Page 1

Bille, Muqdisho

Maarso 2018

KHILAAFKA Canshuuraha gadista

CADADKA: 8aad

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre


ADSL Plus

hOME AND OFFICE INTERNET - TELEPHONE

141 101 www.hormuud.com

info@hormuud.com m.me/hormuud


COSOB

1

Maarso 2018


TUSMO

Mahdi Faarax Abdulle ( Ali Mahdi ) 4

KHILAAFKA CANSHUURAHA GADISTA

6

AAFADA UU MUSUQU NAGU HAYO WAA WAX AAN LOO HEYN HALBEEG IYO MIISAAN KU FILAN OO LAGU CABBIRO,

8

HESHIISKA MADAXDA FEDERAALKA & GOBALADA MA FULI KARAA?

9

WADA HADALKA DHISMAYAASHA

10 AFKAAGU WAA AQOONSIGAAGA 11

DABAR GO’A KU YIMID LACAGTA SHILINKA SOOMAALIGA

12 DHIBAATOOYINKA BALWADAHA AY KU JIRAAN QAADKA IYO SHIISHADDU

KU HAYAAN BULSHADA SOOMAALIYEED 14 WAA MAXAY FAAIIDOOYINKA LAGA HELO CUNISTA TIITIINKA 15 MA DHABBAA IN ISBOORTIGU UU XAMBAARSAN YAHAY NABAD, LAGUNA DHIGI KARO HUBKA? 16 GABOOYUU KA GUURSADAY! 17 HAWEENKU WAA UDUB DHEXAADKA BULSHADEENA 18 NOLOSHA IYO QOYSKA 20 LACAGTII SHILIN SOOMAALIGA QAARKEED OO AFKA KU SOO HARTEY 21 ROWDA HABEEN IYO MAALIN WAA SHAQEYSAA!! 22 MURTIDA IYO MAADDA 23 NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 7AAD COSOB

2

Maarso 2018


COSOB

3

Maarso 2018


Mahdi Faarax Abdulle ( Ali Mahdi )

KHILAAFKA CANSHUURAHA GADISTA

S

hacabku wuu walwalayaa sababtoo ah qofna ma hubo waxa dhabta ah ee ka dhalan doona muranka ku saabsan canshuurta ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Ganacsatada. Kaliya laba maalmood oo ay xirnaayeen Suuqa bakaaraha oo ah kan ugu weyn suuqyada Soomaaliya iyo dekedda muqdisho waxaa ka dhashay sicirka miciishadda oo meelaha qaar sare loo qaaday. Saameyntii tabneyd iyo Falcelinnadii kasoo baxay ma ahayn wax qurux badan, sababtoo ah qoysas badan oo sabool ah ayaan xamili karin qarash ahaan sicir kordhin ka badan tan hadda jirta. Culeysyada laga cabsi qabo in ay soo ifbaxaan mustaqbalka dhow waxay ka

dhalan karaan muranka ku saabsan canshuurta ay xukuumaddu dooneyso in la saaro ganacsiga, iyo ganacsatada oo ka biyo diidsan arrinkaas.

gudaha iyo badeecada dibadda laga soo daabulo.

Soomaaliya dal iyo dadba ku dhawaad nus qarni waxay dhaqaale ahaan ku tiirsan tahay deeqaha ay bixiyaan waddamada horumaray iyo mucaawanooyinka laga soo dawarsaday hey’adaha kaalmooyinka bixiya, sababtuna waxay tahay Soomaaliya lama qaado wax canshuur ah si loogu fuliyo adeegyada danta guud iyo gurmadyada qaran ee degdegga ah.

Waa dhab ku dhawaad 30 sano oo aan canshuur la qaadin way adkaaneysaa in si fudud looga jawaabo su’aashan ah “Waa maxay Canshuur”

Xittaa dhaqaalaha lagu furdaamiyo hawlaha maamul iyo farsamo ee dowladda waxaa laga helaa waddamo iyo hay’ado shisheeyo, kuwaasoo inta yar ee ay bixiyaanna daba dhiga shuruudo iyo qodobbo u adeegaya danahooda gaarka ah. Dal kasta dhaqaalahiisu wuxuu ku tiirsan yahay heerka wax soo saar ee dadku sameeyaan, dowladduna waxay wax ku maamushaa oo mushaaraadka Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamadaba ku bixisaa dakhliga kasoo xarooda canshuurta laga qaado wax soo saarka

COSOB

4

Maarso 2018

WAA MAXAY CANSHUUR?

Sidoo kale ma sahlana in la bixiyo qeexitaan sax ah ayadoo aan faham fiican laga heysan waxa loola jeedo canshuurta, sidaas darteed haddii aan la aqoon “Canshuur” waxa ay tahay, bixinteedana ma sahlana. Canshuurtu waa qadar lacageed oo ay dawladi ku soo rogto shakhsiyaadka iyo shirkadaha, si loogu furdaamiyo qarashka ku baxaya adeegyada bulshada, ilaalinta nabadgelyada iyo sugidda amniga, sidoo kale in loo isticmaalo bixinta mushaarka shaqaalaha iyo dhisidda ama dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha. Waddamada adduunka mid kasta waxa uu leeyahay nidaamkiisa dhaqaale abuur iyo canshuur qaadistiisa u gaarka ah, qiimaha la qaadayo iyo nooca


MAXAAN U BIXINEYNAA CANSHUURTA? Dowlad waxay muwaadiniinteeda ka qaaddaa qadar cayiman oo lacag canshuur ah si loogu fuliyo dhismaha iyo maamulidda adeegyada aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay sida isbitaallada, iskuullada, buundooyinka, waddooyinka, , wasaaradaha, wakaaladaha iyo hay’adaha danta guud. Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda sida macalimiinta, dhaqaatiirta, ingineerrada, Saxafiyiinta, Khuburrada amniga IWM. Waddan sida Soomaaliya oo kale oo in ku dhow 30 sano burbursan isla markaana uu dhaqaalihiisu meel hoose yahay, si uu usoo kabto isla markaana u noqdo dal cagahiisa ku taagan maamul iyo dhaqaale ahaanba waxaa lagama maarmaan ah in muwaadinku bixiyo canshuurta ku waajibtay, dowladduna dhaqaalahaas laga qaaday dadka in ay u maamusho sida ugu habboon ee ay hufnaani ku jirto. Isla xisaabtanka iyo ogeysiinta shacabka hadba meeshii la marsiiyo qarashka Muwaadiniinta laga qaaday waa waajib lagu leeyahay hoggaanka dowladda. Mar kasta oo ay dadku arkaan wax qabad wanaagsan oo lagu fuliyay Canshuurtii laga qaaday waxay sare u qaadeysaa kalsoonida wax bixin ee muwaadinka, waxayna dhiiragelineysaa in la joogteeyo bixinta canshuurta ayadoo aysan jirin cabsi gelin, handdadaad iyo ganaax.

MAXAA KEENAY IN LAGU MURMO CANSHUURTA? canshuur ee la bixinayo hadba waxay ku xiran tahay duruufaha dalkaasi uu la hardamayo iyo siyaasadaha uu la fal galayo. Nidaamyada canshuur ee ay waddamadu raacaan waxay noqon karaan qodobbadan soo socda qaarkood ama midkood: •

Canshuurta la saaro iibsiga iyo adeegga oo loo yaqaan VAT taasoo ah Canshuur laga qaado macaamiisha mar kasta oo ay iibsadaan badeeco “Demand” ah.

Canshuurta iibka oo laga qaado soo dajinta badeecadaha iyo dhoofinta.

Canshuurta Dakhliga oo ah lacag cayiman oo laga jaro mushaarka shaqaalaha joogtada ah bil kasta, halka shirkadahana laga qaado qadar ku saabsan faaiidada sanadlaha ah ee ay helaan.

Canshuurta laga qaado hantida ma guurtada ah, sida dhulka, guryaha iyo beeraha.

Sida ay ku doodeyso wasaaradda Maaliyadda Federaalka soomaaliya waxaa la nidaamiyay qiimaha canshuurta ee badeecada dalka la keeno, sidoo kale waxaa la billaabay canshuurta laga qaado macaamiisha marka adeeg loo fuliyo ama ay wax iibsadaan. Wixii ka horreeyay February 2018, ayadoon la kala soocin tayada, nooca iyo qiimaha badeecada ku jirta kartoonka ayaa si isku mid ah loo canshuuri jiray badeecada laga soo dejiyo dekadda muqdisho, sidaas darteed waxay wasaaraddu soorogtay in qiimaha canshuurta loo eego hadba nooca iyo tayada beedacada. Kala soocidda qiimaha canshuurta waa mid ka mid ah sababta muranku ka dhashay waxaase wehliya ayadoo culeys loo arkay canshuurta kale ee iibka (VAT) ee la saaro macaamiisha iibsata badeeco ama adeeg ka badan baahida lagama maarmaanka ah, hayeeshee xukuumaddu waxay ku doodeysaa in qiimaha la saaray canshuurtan ay tahay 5% taasoo ah tan ugu yar ee la qaado caalamka oo idil.

COSOB

5

Maarso 2018

Shaki laga qabo halka ay mari doonaan lacagaha kasoo xarooda canshuuraha iyo tuhun ku saabsan in Gobolka banaadir oo kaliya laga qaadayo canshuurta oo aan dan laga laheyn ilaha dhaqaale ee Gobollada kale ee dalka ayaa sii hurinaya Muranka arrinkan ku saabsan. 21kii February ee sanadkan; guddiga maaliyadda iyo ganacsiga baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxay sharci darro ku tilmaameen canshuurta iibka ee ay wasaaradda maaliyaddu soo rogtay waxayna wasaaradda ka codsadeen in 30ka Bisha April 2018 ay baarlamaanka hor geeyso Shuruucda canshuurta oo tifaftiran. Ma xuma soo jeedinta dambe ee ah in baarlamaanka la horgeeyo Shuruucda Canshuurta oo tifaftiran hayeeshee tan hore ee ah in sharci darro ay tahay canshuurta ay wasaaraddu soo rogtay waxay wasaaraddu ku doodeysaa in qodobbo dastuurka ku xusan ay qeexayaan sharci ahaanshaha canshuur qaadista. Dastuurka qabyada ah ee Federaalka Soomaaliya, Cutubkiisa 14aad Qodobka 148aad - xarfaha kala ah A, B, C, D, E, F, G, H, & I wuxuu si faahfaahsan u qeexayaa arrinkan ku saabsan canshuur qaadista. Marka aan ogaannay kadib; sharci ahaanshaha iyo muhiimadda ay ku fadhiso bixinta cansuurta, waxaa is weydiini ka imaan kartaa ma la taagan yahay xilligii ku habbooneyd ee ah in la qaado canshuur mase maya? Way caddahay jawaabta, muxaafad iyo mucaarad midna muran kama qabo xilligan in la taagan yahay waqtigii canshuur qaadista ayadoo sharciga lagu dabaqayo isla markaana lala jaanqaadayo daruufaha iyo marxaladaha adag ee ku gedaaman nolosha shacabka. Arrinta ugu weyni ee in laga taxaddaro u baahan ayaa ah baabi’inta musuqa oo si weyn u hareeyay hay’adaha dowladda, sidaas darteed hogaanka dowladdu waa in uu abuuro jawi is aaminaad iyo kalsooni ku dhisan, ayadoo si kama dambeys ahna loola dagaallamayo musuqmaasuqiistaha xiran shaarka dowladda ee dhaawacaya sharafta qarannimo ee Soomaaliya. Si joogta ah oo shacabka loo tuso hadba meeshii ay marto canshuurta laga qaaday ayaa macno u sameyneysa kororka dhaqaalaha dalka iyo wax soo saarka Ummadda.

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)


Musuqmaasuq!! AAFADA UU MUSUQU NAGU HAYO WAA WAX AAN LOO HEYN HALBEEG IYO MIISAAN KU FILAN OO LAGU CABBIRO,

A

llaha u naxriistee Sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa isla markaana gabayada caan ku ahaa ayaa laga hayaa in uu yiri: “Musuqmaasuq Soomaali waa, meheraddeediiye Hadba midab horley kuula iman, maalin daa’ima’e Malahmalahda iyo beenahaa, mowdku ka adeegi! …” Sayidku wuxuu aasan yahay muddo laga joogo qarni iyo dheeraad, hayeeshee wixii uu maalintaas ka gabyay weli way taagan yihiin weliba si kasii xun intii maalintaas laga gilglinayay. Sanadkan warbixin ay soo saartay hay’adda Transprency Inrternational, Mar kale ayay Soomaaliya liiska kala horreynta musuqmaasuqa ka gashay safka kowaad ee waddamada adduunka. Liiskan Sanadlaha ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa muujinaya in Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka

gashay musuq maasuqa. Warbixinta oo lagu qiimeeyay 180 Dal iyo dhulal kale waxaa lagu saleeyay aragtida qeybta ganacsiga iyo midda khubarrada, waxaana lagu kala qiimeynayay 0 illaa 100, Eberku wuxuu ka dhigan yahay musuqmaasuq aad u ba'an, 100na musuq la'aan, kaalimaha ugu horeeyana waxaa ku jira Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed. Hay’adda ayaa qiimeysa musuqmaasuqa ay sameeyaan madaxda dowladda ayadoo aysan jirin la xisaabtan iyo ciqaab ay la kulmaan madaxdu. Wax weyn oo lala yaabo looma arko in soomaaliya ay xilligan hoggaamineyso waddamada ugu musuqa badan caalamka, maxaa yeelay doorashooyinkii xildhibaannada iyo tii madaxweynaha ee sanadihii ugu dambeeyay la qabtay waxaa lagu tilmaami karaa sida suuqa xoolaha oo kale.

