Page 1

Ku Soo Dhawaada Qiso Cajiib Badan By Sheekh Siciid Sh. Cabdiraxmaan

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allahaasow Calamka iska leh Allahasow ay Usugnaatay Samada iyo Dhulka wax ku Sugan xukunkuna isaga ayaa iska leh Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin. Cabdilaahi Binu Mascuud Allah ha ka Raali Noqdee waxaa uu yidhi waxaan ka Maqlay Rasuulkeenu{scw} waxaa uu yidhi Allah ha Nuuro wajigiisa Qof naga Maqlay hadal Wanaagsan Dabadeedna Gaadhsiiya Walaalihii waxaa laga yaabaa Qofka la Gaadhsiiyay inuu uga anfac badan yahay ka Gaadhsiiyay oo ka la Gaadhsiiyay uu aad ugu Dadaalo Rasuulkeenu{scw} Run Ayuu Sheegay Xabiibkeena Mohamed Ibnu Cabdilaahi ibnu Cabdimudhalib KU SOO DHAWAADA QISO CAJIIB AH WALAALAYAL ”Markaan aqrinayay Qisadan waan Ooyay walahi ee aqrista Walaalayaal Jazakumullahu khayr ” oo ila arka Wanaaga islaamku leeyahay iyo dadka ku Dhaqma islaamka sida ay dadka kale ujeclaysiiyaan diinta islaamka ee Xaqa ah maansha allah Qiso cajiib Badan oo qof kasta oo Muslin ahi ku Farxayo una sii siyaadinaysa iimaan iyo allah ka Cabsi iyo jacayl Nabigeena Mohamed{scw} iyo Saxaabadiisii Qiimaha badnayd Allah ha ka Raali Noqdee iyo Dadka khayr Walaalahood Gaadhsiiya ilaahay awood badan leh islaamka iyo ehelkiisa ha xifdiyo dadka soo islaamana ilaahay ha jeclaysiiyo diintiisa qiimaha badan leh Waxay ku bilaabanesa sida tan… amaan Allah ka bacdi iyo Sharaf aan sharafno Xabiibkeenii Mohamed{scw} iyo Saxaabadiisii Qiimaha badnayd Hadaba walaalayaal ha idin kala baxo Gabadh oo inooga Sheekaynaysay sida ay islaamka ku soo Gashay iyo arimaha ay aragtay ee wanaagsanaa ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh ku soo Dhawaada walaalayaal ilaahay khayr badan ha idin siiyee si fiican u akhrista


Magacayga waxaa layirahda Cassie, waxaan ahey 23 jir sanadkan kasoo qalinjabiyey iskuulka kalkaalinta Caafimaadka. Shaqadii iigu Horeysay waxaan kaheley meesha lagu Xanaaneeyo dadka waayeelka (Home nurse). Qofkii iigu horeeyey ee la’igu qorey wuxuu ahaa odey 80 jir English ah oo qaba cudurka ‘Alzheimer’s’. Maalintii iigu horeysay ee aan shaqada soo galay ayaa la ii dhiibey fileka bukaanka. Haddii aan isha la raacay waxaa ku qoran inuu diinta islaamka galay oo uu yahay’convert’. Horey ayaan u ogaa in hab-dhaqameedka meesha(home nurse) qaarkiis uu kahor imaan doona diintiisa sidaas darteed aan ubaahanahey inaan fahmo waxyaabaha uu ubaahan yahay si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan. Waxaan usoo iibin jirey hilib xalaal ah oo si gooni ah ugu kariyo. Waxaan ka fogeeyey dhamaan wixii leh hilibka doofaarka iyo khamriga. Waxaas oo dhan waxaan ku ogaaday kadib markii aan sameeyey baaritaan ku saabsan waxyaabaha ay muslimiinta diidan yihiin. Dhib ahan wuxuu ahaa qof ay xaaladiisa caafimaad aad uliidato oo ay adag tahay in loo khidmeeyo. Xitaa saaxibadey ayaa ilayaabi jirey sida aan ugu dadaalayo qof ay xaaladiisu sidaan tahay oo hadana sita diin qariib ah. Anigase waxaan u arkaayey ‘qof diintiisa’ daacad u ah oo ubaahan in la ixtiraamo” Sikastaba ahaatee, isbuucyo yar haddii aan lajoogey waxay indhahayga kudhaceen isagoo samaynayo xarakaat isu eg. Ugu horeyntii waxaan uqaatay arkay qofkale oo uu kudayanayo laakinse waxaa ii muuqatay inuu ku soo celcelinayo waqtiyo gooni ah sida subuxa, galabka iyo fiidka. Waa xarakaat gacmaha kor loo taagaayo, foorarsi, madaxa oo dhulka ladhigo iyo kuwa kale oo aan fahmi waayey waxa ay kadhigan yihiin. Wuxuu ahaa mid akhriyo jumlada aan fahmi waayey luuqada ay yihiin inkasta aanu sifiican uhadli Karin markiisa horaba xanuunka dartiis. Wuxuu ahaa mid iga diido inaan gacanta bidix ku quudiyo inkasta oo aan ahaa qof guran, ‘Malaha waa arin diintiisa salka ku haysa oo aan weli fahmin sababta’ Goor aan isla wareersanahay ayaa qof aanu saaxibo aheyn ii sheegey inuu jiro paltal lagaga dooda arimaha diinta oo laga yaabo inay iga jaahil bixiyaan waxyaabaha uu samaynayo iyo sida aan ula macaamulil lahaa. Waxaan is iri malaha waa fikrad wanaagsan inaad Musliminta waydisid. Ficilkan, waxaan galay qol layirahdo ‘True Message’ fariinta runta ah Halkii ayaan dadka ku weydiyey su’aalo kusaabsan wixii aan ku arkay bukaanka; waxaana la’iisheegey inay tahay sida loo tukado salaada.


