-yaqaan ayuu ahaa. Kabaha nka Soomaaliyeed. Ku wiirsaday dhiilladayda,” wuu toli jiray, birtana waa uu tumi jiray. Beryo uu xamaam lahaana waa ay jirtay Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu Tusaalayaal kale oo badan ayaynu soo oo uu aad ugu cammirnaa.” ka wareysannay aabbihii, waxa uu noo qaadan karnaa. Waxaan xusuustaa Deelsheegay in uu ahaa nin bulshaawiya oo leydii oo la tiriyay intii ka horreysay hal- Aynu dib ugu noqonno Aabi Cabdillaahi kaftan miidhan ahaa. Wuxu intaa noogu gankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka Cabdi Shube oo soo xusuustay maanso daray in uu had iyo jeer jeclaa in uu xar- ahayd, ayaa waxa ku jirtay maanso uu gaaban oo kale oo la magac-baxday Duco ragoodo oo suudh ku lebbisto. Waxa kale lahaa Cismaan Askari oo tuduc ku jiray oo aabbihii lahaa, waxaanu yidhi: oo uu intaa noo raaciyay in uu ahaa nin uu ahaa: nabadeed aan weligii dagaallamin rabDuco: shadahana aan jeclayn. “Deeblaanu joognaa, Aabi oo aanu ka wareysannay geeridii Duryaa laga warramayaa, “Islaan baa loogu duceeyay, aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu sidii Subulaha dushoodaa, Daaco goor walba joogtiyo, kuhaanka is-tafaafulay oo uu u dhintay Dabku nooga baxayaa,” Wuxu doonayo saarkiyo, sidii uu ku sheegay hees uu lixdannadii Wuxuu diidayo saarku, tiriyay oo Maxamed Saleebaan qaado Marka uu heestaa tirinayo Cismaan oo uu kaga calaacalayay sidii loogu hun- Aadan (Askari), saldhiggii ugu horreeyay Nin baa loogu duceeyay, goobay midnimadii lixdankii. Waa kii ee SNM ee Durya lama furin, Hargeysa Calan dheer dusha saar oo, Cabdillaahi Cabdi Shube heestaa ku lahaa: lagama qixin oo dadkii deggenaa Geed- Dawarsoo ha fadhiisan, “Cabashiyo caloolyow, deeble iskuma urursan markii duqayntii Ciil kaama bi’iyaan, dadnimo-ka-baxa ahayd ee nidaamkii Mid baa loogu duceeyay, Talo cayn wareegtana, bahalka ahaa ee Siyaad Barre bilaabantay. Markuu waagu dillaaco, La iskuma canaanto, Dhinaca kale SNM ma degin Jigjiga oo Dubbe weyn degta saar oo, Cirku nimuu ku soo dumay, waa marka uu leeyahay: “Subulaha dush- Dhagaxuun dil-dillaaci, Cidi kama dul-qaaddo, oodaa, Dabku nooga baxayaa.” Subuluhu Dhulku nimuu la ciirana, waa gunburaha yar yare e xagga Itoobiya Mid baa loogu duceeyay, Laga caawin maayoo, kaaga muuqda marka aad Tog-wajaale Dibbir oo iska seexo, Anna caawa taydii, joogto ama aad xadka ka tallowdaba. Iyaday cuslaysoo, Inan baa loogu duceeyay, Cidna eersan maayee,” Tusaalayaal badan ayaynu soo qaadan Mar habeen dem yidhaahdo, karnaaye aan maanta halkaa kaga hadho. Daaraddiinna ka bood oo, Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube isaga oo Suuqa soo daddawaaf.” hadalkiisii sii wata waxa uu intaa noogu Aynu ku noqonno mowduuceennii la xid- (La soco) daray: “Waxaanu deggenayn dooxa hiidhay noloshii iyo curintii Cabdillaahi qarkiisa meel u dhexeysa Dugsiga Sare Cabdi Shube oo suugaanta Soomaaliyeed ee Faarax Oomaar iyo Beerta Xorriyadda. suulkiisii iyo saxeexiisii oo aan tirmayn Goor habeennimo ah Cabdillaahi oo soo kaga tegay. hoyanayay ayaa ku dhacay ceel dooxa ku Qamar oo ah xaaskii Cabdillaahi Cabdi yaallay, ka dibna wuxu ka jabay dhabarka. Shube oo aanu wax ka weydiinnay murtiMuddo ayuu sii noolaa markii danbena dii odeygeeda, ayaa noo sheegtay heestan nabarkii dhabarka ka gaadhay ayuu u oo uu habeenkii calanka ee 26kii juun dhintay.” tiriyay, waxaanu yidhi:   February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  9


CAAFIMAADKA

Qoorgooye (meningitis)

H

Qalinkii:Dr:Maxamed Muuse -Garaad- oo ka tirsan dhakhaatiirta ku bahawday GARGAAR HOSPITAL

ordhac:waa cudur ka mid ah cudurada fidda ,dad badana waa uu gaadhi karaa oo wuu faafaa. wa cudur badanaa uu keeni karo infegshanku (infection) ama caabuq ku dhaca xuubka ku dahaadhan xangullaha (lepto meningis) ee lafdhabarka iyo maskaxda taas oo u gudubta dareeraha lafdhabarta ku jira (fluid in spinal cord and fluid that surround at the brain ) waa cudur ku dhici kara qof walba,dadka waaweyn iyo caruurtaba waxa uu aad ugu badan yahay caruuurta yar yar gaar ahaan kuwa shanta sano ka yar waxa uu ku badan yahay wadamada soo koraya waa cudur halis galiya nolosha qofka,sababana dhimasho iyo naafo oo qofka uu ku dhacaa uu u dhimana karo naafoobina karo waa cudur si dhib yar looga bogsan karo haddii si degdeg ah loo garto oo degdeg loo daweeyo

Yaa Khatar U Ah Cudurka Qoorgooyaha 1. Ilmaha culayskiisu uu yar yahay marka uu dhasho ee uu ka yaryahay labo kiiloo iyo badh(2.5 killo) (low birth weight)waa uu uga khatar badan yahay inta kale oo dhan yar iyo waynba. 2. Caruurta aan dhamayska ku dhalan ee aan dhamaysan mudadii uurka hooyada alle(sw)uu ugu talo galay in uu ku jiro (preterm child). 3. Hooyda foosha ku raagta ee uu jabo xuubka madheertu ilmaha ay dhashaa wuu uga khatar badan yahay ka kale. 4. Meelaha dadku aadka ugu badan yahay ee laysugu yimaado sida suuqa,basaska,goobaha waxbarashada ,sinimooyada,iwm. caruurta joogta iyaguna khatar ayey ugu jiraan xanuunkan maadaama oo uu ku fidayo xanuunkani qufaca ,hindhisada ,neefta. sababta oo ah xanuunkani waxa uu u fidaa sida hargabka oo kale .

5. Qofka ay jugi madaxa ka gaadhay isna waa u khatar cudurkan(head injury). 6. Qofka nabar caabuq ah ku leh maqaarka (skin infection)isna wuu uga khatar badan yahay qofka kale. MAXAA KEENA CUDURKA QOOR GOOYAHA Waxaa keena 1. Bacteria 2. Virus 3. Parasite 4. Fungal Waxa ugu badan ee sababa waa bakteeriyada (bacteria) waana ka ugu fidida badan. Maxaa lagu garan karaa cudurkan Maadaama oo uu cudurkani yahay cudur fida sababana dhimisho oo qofku kudhacaa ku dhiman karo 48 saacadood gudahood qofku waxa uu yeelanayaa xumad aad u badan oo ka saraysa 38.5co intaa ka dib qofku waxaa uu samaynayaa gariir ama qallal(seizures). Ilma yar hadii uu yahay waxa soo buurnaanaysa nasinta oo ah madaxa badhtankiisa kadibna ilmaha yar indhahiisu waxay noqonayaa qaar meel kaliya eegaya oo aan dhaqdhaqaaq kale lahayn. Sida cudurka magaciisa ka muuqata waxa adkaanaysa qoorta oo aan lasoo leexin karayn intaa kadib waxa wada adkaanayan dhamaan jidhka oo dhan. Waxa cidhiidhi noqonaysa neeftii qofka illaa uu marka danbe qofku uu miyir beelo miyir beelkaas oo ay keenayso bakteeriyada xanaanku. Halka uu waxyeelaayao xanuunkani waxa weeye dareemayaasha ama neerfayaasha maskaxda ayaa uu wax yeelayaa qofkii markaa waxa dhacaysa inuu waayo mararka qaarkood aragtidii,maqalkii Halka lagayaabo in ilmihii yaraa uu wax yeelleeyo dheecaankiisii ku jiray maskaxda kadibna uu madaxu waynaado oo markaa uu qaado cudurkan la yidhaahdo (hydro cephlus) madax waynaan. Waxa markaa la arki karayaa in ilmihii