COSOB

6

Maarso 2018

Ka ganacsiga codka xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka si wayn ayaa loogu gorgortamay, Laaluushka ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “corruption”ka halkii qof codkiisa waxuu gaaray meelaha qaar 10,000 dollar. Xildhibaanka dhowr kun oo dollar oo laaluush ah ku bixiyay si uu ugu farriisto kursiga baarlamaanka, sidee suurtagal u tahay in uu keeno ama meel mariyo mooshin lagu xisaabinayo qof musuq faraha kula jira? Sidee buu horseed uga noqonayaa olole musaqa lagu ciribtirayo? Waxaa jirta Maah-maah ay Soomaali si weyn u aaminsan tahay oo dhaheysa “Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho” waa wax aan is qaban karin madax laaluush iyo musuq ku timid in ay cirib tirto musuq iyo laaluush. Musuqu wuxuu ku milmay shaqooyinka xafiisyada, wuxuu u ka mid noqday


dhaqanka madaxda dowladda, siyaasiyiinta kale iyo shaqaalaha dowladda, xitaa shirkadaha iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay wuu saameeyay dhaqankaas. Aafada musaqa iyo saameyntiisa waxay gaareen qof kasta oo Soomaali ah gobol iyo degmo kasta oo uu joogo. Soomaaliya waxay dooneysaa oo halgan ugu jirtaa in laga cafiyo deymaha is dul-fuulay ee uu caalamku ku leeyahay, haddana wax soo saarka iyo dhaqaale abuurku waa mid aad u hooseeya taas beddelkeedana waxaa meel sare maraya oo si xowli badan ku socda musuqa. Musuq-maasuq waa Erey-cilmiyeed Si guud u tilmaamaya xaalado ku ku saabsan in lagu tunto mabda'a hufnaanta.

Musuq-maasuq xogeed ama macluumaad.

Musuq-maasuq siyaasadeed, waa in kooxda heysata talada maamulka ay si qaldan ugu takri fasho awoodda hogaaminta, oo ay u adeegsato ujeeddooyin aan sharci aheyn ayadoo loo marayo laaluush bixin, cabsigelin, qaraabeysi, caburin iyo xabisid. Musuq-maasuq maaliyadeed waa waxisdaba-marin hanti ama dhaqaale oo ay ku kacdo cidda gacanta ku heysa hantidaas/dhaqaalahaas ayadoo lagu fushanayo dano gaar ah.

Qaamuuska Carabigu waxa uu ilmaamayaa in “Fasaadka” oo loola Jeedo Musuqa uu micnihiisu yahay Lidka Ereyga “Wax-Hagaajin”

Tan ugu dambeysa oo ah musuqmaasuq xogeed ama macluumaad waxaa lagu sharraxaa in ay tahay in la marin habaabiyo xog muhim ah oo danaha guud ka tarjumeysa si loo weeciyo aragtida dadka waxgaradka ah ayadoo lagu fushanayo ujeeddooyin aan sharci aheyn iyo kuwo u adeegaya dano gaar ah

Qeexidda guud ee ereyga Musuqmaasuq waxa uu noqonayaa wax isdaba marin hawl ku ciyaarid, Shaqo dayacid, ku takri-fal awood iyo in hanti Lagu qaato si Dulmi oo Xaq-darro ah.

Sababaha ay ugu dhiiradaan dadka in ay musuq sameeyaan waxaa ka mid ah mushaarka oo ku yar, isla xisaabtan la'aan, iyo in dadka qaar aysan ogeyn in xatooyadu ay halis tahay.

Qaamuuska Ingiriisiga ee Oxford wuxuu Musuqa ku Qeexayaa in uu yahay ka leexashada ama bur-burinta Hufnaan u gudashada howlaha guud, ayadoo markaasi shaqada lagu qabanayo laaluush iyo xigaalnimo.

musuqa waxa uu saameyn toos ah ku leeyahay horumarka dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, waana taas sababta ay Soomaaliya uga kici la’dahay meesha ay imika fadhiso

Musuqa ayaa loo kala qeybiyaa dhowr nooc, oo kala ah: •

Musuq-maasuq siyaasadeed

Musuq-maasuq maaliyadeed, iyo

waxa la hubaa wadanka ku horreeya dhinaca musuqa wuxuu asaagiisa uga dib dhacsan yahay dhinaca nolosha, markastana in wadan uu ka bad-baado ama dhexmaquurto musuqa waxaa sabab u ah hogaamiyayaasha talada haya.

Sanadkii 1960kii waxaa mar kaliya xornimadooda qaatay oo gumeysiga ka xoroobay wadama badan oo ku kala yaala qaaradaha africa, asia iyo latin america. Dowladaha Soomaaliya oo geeska afrika ku taalla iyo Malaysia oo dhacda bariga asia waxay madaxbanaanidooda wada qaateen sanadkii 1960kii, labada dal halka ay maanta nolosha iyo siyaasadda ka joogaan waa Kaaf iyo Kala dheeri. Maleysiya waxay si xowli ah u sameyneysay horumar dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshadaba, waa Waddanka 3aad ee ugu dhaqaalaha badan Qaaradda Asia, isla markaana waa waddanka 19ee adduunka wadamada dhaqaalahoodu uu kobcay, Soomaaliyana Maanta ayay halgan iyo sasabasho ugu jirtii in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Sanaddadii lixdameeyadii Adduun weynuhu markii uu ka yaabeen Musuqa ka jira Soomaaliya waxay ugu magac dareen “Qabrigii Deynta Shisheeye” 58 sano kadib magacee la dhihi karaa? Aafada uu musuqu nagu hayo waa wax aan loo heyn Halbeeg iyo Miisaan ku filan oo lagu cabbiro, Musuqmaasuqa waa kan iibiya dadnimada qofka iyo sharaftiisa wan kan dila aaminaadda iyo kalsoonida qofka iyo dowladda. Xalka kaliya ee Maanta soomaaliya hor yaalla waa in ay madaxdu wax ka beddesho hab-dhaqankeeda iyo xaalada ay hadda ku shaqeynayaan, qaab kasta oo ay iyaga ku yimaadeen kursiga talada hadda iyagoo dhaqan wanaagsan la yimaado ayaa inta kalena ku dayasho fiican u noqon karta.

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)

COSOB

7

Maarso 2018


HESHIISKA MADAXDA FEDERAALKA & GOBALADA MA FULI KARAA?

D

hawaan waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis ay wada gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawladaha xubna ka ah, kaas oo ka koobnaa 3 arrimood oo laf dhabar u ah dawlad-nimada Somaliya. Hadii lagu guuleystana waxaa suurta gal ah in la helo dawlad Somaliyeed oo leh awood ay ku difaacato siyaasadeeda, amnigeeda iyo khayraadkeeda. Si aan kala har lahayn ayaa dadka Somaaliyeed usoo dhaweeyeen una taageereen heshiiska mucaarad iyo mucaafid ba, waxeyna madaxdu ku heshay heshiiska ammaan iyo bogaadin. Hadii la hirgaliyo heshiiskaan sida khubaradu sheegeen waxaa lagu guuleysan karaa; A. In la helo siyaasad xasilan oo hufan, lagana maarmo 4.5 iyo oday dhaqameed soo xula Xildhibaan aan matalin dadkiisa iyo deegaankiisa, maamul gobaleed kaligii qaraabta, shisheeye madaxda Somaliya kala iibiya iyo qabiil haysta kuraas u gaar ah. B. In laga baxo amni darada, lana helo ciidan qaran, lagana gudbo ciidan beeleed, xuduud beeleed, jabhado beeleed iyo jabhado diimeed. C. In la heli karo dhaqaale ku filan dawladda iyo dadka Somaaliyeed, haddii si sax ah looga faa' iidaysto khayraadka Badda, Hawada, Dhulka hoostiisa iyo korkiisa. Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegay; hadii la kireeyo kaluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya in laga heli karo sanadkii 2 - 3 $Billion. Waxaana dawladda iyo dadka Somaliyeed lagu gummeystaa sida ay sheegaan; in sanad kasta lagu

bixiyo 1.2 $Billion amniga Somaliya iyo 800 $Million gargaarka deg dega ah ee Soomaliya. Taas ayaa laga maarmi karaa haddii si sax ah loo kireeyo Kalluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya. Caqabadaha hor-taagan hir-gelinta heshiiskaan oo fashil ku keeni kara hadii aan si wada jir ah looga hor-tegin ama loo wajahin. Waxaana ka mid ah; 1. Dawlada Federaalka iyo dawladgobaleedyada oo aan weli is aaminin sida ka muuqata heshiiska sida; in ruqsada la wada bixiyo, dakhligana la wada maamulo, taas oo keeni karta; "dherigii kariyaal bata waa maraq xaraareeyaa" cadawguna fursad iyo daldaloolo ayuu ka helaa!. 2. Somaliland oo aan ku jirin heshiiska caqabadna ku noqon karta hir-gelintiisa iyo cadawga Somaliya oo ka dhigan kara "hashii rabta in ay caanaha diido maqaarka ayey meel daloosha ka eegtaa". 3. Qaraaraadka iyo cuna-qabateynta UN ka oo caqabad ku gudban ah horumarka dawladda iyo dadka Soomaliyeed, sida ku cad taariikhda UN ka oo aan weli lagu arkin wadan dawladiisii burburtay oo UN guul ka keentay, waxaana dabool ama maqaar saar ka dhigta dawladaha raba gumeysiga cusub! Sida Angola iyo Lubnaan oo ciidan UN ka socda ku suganyahay mudo ka badan 30 sano, khayraad-koodiina la guranayo, dadkoodiina gaajo u dhimanayaan. Soomaliya 27 sano ayey UN magacyo kala duwan ku joogtay Somaliya wax guul ahna weli kama soo hoynin, waxaana hir-gelinta heshiiskaan caqabad ku ah:

COSOB

8

Maarso 2018

A. Qaraarka cunaqabateynta hubka ee ciidamada Soomaliya. B. Qaraarka Burcad Badeedda ee loogu fasaxay Badda Somaliya Maraakiibta Dagaalka iyo kuwa Burcad Kalluunka. C. Qaraarka Hawada Somaliya looga qaatay, laguna baneystay qaadashada hantida Marinka Hawada Soomaliya 27 sano, kaas oo weli taagan. D. Qaraarka joogitaanka AMISOM ama in lagu beddelo kuwa UN u gaar ah oo waligood jooga. 4. Shirkadaha Shidaalka reer Galbeedka oo kala xirxirtay dhammaan dhulka Soomalida cid kalena aan u ogoleen. 5. Ciidamada AFRICOM oo soo galay Afrika xilligii madaxweyne Bush, mar la weydiiyey taliye-hoodana sababta ay Africa u yimaadeen uu ku jawaabay; "waxaan u nimid in madaxda Afrika aysan qaadan go'aan aan lala ogeyn" iyaga oo ilaalinaya danaha America iyo khayraadka Soomaliya. 6. Dawladaha deriska, kuwa ciidamadu ka joogaan Badda iyo Berriga iyo kuwa ay dhibayso horumarka Soomaliya ama raba kharaadkeeda. Hadaba waxaa waajib ku ah dawladda iyo dadka Somaliyeed in ay u hawlgalaan sidii caqabadahaas looga guuleysan lahaa, loona hirgelin lahaa heshiiska bilawga ah ee dawladda Fedaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Dr: Mohamed Gacal