Marumaysan jawaabtii laga bixiyey ilaa uu qofkale soo galiyey youtubeka ‘islamic prayer’ allaahu akbar, Yaab iyo amakaak ayuu ilaahey ii keeney,qof ay kadhuntey xusuusta oo dhan xitaa caruurtiisa ‘magacyadooda’ oo cunitaanka iyo cabitaanka uu dhib ku yahay ayaa weli sii xasuusta salaada iyo sida loo tukado! Kaaga daranka, xitaa qur’aankii ayuu sii xasuusta oo kuqoran luuqad kale oo aanu udhalan. Waxay igu noqotay waxaan qaadan waayey; waxaana ii cadaatay inuu daacad kayahay diintiisa, taas oo iga dhalisay inaan barto diintiisa si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan. Waxaan caado kadhigtay inaan maalinkasta soo galo Paltalga. Waxaa la’isiiyey linka- meel aan ka aqrinkaro Qur’aanka turjumadiisa iyo dhagaysi intaba. Waxaan aad ugu heley Suuratu Annaxal ‘Shinida’ oo aan maalintii dhowr jeer dhageysan jirey. Waxaan go’aansaday inaan Qur’aanka wax ka gaarsiiyo odayga- bukaanka. Qur’aanka ayaan ku soo duubey iPodgayga kadibna ugeeyey si uu udhagaysto. Cajiib, Qur’anka marka uu dhagaysto, marna wuu ooya marna wuu dhoola cadeeya! Anigoo yaaban sida ay wax kayihiin ayaan fiiriyey tarjumada aayadaha markaas ayaan fahmay sababta. Wuxuu ahaa mid ooya marka uu maqlo aayadaha cadaabka kasheekeynaya, wuxuuna farxa marka laga sheekeynayo janada! Waxaan isku dayey inaan kudhaqmo wixii aan kabartay paltalga haseyeeshe waxaan is arkay anigoo naftayda iswaydinayo su’aalo aan weligey jaanis uhelin inaan isweydiyo sida aabahay iyo meesha uu kudanbeeyey; hooyadey waxay dhimatay anigoo 3 jir ah. Aniga iyo walaalkey waxaa nasoo koriyey awoowgeen iyo ayeydeen oo iminka sii mootan 4sano. Waxaa hada ifka kunool aniga iyo walaalkey oo kali ah. Waxaas oo dhibaato oo isoo gaartey waxaan hadana uhaystaa inaan faraxsanahay! Joogitaanka aan la joogey bukaankan ayaan dareemey inay wax iga maqanyihiin.Waxaan qalad ufahmay waxa uu yahay xasiloonida iyo daganaanta ‘peace and tranquillity’. Gabar aan kabartay Paltalk ayaa isiisey magacyada masaajidyada ku yeela meesha aan daganahay; waxaana booqdey mid kamid ah. Waxaan daawadey sida salaada loo tukado, indhahaygana waxaa kusoo istaagi jirey Ilmo! Masjidka ayaa naftayda la jeclaysiiyey. Imaanka iyo xaaskiisa ayaa aad ii soo dhaweeyeen oo isiiyey cajalado iyo buugaag aan ka faa’idaysto, ayagoo weliba iiga jawaabi jirey wixii su’aalo ah oo aan qabo.