10 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

uu lumiyo istaagii oo uu kici kari waayo oo qayb jidhkiisa ka mid ahi badkhtido iyo inay wada noofoobaan iyo in ay talan taali u naafoobaan intaba waa la arkaa iyo mid dhinta. Waa cudurkaa keeni kara dhimasho isla markaana keeni kara naafo mudo badan jiri karta isla markaana waa cudur hadii 24 saacadood ee u horeeya la garto loo bilaabo daawo si dhib yar looga bogsan karo. Si degdeg ah oo loo ogaadaa waxa ay keenaysaa si degdeg ah oo looga bogsado, hadii dib uu u dhaco bukaaanku ama hore loo keeni waayo dhakhtarada waxay keenaysaa in uu si degdeg ah u dhinto isla markaan uu u naafoobo oo ay dawaduna waxba ka tari waydo. Markaa xalku waxa uu noqonayaa waa cudur ay wanaagsantahay in markiiba si degdeg ah loo ogaado si markiiba loo daawayn karo Waa cudur ummada oo dhan saamayn kara hadii uu fido oo keeni kara in ay ummada oo dhamai wada qaado cudurkani oo sida kaneecada iyo sida hargabkii oo kale u fidi kara. Waa cudur haddii la arko in uu dad badan ku dhacay loo baahan yahay in dadkaa hore loo daaweeyo lana karan tiimeeyo si aanu u fidin sababta oo ah ayaamo yar gudahood ayuu dad badan ku dili karaa. Ka Hortag Cudurkan Marwalbana daaweyn waxa ka wanaagsan ka hor tagga Markaa ka hortaga cudurkani waxa uu noqonayaa waxa jira oo uu leeyahay cudyrkani talaalka meningitis ka talaalkaasi in la qaataana waa muhiim oo markaa talaal kaasi waxa aad ku shaqayn kartaa ilaa 4 sano. Badanaa marka xajka la tagayo waa lasii qaataa talaalkan waaye cibaadada xajka waxa isugu iminaya dad badan oo kala duwan oo gudanaya xajka waanu ku dhex fidi karaa. Daawaynta Cdudrka Qoorgooyaha Daawayntii waa in la sii qofka qaba cudurka dawo ah (antibiotic)


RECAPITULATION OF PATEINT IN THE HOSPITAL Total admission (excluding new born) 1144 (new borns _781) Quarther Report Total Discharge (including deaths) 1044 Septemper………….Novemper /2011 Total patientslast day of the most 60 Gargaar Multi Speciality Hospital Maroodijeex region Hargeisa Average number of in-patients per day 10 PLEASE FILL ALL ITEMS BEDS BASSINETS Average length of hospital per patient 4 of 12 days Authorized bed 90 86 Referrals’ 0 Actual / implemented 86 86 Referrals from other hospital 10 Percentage of occupancy 77.4% Referral from other health facilities 10 Additional (emergency used during) 92 beds DISCHARGES

HOSPITAL STATISTICAL REPORT

TYPES OF SERVICE

No Of Pts Total No Of Patients day medicine

pay

Outcome Of recovery Recovery improved

Up inproved

transfered

DEATHS

Medicine

200

198

4

0

10

Surgical pediatric

1

1

0

0

0

Surgical Adult

244

244

0

0

0

Gynecology

91

91

0

0

0

DEATHS Total deaths = 10 (under 48 hours from admission = 5, /beyond 48 hours =5) Type of deaths = intra uterine = 35 = maternal = 0 Surgical Soperations

TYPES OF OPERATION

Under 15 yrs male female

Over 15 yrs Male female

Major operation

1

0

69

175

Caesarean section

0

0

0

91

Minor operation (out patient) TOTAL

0

0

33

60

1

0

132

326

total Male

female

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  11


SUUGAANTA IYO DHAQANKA

HAWAAWI Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi (Dheeraad) Email: Dheeraad2@hotmail.com

H

eestani waxa ay ka mid tahay suugaantii ugu horreysey ee uu abwaanku alifo. Waa ay adag tahay in abwaan xasuusto heestii ama gabaygii ugu horreeyey ee uu noloshiisa sameeyo, haddii ay dhacdana waxa laga yaabaa in uu in yar ka xasuusto, haddaba abwaanku waxa ay u tahay tani, mid uga duwan dhammaan suugaantiisa kale oo dhan, waxaannu yidhaahdaa “ Waa hooyadii suugaanteyda” Heestani waxa ay ka mid ahayd, heesihii uu tartanka ku galay dugsiga sare ee Gacan libaax ee uu abwaanku dhigan jiray. Sidoo kale waxa ay ahayd heestii uu kaalinta koowaad ku galay dugsiga Gacan libaax tartan suugaaneedkii la qabtay sannadkii 1985-kii. Heestani waxa ay ka mid ahayd kuwii caan baxay ee ay dadku aadka u hadal hayn jireen xilliyaddii ay socotay, waxaanay ku reebtey dadkii ama ardaydii wakhtigaa halheysyo badan oo aan duugoobin iyaga oo ula baxay magaca ah “Hay huruufin”

Haween waa lugooyoo Ma hantaan geyaankood Haydaar kama xishoodaan Adiguna haweeyaay Axdigii haleysoo Ka hadaaftay wacadkii Hurdo seexan waayoo Ma hadhsado dharaartii

Adigaan ku haybshaa Hay huruufin weligaa Hayna hiifin gacalooy Haye nabad walaaleey Hooyadii ku dihatiyo Haween waa hantiyo maadh Ha hilmaamin maandhow Dhanka kale halyeeyoow Goor-maan heshiinoo Haasaawe meel dhigey? Naf hawaawi booddaay Hurdo seexan weydaye Kuma hiifin waligey Haaraana kuma odhan Haddii aan hafriin jirin Onkod bay habseeyoo Hogol baa i jiidhoo Hanqadh baan ku toosee Nafta haabashiyo ciil Holloshaa u gaaroo Hadimaa ku gaadhee Hohoy! Halaq qarsooniyo Dumar waa huq iyo ciil Rabbi noo haweeyee Hay huruufin weligaa Hayna hiifin gacalooy Haye nabad walaaleey Naf jacayl haleelaa Hibashadu ku badantee Hiil iyo miyaan hoo Kuu hidin karaa maya? Haweenkaa calaacala

12 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Hal adeyg rag weeyee Ha hiqleyn sidii dumar La hulleel hammuuntii Kuma hiifin waligey Haaraana kuma odhan Haddii aan hafriin jirin Onkod bay hadheeyoo Hilaac baa I jiidhoo Hanqadh baan ku toosee Hogoshii jacaylkaan Soo haabo idhiyoo Haftey mawjaddiisii Halbawlaha wadnaha iyo Halistaad ka lulataa Holin waayey socodkii Hay huruufin weligaa Hayna hiifin gacalooy Haye nabad walaaleey Waayeel hadraan nacay Dadka ruux halaanhalay Waa laga haboonaa Hogoshaa jacaylkee Kugu hoortey keligaa Xagayaga ma ay helin Sidii hoota nuugii Hawd sare ku lumi jirey Armada kala halawdaa Kuma hiifin waligey Haaraana kuma odhan Haddii aan hafriin jirin


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  13


TECHNOLOGY

Doorka Shirkadda Casriga Ah Ee SOMTEL Iyo Adeegyada Bulshada

H

Qalinkii Abdi Nasser Awad Mouse (DONYO) CELL phone: 252 79000488 Position: public Relation manager E-mail awaddonyo@Gmail.com

ordhac Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL waxay ka mid tahay shirkadaha ka farcama Dahabshiil Group waxayna cagaha isku taagtey sannadkii 2010kii bishii Mars taas oo ka dhigaysa muddadii ay shirkaddu jirtey Labo Sanno . Runtii, marka laga hadlayo taabbagalnimada shirkada isgaadhsiineed, muddadani waxay u muuqataa mid aad u yar. Waa xaqiiq in aanay suurtogal ahayn in aan qoraalkan keliya ku soo koobo waxqabadkii shirkaddan intii ay jirtey. Sidaa daraadeed, waxaan isku deyayaa in aan taabto qaybo ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee SOMTEL u qabato macaamiisheeda iyo dhammaanba bulshaweynta ku dhaqan Somaliland iyo bulshada ku hadasha afka hooyo ee Soomaaliga. Adeegyadda SOMTEL Shirkadda SOMTEL waxay ku caanbaxday adeeg wireless-ka / (xadhigla’) casri ah oo ay tayadiisu aad u sarrayso iyo weliba qiime aad u hooseeya oo ay ku bixiso adeegyadeeda kala duwan. Qiimaha iyo tayada adeegyada shirkaddu bixisaa waxay ku sifoobeen kuwo la mahadiyey sumcad iyo kalsoonina u soo jiidey shirkadda iyo dhammaanba ummadda ku hadasha afka Soomaaliga meel kasta oo ay ka joogaan daafaha dunida. Waxaan tusaalaha ugu horreeya u soo qaadanayaa qiimaha adeegga telephonnada oo ah mid aad macquul u ah una saamaxaya dhammaanba dabaqadaha kala geddisan ee bulshada in ay ka haqab beelaan adeegga laga helo aaladda telephonnada haddii ay ahaan lahaayeen dhinaca hadalka; farriimaha kala duwan sida SMS and MMS; GPRS/EDGE modem barnaamijka ila-soo-hadal( VoIP) ee lagu ladhay telephoonka gacanta iyo weliba adeegga maqal iyo muuqaalka 3G video call oo shirkaddu (SOMTEL)noqotay shirkaddii ugu horreysey ee keentay

mandaqadda siiba Somaliland. Waxaa xusid mudan adeegga casriga ah ee Internet-ka, iyada oo ay shirkaddu SOMTEL ku caanbaxday Internet uu xawaarihiisu aad u sarreeyo unaMyriad Pro dhigma kan laga helo waddamada hore u maray ee ay ka mid yihiin Yoruba iyo America. Waxaan isna la hilmaami karin aaladda loo yaqaanno EDGE Modem-ka ee lagu walwaasho/qaato Internet-ka guura (wireless flash-ka)oo ay shirkadda SOMTEL markii ugu horraysey keentay kana hirgeliseyWadanka . Muran kama taagna in SOMTEL ku faani karto hoggaanka adeeggan Internet-ka oo waaayahan dambe noqday mid aan looga maarmi karin nololmaalmeedka banubasharka. Waxaa kale oo adeegyada SOMTEL kamid ah adeega Family Network service oo ah adeeg isku xidhayaa Qoys-ka iyo shaqaalaha adeegan oo ah adeeg isku xidhaaya koox (Group) si ay u wada xidhiidhaan adeega Family Network service ay shirkaddu ugu talagashay macaamiisheeda sida Koox wada shaqeysa,ama Qoys, adeegyadda Kale ee shirkaddu u soo kor dhisay macaamiisheeda waxaa ka mid ah adeega international Roaming oo loo yaqaan DALMAR SERVICE adeegan oo kuu suuragalinaaya in SIMcard-ka SOMTEL adigoo aan saarin aad ku mushaaxaysid in kabadan 200 oo dawladood Doorka SOMTEL iyo Baahiyaha Bulshada Dhinaca tabantaabinta adeegyada bulshada iyo taakulada joogtada ah ee ay shirkaddu (SOMTEL) ka geysato ayaa isna noqonaya mid aan marnaba la illooobi karin. Haddii aan waxyar ka taabto adeegyada bulshada ee ay shirkaddu ku bixisey hantida aan yarayn, waxaa ka mid ah waddooyinka; cusbitaallada; dhallinyarada iyo ciyaaraha; taakulayanta dadka baahan iyo carruurta agoomaha ah; ogaanshaha iyo u-gargaarka dhallaanka yaryar ee ku dacdarraysan derbiyada magaalooyinka kuwaas