WADA HADALKA DHISMAYAASHA

W

ada hadalka dhismayaasha waxaan qeyb taan ku eegi doonaa labada dhisme ee dariska ah HOTEL JUBA & EX BAAR FIAT. { DOORBIN HOTEL} Waxaa hadaba sida caadada ah hadalka bilaabi doona dhismaha wax guconaya oo ah HOTEL JUBA. =Hallo Bar Fiat = Haa,yaa waaye waxa saacaan na soo wacaya,miyeysan aqoon nidaamka u dagsan Hotelka. = Sxb waa Aniga waa Hotel Juba miyaad I ilowday mise magacii baa lagaa badalay. = Haa Ma Hotel Jubaa, Sory Walaal, ma nafaqa daraa ku heysa mise waayahaan ilama aadan socon , miyaadan u jeedin sida la iga dhigay.mida kale magacii Baar FIAT-na hada la iiguma yeedho ee la soco Sxb. = Aduunyooy xaal kaa ba’, inkastoo aan duqoobay oo aanan indhaha si fiican wax uga arag, hadana maalmahaan waan maqlayay shanqarta dhismaha weyn ee horteyda ka socda, ee ma adiguu ahaa Sxb, maxaase laguugu yeeraa hada. = Aniguu ahaa Sxb, waxaana ley bixiyay DOORBIN HOTEL ee maxaan kuu qabtaa.? = Cajiib ma Sxbkey BAAR fIAT oo aan abaar iyo aaran isla soo marnay baa sidaan iila hadlaya. = Sorry qalad ha iga fahmin , ee hadalka ii wad maxaa cusub Sxb. = Waayahaye i dhageyso, inkastoo jidka noo dhexeeya aniga & adiga waayadii danbe la dhigay jawaano caro ah oo aanan si sax ah u hubin in Baar Fiat oo aan wax badan daris aheyn sidaan loo qurxiyay, hadana waad iga nasiib badan tahaye bal hadaad i xasuusato xaalka ka waran. = Si fiican baan kuu xasuustaa Sxb, Alxamdullilah horta waxa sidaad u jeedo loo qurxiyay waa aniga, hadii shalay la iigu yeeri jiray BAAR FIAT oo ay dadku ii soo doonan jireen cunto fudud, iyo adeegyo kaloo yar yarna maanta waxaa la ii bixiyay DOORBIN HOTEL, ee horta mar danbe BAAR FIAT ha iigu yeerin waan ka xanaaqaaye, miyaadan u jeedin dhismaha cajiibka ah ee la iga dhisay, tan kale hada waxaa la iga dhex helaa cuntoooyin nooc walba leh, waxaana ii soo hurda taga Madaxda iyo dadka lacagta leh, waana la iga bogsiiyay wixii burbur iyo diif ahaa

ee i soo maray oo markaan xaal keygu Sxb waa heer sare. = Allaha kuu siyaadiyo Sxb, hana i soo xasuusinin noloshii hore , aniguba waa baan ahaa mid ka mid ah Hotelada ugu casrisan caasimada, waxaana la iga dhex heli jiray adeeg kasta oo nooluhu u baahan yahay, waxaan lahaa meelo lagu nasto, meelo lagu ciyaaro iyo meelo lagu dabaasho oo ay aad uga heli jireen dadka dalxiisayaasha ah, weliba habeenka Jimcaha ah sidaad xasuusato waxaa dhexdeyda muusig aad u macaan ku garaaci jiray Kooxihii Durdur, Shareero,Iftin iyo kuwa kaleba,waxaana qolal keyga hurdada u soo tartami jiray ajaanibta iyo madaxda dalka, Alla maxaan aduunyo macaan keeda soo arkay,!! maantana waxaa igu hoyda bisadaha iyo Ariga, waxaana ka mid ahay mid ka mid ah dhismayaasha ugu ayaanka darán caasimada. = Waa runtaa Sxb ee iska adkeyso, aniguba waagaas waan kaa maseyri jiray marka aan arko qurxuxdaada ,dadka kugu soo qulqulaya ,iftiinka nalalkaaga iyo muusigaaga oo aan ku hurda seegi jiray, habeenada qaarna aan baarkeyga dhexdiisa ka dhageysan jiray ilaa waabarkii, waagii danbana waad ogtahay wixii dagaal iyo burbur aha ee na soo maray, xataa dadkii waagaas na bililiqeystay saaxiiboow wajiyadooda qaar baan weli ka sii xasuustaa,! waligeeyna kuma fikirin inaan sidaas u fool xumaan doono Aniga iyo Adigu, Lkn hada aniga aad baa la ii maalgaliay waxaana ka mid noqday mid ka mid ah dhismayaasha ugu qurxoon Muqdisho, marka Sxb iska samir adiga awalba dowlad baa ku dhistay hadana iyadaa ku dhisi doontee. = Dowlad kulahaa, ! Sxboow Soomaalidu waxay tiraahdaa bowdyo rageed maalinba mid baa qaawane, maanta waa maalinteydii mana filayo in dowladi i dhisi doonto waqtigaan iyo waqti u dhow oo taas waanba ka quustaye, waxaan kaloo la yaabanahay dhismayaashii kale ee dowladu laheyd dad baa boobay oo dhistay,lkn Aniga iyo Sxbkeey HOTEL CURUBO, xataa waxa na dhaca oo na dhista waan la’nahay malaha Dagmada aan ka dhisanahay baa noogu wacan nasiib darada, ee widaayoow madaxda kuu soo qaxwa tagta bal na soo xasuusi intaas axsaan noogu samee. = kkkkkkkk , na soo xasuusi madaxda ku lahaa,!! Sxb maxeey kaa yaqaanaan madaxdaan ma waxaad mooday madaxdii ku taqaanay, kuwaaba

COSOB

9

Maarso 2018

hada mar walba i kaa weydiiya oo igu yiraahda maxaa la oran jiray dhismahaan kaa soo horjeeda, = Aloow Alle, hadeey sidaas tahay bal waxaan iska sii dugaashan doonaa uduga raashin kaaga iyo iftiinka nalal kaaga inta aan nasiib keena ka heli doono Aniga iyo Sxbkeey HOTEL CURUBO ee nabadgalyo. = Waayahay Sxb, lkn Sug! Sug! Sug!!, mid aan ku weydiiyee ma laga yaabaa Adiga iyo Sxbkaa HOTEL CURUBO in nasiib darada idinku habsatay ay sabab u tahay in aad waqtiigiinii hore aheydeen Dhismayaal loo soo tumasho tago oo ay sidaa cadhada Alle idin kugu dhacday. = YAAH ¡ YAAH ,! maxaad tiri .!! ma adigii Sxbkeey ahaa baa sidaa iila hadlaya , maxaan anigu dhisma ahaan galabsaday, hadii cidi danbi leedahay dadkii nagu dhex sameeyaa ilaaheey kula xisaab tamayaaye, War ha igu dharag dhacsane saaxiiboow hadaad sidaas aaminsan tahay nagu kala wad qadkana iiga bax. =Maya Maya Aniga mar walba Sxbkey baad tahay waana i dhibeysaa fool xumadaadu ee hadaad hadalkayga ka xanaaqday ka raali noqo, hadana shaqaan ka daahayaa oo castomar keygaa i sugayee waa inoo maalin kale. = Nabadgalyo

DH A M A A D Abdulkadir Dulyar


AFKAAGU WAA AQOONSIGAAGA

M

unaasabad si qurux badan loo soo agaasimay looguna tala galay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo kaashanaysa Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Golaha Abwaannada oo ay labadaba bah-wadaag yihiin ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Furitaankii munaasabadaasi Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur (Maax) ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan oo ay labbada Akadeemiye (AGA iyo Somasa) isaga kaashadeen xuska 21-Febraayo, waxaana uu ka codsaday Dawladda Soomaaliya inay guddi heer Qaran u magacowdo qabashada xusaska ku aadan afka iyo dhaqankiisa, isagoo intaasi ku daray in loo baahan yahay in arrinkaas loo arko masuuliyad qaran. Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof.Maxamed Daahir Afrax oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay ka soo jeediyay munaasabadaasi ayaa si cilmiyaysan uga warramay sidii uu ku yimid xuska Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, waxaana uu tilmaamay, maadaama AGA ay tahay madal-aqooneed caalami ah, in laameheeda ka hawlgala dhammaan gobollada Soomaaliya, Geeska Afrika iyo daafaha dunida ay magaalooyin fara badan isla maanta uga dabbaaldegayaan xuska 21Febraayo iyagoo dhammaantood isla wada qaataatay halkudheg midaysan, waxaana uu caddeeyay in haludhegga sannadkan la wada qaatay uu yahay “Afkaagu waa aqoonsigaaga”. Dr. Afrax wuxuu ka taariikheeyey magaalada Jabuuti in ay ahayd meeshii ugu horreysey gayiga Soomaalida ee laga bilaabay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, sannadkii 2006, taas oo ku bilaabatay hindise uu Dr. Afrax qudhiisu la wadaagey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle 12kii, Oktoobar 2005tii, ka dibna madaxweynuhu soo dhaweeyey ee amar ku bixiyey in sannad kasta munaasabaddaas Jabuuti looga dabbaaldego. halkaas ayaa munaasabaddan lagu daah-furay bandhig-dhaqameed baaxad weyn oo lagu magacaabay “Toddobaadka Afka Hooyo”. Mahadcelin aad u ballaadhan ayuu guddoomiye Afrax wuxuu u jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Tallaabadaas uu ku garab istaagay iyo sida joogtada ah oo Madaxweyne Geelle goor walba heegan ugu yahay hiilka

afka hooyo iyo dhaqanka ummaddeena. Wuxuu kaloo mahadcelin iyo bogaadin u jeediyey Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre, asagoo uga mahadceliyey hiilka la taaban karo oo uu isku garab taagey Afkeenna hooyo iyo akadeemiyadiisa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md Xasan Cali Kheyre oo hadal taariikhi ah ka soo jeediyay munaasabadaasi ayaa ku nuux-nuuxsaday inay Xukuumadiisu garab taagan tahay nooleynta afka, dhaqanka iyo suugaanta, isgagoo ku dheeraaday muhimmada uu afku leeyahay. Ra’iisul wasaaraha oo hadlkiisa sii wata ayaa gudoomiyaha AkadeemiyeGoboleedka AfSoomaaliga, Prof. Afarax uga mahad naqay sida hagar la’aanta ah ee uu had iyo goor ugu taagan yahay daryeelka afkeena hooyo, isagoo dhanka kale ku baaqay in qof kasta uu xil gaar ah iska saaro illaalinta afkiisa hooyo. Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya Md Cabdi Xaashi C/llaahi oo munaasbadaasi soo gunaanaday aya sheegay inu ku faraxsanyahay sida quruxda badan ee loo soo agaasimay xuska maalinta Afka hooyo, waxaana uu tilaamay inuu Xukuumadda Soomaaliya uga mahad celinayo balan qaadkeeda ku aadan inay garab istaagayso afka Soomaliga, isagoo dhinaca kale ku bogaadiyay Madaxweynaha Jabuuti dadaalka uu had iyo goor la garab taagan yahay illaalinta afka Soomaaliga iyo hal abuurkiisa.

COSOB

10

Maarso 2018

“Xukuumadda Soomaaliya waxaan ugu baaqay in ay ku dadaasho dhisidda xarumaha asaasiga ah ee dhaqanka oo ay ka mid yihiin Maktabaddii Qaranka, Masraxa Qaranka, Matxafka iyo xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga” ayuu si qiiro leh u yiri Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Munaasabadaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa lagu Daah-furey oo dadkii ka soo qeyb galay munaasabdaasi loo qeybiyay Warsidaha AGA oo ah Dhigane ay Akadeemiyadu si joogto ah u soo saari doonto, Warsidahaasi oo xambaarsan aqoon badan oo ku saabsan Wararka iyo Waxqabadka AGA AfSoomaaliga, hal-abuurka, Cilmi baarista, Aqoonta Guud Iwm. Bulshadii ka soo qeyb gashay munaasabadaasi oo ka badnaa Boqolaal ruux ayaa waxay ka kala socdeen naadiyada aqriska iyo qoraalka, Bahda afka iyo dhaqanka, bahda Waxbarashada, Golaha Abwaanada oo kaalin aad u weyn ka ciyaaray, Dhallinyarada iyo Haweenka, waxaana intii ay socotay lagu daawaday suugaan ka hadlaysay qiimaha Afka iyo Halabuurkiisa oo ay soo bandhigeen Fanaaniin ka socotay kooxda Hiddo oo ka tirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.