Dadkii aan ka bartay Paltalkga,su’aal kasta oo aan weydiyo si sahlan oo cajiib ah ayey iigu jawaabaan oo ay qasab igu noqotay inaan aqbalo. Horey wax diin ah oo aan aamisanaa majirin laakinse had iyo jeer waxaan rumaysnaa inuu jiro Ilaah walow aanan garaneyn sidii aan u caabudilahaa! Su’aal aan jawaab uwaayey? Galab galbaha kamid ah ayaan soo galay Paltalk, qolkii ‘the True religion’. Midkood ayaa microphoneka qabsadey isagoo iweydinaya inaan wax su’aal ah qabo. “Maya” ayaan ugu jawaabay. Waxaa kale oo uu iweydiyey inaan kuqanacsahay jawaabihii laga bixiyey su’aalihii aan dadka waydiyey. Waxaan usheegey inaan ku qancay! “Maxaay tahay waxa kaa hortaagan inaad islaamka soo gashid?” Ayuu iweydiyey! Waxaan kujawaabo ayaan garanwaayey. Waxaan dib ugu laabtay odaygii bukaanka ahaa. Indhihiisa ayaan eegey anigoo quudinaya, waxaan yaqiinsadey in la’ii soo direy oo ay meeshan arin ka socoto. Runtii, jawaabta uu ninka iweydiyey waxa iga hortaagan waa cabsi… ma’ahan cabsi inay wax igu dhacayaan… ee waxaan kabaqaya runta ! Galabtaas ayaan go’aansadey inaan kudhawaaqo shahaadada. Imaamka masjidka ayaa ii qabtay shahaadada kadib markii uu ii sharaxay waxa la’iga baahanyahay. Masharxi karo sida uu dareenkeyga ahaa markii aan ku dhawaaqay kalmadaas.Waxay ila aheyd sida ayadiyoo qof hurdada iga soo kiciyey oo indhaha si aan caadi aheyn wax ku eegayo. Qofkii uhoreeyey ee aan usheegey wuxuu ahaa walaalkey. Ama bukaankii… markaan usoogalay anigoon afka kala qaadin ayuu isku daray dhoola cadeyn iyo ilmo; kadibna hortiisa ayaan kula dhacay farxad iyo oohin. ‘wuxuu igu leeyahay fadli aan lasoo koobi karin, Allahana ka abaalm mariyo’ Qolkii Paltalk ayaan ku soo noqday anigoo ku celcelinaya shahaadada si ay iila wadaagaan.Waxay aheyd maalin farxad badan oo noolasha isbadashay! Inkasta oo aan midkoodna arag,waxaan dareemey inay iiga dhow yihiin walaalkey.Dhamaantood waxay igu leeyihiin abaal aan lasoo koobi Karin! Ugu danbayntii walaalkey ayaan telephone udirey anigoo usharxay diinta aan galay. Inkasta oo aanu ku farxin hadana wuxuu ii balanqaaday inuu igarab istaagayo. Gabo gabo iyo geeridii odayga!Isbuuc kadib markii aan diinta islaamka soo


galay waxaa dhintey odaygii, isagoo jiifa oo aan dul taaganahay ayay nafta kabaxday(Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun) Wuxuu udhintey si dhibyar oo ay ku jirta raxmad! Anigana waxaan ahaa qofkale ee la joogey goorta uu ifka ka tagay! Wuxuu ii ahaa sida aabahaygii aan waligay arag, wuxuu ahaa wadadii aan islaamka ka soo galay! laga soo bilaabo maalintii aan shahaadada ku dhawaaqay ilaa maanta iyo inta aan noolahay waan uducaynaya inuu Allah ka abaalmariyo camalkasta oo aan sameeyo. Dadow, Islaamka waa diintii Ilaahay oo albaabkeeda ufuranyahay cidkasta oo doonayso. Allah waa Raxmad badan yahay, wuuna naxariistaa. * Cassie oo ifka ka tagtay sheekadan kadib * Walaasheen Cassie waxay dhimatay October 2010 kadib markii ay islaamka ugu yeertey walaalkeed oo uu soo islaamay.(innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu unaxariisto iyada iyo odaygii ku hanuuniyo hanuunka islaamka bacda alaah ilaahayow diintaada macaan ee islaamka u gargaar iyo ehelkiisa waxaa sharaf mudan fariin wadihii ilaahay nabi mohamed{scw} oo arintii uu allah uxil saaray si fiican uga soo baxay inuu dadka khayrka gaadhsiiyo salaani korkiisa ha ku dhamaato waxaana xusi mudan saxaabadiisii qiimaha badnayd oo uu ugu horeeyo saaxiibkii rasuulkeena mohamed{scw} abiibakar sadiiq cumar binu khadaab cismaan binu cafaan ali binu abudhalib iyo saxaabada oo dhan ilaahay ha ka raali noqdo macoogana allah ha inaga dhigo maalinta qiyaame ee xoolo iyo caruurba waxba tarayn sida uu allah quraankiisa casiiska ku sheegay gabo gabo waad mahasan tihiin akhristayaasha sharafta mudan iyo shabakada cadceed shaqaalaheeda sharafta badan insha allah halkaa ayaan inooga sii socnayaan qisooyinka cajiib ah

Waxa idin soo diyaariyay Eng Ahmed Hassan Qamaan iga soo xidhiidha wixii cabasho ama talo siin Qamaan78@hotmail.com ama www.dakhare78.4t.com


Ku soo dhawaada qiso cajiib badan by sheekh siciid sh  

ku soo dhawaada qiso cajiiba oo aan idin soo diyaariayay Eng Ahmed Hassan Qamaan Iyo SH. siciid

Advertisement
Read more
Read more
Similar to
Popular now
Just for you