14 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

oo loo yaqaanno ‘Derbijiifka’; (street children) gargaarka abaaraha; taakulaynta masaajiddada iyo malcaamadaha quraanka; dhiirrigelinta iyo taakulaynta ardayda dhigata marxaladaha kala duwan ee waxbarashada hadii ay noqon lahayd mid hoose/dhexe, mid sare iyo heer jaamadeedba. Waxaa intaas dheer keenista iyo soo-bandhigista barnaamijkii laga dabadhacay ee KAS-MAAL show program kaas oo ah mid laga dhaxlayo faa’iidooyin badan siiba kobcinta aqoonta bulshada ee dhinacyada, cilmiga diiniga ah iyo kan maaddiga ahba; aqoon-dhaqameed iyo weliba mid taariikheed, IWM. Waxaad kaloo la socotaan wacdaraha shirkadda ee dhinaca adeegga Internetka iyo sida ay u noqotay shirkaddii ugu horraysey ee suurtagelisey in TV yada u baahin karaan barnaamijyada si toos ah (live coverage ) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis. Xusuuso baahintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011iyo labadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennada xafiiska qurbajoogga Somaliland ( Somaliland Diaspora agency ) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kii dood-cilmiyeedkii lagu qabtay jaamadda Hargeysa isla sannadkii 2011. Aan kuugu sii daro dhacdada iminka ka socota garoonka ciyaaraha/kubadda cagta ALAMZEY stadium ee ku yaalla magaalada Burco iyo sida layaabka leh ee ay shirkaddu SOMTEL u muujisey awooddeeda dhinaca technology-ga casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinaya geeddisocodka ciyaaraha gobollada Somaliland. Warmurtiyeedkan oo Ka soo Baxay Xafiiska xadhiidhka dadweynaha ee shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL kuna saxeexanyahay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  15


QUR’AANKA IYO SAYNISKA

C

Qur’aanka iyo Cilmiga Uur-jiifka(Embryology). ((Qaybtii 1aad)) Qalinkii :saciid maxamuud gahayr (hargeysaawi)

ilmiga uurjiifku “Embryology” waxa uu ka mid yahay Culuumta Sayniska ah ee ay aqoonta aadamuhu dhawaanahan wax ka ogaatay. Kadib markii la ikhtiraacay waynaysooyinka casriga ah iyo qalabyada kale ee lagu sameeyo cilmi-baadhisyada sayniska ah. Quraanka kariimka ahina uu ka warramay muddo aad u fog ka hor. Xubno ka tirsan hay´ada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska ayaa la kulmay mid ka mid ah saynisyahannada dunida ugu caansan ee looga dambeeyo cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka bani aadamka (anatomy) iyo cilmiga barashada uurjiifka (embryology), oo magaciisana la yidhaahdo Professor Keith Moore. Professor Moore waxa uu qoray buugga uu magaciisu yahay “The developing human”. Professor Moore waxa uu cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka iyo cilmiga barashada unugyada ka dhigaa jaamacada Toronto, oo uu ka ahaa hormood ku xigeenka waaxda sayniska aasaasiga ah oo ka tirsan qaybta culuumta caafimaadka. Muddo siddeed sano ahna waxa uu ahaa guddoomiyaha waaxda barashada qaabdhismeedka jidhka. Professor Moore waxa uu hore uga soo shaqeeyay jaamacada Winnipeg muddo dhan 11 sanno. Sidoo kale waxa uu guddoomiye u noqday ururo badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan aqoonyahannada ku takhasusay barashada qaabdhismeedka jidhka iyo golaha ay ku midoobeen aqoonyahannada ku xeel dheer cilmiga barashada noolaha (biology). Professor Moore waxa uu sidoo kale xubin ka noqday ururada ay ka mid yihiin: 1. Royal medical association of Canada 2. The union of American anatomists 3. The union of north and south American anatomists

abaalmarintii u sarraysay ee waligeed laga bixiyo Kanada (Canada) ee qaybta la xidhiidha cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka oo ah “ J C B Grant Award”. Abaalmarintan waxa guddoonsiiyay ururka ay ku midoobeen dadka yaqaana cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka (anatomists). Moore waxa uu daabacay buugaag badan oo ku saabsan “Clinical anatomy” iyo “Barashada uurjiifka ( Embryology)”. Siddeed ka mid ah buugaagtaas waxa loo adeegsadaa tixraac ahaan marka la joogo iskuulada caafimaadka, waxaana loo turjumay lix luqadood. Buugga uu magaciisu yahay “The developing human” ee uu qoray Professor Keith Moore waxa loo turjumay siddeed luqadood oo ay ka mid yihiin afka Ruuskha, Shiinaha, Jabaanka, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo luqada Yuguslaafiya, buuggani waa buug caalamka ugu baahay si xoog badan oo ay akhriyaan qaar ka mid ah saynisyahanada adduunka ugu caansani. Buuggan waxa loo isticmaalaa tixraaca shaqada sayniska. Guddi gaar ah oo Maraykanka joogta ayaana buuggan u dooratay in uu yahay buugga ugu wanaagsanaa ee uu mawduucan ka qoro qoraa kali ahi. Professor Moore waxa la kulmay xubno ka tirsan hay´ada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska, waxaanay xubnahaasi u dhiibeen aayado badan iyo axaadiistii nabiga( naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) oo la xidhiidha takhasuska Professor Moore ee cilmiga barashada uurjiifka (Embryology). Professor Moore waxa qanciyay daliiladii caddaanka ahaa ee ku jiray aayadahaas quraanka ah iyo axaadiistaas, kadiba xubnihii ka socday hay´ada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiiska ayaa waydiiyay Moore su’aal ah “ waxa aad ku sheegtay buugaaga in waqtiyadii dhexe aan laga samayn wax horumar ah cilmiga barashada uurjiifka, oo aqoon yar uun laga haystay cilmiga barashada uurjiifka xil1984-kii, Moore waxa uu helay ligaas, waqtigaasna quraanka ayaa lagu 16 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

soo dajinayay Nabi Maxamed, nabiguna waxa uu dadka ku hagayay waxyiga Alle, quraankana waxa laga helaa sharraxaad badan oo ku saabsan abuurka dadka iyo marxaladaha kala gadisan ee koritaanka bani aadamka, adiguna waxa aad tahay saynisyahan caan ka ah dunida, ee maxaad caddaalad u samayn wayday oo aad runtan ugu xusi wayday buugaaga ?”. Professor Moore waxa uu ku jawaabay “Idinka ayaa daliilkaa haya, ee anigu ma hayo, ee maxaad idinku daliilkaas noogu keeni waydeen ?”. Kadibna waxa ay xubnihii ka socday hay´ada icjaaska cilmiga quraanka iyo xadiisku siiyeen Professor Moore caddaymo. Daabacaaddii saddexaad ee buugga “ The developing human”, waxa uu Professor Moore ku daray qoraalo, isaga oo ka hadlaya xilliyadii dhexe waxa uu Moore buuggiisa ku qoray “ Koritaankii saynisku waxa uu ahaa mid gaabis ah intii lagu gudo jiray xilliyadii dhexe, qodobo sare oo yar oo ku saabsan baadhitaanka cilmiga barashada uurjiifka oo xilligaas la qaaday ayuun baynu hadda ognahay, qodobadaasina waxa ay ku jiraan quraanka oo ah buugga (Kitaabka) barakaysan ee ay rumaysan yihiin dadka muslimiinta ahi, qodobadaasina waa in bani aadamka laga abuuro dhiiqyo (secretions) isku jir (mixture) ah, oo ka yimaada labka iyo dhadiga, dhawr tixraac ayaa loo sameeyay ka abuuritaanka bani aadamka ee dhibicda manida ah, sidoo kale waxa la soo jeediyay in noolaha abuurmayaa uu dago haweenka dhexdooda sidii siidh ama iniinyo oo kale”. Quraanku waxa uu sidoo kale caddaynayaa in dhibicda manida ahi ay isu badasho xinjir dhiig ah (ilmaha la beeray iyo dhiciskubana waxa ay u ekaadaan xinjir dhiig ah), tixraac ayaa sidoo kale loo sameeyay in Ilmuhu u egyahay lulumaha muuqaal ahaan, uurjiifka waxa sidoo kale la yidhaahdaa waxa uu u egyahay “goosan ama hudhmo walax ah oo la calaaliyay”. (La soco)


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  17


DHAQAALAHA

Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha (Qaybtii 3aad) Sidaad u fikirayso laguma taajiro Qalinkii : Ahmed M.Abdi