Amiin Yuusuf Khasaaro


DABAR GO’A KU YIMID LACAGTA SHILINKA SOOMAALIGA

H

orraantii 1940-kii ayey aheyd bilaabashada lacagta loo yaqaanno Shilinka, waxa uu ahaa magacyadii laga dhaxlay gumeystihii Ingiriiska ee ka talinayey geeska Africa. Gumestaha waxa uu ku guuleystay in la qaato magac bixintiisa, 1960-kii ayey aheyd markii ugu horreysay oo la daabaco lacagta 100-ka Shilin iyo 50-ka Shilin. Axmed Maxamed Xasan oo ah dhaqaale yahan waxa uuna yiri:“ Kun sagaal Boqol iyo Lixdankii markii la soo gaaray, waxaan qaadannay Shilinkii Ingiriiska ayaa dib naloogu celshay, sababta uu noogu celinayo waxa uu rabaa Shilinkiisa inuu faafo oo aduunka uu gaaro,markii ugu horreysay waxaan qaadannay 5- Shilin, 10-shilin,20,shilin,100,shilin”. Dabayaaqadii sideed tameeyadii ayaa loo baahday lacag dheeri ah, maadaama ay dowladda ku kacsanaayeen jabhadihii hubeysnaa waxaana la daabacay lacagta 50-Shilin, markii ay dowladda dhaceysana waxaa la daabacay lacagta 1000-ka shilin. Cabdi-Caziiz Axmed Ibrahim Dhaqaale Yahan waxa uu yiri “Dowladda waxa ay la tashatay hay’adda IMF iyo qolyihii dowladaha dhibaatada ka dhaca taageeri jiray, waxaa lagula taliyey marka in lacagta meesha laga saaro shiln Soomaaliga baaba’ay, waxa ay ku talisay IMF in la soo daabaco lacag cusub balse kunka shilin iyo shanta boqol ee dhibaatada keenay in aan la soo celinin”. Bilowggii kacdoonnadii hubeysnaa kuwaas oo ka horyimid dowladda Millatariga ayey bilaabatay hoosudhaca qiimaha shilinka Soomaaliga si taasi looga hortago, waxa ay dalbatay dowladda sameynta lacag cusub loona bixiyey magaca “shilinka Cusub ama New Shlin” . Marka uu meesha ka baxay Bangigii Soomaaliya oo ahaa meesha laga maamulo lacagaha, waxaa sii xoogeystay daabicidda lacagaha been abuurka ee soo

galayey dalka. Mar kale Cabdi-Caziiz Axmed Ibrahim Dhaqaale Yahan waxa uu yiri: “Meeshaas waxa ka bilowday in ganacsatada ay soo bilaabaan daabacaadda lacago cusub, ganacstada waxa ay wax ku soo daabici jireen waraaqda A4 ilaa markii dambe koobiyada lagu daabaco lacagaha la keeno Xamar”. Sanadkii tagay bartamihiisa ayey dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay daabici doonto lacag cusub oo badali doonta lacagtii hore,dadka ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa sheegay caqabado ay hortaaganyihiin daabacadda lacagtaasi waxaana ka mida waxyaabaha hortaagan.

AH AYAA NOQDAY CAQABAD KALE OO HOR LEH TAASNA WAXA AY KEENTAY DADKA GACMAHOODA AY KA BAXDO LACAGTA SHILINKA SOOMAALIGA AH MARYAN AXMED HAARUUN XILDHIBAANNAD WAXAA AY TIRI “WAXAAD ARKEYSAA SHAAHA LA GADANAYO IN LAGU GADANAYO LACAGTA EVSIGA,XATAA DADKA WAXA AY BARTEEN SIDA LOO HADLO AWAL DADKA WAXA AY YAQAANEEN SHILIN SOOMAALI,QOFKII BAADIYAHA KA YIMID AYAABA EVSIGA KA HADLAYO” Qof walba lacagta waxa uu ka isticmaalaa gudaha telefoonkiisa,waxayna taasi keentay in lacagta Shilinka Soomaaliga ay ka zuusho gobollo badan.

-Bangiga dhexe ee Soomaaliya si buuxda uma shaqeeyo. -LACAGTA CUSUB OO LA SOO DAABACAYO WAXAA ADKAANEYSO IN AY SOCOTO AMA LA ISTICMAALO. BILAABASHADII AALADAHA CASRIGA

COSOB

11

Maarso 2018

Bella Maxamed Sheegow


DHIBAATOOYINKA BALWADAHA AY KU JIRAAN QAADKA IYO SHIISHADDU KU HAYAAN BULSHADA SOOMAALIYEED

B

ulshoooyinka ay Soomalidu ku jirto ayey balwaduhu dhibaato ku hayaan si gaar ahna Soomaalida in badani waxay caadeystaan balwado cunista qaadku ka mid tahay taas oo Somaalida sanad walba ka galaafata lacag gaareysa malaayiin Dollar iyadoo laga keeno dalal ay ku jiraan Kenya iyo Itoobiya. Balwaduhu kuma koobna qaadka ee waxaa soo raaca kuwo kale sida sigaarka , tubaakada , shiishadda oo muddooyinka dambe aad loo iscticmaalo iyo xitaa kuwo kale .

Arrimaha ugu waaweyn ee sababa

barashada isticmaalka balwadaha ayaa lagu tilmaamaa in ay ku jirto ku dayasho aan laga fiirsan , wacyigelinta oo yar iyo qofka oo u arka faanfaan sida uu sheegay C/llaahi Muuse oo beri isticmaali jiray balwadda qaadka sida uu yiri haatanse aan isticmaalin. " Anigu beri waan lahaa balwadda siiba tan qaadka ..laakiin haatan ma isticmaalo waayo waxaan ogahay dhibaatooyinka ay leedahay ee dhainacyada badan,,dhaqaale, caaafimaad iyo bulsho" balwadaha isticmaalkooda waxaa ka dhasha dhibaato in qofku dayaco hantidiisa uuna si aan habbooneyn u isticmaalo kuna bixiyo meelo aan

COSOB

12

Maarso 2018

habbooneyn isagoo weliba jawiga uu ku dhex isticmaalayo balwadda uu yahay mid aaney ka muuqan akhyaarnimo isla markaana ay ilowsiiso arrimo badan oo dan u ahaa waqti fara badanna uu lumiyo wuxuuna Sheekh Maxamud C/dulle Cariif oo ka mid ah culimaa'udiinka Soomaaliyeed uu sheegay in balwaduhu keenaan fasahaad , sharci ahaanna ay diintu u aqoonsan tahay balwadaha wax xun . "Balwadda nooc kasta oo ay tahay haddiiba ay keeneyso dayaca nafta , qoyska iyo cibaadada waa wax xun oo galaya baabka xaaraanta ....sideedana waa in laga dheeraado wixii nafta ku hoggaaminaya wax xun"


waxay ku sii rideysaa mid ka sii culus marka balwad kasta ay u sii dhiibto mid kale oo ka culus kana halis badan" Waxaaa qoysaska Soomalida ka dhexjira dhibaatoyin qaar ay keenaan in ay is furaan badankoodana waxay ka dhashaan marka aabayashaasha isticmaala balwadda ay gudan waayaan waajibaadkii saarnaa oo qoyskuna noqdo mid dayacan aabuhuna carruurtiisa ka doorbido balwada uu ku dhexjiro oo ragga qaarkood la arko in ay u go'een.. sida uu sharraxayo Sh Maxamud ow Cabdulle Cariif. "Aaabbeyaal mas'uuliyad ka saarneyd qoysas dhan ayaa dayaca dadkii ay mas'uulka ka ahaayeen ..taasina waxay keentaa mas'uuliyad darro iyo in qofka balwadda yeesha nin iyo naag midka uu yahayba aan lagu aaminin mas'uuliyad" Dhibka ay qabaan dadka balwadaha leh kuma koobna kuwa ka heyta dhinaca bulshada , dhaqaalaha iyo qoyska ee waxaa jira dhibaatooyin kale oo ay qabaan oo ay ku jiraan kuwo dhinaca maskaxda ah waxaana xilliyadan dambe dadka lagu daweeyo cusbitaalada dhimirka ee dalka ay u badan yihiin dad hore u caadeystay isticmaalka balwadaha . Dr C/raxman CALI Cawaale Xabeeb , wuxuu ka mid yahay dadka ku howlan la tacaalida dadka qaba cudurada dhimirka wuxuu sheeegay in balwaduhu qofka isticmaala saameyn maskaxeed ku yeeshaan oo marka uu isticmaalaba ay ka soo muuqdaan ka hor inta aaney waxyeello kaleba u geysan.

Dadka balwadaha leh way kala da' duwan yihiin sidoo kalena waxay isugu jiraan rag iyo dumar waxaase u baahan in la isweydiintu tahay in iyadoo qofku heli in uu si caadi ah ugu dhex noolaado bulshada , maxaa keena in qofku ku cararo dhinaca balwadda maxaase ka jira sheegashada dadka qaar ee ku saabsan in culeyska maskaxda (Stresska ) ay kaga baxsadaan isticmaalka balwadda , C/llaahi Muuse waxaanu la dhacsaneyn afkaartaasi wuxuuna ku tilmaamay marmarsiiyo la doonayo in lagu banneyso ku sii dhexjiridda balwadaha .

" Haa...waa ey ka soo muuqdaan..marka balwaddu ku xad dhaaftana waxaa laga yaabaa in qofku is madax maro oo uu waasho" Dadka balwadaha leh ayaa inta badan gaar ka ah ama ka duwan kuwa noloshoodu caadiga tahay waxayna Soomalida ku ahaayeen wax aan la jecleyn oo qofka isticmaalaa uu ahaa qof si gaar ah loo eego oo aan aaney bulshadu wax badan ku aaminin mas'uulidana lagala baqo hase yeeshee muddoyinkan dambe waxay noqotay

wax la isugu faano oo rag iyo dumarba aan lagu kala xishoon wxuuna Sh. Maxamuud ka deyrinayaa qaabka dadka Somaalida ahi qaarkood ay hadda u noqdeen ku balwaddo sii jiidaneyso. " Hadda rag iyo dumar balwaddii qofku ka xishoon jiray haatan waxaad arkeysaa in lagu faanayo..taasina waa nasiib xumo u soo hoyatay bulshada ..waana in ay iska gaaraan inta goori goor tahay kuwa ay sii jiidaneyso balwaddu " Kooxaha balwadaha ku dheggan waxay ku doodaan in aaney deyn karin waxay ka dhigaan xaalad qabatin oo kale ah qofkana ay muuqato xaalddii balwadda, dadkii uu la wadaagi jiray iyo goobtii uu ku istcmaali, taas markii dhinacyo badan la eegay la ogaaday in ay tahay wax niyad ahaan ay iyaga sameysteen. C/llaahi Cilmi Nuur oo bare ka ah mahadka SKY ee sayniska iyo teknolojiyada ee ku yaalla Muqdisho wuxuu sheegay in balwadaha la iska goyn karo balse loo baahan yahay in marka hore ay arrintaa niyad ahaan uga timaaddo qofka isticmaala balwadda . " Waa been balwadda iskama goyn balwadda qofka leh....qofka isaga ayey ku xiran tahay..haddii uu rabo in uu iska gooyo ..waa iska goyn karaa" Balwaduhu kuma koobna ragga oo keliya ee haweenka qaarna way isticmaalaan ha ahaato isicmaalka sigaarka, qaadka iyo shiishadda. Haweenka oo asaas u ah qoyska dhismihiisa iyo tan bulshadaba haddii ay isticmaalaan balwadana waxay culeys ku keeni kartaa dhismihii bulshada dhinacyo badan oo ay ku jirto dhinicii akhlaaqda sida uu sharraxayo Sh MAXAMUUD. " Haweenku waa barbaariyeyaasha bulshada..aas-aaska qoyska ..haddii iyadiiba ay balwad leedahay qoyska intiisa kale sidee noqonayaa... bulshadase sidee ugu dayaneysaa ...waxay noqoneysaa in akhlaaq ahaan bulshadii ay xumaato"

Mohamed Shiil Hassan

"Balwadda yaaba ah waxa sii kordhiya culeyska maskaxda..qofka is dhahaya waxaad kaga baxaeysaa culeyskaa..

COSOB

13

Maarso 2018


WAA MAXAY FAAIIDOOYINKA LAGA HELO CUNISTA TIITIINKA

W

axaa hubaal ah in geedka lagu magacaabo ‘Cactus’ oo ay Soomaaliduna u taqaanno Tiitiinka inuu aad uga baxo dhulkeenna Soomaaliya, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsanayn faa’iidada caafimaad ee khudaartaasi cagaaran ay leedahay. Dunida oo idil ayaa aad u aaminsan geedkani aadna u cuna, waxaana loo yaqaannaa oo kale ‘Nopal leaves’ iyadoo siyaabo kala duwanna loo cuno sida in cabitaan ahaan loo shiito, in la dubo ama biyo lagu karsado, waxaana meelaha uu ka baxo ay kala yihiin, America, Australia, Bariga dhexe, Afrika iyo India. Maadooyin badan oo nafaqo ah ayaa laga helaa Tiitiinka, sida Protein, Sonkor, dufan, Fiber, Vitamin A, Vitamin C, Vitamin K, Vitamin B6, Calcium, Iron, Potassium, Sodium, Zinc, Manganese iyo weliba Selenium, kuwaasoo intuba faa’iidooyin ballaaran u leh jirka bani’aadamka. Tiitiinku waxa uu daawo u yahay dhiig karka, isagoo dheelli tira sonkorta dhiigga ku jirta, cudurka macaanka nuuciisa 2 ayuu sidoo kale ka hor tag u yahay. Geedkani waxa uu dadka ka caawiyaa inuu miisaankooda dhimo, maadaama ay ku badan tahay maadada Fiber-ta oo caawisa in miisaanka qofku hoos u dhaco, waxaana sidoo kale daraasad ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sameysay 1998 lagu ogaaday in uu cayilka ama baruurta ka hor tago iyo cudurrada la xiriira wadnaha. Tiitiinku waxa uu hor mariyaa habka dheefshiidka, waxaana sidoo kale uu dawo u yahay calool xanuunka, iyadoo la isku raacay in khudaartani tahay mid dawo u ah xanuunnada dhinaca dheef shiidka.