D

haqaaleyahanadu waxa ay ka dhigtay dad badan oo Maraykan ahi badan oo aduunka ku yaala, marka heeray ka siman yihiin qaniinay dareemaan qaniimado laakiin dari- arka qiimaha saamiyada kor u kacaana, imadu in ay ku timaado in iqani waxa uu noqday dariiq lagu raadi- waxa ay ku khasabtaa macaamiishu in aad kordhisid oo waliba nayo hanti khayaali ah oo aan meeshaba ay badi dakhligooda kaydsadaan (savkobcisid wax soosaarka jirin. khaladkii ugu horeeyay ee la galay ing), kharashkoodana yareeyaan (spend(productivity growth), labo waxa uu ahaa dhamaadkii 1990 markii ing), Shiinaha waa lagu eedayn karaa waxsoosaar mid uun ka ha noqdee la rumaystay in saamiyadu yihiin dariiq inuu qayb ka yahay qaniimahan dhalanhorumarinta Technologiyada (Techlagu taajiro, khaladka labaad ee maanta teedka ah ee wadamada hore u maray nological Advances) ama waxsoosaar taaganina waxa weeye in la rumaysto in dawakhiyay, sababta oo ah bangiyada dhamaystiran oo ku dhisan waxdhoolahaanshaha guryaha qiimohoodu aad u shiinuhu waxa ay isku taxaluujiyeen sidii fin kaafiyi karana ganacsiga aduunka, sareeyaan ay kordhinayso qaniimadaha ay gacanta ugu dhigi lahaayeen suuqyada hadaba dhaqaalahan dhamayska tiran dadwaynaha (wealth). caalamka si horumarka dhaqaalohoodu ee Shiinuhu waxa uu abuuray qaniimad Mar marka qaarkood qiimaha saami- ugu fido dunidan maanta la ciirciiraysa dhab ah oo waliba xor ah. yada oo kor loo qaadaa waxa ay leedahay burburka dhaqaalaha, shiinuhu waxa uu Ma odhan karno qaniimadaha waxa faa’iido aad u badan mustaqbalka, suuqy- soo saarayay badeecooyin aad u raqiis kaliya oo soo saara suuqyada maaliyadaha ada maaliyadaha lagu gataana (stock ah kuwaas oo caawinayay in hoos loo lagu gato (stock market) ama gadashada market) waxa ay barwaaqoobaan oo laga dhigo sixir bararka iyo qiimaha dulsaaguryaha oo si xawliya u dhaqaaqda.sana- helaa hanti rasmiya marka loo adeegsado rka (interest rate). dihii u danbeeyay dad badan oo aduunka farsamooyin waxsoosaar (productivity) Tani waxay daaha ka rogaysaa dariiqyada ku nooli waxay heleen dariiq sahlan oo oo ay faa’iido ku jirto, hadaba hadii aad faraha badan ee shiinuhu ku doonayo in ay ku raadiyaan hanti buuran kaas oo loo buun buuniyo qiimaha saamiyada dhaqaalihiisan sida dhakhsaha badan u noqday in ay qiimaha raasamaalkooda waxa lagu noqon doonaa xasaradihii korayaa ugu balaadhan lahaa aduunyada kor u qaadaan si ay u helaan lacag tiro dhaqaale ee dhacay sagaashameeyadii. inteeda kale marka laga eego xaga fursabadan, halkii goobaha shaqada ka aadi Hadaba korodhka qiimaha guryuhu daha shaqada, korodhka qiimaha saliida lahaayeen ama ay ka xaadir lahaayeen, uma taagna inay kordhiyaan dhamaan iyo sixir bararka, midawga 1.3 bilyanka taas oo dhaqaale yahanka Capital Eco- qaniimadaha wadanka sida ay udhanyi- dadwaynaha shiinuhu waxay ahmiyad nomics, Roger Bootle uu ku tilmaamay hiin, shirkadihii guryaha dhisayay waxa wayn u leedahay dhaqaalaha aduunka dariiqan mid gabi ahaanba faa’iido lahayn. ay guryohoodii galiyeen suuqyada lagu sidii dhacday qarnigii 14th yurub wixii Dhamaadkii 1990 waxa si xawli ah ugu gato si looga iibiyo dadka guryaha aan loogu yeedhi jiray “black death” laakiin soo butaacay suuqyada dunida qiimaha lahayn kuwaas oo ka rajaynayay inay tani saamaynta ay leedahay waxa saamiyada guryaha kaas oo faa’iidooyin mustaqbalka iibsan doonaan, si kastaba weeye “black death” waxa ay galaafatay balaadhan u keenay saamilaydii guryaha ha ahaatee dariiqan dhalanteedka ah ee sadex meelood marka loo qaybiyo meel Maraykanka oo gaadhay $7trillion afar lagu raadinayo hanti cusub oo aan meelna dadwaynihii barigaa yurub ku noolaa, sanadood gudohood, kaas oo u dhigan- loo soo marin ayaa sababtay dhamaan mushaharooyinkiina waa ay kordheen, tay laba sanadood gudohood dakhligii ay dadkii guryaha ku noolaa (households) faa’iidadii laga helayay maalgashiguna heleen dhamaan shaqaalaha maraykanku, inay waxyar kaydsadaan (save), waxyarna hoos ayay u dhacday, geesta kale isdiyaga oo waliba qoladaa saamiyada ku isticmaalaan (spend), in badanna soo hexgalka dadwaynaha shiinuhu waxa shaqaysataa aanay la iman wax juhdiya amaahdaan (borrow). ay hoos u dhigaysaa mushaharooyinka ama xarakaad shoqo ah. Marka taariikhda dib loogu noqdo saami- dadka xirfadoodu hoosaysay iyo qiimaha Taas oo sababtay in afartii sanadood ee yada qiimohoodu hooseeyaan waxa ay si waxayaabaha aadka loogu jecel yahay tagay in qiimaha guryaha maraykanku xad dhaaf ah u dhaqaajiyaan guryo gada- (most consumer goods).(La soco) kordhaan in ka badan $5trillion, tani waxa shada Maraykanka iyo waliba wadamo

18 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  19


WAXBARASHADA

Sideed wakhtigaaga U maamuli kartaa?

“Qalinkii: Cabdiraxmaan Cali Xirsi, Email: buraale10@hotmail.com”

W

akhtigu isaga ayaa dadaalay, laakiin habeenkii seexday, ah nolosha”, “garaaca markaasuu leeyahay anigu habeen iyo wadnahaagu waxa uu maalinba waan isku daray. ku leeyahay, noloshu WAA MAXAY MAAMULKA WAKHTIGU? waa daqiiqado iyo sekQaamuuska Oxford ee erey-bixinta ganaceno”, “qofka wax kala sigu waxa uu ku qeexay “waa hanaan garanayaa, waa qofka wakhtigiisa ka sahlaya in wakhtiga loogu isticmaalo intii faa’iidaysta”, “wakhtigu waa sida seefta, suuro gal ah sida ugu wax ku-oolsan, gaar haddii aad jari waydo isaga ayaa ku ahaan shaqada. jaraya”, “nin yaraan ku loofaray, wuxuu Qaamuuska erey-bixinta ganacsiga ee uu lumiyay raacdeeye”. Xikmadahaas qoray J.H. Adam waxa uu ku qeexayaa iyo kuwa kale oo badanba waxaa ku maamulka wakhtiga sida tan soo socota“ tibaaxay dadkii xikmadda lahaa ee ama waa in uu qofku maamulo wakhtigiisa iyagu wakhtigooda uga faa’iideeyay sida si uu u hagaajiyo wax ku-oolnimada iyo ugu haboon amaba cid kula talinayay waxsoosaarka wakhtiga”. inay wakhtigooda ka midho dhaliyaan, Isku soo ururiyoo Maamulka Wakhtigu isla markaana dhaxalkoodu hadhay “waa in laga faa’iidayso wakhtiga aad ilaa maalinta aduunyada la rogayo. Nin markaa joogto, ka soo socdana qorshe aad u cilmi badnaa ayaa yidhi “ma wanaagsan aad u dajiso, isla markaana habeen oo dhan baan soo jeedayaa ay kaa go’naato fulinta qorshayaashaada aniga oo cilmi wada, adna waxa aad adiga oo aan dib u dhigid samaynaheen”. waabariisanaysaa adiga oo hurda, SIDEE WAKHTIGA LOO MAAMULAA? markaasaad hadana doonaysaa in aad Baadhis aan waa hore sameeyay oo isoo gaadho”. Waxa uu iska reebayaa ku saabsan maamulka wakhtiga ayaan kuwa aan wakhtigooda ka faa’iidaysan, ka qoray buug yar oo aanan daabacin. laakiin waxa uu la hadlayaa kuwa Qaybtan waxaan ka soo min-guuriyay sida ka muuqata hadalkiisa maalintii buugaas, taas oo ah lix qodob oo kaa

20 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

caawinaya in aad wakhtigaaga maamusho si waxtar leh. Aan mid mid u eegno inaga oo aynaan ku tiigaalahayn: 1. SAMAYSO HIMILOOYIN AMA UJEEDOOYIN CAD CAD OO LA GAADHI KARO. Hadaf, himilo ama ujeedo waa waxa aad hiigsanayso gaadhistiisa. Tusaale ahaan buug 300 oo xaashiyood ah in aad ku akhrido hal wiig waa hadaf waa ujeedo waa himilo. Haddii uu kuu cad yahay buuga aad akhrinayso, inta bog ee uu yahay, wakhtiga aad ku dhamaynayso, iyo waxa aad ka faa’iidayso, waxa aad haysaa dariiq toosan oo kuu sahlaya in aad gaadho hadaf ah in aad aqoon korodhsato. 2. DAJI QORSHEYAAL FAAHFAAHSAN OO LAGU HIRGALINAYO UJEEDOOYINKA AAD KA LAHAYD ISTICMAALKA WAKHTIGA. Si aad u gaadho hadafkaaga , waxa aad u baahan tahay in aad qorshe fiican oo macquul ah la timaado. Waxa aad iswaydiinaysaa su’aalo badan waxa aanad isku dayaysaa in aad jawaab ku shaafida u


WAXBARASHADA hesho. Su’aalahaas waxaa ka mida: maxaan qabtaa? Goormaan qabtaa? Halkeen ka qabtaa? Sideen u qabtaa? Cid aan u xilsaari karaa ma jirtaa si aan anigu hawlo kale u qabto? Imisa ayay qaadanaysaa inaan dhamaystiraa hawshan aan faraha la galayaa? Iyo qaar kale. Jawaabaha su’aalahaasi waxa ay kugu hagayaan in aad hesho dariiq cad oo aad u marto xaqiijinta Himiladaada. 3. MUDNAAN KALA SII HAWLAHA AAD QORSHAYNAYSO. Mudnaanta marka la kala siinayo hawlaha aad qabanayso waxa la eegaa laba arimood: muhiimada arinkaasi leeyahay iyo degdeg in loogu baahan yahay iyo in kale. Haddii arinku muhim yahay laakiin uu ku sugi karo, waxa aad ka horaysiinaysaa arin laga muhiimsan yahay oo aan ku sugi karin ama wakhtigiisu dhacayo. 4. HA SAMAYNIN DIB-U-DHIGIS. “Dhib-u-dhigistu waa tuuga wakhtiga” iyo “arin aad maanta samayn karto haw dhigin berito” waa xikmado hore oo laga yidhi dib-u-dhigista. Qabo, samee, dheh, qor, akhri ama yeel wax kasta oo aad qaban karto marka ugu haboon ee uu taagan yahay, haddii kale waxaa isu kaa dul fuuli shaqadii maanta, tii shalay, tii doraad iyo kuwa kaleba. 5. MAR KASTA QABO HAL SHAY. Haddaad isku dul furto laba, sadex ama in ka badan oo arimo ah, waxaa xaqiiqo ah inaanad midna si tayo leh u samaynahayn. Mar kasta isku day inaad hal shay dhamayso, deedna bilaw mid kale. 6. NOQO QOF ISKU FILAN SI AAD UGA HORTAGTO WAKHTI LUMISKA. Dadku waa sadex marka cidi damacdo inay wakhtiga ka lumiso: hogaansame (submissive), qalafsane (aggressive), iyo toosane (assertive). Ka koobaad wuu iska raacayaa qof kasta oo luminaya wakhtigiisa ama danihiisa seejinaya. Ka labaad si qalafsan buu u dhaqmayaa qofkana wuxuu ugu jawaabayaa si bilaa ixtiraama. Ka sadexaadna wuxuu isku dayayaa inaan wakhtigiisa ama danihiisa la lumin isagoo ixtiraamaya qofka. Waxaa lagaa rabaa in aad barato odhaahda “maya” adigoo qadarinaya qofka kale. Markaasaad noqonaysaa dhexdhexaad. MAXAA WAKHTIGA LUMIYA? “Ardaygaan dadaalini mar buu dibinta ruugaaye, Wakhtiguu daayacuu dib u jaleecaaye”. Muuse cali faruur. Waa hubaal in qofkii wakhtigiisa dayacaa uu qoomamo iyo ciil ku dambayn doono. Habada maxaa wakhtiga lumiya? Wakhtilumiyayaashu waxay u kala baxaan laba:

wax ay keento bii’adda kugu xeerani iyo wax aad adigu keento. Kuu doonaba ha ahaadee mid waliba wakhtigaaga ayuu luminayaa, waxaana loo baahan yahay in laga gaashaanto. Aan sheego kuwa aan is idhi way ugu lumin badan yihiin: o Qaadka – labo kuma muran sana in dadka Soomaalida intooda badan qaadku ugu jiro wakhti-lumiyaha ugu muuqa dheer, waayo waxaa la fadhiyaa 2 ilaa 8 saacadood. Si ka duwan umadaha kale ee jaadka cuna oo iyagu ku qayila shaqada iyagoo ku jira, Soomaalidu way ku danseegaan, way yuurursadaan, waxaanay muddo dheer ku jiraan faalo aan midho dhal lahayn. o Filimada, musalsalada, iyo wixii la mid ah- muuqaal-baahiyaha laga daawado filimada, musalsalada, iyo barnaamij-yada aan faa’iidada lahayni waa ay inagu soo badanayaan, imikana waxaaba lagu turjumay af-soomaali. Wakhti badan ayaa kaga luma dhalinta, dumarka, caruurta iyo waliba rag waaweyn. o Tilifoonka – gaar ahaan dhalinta, tilifoonku waa wakhti lumiye aad u daran. o Shirarka aan ku khusayn – shirku hadaanu ku khusayn, haddii aanad wax ku soo kordhinahayn, haddii aanad wax ka faa’iidasanahayn ha tagin. Haddii aad tagtona isku day inaad soo gaabiso joogitaankiisa, waayo waxa uu halaabinayaa wakhtigaaga. o Fadhiga maqaaxiyaha – haddii aad subaxii ama galabtii soo marto maqaaxiyaha waxaad arkaysaa dad badan oo fadhiya, iska faraxsan laakiin aan ogayn inay cimrigoodii cunayaan. Waxaa ka daran xoogii dalka ee waxsoosaar, aqoon iyo wax tar ka shaqayn lahaa ayaa meeshaas yuurura. Ogow oo waa intii qaadka ka badbaaday, oo si kale wakhtiga u gubaya. o Inaad odhan kari waydo “Maya” – inaad raacoo noqotaa waa waxa ugu badan ee aad wakhtigaaga ku habaabin karto. “Maya” dheh adigoo qofka u sheegaya dhab ahaan waxaa aad sidaa u tidhi. In uu kula fahmo iyo in kale adiga kuuma taalo. Haddii aad saaxiibkaa u sheegto in aad shaqo leedahay isna uu doonayo in aad is-raacdaan, isagay xilkiisa tahay in uu fahmo ujeedadaada. Haddii uu fahmi waayo, haysku lurin in badan, hana tuurin. o Dib-u-dhigista – dib-u-dhigistu waa shayga ugu daran ee wakhtiga cuna. Sida aan horeba u soo sheegnay waa tuuga xada wakhtiga qofka. Ka dhigo hal-hays “qabo imika oo dib ha u dhigin”.

o Himilooyinkaaga iyo ujeedooyinkaaga oo aan caddayn – waa run haddii aan ujeedooyinku caddayn in qofku jahawareerayo, isla markaana uu falayo wax aanay ahayn in uu qabto. o Muhiimado is-khilaafsan – haddii muhiimadaha kuu yaallaa ay iska hor-imanayaan iyaduna waa mushkilad inteeda leeg, iyo mid subxaana leh. o Isku dayga inaad wax badan qabato – haddii aad noqoto habartii xaabada qaadi kari wayday ee inta kale ku dartayna waa mid kamida wakhtilumiyayaasha. Qabo hadba waxa aad gacanta ku hayso, dhammee, kadib bilow mid kale. o Iyo qaar kaloo badan. SIDEE LOOGA ADKAAN KARAA CAADOOYINKA WAKHTIGA LUMIYA. o Inaad hesho wakhti-lumiyayaasha dhabta ahi kuwa ay yihiin, sababta ay ku timaaddo, gooraha aad lumiso wakhtigaaga badanaaba, iyo cidda aad la jirto marka aad wakhtigaaga luminaysid. o Ka takhalus caadada wakhtilumiska, kuna badal caado wakhtigaaga dhawraysa. o Ka fogow wax kasta oo ku xasuusin kara caadooyinkii wakhti-lumiska waayo way fududahay inay naftu ku noqoto waxay taqaanay. GUNAANAD Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxa u yidhi “Laba nimco dadka intooda badani way moogan yihiin: firaaqada iyo caafimaadka” Bukhaari. Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee qofka bani’ aadamka ahi haysto, waana waxaa qudha ee aan tagistiisa la soo celin karin. Sidaa daraadeed qofka waxaa ku waajib ah inuu ka faa’iideeyo fursadda iyo ayaamaha yare ee tirsan ee la nool yahay. Imaamu shaafici baa yidhi “suufiyada waxaan ka faa’iiday qofka caqliga lihi waa qofka la nool wakhtigiisa ama ka faa’iidaysta wakhtiga uu markaas joogo”. Nasteexada aan inoo jeedinayaa waxa weeye “wakhtiga aynu dhowrno, oo aynu ka faa’iidaysano, oo aynu ka midho dhalino, si aynu nafaheena iyo umadeenaba u gaadhsiino horumar ugana jawaabno su’aalaha uu Alle maalinta qiyaamaha ina waydiin doono ee ah “maxaad wakhtigaagii ku qaadatay” iyo “maxaad dhalinyaranimadaadii ku gaboojisay”. Alle ha inaga dhigo kuwii jawaabahaas ku guulaysta.

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  21


CAAFIMAADKA

Doorka caanaha naasku ay ka qaataan caafimaadka iyo koriinka ilmaha . Qalinkii : Mohamed mawlid nor ,University of hargeisa faculty of science and technology department of nutrition and food science Email :Mohamed mawliid@gmail.com