Boogaha gudaha sida Gaastiriigga caloosha ayuu wax badan ka qabtaa, waxaana uu aad ugu fiican yahay dadka Gaastiriigga la il daran. Maadaama uu yareeyo Tiitiinku heerka dufanka cholesterol waxaa la isku raacay in sidoo kale uu yareeyo halista wadna xanuunka, iyadoo sidoo kalena haddii cabitaan ahaan loo shiito uu daawo u yahay infekshanka dhinaca kaadida.

ee qofka ka ilaaliya inay ku dhacdo dhiig yari. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in Tiitiinku uu qofka u yeelo lafo adag, maadaama Calcium ay ku jirto, taasoo dhaqammo badan oo caalamka ahna ay ku baraarugsanaayeen kumanaan sano ka hor.

Waxa uu Tiitiinku nadiifiyaa xiidmaha isagoo ka saara dhammaan waxyaabaha suntan ah ee wax u dhimaya xiidmaha, halka sidoo kalena Tiitiinku yahay mid hodan ku ah maadooyinka ka hor taga suntan jirka waxa uu beerka ka difaacaa wax kasta oo sun ah.

Dhaqammo badan oo hore oo caalamka uga jiray ayaa waxa ay caleenta Tiitiinka u isticmaali jireen in ay ku daweeyaan dhaawacyada iyo gubashada, iyagoo rumeysnaa in caleenta tiitiinku ay tahay xanuun baabi’iye si dhaqso ah u bogsiisa boogaha iyadoo daraasad la sameeyay 1941-kiina arrintaasi lagu xaqiijiyay.

Isku soo wada duuboo, bulshooyin badan oo caalamka ku nool ayaa aaminsan in Tiitiinku uu daawo u yahay cudurro badan oo ay ka mid yihiin; Neefta/Xiiqda, daalka, shubanka,Jabtada, Waraabowga, Jadeecada, San gororka, qaniinyada halaqa, hunguri cun cunka, Xinjiroowga, madax xanuunka, caabuqa indhaha iyo kuwo kale.

Intaa kuma eka faa’iidooyinka Tiitiinka, waxaana uu dabiib u yahay bararka iyo gubashada, isagoo sidoo kalena yareeya xanuunka kala goysyada.

Dhinaca aragga ayuu u wanaagsan yahay Tiitiinku maadaama uu hodan ku yahay Vitamin A, oo caafimaad siisa indhaha iyo araggooda.

Haddaba ka faa’iidoyso barwaaqadan oo sidaad doonto u cun Tiitiinka tiinka ka baxa gurigaaga agtiisa meel walba oo aad Soomaaliya ka joogto.

Daraasad kale oo uu sameeyay Rodriguez-Garcia sanadkii 2007 ayaa lagu ogaaday in Tiitiinku hodan ku yahay Calcium xiidmaha bani’aadamka ka difaacda Kansarka.

Dhiig yarida ‘Anemia’ ayaa ka mid ah waxyaabaha uu wax badan ka qabto Tiitiinku, maadaama uu jirka siiyo maadada birta ama Iron-ka ooh or marisa soo saaridda unugyada cas cas

COSOB

14

Maarso 2018

Yaxye Yuusuf


MA DHABBAA IN ISBOORTIGU UU XAMBAARSAN YAHAY NABAD, LAGUNA DHIGI KARO HUBKA? DILAA WEYN OO U DHASHAY KENYA OO ISKA DHIGAY QORIGIISII AK-47 KUNA SOO BIIRAY CIYAARAHA FUDUD

L

aba sanadood ka hor Julius Arile w waxaa aad looga yaqaannay Saldhigga Booliska West Pokot ee Kenya Nin Gangistar ah ama Mooryaan, waayo waxa uu ahaa 21-jir si weyn dadka ugu gumaada Qoriga AK47,Hormuudna u ah 50-Dhallinyaro oo dadka ku nool Tuulada ay deggan yihiin ka dhaca Lo'da, Boob Xoogganna u geysta Tuuladooda iyo tuulooyinka ku xeeran. Toddobaadkii la soo dhaafay Tartan Orod ah oo ka dhacay Tecla Loroupe ee Turkwell, Pokot oo loogu magac daray (Orodkii Nabadda) ayaa lagu dhex arkay ninkii Baadiyaha dadka Xoolaha iyo Dilka ugu geysan jirey Mr. Arile oo ku Lebisan Dharka loogu talo galay Orodka (Dharka Cayaaraha Fudud) iyo Saacadda Stop Watch kana qayb galaya Tartankaasi, Mar qura ayay dadkii yaabeen waayo Maskaxdooda marna kuma soo dhicin in Manaxahani uu Orod ama wax Isboorti ah ka qayb qaadan karo, hase yeeshee Julius Arile waxa uu Orodkaasi ka galay kaalinta 2-aad. Isagoo ku soo caan baxay Nolol Dhibaato badan oo aan Naxariis lahayn ayaa Dhallinyaro badan oo Arile Saaxiibadii ah waxa ay iska dhigeen Qoryahoodii, kuna soo biireen Ciyaaraha Orodka. Sanadkii 2012-dii ayaa Haweeneyda lagu magacaabo Telca Loroupe oo horey u heysan jirtay Horyaalkii Orodka Marathonka ayaa waxa ay ka abuurtay Tartammo Nabadeed oo isku xigxiga Gobolka ay ka soo jeeddo, waxaana Tartammadaasi ka mid ahaa Tartankan uu ka qayb galay Toddobaadkan dhammaadkiisii Julius Arile, waxaana halkaasi ka caddaatay in Isboortigu uu Kaalin weyn oo muuqata ka qaadan karo Nabadda, Wadahadalka Bulshada iyo is fahamka. "Siyaasiyiintu waxa ay kulammo isugu yeeraan dadka is khilaafsan cidina ma timaaddo kulammadaasi" ayay tiri Loroupe oo ku sugnayd Gurigeeda West Pokot, waxaana ay intaa ku dartay "Isboortigu waa shay ka duwan Siyaasadda, qof kasta wuu ku raaxeysan karaa, kana qayb geli karaa".

Arile waxaa kale oo uu horey uga qayb galay Tartankii Isboortiga ee ka dhacay Kapenguria, weligii gadaal ma uusan soo eegin, xitaa markii uu dhiganayay Dugsiga Hoose waxa uu mar ka qayb galay Tartan Orod ah oo lagu qabtay Dugsigiisa, waxaana uu galay kaalinta 1-aad, isagoo abaalmarin ahaanna u helay 25,000-KSH oo u dhiganta ($350-Dollar). Muddo gaaban Kaddib Arile waxa uu tegay Saldhig Boolis oo ku yaalla Tuuladiisa waxaana uu ku wareejiyay Qorigiisii AK-47 ee uu Garabka Surnaa isagoo carruur ah."Dadku waxay ii Malaynayaan in aan ahay nin Nacas ah oo aan waxba ahayn" ayuu yiri Arile oo intaa ku daray "Laakiin markii aan guuleystay ayaan Garwaaqsaday Qiimaha Orodka uu leeyahay marka la bar-bar dhigo Duurkii aan ku noolaa". Wiilashii iyo Gabdhihii ka qayb galay Tartankii Orodka ahaa ee ka dhacay West Pakot ayaa la Guddoonsiiyay abaalmarin ay ka mid ahaayeen lacago Cash ah iyo Lo', waxaana taa ay sare u sii qaadday Nniyadda Arile uu u qabay Ciyaaraha Orodka. Arile waxa uu noqday nin ka duwan Gebi ahaan shaqsiyaddiisii hore ee Qalbigga ku haysay Boobka iyo Dilka, waxaana halkaa ka caddaaay Guulaha uu Bulshada u soo hoyn karo iyo awooddiisa Hoggaanka, taasoo keentay in loo magacaabo Afhayeenka

COSOB

15

Maarso 2018

Ololaha Kontoroolka Hubka,.isagoo Bishii July ee Sannadkii hore u ambabaxay Magaallada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon Sannadkii ee la soo dhaafay ayaa isagoo kaashanaya Marwo Loroupe waxa uu Arile Ciyaaraha Orodka ku soo biiriyey Robert Matanda oo ka mid ahaa kuwii ugu darnaa Dagaalyahannada ka Qowleysata West Pakot, waxaa kale oo Arile uu bilaabay in uu Tababare ka noqdo Xarun Isboorti oo yar oo ku taalla Kapenguria. Toddobaad walba dhammaadkiisa waxa uu 20-Dhallinyaro oo horey uga tirsanaa Tuugadii ku Caan baxday Dad laynta iyo Lo' dhicidda uu u orod ugu Hoggaamiyaa dhinaca Buuraha, si ay isugu diyaariyaan Tartammada Nabadda ee soo socda, waxaa kale oo Jiilka da'da yare e uu Tababaraha u yahay ka soo if baxday Gabar yar oo lagu magacaabo Dinah Akeles oo 14-jir ah oo lagu Xasuusan karo Horyaalkii hore ee Tartanka Marathonka Laroupe, waxaana Gabadhan yar ay ku Guuleystaa tartan kasta oo Orod ah ee la qabto, sidoo kale Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa la isla dhex marayay warar sheegaya in lagu darayo Xulka Da'yarta Qaranka Kenya ee Ciyaaraha Orodka

Amiin Yuusuf Khasaaro


GABOOYUU KA GUURSADAY! maqlo kalmadahaa kurbada argagaxa xanbaarsan ayaa laba diblaysa ; ilmadu ma ixanuun tirto.

Curdin weeye qaadhay Waa cudur jidh yeeshay Waa baahi cago leh Waa ciil dadwayne Cunug laga sameeyey Caynkuu u eeg yahay Carrab laguma koobo Waa caato miviqan Oo caday ka dhuuban Waa ciirsi laawe Waa kaba caseeye

ABWAAN GAARIYE (AHUN )

W

aa fiid cil cilow ah, qoraxduna godkeedii gashay, umadda iyo dhallaan kubana ay wada galeen guryahoodii, baaqiguna uu ku eeranayo halkuu u hoyan lahaa. Dadka intiisa dalanbaabiga ahina ay maanka ku hayaan tolow caawana waa halkee hoygaagu kolay waa kaasoo gabalkii dunye, aniguna aan isla cuncunayo gaajo , gasiinna aanan meel ku ogayn kabadarane gabalkayna dunye xagaan gama’a ladoontaa. Bil ka hor ayay ahayd markii gurigayagii gubtay ehelkaygii iyo anfaacina ku bas-beelay, raf iyo ruux reerkayagii kama hayo, durba magacyo lay bixi tuuladaan ku noolaa . Waa rajaygii waa agoonkii waa cidlaawe waa lagama naxaan kii! iyo kuwa kale oo fara badan kolkaan maqlana dhaawacaygii aan bugsani uu afka kala qaadayo jidhku dubaaxinayo qalbiguna uu isii kala dhantaalmayo. Marwalboon