C

aanaha naasku waxay ka mid yihiin nimcooyinka faraha badan ee Alle (SW) ku galaday noolaha gaar ahaan bini aadamka oo Alle ka fadilay noolaha kale si ay u nuujiyaan uguna quudiyaan ilmahooda,islamarkaana uu illaahay quraanka kariimka ah inoogu sheegay in ay waalidiintu ubadkooda nuujiyaan naaska ugu yaraan labada sanno ee ugu horeeya noloshiisa taas oo ay ka dambayso xikmad rabbaani ah oo waxtar aad u wayn u leh caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Hadaba faaiidooyinkaa faraha badan ee ku jira caanaha naaska hooyada ayaa waxay u qaybsamaan kuwa la xidhiidha dhinaca caafimaad,dhinaca dhaqaalaha,iyo dhinaca ku dhaqanka diinta islaamka iyo qaadashada awaamirta Alle (SW) Hadaba hadaynu soo qaadano faaiidooyinka dhinaca caafimaadka maadaama oo uu caafimaadku yahay tiirka ugu muhiimsan ee nolosha bini aadamku ku taagan tahay loona baahan yahay in la illaaliyo gaar ahaan dhalaanka yaryar ee nolosha adduunka ku cusub oo iyagu aad ugu nugul cudurada loona baahayn yahay in si gaar ah laysaga xil saaro . si kasto oo ay tahay waayadan dambe dunida gaar ahaan wadamada soo koroya waxaa fara baas ku haya cuduro iyo xaalado nafaqo daro oo soo wajahda caruurta iyo hooyooyinka gaar ahaan kuwa ku jira xilliga uurka. kuwaas oo intooda badan ka dhashay markii ay meesha ay ka baxday nuujintii naaska ee hooyooyinku nuujinlahaayeen ilmahooda kuna doorsadeen caanaha qasacadaysan iyo masaasadaha dibada laga keeno taas oo ay ka dhalatay caafimaad darrada baahsan ee haleeshay ubadka yaryar iyo waliba hooyooyinkaa oo ay qudhooda saamayn caafimaad ku leedahay.tusaale ahaan hooyadu haddii ay joojiso nuujinta naaska ee ilmaheeda waxaa suurta gal ah in iyadoon si fiican

uga soo kaban umushii hore ay hadana qaado mid kale taas oo keenta cuduro kala duwan, taagdari ,iyo waliba nafaqo darro,waxaa kale oo dhici karta haddii hooyadu ay caanaha naaska siin waydo ilmaha in caanuhu naaska ku sababaan xanuuno kale duwan taas oo sababi karta kansarka naasaha ku dhaca(breast cancer).IWM Caanaha naaska hooyada ee illaahay ugu tallo galay ilmaha yar ee dunida ku soo kordhay ayaa waxay maraan marxalado kala duwan waxaanay isla badalaan hadba koriinka ilmahu halka uu marayo tusaale ahaan caanaha naaska ee ugu horeeya ee loo yaqaano dambarka (colostrum) oo ah qaybta ugu mihiimsan ee caanaha naaska hooyada waxay ka kooban yihiin waxyaabo badan oo lagamamaarmaan u ah koriinka iyo habdhiska difaaca ee ilmaha taasoo haddii ilamaha la siin waayo dhaxalsiin karta dhibaato caafimaad oo daba dheeraata . Iyadoon bog iyo laba toona lagu soo koobi karayn faaiidooyinka balaadhan ee ay huwanyihiin caanaha naaska hooyadu bal aynu ka soo qaadano qodobo kooban inagoo u kala qaadayna waxtarka nuujinta ee dhinaca ilmaha iyo sidoo kale dhinaca hooyada. Faaiidooyinka caanaha naasku u leeyihiin ilmaha 1-Caanah naasku waxay ilmaha siiyaan nafaqo ku filan waxaanay si wayn uga qayb qaataan koriinka ilmaha. 2-Caanaha naasku waxay ilmaha siiyaan biyo ku filan kuwaas oo aanu ilmuhu ubaahanayn wax biyo ah oo kale gaar ahaan lixda bilood ee ugu horaysa. 3-Caanaha naasku waxay xoojiyaan habdhiska difaaca ee ilmaha kuwaas oo ka hortaga xanuunada faraha badan ee ragaadiyey inbadan oo ka mid ah dhalaankeena kuwaas oo gaadhsiiya ilaa heer dhimasho sida shubanka ,iyo xanuunada la xidhiidha nafaqa darada . 4-Caanaha naasku waxay dhisaan maskaxda iyo garaadka ilmaha

22 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Waxtarka nuujinta ee dhinaca hooyada nuujisa ilmaheeda 1-Nuujinta naasku waxay hoos udhigtaa khatarta ay hooyadu ugu jirto inuu ku dhaco kansarka naasaha (breat cancer) 2-Nuujintu waxay hooyada u suurta galisaa inay hesho muddo ay si fiican ugu koriso ilmaheeda iyadoo nuujintu dib udhigaysa qaadida uur cusub oo degdega. 3-Nuujintu waxay yaraysaa halista cudurka lafaha ku dhaca ee looyaqaana (osteoporosis) 4-Hooyadu caanahan waxay ku helaysaa iyadoon wax kharash ah aanu kaga bixin wax wakhti ahina aanu kaga lumin Hadaba iyadoo faa iidooyinkaa aynu soo tilmaamnay iyo kuwo kale oo aad u badaniba ay ku jiraan caanaha naaska hooyada ayaa in badan oo ka mid ah bulshadeenu aanay wax ahmiyad ah siinin sababo badan oo jira awgeed sababahaas oo ay ugu horayso aqoon darri haysata in badan oo ka mid ah bulshadeena iyo doorkii dawladdu ay ku lahayd oo aan muuqan Waxaa sidoo kale si wayn u dhiiri galiyay shirkadaha soo saara caanaha daasadaha iyo waxa loo yaqaano masaasadaha ee laynooga keeno wadanka dibaddiisa oo si wayn looga xayaysiiyo warbaahinta kala duwan ee wadanka islamarkaana meelwalba ka taagay boodhadh ay ugu baaqayaan bulshada gaar ahaan hooyooyinka aan fahamsanayn in Illaahay (sw) siiyay wax ay kaga kaaftoonto kana tayo badan marka laga eego dhinac kasta sidoo kalena aan ku joogin wax qarash ah. Ugu dambayntii waxaan u soo jeedinayaa dawlada,hayadaha ku hawlan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ,iyo cidkasta oo waxkatarikarta in laga hawl galo sidii bulshada loogu dhiiri galin lahaa looguna wacyi galin lahaa nuujinta caanaha naaska ,loogana hortagi lahaa wax kasta oo caqabad ku ah nuujinta naaska ee ubadka. Si ay inoogu soo kacaan jiil caafimaad qaba maskax ahaan iyo jidh ahaanba.


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  23


TECHNOLOGY

Doorka website ku kaga jiro ganacsiga maanta Qalinkii: Abdirahman Osman Gas Bachelor Science in Information Technology

W

aa maxay webstie? Website ka waxaa lagu qeexaa: tiro faylal ah oo isku xidhxidhan oo ku dhex shaqeeya internetka iyada oo loo maraayo waxa loo yaqaanno Browser, waxaana lagu astaystaa WWW (World Wide Web) oo uu ikhtiraacay nin Biritish ahaa oo la odhanjirey Sir Tim Berners sanadku markuu ahaa 1989 isaga oo la kaashanayay xaruntii reer yurub ee cilmi baadhista ee CERN. 1993 ayay xaruntu si toosa ugu dhawaaqday in WWW ay u furantahay qofkasta inuu samaysankaro. Intaa wixii ka danbeeyey Website ka waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo berkedda (the pool) lagu ururiyo aqoonta iyo dhaqanka adamaha, kaasoo u ogaalanaya in dad kala duwan oo meelo kala duwan joogaa ay wax ku soo qori karaan iskuna dhaafsankaraan wixii aqoon iyo macluumaad ah. Dhawr iyo tobankii sanee ugu danbeeyay, website ku wuxuu la faafay, fiditaankii ku dhacay internetka oo wuxuu noqday wax goobkasta lagasoo geli karo, cidkastaana samaysan karto, loona adeegsan karo qaybaha kala duwan ee nolosha aadamaha. Website yada guud ahaan waxaa loo qaybiyaa: -personal website (web shakhsi leeyahay) -commercial website (website Ganacsi ah) -government website (Website Dawladeed) -nonprofit organization website (website aan macaash lagu doonahayn) Haddii aynnu si gaar ah u sii lafa gurno website ka ganacsiga ah waxaa suurto gal ah inaad is weydiiso su’aalahan: “maxaan website u samaysan waayay, maxaan website uga baahanahay…. Horeba waan

u lahaa macaamiil fiicane.” Jawaabtu waxaytahay, haddaad website leedahay adeegyadaada (your services) ama wax soo saarkaaga (your products) waxaa laga heli karaa aduunyada oo dhan 24 saacadood, 365 ka maalmood ee sannadka. Dad aad iyo aad u badan ayaa imika u isticmaala internetka xidhiidhka kowaad ee ay la samaynayaa shirkad ama ganacsiga iyaga oo ugu horreynba ka fiirinaaya internetka, sababta oo ah wakhti yar ayay ka qaadanaysaa. Haddii dadku ay uga baahdaan xog iyo faahfaahin ganacsigaaga waxay markiiba is weydiiyaan “tollow ma leeyahay website, aan eego”. Website ku waa wejiga hore ee laga dheehan karo ganacsigaaga ( business interface) wuu ka fududyahay, ka dhakhso badanyahay dhamaan siyaabaha kale ee loola xidhiidho ama warbixin loogu gudbiyo macmiilka sidaa daraadeed, waxaad ku soo bandhigi kartaa sawirro, qoraallada iyo qiima yaasha ganacsigaaga, beryahan danbe shirkaduhu waxay kusoo bandhigaan website kooda xogo muhiim ah, ama MAPs tilmaamaya meesh uu ku yaallo iwm. Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee website ku leeyahay ganacsiga iyo ganacsatadaba waxaa ka mid ah: 1. Waxaad usoo bandhigaysaa ganacsigaaga ama adeegaaga iyo wax soo saarkaaga-ba malaayiin macaamiil iyo maalgeliyayaal ah oo ku kala nool aduunyada dacalladeeda, inaad website lahaataa waxay kordhinaysaa iibkaaga, sumcaddaada iyo adeegaaga wanaagsan iwm. 2. Waxaad kusoo bandhigi kartaa wararkaagii ugu danbeeyey ama qiimayaasha wax soo saarkaaga ama adeegaaga. Website ku wuxuu kuu beekhaaminayaa

24 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

lacag badan oo xagga xidhiidhka iyo maamulka kaaga bixi lahayd. 3. Waxaad ku xidhi kartaa shirkaddaha wax xayaysiiya taasina waxay kuu noqonaysaa in la ogaado ganacsigaaga iyo magiciisa (brand awareness). 4. Ganacsigaaga waxaad ku xayaysiin internetka 24 saacadood maalintii, 365 maalmood ee sannadkii. 5. Website ku wuxuu u fududaynayaa macaamiisha inay wax kaaga iibsadaan gudo iyo debed ba. Fiiri hadda arrintan: macmiil ayaa kusoo wacay si uu kuu waydiisto xogo ku saabsan ganacsigaaga iyo waxaad soo saarto waxaa ugu mihiimsan ee aad telephone kaga odhankartaa waxaa weeye “ aan kuu keeno ama kuusoo dhigo postada/fax brochure kayga” ogow arrinkaasi wakhti bay qaadanaysaaye. Way fiicnaanlahayd inaad ku tidhaahdo ”haddaad website kayaga eegto, waan hubaa inaad ka helayso waxaad u baahantahay oo dhan”. Inaad bar internetka ku lahaataa waxay dedejinaysaa wakhtigaad uga jawaabi lahayd su’aalaha macaamiisha, kuwaasoo aad u adeegsan karto email iwm. Haddii aanu ganacsigaagu lahayn bar internet ah, waxaa keliyoo ka faa’iidaaya tartamahaaga leh website isagu. Saddex talo oo ku saabsan sidaad website u samaysan lahayd. 1) hel magac wanaagsan (Good Domain Name) oo tilmaamaya ganacsigaaga 2) hel shirkad fiican (web hosting company) oo kuu haysa website kaaga. 3) waa in aad fikrad fiican ka haysataa waxaad kusoo bandhigayso website, kana qaado tusaale website hore oo shaqaynaya.