Waxaan ogahay inay reeer kii kahadhay eedaday Xaadsan oo ay aabbo dhanka aabbe kawalaalo ahaayeen. Eeddo waa reer balaadhan waxay haysataa sadex caruura iyo saygeedii oo la nool; waxayna taal magaalo aad uga fog degmadayada. Mahaysto gacal kaloo kadhow naftu waxay ileedahay halkan waxba kuuma yaalaane iskaga anbabax oo qabo halkaa iyo dhulkay eeddadaa kaa xigto.Naftaydii sasabay kulanna taliyay yadaa gacal iyo ciirsiba kuugu dhow.Waa eeddadaa aabbahaa iyo hooyadaa dabadoodna waa tii guntiga kuu xidhan lahyd dhaawacaagana dhayi dooonta,allaylehe ku eero halkaa iyo eeddadaa Xaadsan ayaan kula taliyay naftayda. Cawaale fakardheer dabadiina wuxuu gaadhay go’aan kama danbaysa. Maxuma inaan go’aan gaadhay oo waa sahalo taasi laakiin mid baa hadhay. waa sidaan ku dabarri lahaa nooligaygii iyo waliba jicsin (sahay) kaygii waayo waxaa jidka laguu sii dhixi doonaa afar dharaarood iyo afartooda habeen. Tallo igu cadaatay tolow xagaan ka doonnaa kharashka aan ku safrayo. In badan oo aan bulsdhada isku wacnaan jirnay waydiistay laakin dhaar qac laga wada sii oo layidhi mahayno, ilayn nin liitaa lama sooryeeyee lay arxami waa halkaygiina iskaga nagaaday marba duleed reer islaablaabay, ileyn darbi dugsoon maleh , doc qalaadeed na kuma dhaxan tirto!. Subaxii danbe yaan is idhi bal foof tag oo ilaahay iyo xoogaagaba maciinso kulaad muruqaaga yarna wax ku hesho waxaa ii galay gugii kow iyo tobnaad ,waan koob iyo toban jirsaday hayeeshee curcur(muruq) aan ku ciil baxaa wali iguma yaal hase ahaatee karti iyo calool adayg yaa iluraya. Usoo anba qaaday xagaa iyo suuqii degmada,wax indha-indheeyay, kolaan helana mid aan saamaadka ama weelka umaydho ama gacan-yare kaleba unoqdo. Mid ifirdhiya iyo mid iidirtaba helay,sidaa ayay ii ahayd muda laba bilood ah. wax isku duwaday (urursaday) Ilaahayna ila qabay,halkii ayaan ka anba baxay salaad hore intaan geedyo qofba lakala garan gaadhigii uhoreeyay ayaanan dheega qabsaday sidaana waxaan kaga huleelay degmadii aan ku waayay wax walboo noloshayda qiimo kulahaa,intaan kasii libdhayay ba waxaan ahaa mid sii milicsada kana sii il buuxsada farxadii iyo murugooyinkii xasuusta mudnaa ee aan kala kulmay

COSOB

16

Maarso 2018

tuuladaan ka mutay. Ma indhahaan wax kaga jarayaa waa maya. waxaan soconoba waan soo gaadhnay degmadii kale ee ay eedo Xaadsan degenayd,durba farxad iyo rayn rayni igashay, waayo cidaan dugsadaan soo gaadhay. Waa gurigayagii rajay danbe iyo agoon danbe cidi igu xaman mayso waa ciirsilaawena daaba hadalkeeda, goshay igashan doontaa eeddaday wayna I dhaxan tiri doontaa, sanku neefle inuu ixumeeyo geeri bay ka xigi doontaa way idaryeeli doontaa waxayna iga ursan doontaa walaalkeedii qudha ahaa ee Xidig. Laba bogleeyay farxad daraadeed naawilay inaan ka baxay yatiinimo kol hadaan caawa taaganahay kadinka gurigii eeddaday Xaadsan Diiriye. Maqashay dhibta iyo haynfaadka nasoo gaadhay, rajadayduna waa inay qiiro iyo qalbi furan igu soo dhawayso. Maxaan sugayaa garaacay aqalka albaabkiisii, qadar daqiiqado ah gudohoodba waxaa iga furtay Xoriyo oo ah inanta reerka ugu yar,udhoolo cadeeyay Xoriyo yar oo malaa gugeedii sagaalaad jibaaxaysay,qaylo laba af hayeedho ,waa eeddo eh; alla bisinka hooyo maxaa ku helay hakala soo hor cararto Xaadsan mise yana dib haw gurato oo hayga baqdo dibna haw xaddo talaabada iyado anfariisan hay tidhaahdo waa kuma! Layaab malaha labaduba waayo mudo sadex bilood ah ayaanan gogol kasoo kicin gegi mooyaane il xumada diifta iyo diihaalku iidheeryihiin labisna hadalkiisaba daa cashadii ay noolaayeen qoyskaygu yaa isna iigu danbaysay. Muuqaalkayga daymo daanyeer mooyaane mid bini’aadam cidna uma malaynayso,waan libdhay oo taqaaqufay laymana garanayo kumaan ahay. Intaan ilmo gabax kasiiyay yaan idhi eeddo waa anigii waa Cawaale X idig waana innakii ka hadhay reerkiinii rogmaday ee uu dhalay walaalkaa Xidig Diiriye, Tolow cawaale hamuuntii iyo hankii uu u qabay eedadii Xaadsan maka heli doonaa?

LA SOCO QAYBTA XIGTA!!

Asiya Abshir Aadan


HAWEENKU WAA UDUB DHEXAADKA BULSHADEENA

D

al walba waxaa dhisa bulshadiisa, haweenkuna waa lafdhabarka bulshada, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haweenka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, inkastoo haweenku ay yihiin hooyooyin, gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna hooyo. Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeena, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay Haweenka kaga jiraan arrimaha siyaasadda, nabadgelyada, dib-uheshiisiinta, Waxbarashada, ganacsiga iyo halgankii xornimada ee dalka.

SIYAASADDA Haweenka Soomaaliyeed qeyb libaax leh ayey ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyey ee burburka kaddib, arrintaasoo ka dambeysay sababo badan oo ay kamid yihiin, iyagoo fahmay arrimaha siyaasadda, isla markaana ku biiray kuliyadaha lagu barto arrimaha siyaasadda iyo waliba soo badashada dadaalada lagu dhiiragelinayo in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arrimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan. Waana taas midda keentay in dawladda haatan jirta ay u garawdo haweenka kaalin muuqatana ka siiso Barlamaanka, Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

NABADGELYADA Maadaama wax kasta nabadu ay fure u tahay la’aanteedna aanan la noolaan karin ayaan dhihi karnaa dumarka Soomaaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo, Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa haweenka Soomaalida waxay door

fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa, loona nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo lagu dhameynayo Colaadahaas, kaalin muuqata ku lahaa in nabad lagu dhameeyo colaadda.

DIB-U-HESHIISIINTA Sidaasi si la mid ah ayey waxay dumarkeennu ka qeyb qaateen dibu-heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta nabadda, iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

WAXBARASHADA Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku ku badneyn goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadii ugu dambeeyey ay haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa diiniga ahba. Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo Jaamacadaha dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan, qaarkoodna ka soo muuqda kaalimaha hore ee xagga kala horeyn imtixaanaadka. Siyaabaha keenay in dumarku ay iskuulada iyo Jaamacadaha kubataanna waxaa kamid ah waalidiinti oo fahmay muhiimadda waxbarashada ee aadanaha iyo sida aaney u sineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalay, halkudhigga ah {Gabar wax baratay waa qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

GANACSIGA Kaddib burburkii iyo qalalaasihi ka dhacay Wadanka ayaa Alle ka sokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii Aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, iyadoo gabar walba ay ku dadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay ugu soo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay

COSOB

17

Maarso 2018

haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

XORNIMADA IYO HALGANKII GOBONIMO-DOONKA Xornimada iyo halgankii gobanimadoonka ee dalka haweenku waxay ka galeen baal dahab ah, waxaana jirtay in haween badan oo Soomaaliyeed ay ku waxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihii dalka ka talinayey ay dhibaato kala kulmeen. Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon ku dhexleeyihiin bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

Amina Ladan Axmed Cali


NOLOSHA IYO QOYSKA MAXAY SOOMAALIDU KA AAMINSAN YIHIIN DADKA AAN GUURSAN?

W

axaan ka soo hadalnay faaidada guurku u leeyhay dadka guud ahaan, hadaba maxay soomaalidu ka aaminsan yihiin dadkaan guursan. Soomaalida dhexdeeda qofkaan guursan waa la tuhmaa, waana la dhaliilaa, waxaa loo qaataa in si wax ka yihin, sababtoo ah , qof isagoo caafimaad qaba maskax ahaan iyo jir ahaan, awoodna u leh in uu dhiso qoys hadana kaligii nool waa laga shakiyaa, waxaana la is waydiiyaa waxa ka hor taagan in uu nolosha ku raaxaysto qoysna dhiso? Si aan arinkaa u fahmno aan soo qaadano sheekooyin gaagaaban oo arinkaa ku saabsan,

SHEEKADA JAMAC IYO CABDULAAHI Nin aan saaxib nahay oo cabdulaahi la yiraa ayaa maalin ii sheekeeyay, wuxuu yiri: waxaan is baranay nin daris ila ahaa,da’diisu waa ilaa 50 jir

waxaan kuwada tukanaaa Masaajidka meelaha shaaha lagu cabana waa isugu nimaanaa, mar kasta oo aan is aragno, waxaan ka waraystaa xaafadda iyo ciyaalka isaguna waa fiican yihhin ayuu iigu jawaabaa. Maalintii dambe ayaan shakiyay oo waxaan u qaatay in ninkaan reero badan leeyahay, anigoo ka cudurdaaranaya ayaaan ku idhi, “maalin kasta markaan ku arko, xaafada ka waran ayaa ku idhaahdaaye, kuma waydiin inta ay yihiin ee ma labaa mise waa sedex xaas,” markaasuu aamusay daqiidad intii ah, wuxuuna ku jawaabay, “ Walal wali reer is-kuma dayin carruurna iima dhalan.” Intaan aad u naxay ayaan xoog u fiiriyay sidii nin igu cusub, una qaatay in xanuun noocuu doonaba ha noqdee uu qabo, ayaan ugu jawaabay “muuqaalkaaga iyo hadalkaa igu tidhi isma lahan, nin wayn oo aan xaas lahayn wuxuu la mid yahay geed wayn oo aan har lahayn, hadaan ogaan lahaa inaad iskaabulo tahay adigoo da’daan

jooga waan ku caawin lahaa,” hadaladii aan ku idhi ninkii aad ayay u dhibeen, wajigiisa ayaa is bedelley wuxuu u muuqday sidii qof qandho ku soo booday oo kale , isagoon ii jawaabin ayuu iska dhaqaaqay, Anigoo la yaabay jawaabta aamusnaanta ah ee bixiyay jamaca ayaan kala tagnay, mar dambana isma aana arag ninkii oo wuxuu ka guuray xaafadii, waxaan u qaatay in ay dhibtay inaan ogaaday inuusan xaas lahayn, sidaa darted uu iska dhaadhiciyay inuu bulshadii uu saaxiibka la ahaa ka dhex baxo.

SHEEKADA SICIID YARE IYO KAYNAAN. Sheekada labaad waxa ii sheegay arday la yiraahdo, Siciid yare, wuxuu iiga sheekeeyay in oday adeerkii ah uu dukaan la gadi jiray, odogu reer ma lahan, qiyaastii waa 45 jir, wuxuu xoogiisa isugu geeyay sidii uu xoogaa Osman Sheekh Ahmed

COSOB

18

Maarso 2018


lacag ah u ururin lahaa. Waxaa mudo badan lagula taliyay inuu guursado, laakin wuu diiday oo wuxuu u arkaayay inuu khasaaro yahay oo lacag badan ku baxayso. Maalintii dambe ayuu jiraday, dukaankiina aniga ayuu igu soo baxsaday oo kaligay ayaa shaqadii waday, markii shaqada dukaanku fudududato duhurka, ayaan sii maraa oo wuxuu rabo siiyaa, xanuunkii ayaa ku waynaaday oo wuxuu awoodi waayay inuu iska duwo nijaasadda, waxaan u tagay isagoo xaalad adag ku jira. Waxaan u tagay dadkii dariska si ay ii caawiyaan, waase diideen markii ay arkeen nijaasada odogu dhex jiifo. Waxaan nadiifiyay dhammaan dharkiisii, gogoshiisii iyo jirkiisii, Markuu roonaaday ayaan ku iri, “ adeer, maalintii dhawayd ee aad xanuunsatay, waxaan u yeeray dad badan si ay ii caawiyaan waana iga diideen, adiguna waxaad rabtaa inaadan waligaa guursan oo aadan xaas iyo carruur yeelan, anigaa dadka kuugu dhow oo waliba adeer ii ah, hadda ka dibna dhaqi mayo dharkaaga ee guurso”, Adeer hadalkaygii wuxuu ku noqday boog, wuxuuna balan qaaday inuu yeelayo taladayda, wuxuu go’aansaday inuu guursado si uu u helo wehel waana uu guursaday, mar danbana lama kulmin dayacii qabsaday xiligii uu doobka ahaa, waxuuna hal-hays ka dhigtay, hadii aan dayac u dhiman wayay intii aan doobka ahaa, hadda ka dib u dhiman maayo.

SHEEKADII GUULEED IYO ANIGA Waxaa kaloo ii sheekeeyay nin guuled la yiraa, oo intii mudo ah ka shaqaynayay super-market, wuxuu ka qaataa lacag dhan $200 waxuuna kaydsaday lacag dhan $2500 doolar, guuleed ayaan arki wayay intii laba asbuuc ah, markii dambe ayaan arkay, waxaan waydiyay waxa ku dhacay ee uu ku maqnaa, wuxuu iigu jawaabay “ waxaan haystay xoogaa lacag ah oo aan urursaday si aan ugu shaqaysto laaakin waxaan ku xaliyay su,aal aan jawaab u la’aa intii mudo ah,” intaan yaabay ayaan ku idhi, jawaabta lacagta oo dhan kaa qaadatay maxay ahayd? wuxuu iigu jawaabay, “waxaan ahaa nin wayn oo guursan karay laakin ma samayn, dadku waxay u qabaan inaan xaas leeyahay, marka nin kasta oo i yaqaan ama i salaama wuxuu i leeyahay reerkii ka waran, jawaabtaas ayaan intii mudo ah igu taagnayd, oo aan xal u la’ aa, laakiin hadda si dhab ah ayan u xaliyay oo reer ayaan yeeshay.”