Ilaalinta Deegaanka Ololihii Balaadhnaa ee ilaalinta deegaanka ee ururka bisha casi ka sameeyay deegaanno badan oo waddanka ah Sannadkii 2011

(Dhul dilaacay oo dhagxan lagu gurayo. si uu isu kabo)

(Barkad lagu beeray xoday si dhirta loo madhxiyo)

Dhir lagu beerayo deegaanka si ay u badalaan dhirta la gumaadayo.

(Dhir loo qaybinayo deegaanadda si muwaadinkastaa geed u beero)

(Dhirtii Hore u beernayd oo la xanaaneeyay)

Deegaanka marka la dhawro ee dhirta la dhaqaaleeyo waakaa qurux iyo faa’iidoba leh.

Dhirtii oo laga dhigayo dhuxul iyo xaabo ayaa deegaanka baabi’inaysa.

Dhirta la gumaadayo ee dhuxusha iyo xaabada laga dhigayaa dhulka waxay kadhigtaa sida sawirkan ay kamuuqato carro guur iyo nabaad guur.


Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda Afka Qalinkii:Mawliid Aadan Biixi ,

S

E-mail : Abuyacqub_1@hotmail.com

omalidu waxay ku maahmaahdaa aqalkaaga hortiina oodbaa la dhigtaa eraygaaga hortiina afeefbaa la dhigtaa, waxa iga afeef ah in uu googooskan qubanaha ahi uu xambaarsanyahay ujeedooyin kala duwan sababta oo ah wali umaan qali qaadan inaan abaar sugan yoolka saaro, balse waxa iga tahay meerisyo maankayga godlay oo aan aragtiday afsoomaali u badalay. Markii ugu horeysay ee gabay carabi ah soomaali loo badalo wxaana u horeeyay sayid maxamed cabdille xasan oo ciidan waynihii daraawiisheed markay fahmi waayeen kitaabkii “caqiidatul cawaam” oo ahaa marjica ay ula noqdaan ariimaha ku saabsan rumaynta eebbe iyo tilmaamaha uu ku sifaysan yahay ayuu ugu bedelay jiifto fududaysay fahankii iyo korka qabashadii labadaba. •

Haday fidiso geeridu

Carabkaaga qalinyahay Taariikhda qarada leh

Faraheeda dhiiga leh

Ku qor oo ogsoonoow

Fooxiyo qardhaasuhu

Qudhan inuu kasoo baxo

Dhibta kaama faydaan

Inta qaaday sharaftee •

Sidii yeyda hawd hurdada ma ladoo ilbaan ka hurdaa habeenkii

Muudaaga aaroo

Qiyam iyo akhlaaqleh

Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaal

Haw malayn aqoon keliyi inay kaafi tahay

Miciyaha lasoo baxay Hawqaadan muunsee Mashi baw sanqadhayoo

Haddii aan asluub lagu kabayn kadeed bay dhashaa

Wuxuu maaganyaa jira • •

Suburdhaha laciifkaa

Ruux kastoo cimriga loo badshoo ,caabuq laga dhawro Cashuunbaa wedkuba soo qaban , caw la saaraaye

Xumaha kama sariigtoo Waa saamigiisee

Dheehashada cilmiga yari lagu dhigtaa Waa dhagax farshaxan lagu dhigay dushii

Ninka maydsaraayoow Damqanmaayso saantu •

Marka uu hantiiluhu ,hayntiisa sheegee

Hadaad maalin urugooto oy umasho laabtaadu

Calkiisa heegada ,hawadaa ka soo lulo

La arkee ayaantaa inaad dib ugu oydaaye

Adiguna han sare iyo,haybadii aqoontaad

Calankeeda hidisaa

26 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  27


MADADAALO

Suuban (Sheeko) Qalinkii : Sacad Maxamuud Haddi

S

uuban waxa ay ahayd iyo xeeladii uu ku soo xero galin lahaa hoosta laga gurayaa, intii uu jidka lagu gabadh somaliyeed oo Alle arintu ma fududa.wiilkii waxa uu bilaabay soo jiray ayuu wiilkii suuban soo mariyey u dhameeyey qurux, ina rag sidii ay suuban afadiisa u noqon lahayd. wadaad bayd gaaba oon diinta wax badan waxa uu isku dayayaa inuu ka aqoon se bawsaday sida meherka loo marwalba hanto Suuban, in Wiilku waxa uu doontay laba go’o oo rido, halkii ayaanu meher uga jac siiyey, kaste oo ay leegtahay hayncadcad oo xiligaas ayba adkayd in la wiilkina fursadaa ka faa’idaystay oo tiisa iyo jeebkiisuba. helaa, waxa kale oo uu soo qaatay ubo suuban halkii ayuu ku xaasaystay, waxInkasta oo ay tahay raganimadiisu, iyo waxaanu ku soo shubtay subag, ay dadka aanu rabaa in aanay suuban sinaba isku in kasta oo uu jiro gugiisu. Sheekh iyo deegaankiisu soo siiyey. Wiilkii go’oyadii dhaqdhaqaajin oo dhulka qabadsiiyo, shariif kuu doono ha ahaadee. cadcadaa ayuu soo gashtay, ubadii subag hamigaasina rumaw. Quruxda ka sakaw suuban waxa ay ku ahaydna dagta ayuu soo saartay, waxaanu Halkii ayaa socodkii laga soo watay, goor darsatay qab iyo isla weyni oo gaadhsiiyey u soo dhaqaajiyay xagaa iyo deegaankii gaaban oo ay qoraxduba sii galbanayso ilaa heer gashaanti weynaatay, waxa aad ay suuban ku noolayd. Waxa uu soo ayey ku soo dhawaadeen deegaankoodii. mar kastaba ogaataa in dumarka kalsoon- habeen dhaxaba ugu dambayntii waxa Inyar ka diba waxa ay ku soo baxeen wiilka idoodu ku xidhnayn hadba inta ay caqli uu soo gaadhay deegaankii ay suuban ku hooyadii oo quule dubanaysa(quule: iyo aqoon badan yihiin, balse ay ku xidhan noolayd, waa goor barqo dheer ah , nasiib midhaha geedka jeerinka) si ay xiligaasi tahay hadba inta ay quruxdoodu gaadh- wanaag waxa uu la kulmayba suuban cunto uga dhigato,wiilkii hooyadii ayaa siisan tahay, suuban wuxuu hamigeedu oo adhi la joogta goob aan gurigooda uu ka waraystay intii uu maqnaa waxa yahay in ay guursato nin uu eebe siiyey ka dheerayn, salaan ka dib waxa uu ka deegaanka iska badalay, suuban ma yaaafarta maal aduunyo( geel,gamaan,adhi waraystay reeraha iyo sida ay duunyadu bana ma dareensana in halkani tahay iyo lo’o). ninkaa malaa-awaalka ah ayey u tahay.suuban waxa ay u sheegtay in halkii loo socday , waxa ay tidhi suuban suuban ka dhex daydaydaa ina rag idilkii. dadka iyo duunyada deegaankani ay nab- waar hebel ina mari aan socodka sii wadaKolba nin gayaankeeda ah ayaa u soo doontay, cabaar markii la haasaawayey nee,,,. Jaba waa ka dambeeyee waxa uu geed fadhiista , se waxa ay ka fiirisaa in ayuu wiilkii meel kurtin ah dabada saaray wiilkii si fudud ugu jawaabay, halkan uu leeyahay afarta maal-aduun, nasiib waxaanu la soo baxay weysadiisii subagu meeli kama dambayso, gabadhanna darro mar kastaba mid ka mid ah ayuun- ku jiray, waaba yaabe wuu fayd-faytay waa hooyaday waxa ay dubanaysaana baa maqan, guurkaasi halkaas ayuu ku waxaanu bilaabay in uu subagii ku wey- waa quule waxayna rabtaa in ay caawa beenooba, si kastaba ha ahaatee suuban saysto , suuban way yaaban tahay , waxay ku cashayso. Noloshana deegaankani waxa ay gaadhay heer ay cidnaba ina rag tidhi: oo waa sidee maxaad subaga ugu waxa ay ku xidhan tahay qadhaabsi iyo ay hawaysan weydo. weysaysanaysaa? ugaadhsi ,adna reerkan ayuunbaad ka Qosol gaaban ayuu wiilkii jac ka siiyey, mid noqonaysaa. Suuban waxba uma hadQabka iyo isla weynida suuban waxa waxa uu yidhi: oo deegaankiinan ma biyo hin waayo horaba waa loo xaasaystay oo uu gaadhay inta badan deegaanadii ka ayaa lagu weysaystaa , anaga deegaankay- meher ayaa ku dhacay oo inanimadeedii agdhawaa , warka suuban waxa uu gaad- aga subag ayuunba lagu weysaystaa.. way lumisay. Qabkii weynaa ee suubana hay wiil dhalinyaro ahaa , oo baro xoolaad (laaca aragtee looga ma ogtahay). waxa uu ku dambeeyey qadhaabsi iyo aan lagu aqoonin noloshiisuna ku xidhan Suuban waxay u aragtay in wiilkani ugaadhsi, hadana waa in ay u tababarataa tahay qadhaabsi iyo ugaadhsi, wiilkani yahayba kay in badan raadinaysay, ku sidii ay usoo dabi lahayd ugaadha teeda sida shimbiraha ayuu u foofaa subaxii tee oo deegaankiina ma sidaas ayaa gaabisa iyo tan dheeraysaba, waa in ay ku galabtiina waxa uu soo noqdaa isag oo loo barwaaqaysatay, haa yidhi wiilkii, tababarataa sida loo sameeyo qaaansada dharagsan, ilaa iyo intii uu noolaana halkiiba ayuu kaga dhameeyey nidaam iyo leebka, waa in ay barataa sida loo gano noloshiisu waxa ay ku jirtay meertadaas . guur , suubana way ku niyadsan tahay falaadha. Wiilkii waxa damac ka galay gabadhii nasiibkeedan. Sheekadanina waa abaalka qabka iyo suuban ahayd, waxa uu habeeno badan Halkii ayuu wiilkii suuban kula soo isla-weynida, iyo baadigoobka nolol aan u soo jeeday sidii uu suuban u heli lahaa tagay, safarkuna ma gaabna cagta ayaa jirin……………. DHAMAAD

28 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  29


CIYAARAHA

Ciyaartoyga Muslimiinta Ah Ee Ka Ciyaara Dacaladda Dunidda.

K

Qalinkii :Abdikadir Barawani ubadda cagta oo wakhtigan inuu u wareego kooxda dalka Turkiga noqotay maaweeladda ugu ee Fenerbache si uu u sii wato xifradiisa wayn ee dadyaw farabadan ciyaareed isla markaana u helo aqoon oo caalamka ah kulmisa ayaa diineed oo dheeraada. sidoo kale noqotay mihnad Ciyaartooga labaad ee aan soo qaadanlacag badan laga tabcado. aynaa waa Frank Ribery waa ciyaartooy u Hadaba kubadda cagtu waxay noqotay dhashay dalka France sidoo kale isna waxa goob kulmisa dad dhaqan iyo diinba uu qaatay diinta Islaamka maadaama oo kala duwan. Qormadan waxaan ku ay xaaskiisu ahayd gabadh muslim ah oo soo qaadan doonaa kuwa ugu caansan u dhalatay dalka France asal ahaana ka ciyaartooyga muslimiinta ah ee daafaha soo jeeda dalka Al geria. Ribery ayaa la dunidda ka ciyaara. baxay magaca Bilaal wakhtiyadii u damHadaan ugu horeysiiyo Nicolas Anelka beeyay waxay saxaafadda dunidu ka qorwaa ciyaartoy u dhashay wadanka France tay inuu yidhi “ waxaan tukadaa shanta waana weeraryahan ku caanbaxay ciyaar salaadood, sababta aan u tukadaana waa wanaag iyo akhlaaq suuban. Anelka waxa waxay iga dhigtaa qof xora waxaanan uu u soo ciyaaray kooxaha ugu waawayn dareemaa wanaag”. qaaradda yurub sida kooxda dalka Spain Mesut Ozil oo dhalsho ahaan ka soo jeeda ee Real Madrid, kooxaha dalka England dalka Turkey ayaa waxa uu ka tirsanyahay ee Manchester City, Arsenal, Bolton iyo kooxda xulka qaranka dalka Germany Chelsea oo uu sanadihii dambe u ka tir- sidoo kale waa mid kamida xidigaha sanaa. Anelka waxa uu diinta islaamka loogu jecelyahay kooxda dalka Spain ee qaatay sanadkii 2004 isaga oo wakhti- Real Madrid isla markaana waxaa looga gaa safar ku jooga dalka imaaraat-ka yaqaan boqorkii indhaha buur buurnaa. (United Arab Emirates) waxaana uu lab- Mesut Ozil ka hor intii aanu u amba bixin axay magac muslim oo ah Abdul-Salam koobkii aduunka 2010 waxa uu naqtiimay Bilal. Anelka oo wakhtiga uu qaatay diinta quranka kariimka ah. Islamka ka tirsanaa kooxda dalka Eng- Sidoo kale ciyaartooyga caanka ku ah land ee Manchester City ayaa doorbiday kubadda cagta ee muslimiinta ah waxaa 30 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

ka mida difaacyahanka u dhashay dalka Ivory Cost Habib Kolo Toure. Toure waxa uu u ciyaaraa kooxda dalka England ee Manchester City isaga oo soo maray laf dhabartii difaaca kooxda isla dalka England ee Arsenal. Kolo Toure waxa uu ka soo jeeda qoys muslimiin ah waxaanu la dhashay Yaya Toure oo isna ah ciyaartoy muslim ah oo ku caanbaxay kubadda cagta soona maray kooxda Barcelona. Ciyaartoyga muslimiinta ah marka la soo hadal qaado kuwa markiiba ku soo dhaca qalbiyada dadka ciyaaraha xiiseeya waxaa ka mida Frederick Oumar Kanoute. Kanoute waxaa uu asal ahaan ka soo jeeda dalka Maali sidoo kale waxa uu haystaa dhalashada dalka France. Waxa uu khadka weerarka uga ciyaaray xulka qaranka ee dalka France isaga oo wakhtigan ku dambeeyay xulka qaranka Maali, sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay kooxda dalka Spain ee Seville. Kanoute waxa uu $700,000 ka bixiyay misaajid ku yaal Seville kaas oo loo baabinayay lacagta cashuurta lagu lahaa. Kanoute waxa uu qabaa gabadh muslim ah oo la yidhaa Fatima waxaanu leeyahay laba caruur ah oo kala ah Ibrahim iyo Iman. Sidoo kale Karim Benzima oo ka tirsan


CIYAARAHA weerarka xulka qaranka dalka France iyo ciyaartogya muslimka ah iyo xidigaha qaranka dalka France iyo kooxda dalka kooxda dalka Spain ee Real Madrid ayaa difaacada wadanka Holland. Boulahrouz Spain ee Barcelona. Hamit Altintop oo ka tirsan ciyaartoyga muslimiinta ah ee waxa uu u soo ciyaaray kooxda dalka Eng- ka tirsan xulka dalka Turkey kana tirsawakhtigan ka muuqda saaxada kubadda land ee Chelsea wakhtigana waxa uu ka naan jiray kooxda dalka Germany ee Baycagta. Benzema waxa uu ku dhashay tirsanyahay kooxda dalka Germany ee ern Munich hadana ka mid ah xidigaha France waxaana iska dhalay laba waalid Stuttgart. Boulahrouz iyo qoyskiisuba kooxda Real Madrid. Halil Altintop oo oo Al gerian ah. Benzima ayaa kooxda waa muslimiin suni ah. kamida xidigaha dalka Turkey iyo kooxda Real Madrid kala soo wareegtay kooxda Sidoo kale ciyaartoy farabadan oo mus- dalka Germany ee Schalke 04. Seydou Lyon ee dalka France iyada oo ka bixi- limiin ah oo u ciyaara kooxaha yurub ayaa Keita waa ciyaartoy u dhashay dalka say lacag dhan 35 million oo euro. Sidoo jira sida Mahamadou Diarra oo ka tirsa- maali kana tirsan kooxda dalka Spain kale waxaa la mida ciyaartoyga da,da yar naa xulka qaranka dalka Maali iyo kooxha ee Barcelona. Tuncay Sanli oo kamida ee Samir Nasri oo u safta xulka qaranka Lyon iyo Real Madrid. Lassana Diarra weerarka kooxda qaranka ee dalka Turkey. dalka France iyo kooxda dalka England oo u saftay xulka qaranka dalka France Dhamaan ciyaartoygan aan magacyaee Manchester City oo ay iska dhaleen iyo kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Real dooda soo xusnay iyo kuwa farabadan oo laba waalid oo Al gerian ah. Nasri waxa Madrid. Arouna Koné oo ka tirsana xulka kale oo ku caan baxay ciyaarta kubadda uu hore u soo maray kooxha Marseille qaranka dalka Ivory Coast iyo kooxda cagta ayaa ka soo jeeda diinta Islaamka. iyo Arsenal waxaana lagu magacaaba Seville. Mohamed Lamine Sissoko oo Ciyaartoygan qaar badan oo ka mid ah Zidane-ka cusub. ka tirsan xuka qaranka dalka Maali iyo waxay ku dhasheen diinta islamka iyada Hatem Ben Arafa ayaa isna ka soo jeeda kooxda dalka Italy ee Juventus soona oo qoysaskoodu yihiin muslimiin sidoo qoys muslimiin ah oo asal ahaan u dha- maray kooxda dalka England ee Liverpool kale qaar badan oo kale ayaa qaatay diinta shay wadanka Tunisia. Ben Arafa waxa oo uu muda badan ka mid ahaa xidigaha islaamka markay arkeen inay tahay diinta uu ka tirsanyahay kooxda dalka England difaaca kooxda tiirka ku ahaa. Nihat Kah- kali ah ee xaqa ah. ee Newcastle iyo xulka qaranka dalka veci oo ka mid ah xulka qaranka dalka France. Khalid boulahrouz oo asal ahaan Turkey iyo kooxda dalka Spain ee Villarka soo jeeda dalka Morocco ayaa ka tirsan real. Eric Abidal oo ka tirsan difaaca xulka

  February 2012 Galool Magazine Issue 4 |  31


32 | Galool Magazine Issue 4 February 2012


Galool Magazine issue 4