SHEEKADII SIIBED IYO HUFFAN Waxaan ku soo gunnaanadayaa sheeko

xiiso badan oo uu ku qoray buugiisa Himilidaadda Hano qoraaga la yiraahdo Maxamed Ismaciil Maxamed (siibed) waana tan isagii oo ka sheekaynaya. Anigoo nin wayn ah oo aan guursan, kana imid qurbaha ayaan tagay meel ka tirsan gobolka mudug oo ay qaraabadaydu daganayd, markaan tuuladii tagay ayaa la ii yimid oo la waraystay, waxaan ka waramay dhibaatooyinii ka dhashay bur burkii dowladii dhexe, dadkii qaxay ee qaxootiga noqday, sidaan u caawinay, iyo dhibaatooyinka ay la kulmeen dadkii qaxootiga ahaa ee qurbaha galay. Markaan hadalkii dhameeyay, ayaa islaan wayn oo huffan la yiraahdo kana mid ahayd dadkii i waraysanayay waxay tiri “ waad noo dhamaysay wixii war ahaa iyo waxaad qabateen ee adigu iska warran?,” waxaan fahmi waayay su,aasha ay islaantu i waydiisay, waxaana i idhi, “soo anigii maanta oo dhan idiin waramayay waa dhameeyay”, iyadoo aad u dhaliilsan in aanan fahmin ujeedadeeda ayay ku tidhi “ noo warantay waxaad qabateen ee adigu dad iyo duunyo maxaad la joogtaa?. Waxaan jeclaystay inaan is dhaafiyo su, aashaan oo waxaan idhi, maxaad uga jeeddaa? Intay igu soo dhawaatay ayay tidhi “ Intaad waramaysay maan maqal adigoo ka hadlaaya xaas iyo carruur ee maxaa kuu jooga? Waxaan u qaatay inay la igu dhuftay wax culus markaasaan indhaha cadeeyay ayaan idhi “ eedo wali xaas iyo carruur midna ma yeelan” intay fadhigii ka kacday oo indho quursi oo kale ah igu eegtay ayay tidhi “ maxaad maantoo dhan qaxooti ayaan caawinay u lahayd adigaaba qaxooti ahe” hadaladaasi waxay igu noqdeen waxaanan iloobin waligay, waxayna fure u noqdeen inaan guursado, waayo waxay ahaayeen kuwo run ah waana awooday inaan guursado marar badan, laakin waxaa iga hor-istaagay wahsi iyo fududaysi. waxaan qiyaasayaa, hadaladaa islaantu ku tidhi qoraaga inay yihiin kuwo adag, oo keeni karo niyad jab iyo dareen kala duwan, waxayse tilmaan cad ka bixinaysaa, fahamka dadka Soomaalidu ka haystaan ragga guurka ka daaha, iyo kuwa doorta inay kalinnimo ku dhamaystaan nolosha. Hadii aan halkaa uga gudubno sheekooyinkaa xiisaha leh, ragga aan guursan waxaa la yiraahdaa (gablandoob), macnaha dad ma dhalin oo waxa sabab u ah doobnimuu ku duqoobay dumarka aan guursana waxaa loogu yeeraa ( guumays). Qofkii guursada ee aan ubbad dhalin ceeb ma leh oo waxa ku dhacay qayb Eebe, kuwa caruurta Alla siiyayna waxay ku heleen qayb Eebe, marka eed ma lahan.

COSOB

19

Maarso 2018

Tiro koob aan ka qaaday odoyaal badan, oo aan ku waydiyay waxa ugu wanaagsan ee ay samayn lahaayeen hadii fursad loo siin lahaa dhalinyaranimo mar kale, waxay inta badan ku jawaabeen jawaabo isu dhow, waxayna yiraahdeen: guurkaan badsan lahaa; waan guursan lahaa anigoo yar oo xoog leh; si fiican ayaan u korin lahaa carruutayda; diintaan baran lahaa, iwm. Marka halkaa waxaad ka garanaysaan, waxa ugu wayn ee qofku u noolyahay cibaadadda Alle ka dib, waa inuu helo lammaane la qaata noloshiisa kana dugsado dhibaatooyina ka dhasha kalinimadda iyo wehel la,aanta, isla markaana uu ka helo awlaad fiican oo uu ku indho qabowsado markuu waynaado, kan helo gacan iyo kaalmo joogta ah oo uusan ka heli karin cid kale ilma uu dhalay mooyaane. Abwaan mohmed ibraahih hadraawi, oo ka hadlaya inaad hesho wehelkaaga iyo faa’iidada ku jira wuxuu yiri.

Haddaan guudka laga jarin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh. Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go´aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh. Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illaa noloshu guul ma leh.


LACAGTII SHILIN SOOMAALIGA QAARKEED OO AFKA KU SOO HARTEY

ku soo harey oo weli Maqalkoodii uu ku dambeeyo Haweenka ka Ganacsada Khudaarta” Waxaa ka sii yaab badan Gabadha adeega loo diryo ma garaneyso Lacagahaan Afka la isku marsiinayo waayo marka ay soo adeegto ayey hooyo u sheegtaa Lacagta soo hartey ee islaanta Khudaarta ku leedahay waxay ahayd in Haweenka Soomaaliyeeed ay baraan Caruurta Lacagahaas si hadhow ay u ogaadaan in lacagaatn ay tahay lacag ay leedahay ummada Soomaaliyeed oo la waayey inteedii badan waqtigii dagaalada sakeeyo

S

aakey ayaa Gabar aan Deris nahay oo Teleefon kula hadleyso Gabadheeda si ay reerka ugu soo adeegto ayaa waxaan aad ula yaabey Iyadoo leh Boqol Shilin oo Kabsar ah, Boqol Shilin oo jeex Basal ah , 100 Shilin Basbaas ah,Shan Boqol Shilin oo Liin ah, iyo Shan Boqol Shilin Baradho ah Markii ay adeegii ay dhameysey baan ku iri “Faadumooy sidee wax u jiraan maanta waan kuula yaabey markaas bay tiri “ oo sidaa ayaa iila yaabtey” waxaan ku iri “Waxaan kaa Maqlayey Lacag waa hore iigu dambeysey Maqalkeeda oo ku adeeganeysid ” Markaas bay tiri” Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Lacagtaas aan tirinayey ku soo hartey Afka oo keliya una eg tahay u Niyeeso.

Deyn ku lahaatid Islaanta Khudaarta si Beri marka la gaaro laguugu Xisbaabiyo, hadii aad Diidid daynta waxaa lagu leeyahay Laba Boqol oo shilin baa Kunkii kaaga soo harey ee ku qaado Xawaaji ama wax ay goyso Labadaas Boqol Sidoo kale waxaan weydiiyey waxaan kaa maqley waa Boqol Shilin iyo Shan Boqol marka kuwii kale sida 5 tii, 10-kii Shilin, 20 Shilin iyo 50 Shilin maxaa loogu adeegan waayey markaa iyadoo qaylineyso ayey Tiri “ Walaalkeygiiyow Haweenka Khudaarta waa dadaaleen hase yeeshee waxaan kuu sheegayaa hadii aanu isbedel imaan in iyana la weyn doono kuwa maanta Afka keliya

Waxaan weydiiyey Hadii jajab soo Haro marka la isku daro adeega maxaa la sameynayaa “Inta Qososhey bay tiri “ Tusaale Hadii Laba Baqol Shilin ku soo harto laba ayaa kuu furan mid in aad

COSOB

20

Maarso 2018

Runtii waa wax aan aad ugu farxay in aan Maanta aan maqlo in Lacagtii Jajabka ee Shilin Soomaaliga oo lagu adeeganayo qaarkeed iyadoo la niyeysanayo Xisaabteeda marka waxaan ilaah ka baryayaa in Lacagteenii ay dib u soo laabato waayo mid ka mid ah Ataamaha lagu garto Qaranimada maanta dalkii waxaa wax lagu iibsanayaa ama lagu adeeganayaa lacag wadan kale leeyahay waxaan soo jeedinayaa in Haweenka iibiya Khudaarta in Abaal marin la gudoonsiiyo waayo weli Haweenkaas waxay Af ahaan u hayaan Lacagtii Shilin Soomaaliga

Amiin Yuusuf Khasaaro


ROWDA HABEEN IYO MAALIN WAA SHAQEYSAA!!

S

i aan u wareysto ayaan waxaa n u direy Teleefoon, waxayna igu tiri “ ii Imow Xiligaan” Dib baan Maskaxdeyda uga shaqeeyey, waxaana Go’aansadey in aan ugu Tago meel aan ku ogaa maadama habeen tahay , markiiba Bajaaj baan Daf iri , markii aan Gaarey Goobtii ayaan Taleefon u direy waxaana ku iri “waan kula Joogaa” markaas bay I tiri “ oo ku aawey kuuma jeedee “ Waxaan ku iri “ Goob Heblaayo ayaa joogaa “ inta yaabtey bay I tiri “ Khayr Alaha ku siiyee waxaana Joogaa Xafiiska Shaqada ee Gaari ma kuu soo diraa” waxaan Qalbigeyga Rumeysan waayey Xafiis Dowlo oo Xiligaan oo habeen ah laga shaqeynayo “waxaanse la sii yaabey Qofka Xiligaas Shaqeynaya waa Qof Dumar ah. Yaan war idiin ku daalinee waxaan mar kale qaatey Mooto Bajaaj, waxaana gaarey Xafiiskii , waaba meel Shaqo ka socoto, Dhinac Siminaar baa ka socda, , Dhinac Barnaamij Wacyigelin , Dhinacna kubada Baa la Cayaarayaa, markiiba waaan u galey soo dhaweyn Mar Xabeyn ka dib Qofka aan doonayey in naan wareysto waa Gudoomiyaha Degmada Waaberi Rowda Cabdulaahi Colaad. Waxaan weydiiyey maxaa kuu qabsoomey 7 Bilood ee aad Xafiiska Degmada Waaberi aad Joogtey , waxaan ku jawaabtey Gudoomiye Rowda “Intii aan Xafiiska aan Joogey wax badan baan noo qabsoomey waxa ugu Muhiimsanaa waxqabadkeena Daadajinta Maamulka min Waax ilaa Tabeele , waaa kaloo ugu Muhiimsanaa wax qabadkeena, dheeragelinta haweenka Degmada iyo Shaqo u abuurista Dhalinyarada. Roda waa ay sii hadashey ‘Waxaan sameyney Isgaarsiinta gargaarka deg

dega ah oo labaatan Afar Saac Shaqeeya , dardargelinta Nadaafada iyo Caafimaad Degmada , waxaa si dheer la Dagaalanka Cadaaladarada iyo Musuqmaasuqa, waxaa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena Garab istaaga iyo Dhiiragelinta cayaartoyda Degmada waa Waberi oo aad ogtahay intii aan joogey ay ku guuleysteen Koobkii Degmooyinka Gobolka Banaadir. Gudoomiyaha waxaa intaas sii raacisey “Degmada waxay ka qayb qaadatey Gurmadkii Musiibadii 14- Kii Oktoobar , waxa kaloo ka mid ah Waxqabadkeena xoojinta Amaanka Degmada oo aad noo Caawiyeen Bulshada Degmada , sidoo kale waxaa kaloo ka md ah Abuurista Madasha wax Akhriska oo dad badan ay ka Faaiideen. Waxay ku soo gabagabeysey Gudoomiye Rowda halku dhiga degmada oo ah

COSOB

21

Maarso 2018

“Waaberi wanaagsanaa, Walaalaheeda waa is Wataan” waxayna ii sheegtey in Shaqada soo gasho Subaxii Hal saac ilaa ilaa Shan Saac habeenkii , sidaa darteed Rowda waxay Shaqeysaa marka la isku daro Saacadaha Shaqada 16 saac iyadoo weliba haween ah

Amiin Yuusuf Khasaaro


MURTIDA IYO MAADDA 12. KOODHKAYGA AYAAN QUUDINAYAA .

M

aalin maalmaa kamid ah ayaa nasrudiin juxo waxa uu tagay meel tuulo ah kaddib

markii uu kasoo baxaayay magaalada ayaa waxa arkay nin ay saaxiib ahaan jireen oo magaalada kunoolaa waxaanu waydiiyay juxo’’ diif iyo gaajo ayaa kaa muuqata baryahanna kumaan arage xageebaad ka timid ,juxo waxa uu u sheegay in uu milix(cusbo) kasoo iibinaayay tukaanka,ninkii saaxiibkii ahaa waxa uu u sheegay in uu u yimaado galabta oo uu u raaco qado sharaf loo samaynaayo maalqabeenada magaalada baritoole,juxo aad ayaa uu u farxay waanu aqbalay inuu yimaado,juxo markii uu gaadhay gurigiisii waxa uu xidhay shulug uu lahaa oo gaboobay waxaanu tagay shirkii ay lahaayeen maalqabeenada magaaladu,ninkii ay saaxiibka ahaayeen juxo waa uu soo dhaweeyay waxaanu fadhiisiyay meel,dadkii waxaa lookeenay cuntooyin aad u macaan oo kala duwan juxo cidina may dareen siin juxo,niyad jab badan kaddib juxo waxa uu iskaga baxay shirkii waxaanu u cararay gurigiisii waxaanu kasoo xidhay shulug cusub iyo koodh suudh ah,juxo oo aad u bilic iyo meeqaam sarreeya ayaa kusoo laabtay shirkii. Dhammaan dadkii fadhiyay shirka oodhami waa ay wada salaameen waxaanay ku yidhaahdeen soodhawaw soodhawaw juxo,waxaana lagu soo dhaweeyay miis sharfan sidoo kale waxaa miiskii lasoo saaray cuntooyin kala wada duwan,juxo cuntooyinkii ayaa uu cunay koodhkiisiina waa uu cunsiiyay waxaanu kawada dhigay dufan iyo cunto

miidhan oo uu midabka kaga badalay, dadkii shirka fadhiyay aad ayaa ay ula yaabeen waxaanay juxo ku yidhaahdeen maxaad samaynaysaa sideed leeday koodhka? juxo waxa uu ugu jawaabay maydaan arkayn koodhka ayaan waxa siinayaa,ninkii watay juxo ee ay saaxiibka ahaayeen waxa uu ku yidhi niyaw miyaad waalantay ma koodhbaa wax cunaaya islayaab,juxo inta uu dhoolla caddeeyay ayaa uu ku yidhi koodhkaygu waxbaan siinayaa miyaanad arkayn markii aan soo xidhay koodhka sidii la’iigu soo dhaweeyay ee la’iigu sharfay sidaa darteed aniga la’ima soodhawayn ee koodhka ayaa lasoo dhaweeyay sidaa darteed isaga ayaan waxsiinayaa.

hadaba ,ninkii odayga ahaa waxa uu ku jawaabay niyaw waxaa aad maantoodhan karinaysay waxaan ka yaabayaa in ay iga

13. WAAN ISKA HURDI LAHAAYE DIIDMADAADA AYAA UU KA XUMAANBAAN IS IDHI.

daataan, markaas igadaa saaxiibaw,hadana ninkii ayaa ka soo guray hilibkii waxaanu ugu

Laba nin ayaa safar wada galay kaddib waxa ay ku soo bexeen tuulo,isla markii ay

diidanaa ayaa waxa uu ku yidhi ‘’saaxibaw waxaan ka yaabayaa in aad diidmadaydaas

tuuladii soo gaadheen ayaa waxa ay go’aansadeen in ay soo iibsadaan hilib, kaddib

badan ka xumaato waan iska hurdi lahaaye waliba intuu iska soo faraxashay’’.

labadii nin mid kamid ah ayaa lagu yidhi oradoo lacagtan qaad oo inoo soo iibi hilib.

Hadaba waxay sheekadu inna baraysaa in uu qofku shaqaysto oo uu soodiyaar sado

Ninkii ayaa waxa uu ku yidhi isaga oo diidan niyo hilibka ma soo gadikaree igadaa ,ninkii

waxa uu cunaayo,oo aanu ku eegin qof kale,sidookale waxay inoo sheegaysaa in ragga

ayaa dhaqaaqay oo doonay hilibkii, waa uu soo iibiyay,markii uu gurigii keenay ayaa uu

qaarkood ay jecelyihiin in ay cuntada iyo shaqada guriga ay ku eegaan dumarka jooga

ku yidhi ninkii diiday in uu soo iibiyo waanigaas soo iibiyee inoo kari ,waxa uu ku

guriga oo ay fadhiga ku sugaan,laakiin runtii sidaasi ma wanaagsana,tusaale ahaan

jawaabay niyo bahaka ma Karin aqaanee igadaa ,ninkii ayaa hadana kariyay markii uu

rasuulku(scw) isaga oo dadka ugu fadilan ayaa uu la kaalmayn jiray xaasakiisa hawsha

bislaaday aya uu ku yidhi inooga soo gur

guriga iyo carruurta.

yeedhay ninkii odayga ahaa in uu hilibka cuno, ninkii odayga ahaa ee waxwalba

Mubaarig Farxaan Faarax (Araye)

COSOB

22

Maarso 2018


NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 7AAD

H

aruuse iyo Samawada aad ayey isugu dheeraadeen. Waagii hore aad baa la isugu cusbaa, oo hadba markii meel la isugu tago, sheekooyin hallaasi ah iyo jacaylka ayaa laga wada hadli jiray, laakiin waayadan dambe, marka ay isku helaan qol cidla ah, farafareyn iyo istiimin ayaa la isku bilaabaa, taas oo meesha ka saartay sheekooyinkii laga sheekeysan jiray. Waxa uu markii dambe salaaxii iyo tuutuujiskii isku baddeley isku dhar-dhigasho iyo iska shaqeyn. Sidii ay sidaas ugu socotay, gabadhii waxaa ay mar dambe la soo boodday Yalaalugo, Lallabbo iyo Matag joogta ah. Waa ka xishootaa Haruuse e, waxa ay xanuunkeeda u sheegtaa Sawrac, markaas buu ku dhahaa “Bal u tag Farmashiye, oo daawada uu kuu soo qoro ii soo sheeg”. Marka ay Farmashi u tagto, waxa uu soo siiyaa Daawooyin Lallabada iyo Matagga u fiican, wax isbeddel ahna kama aragto. Ma fahanto waxa haya, cid u sheegtana ma hesho. Waxa ayba arrintaas ka sii qaadday Jamasho xad-dhaaf ah, oo ay u qaadday Haruuse, taas ku keentey, in aysan daqiiqad moogaan karin. Mar kasta waa raadisaa, isna inta hadba guri geysto ayuu beerka ka soo tumaa. Ayaan markii ay saa ku jirtay, gabadhii waxaa galay dareen, waxa ayna fahantay calool soo baxaysa iyo garaac caloosha dhexdeeda ah. Islaamihii ka waaweynaa ayey su’aalo ugu dhaqaaqday, taas oo u fududeysey in ay garato, in ay Uur leedahay. Markii hore waa faraxday, haddii ay Uur u qaadday wiilkii badar-noolaha ahaa ee reeraha ladanna ka soo jeeday, laakiin waxa ay talo ku caddaatay, markii uu Haruuse ku yiri “Naa waxa aad la wareegeysid ila dhaaf”. Wax kasta waxaa ugu darnaa markii uu u dhaartay, oo uu ku yiri “Haddii aan kaa maqlo, hadal aniga dhankayga ah, adduunkaan waan ku dhaafsiinayaa”. Waa og tahay, in tahay looma-ooyaan, Haruusena yahay wiil mooryaan lehe, waxa ay go’aansatay, si ay nafteeda u bad-baadiso, in ay ka gaabsato. Samawada waa fekertaa, oo fekertaa, markaas baa waxaa u soo baxa rajo xumo. Reerka ay la joogto, awal beyba dhib ku qabeene, haddii ay la timaaddo Uur bilaa Aabbe ah, waxba uma yaallaan. Reerkoodii haddii loo sheegana, kaba daran.

Waa ay fekertaa mar walba, waxa ayna goosatay, in aysan arrintaan u sheegin ciddeeda, inta ay xal uga helayso. Waxa ay sidaas oo kale goosatay in aysan la wadaagin saaxiibadeedii Iskoolka, oo iyaguna mashquulkii ugu dambeeyey ku jira, maaddaama ay dhiganayeen fasalkii ugu dambeeyey, ayna afar bil uga dhimmanayd qalin-jabintoodii. Sidii ay talo u ged-geddineysey, ayaa waxaa ku soo dhacday arrin ay is tiri, maanta waad ku baxsan kartaa. Waxaa ay is-tiri, Sawrac, ka dhaadhici, in aad is-mehersataan, oo aad ugu qal-qaali, si markaasi uu Uurkaas isagu qoorta u surto. Maba sugine, inta aadday oo ballansatay, ayey in ay is-mehersadaan u soo bandhigtay. Waaba nin u dhimanaya e, inta farxay ayuu ka aqbalay, laakiin, waxaa uu u sheegey, in uu ka soo laabanayo laba toddobaad gudahood Magaalada Gaalkacyo, oo nin ay aabbihiis saaxiib ahaayeen ugu yeeray, in alaab uu aabbihiis u hayey, ka soo qaado. Gabadhii inta faraxday, oo in arrintii sallaxantay ay aamintay, ayaa iyada oo riyaaqsan, oo sugaysa in ay hawsheedii laba setimaan kaddib dhammaaneyso, ayaa habeenkaas reyreyn ku seexatay. Sawrac, maalmo kabacdiba, wiil inta Miiskii uga tagtay, kalana ballamay Samawada, ayuu Gaalkacyo aaday. Laakiin sida uu u filayey, in uu deg-deg ku soo laabto uma suuro-gelin, waxa ayna ku qaadatay, laba bil. Samawada sidii ay u sugeysay, oo maalin-ba maalinta ka dambeysa, Uurkii u soo baxayey, oo ay u qarsanaysay, ayaa waxa uu yimid, iyada oo calooshii bannaanka timid. Intii uu Maqnaa Sawrac, ayaa Samawada waxa ay aragtay in ay xaajo-dhabaqday, oo Uurkii bannaanka yimid, oo aanan markaan lagu dagi karin Sawrac, markaas bay waxaa ay go’aansatay, haddii cidda ay fahanto Uurkaas ay qarinayso, in ay Sawrac dusha ka saarto, haddii uu yimaado iyo haddii uusan imaan-ba. Iyada oo sidaas go’aan ku gaartay, ayuu yimid Sawrac, kolkaas bay talo-kugaartay in ay arrinta Uurka u sheegto, iyada oo aan si saxa uga warramayn halka ay Uurkaas ka keentay, oo haddii uu sidaas ku yeelana, ay soo dhaweyso, haddii uu ku diidana ay dusha ka saarto,

COSOB

23

Maarso 2018

maaddaama uu qudhiisuna yahay looma-ooyaan aan waxba dhaamin. Sidii bay samaysay, oo maalintii uu yimid, tii ku xigtayba, inta u tagtay, iyada oo calool kuusan, ayey ku ballansatay fiidkii halkii ay isugu imaan jireen. Meeshii lagu ballamay ayey isugu wada yimaadeen. Is-wareysi guud kaddib, waxa ay u sheegtay Samawada arrinta ku soo cusboonaatay, waxa ayna ku tiri, sida tan; “Abboowe, Sawracow, runtii aad ayaan ugu farxaa barashadaadii, wax weyn ayeyna ii tartay, oo aayahaygii ayaad bishay. Anigu walaaltinimo ayaan kugu bartay, iina gacan-qabatay, laakiin markii dambe ee aad iila timid jacaylkii ku aafeeyeyna, waan kaa aqbalay, aniga oo kuwa kaa horreeyey ka diiday. Caawa waxa aan kuugu yeeray, in aad iga fujisid arrin qalbiga iiga taal iyo in aad maanta i furatid”. Inta aysan u sheegin arrintaa, ayaa wiilkii Sawrac ahaa naxdin darteed iyo maxay sheegi doontaa inta isyiri, hadalkeedii si dhugma leh ku dhageystay. Iyada oo hadalkii sii wadata, ayey sii tiri “Abboowe, dhawr bil ka hor ayaa niman maleeshiyaad ahi i xoogeen, waana kaa qariyey arrintaas, oo jacaylkaaga in aan dhaawaco ayaan ka cabsanayey, arrintii aan kaa qarinayey, waxa ay keentay in aan Uur qaaday, maantana aan ahay 5 bilood. Waayahan oo dhan, waan murugeysnaa, waana kaa qarinayey, marka arrintaas ayaa igu dhacday, waadna garanaysaa gabar Uur aan aabbe lahayn haysa dhibkeeda, waxa aan si sharaf leh kaaga codsanayaa in aad i asturto maanta, Allaha Ceebahaaga asturee”.

LA SOCO QEYBTA 7-AAD!!


COSOB

24

Maarso 2018


COSOB March  

KHILAAFKA Canshuuraha gadista

COSOB March  

KHILAAFKA Canshuuraha gadista

Advertisement