Page 1

Bille, Muqdisho

Febraayo 2018

SANAD KADIB DOORASHADII FARMAAJO: MAXAA U QABSOOMAY DOWLADDA MAXAYSE KA GAABISAY?

Dib u eegista guulihii iyo caqabadihii ugu waaweynaa

CADADKA: 7aad

Tifaftiraha: Farxiya Maxamed Kheyre


ADSL Plus

hOME AND OFFICE INTERNET - TELEPHONE

141 101 www.hormuud.com

info@hormuud.com m.me/hormuud


TUSMO 6

SANAD KADIB DOORASHADII FARMAAJO: MAXAA U QABSOOMAY DOWLADDA MAXAYSE KA GAABISAY?

8

MAXAA LAGA BARTAY SAFARKA MADAXWEYNAHA

10 HALYEYGII XALANE EE NAFTIISA CALANKA U HUREY IYO SIDA UU MAANTA XAAL YAHAY ! 12 SHIRKII WADA-TASHIGA AHAA EE U DHEXEEYAY BULSHADA RAYIDKA IYO WASAARADDA

DASTUURKA OO WAR-MURTIYEED LAGA SOO SAARAY 14 WARBAAHINTA SOOMAALIYA HEERKA MAANTA IYO SIDEY KU BILAABATAY 16 MARKAAD DHALATAY KU BAAL-MARIYEEN RAJADDAADA AWOODEED 18 HAWEEN KU SHAQEYSATA HARQAAN TOLISTA OO NOLOSHA QOYSKOODA

WAX WEYN KA BEDDELAY 19

ABUURISTA ALLE WAA CAJIIB !

20 DUMARKA HINDIYA OO LOO SOO SAAREY QALAB AY KAGA HORTAGAAN KUFSIGA 21 MADAXWEYNAHA DUNIDA UGU FAQIIRSAN 22 DAANYEERKII UGU DA’DA WEYNAA CAALAMKA OO GEERIYOODAY 23 MURTIDA IYO MAADDA 24 NABSI: QEYBTA 4AAD

COSOB

1

Febraayo 2018


Muuqaallo Mudnaan leh

SIDEE GAROOWE LOOGU SOO DHOWEEYAY MADAXWEYNE FARMAAJO?

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray magaalada Garoowe ayaa madaxwayanaha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxwayanaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiin kale. Soo dhoweynta waxaa qeyb ka ahaa, shacab aad u badan kuwaasi oo waddooyinka u tagnaa iyagoo watay boorar ay ku xardhanaayeen sawirada madaxwaynaha iyo calanka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo waxaa uu socod ku soo maray bartamaha magaalada Garoowe halkaasi oo ay ku sugnayeen boqalal shacab ah kuwaasi oo u diyaarsana soo dhaweenta madaxwayanaha. Mr. Farmaajo ayaa intaasi kadib, loo gudbiyay madaxtooyda Puntland, isaga oo ka hadlaya socdaalkiisa waxaana uu yiri. ‘waxaan ku faraxsanahay imaatinkayga magaalada Garoowe, waan nalagusoo dhaweyay . Safarkan oo ahaa sida uu sheegay markii ugu horreysay uu madaxweynaha Garoowe tago ayuu ka mahadceliyay sida loo agaasimay sodhoweyntisa.

COSOB

2

Febraayo 2018


COSOB

3

Febraayo 2018


COSOB

4

Febraayo 2018


Muuqaallo Mudnaan leh

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHUUSAMAREEB, SI LOO DHAMMEYSTIRO HESHIISKII GALMUDUG & AHLU SUNNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jiray socdaalkii loogu magacdaray nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayay qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud si loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunnah Wal Jamaaca. Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud. Madaxweyne Farmaajo ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada COSOB

5

Febraayo 2018


SANAD KA DIB DOORASHADII FARMAAJO: MAXAA U QABSOOMAY DOWLADDA MAXAYSE KA GAABISAY DIB U EEGISTA GUULIHII IYO CAQABADIHII UGU WAAWEYNAA Saameynta ay nagu reebeen colaadaha iyo dhiilada dhowr iyo labaatan sano jirsaday darteed waxaa naga sii idlaanaya dulqaadka iyo in qofka la siiyo fursad uu ku sheego waxa wanaagsan ka dibna uu ficil ugu rogo waxii uu sheegay. Inteenna badan waxaan jecelnahay in annagoo iska fadhinna ay wax walba u dhacaan sida aan dooneyno. Sidaasi daraadeed intii dooratay madaxweynaha iyo intii loo doorayba waxay sugayeen isbeddel wanaagsan oo laakiin deg-deg ah. Ayadoo la marayo sanadkii koowaad ee doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan is weydiineynaa ma dhaboobay isbeddelkaasi iyo sidii la doonayay in ay wax u dhacaan? Mase wax baa dhiman? Waa sababta aan dib ugu malicsaneyno sanadkii lasoo dhaafay iyo wixii qabsoomay.

MAXAA IS BEDDELAY? 08dii Febraayo 2017 Guushii madaxtinimada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wadatay ollole dhinacya badan ahaa waxaa lagu xasuustaa ereyo ay ka mid ahaayeen Danta Dalka iyo Dadka, iyo Hadalladiisii xilligaasi oo u muuqday kuwo Jawaab cad u haya dhibaatada Hoggaan xumidu sababta u tahay ee dal iyo dad ahaanba na dillooday. Hal sano oo uu u buuxsan yahay xilka madaxtinimo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma la gaaray meeshii loo socday een mudada dheer ku riyooneynay? Su’aashan jawaabta kasoo bixi kartaa waa “Hilibka Sararta ninba si u arag” sararta ninkii samaanteeda rabaa wuxuu ka eegaa xagga sare ninkii xumaanteeda doonayana xagga hoose. Waxaan uga jeedaa qofkii ku faraxsan mirihii kasoo baxay doorashadaasi aragtidiisu waa mid Togan (Positive), qofkii qabay taas beddelkeediina waa mid Taban (Negative). Ka Saxafi ahaan, waxaan uga jeedaa in aan u dhaxeeyno labada dhinac oo aan sheego Guusha iyo sababta, guul darrada iyo sida ay ku timid. Adiga ka aqriste ahaan, Si aad u hesho qiyaas iyo meel aad wax ka qiimeyso bal Dib u xasuuso qodobbadii ku jiray khudbaddii uu ku ololeeyey Madaxweyne Farmaajo xilligii doorashada ka dibna is weydii waxyaabaha ka qabsoomay iyo intii qabsoomi waysay ama si aan sax aheyn loo qabtay?!

Bishii Agoosto 2017 Muqtaar Roobow oo ka tirsanaa saraakiisha ugu sarreysa ee Alshabaab ayaa isku dhiibay dowladda, waa libin siyaasadeed kale oo ay sheegan karto dowladda inkastoo dood badani ka taagan tahay cidda sida rasmiga ah u bilowday wada-hadalka uu Roobow ugu soo wareegay dowladda. In muddo kooban gudaheed la beddelay laba duq magaalo iyo xubo ka tirsanaa wasiirrada waxay dowladdan kala mid tahay dowladihii hore layaabna malaha waa dhaqan siyaasadeed lagu soo jiray tan iyo burburkii ka dib.

AMMAANKA IYO NABADGELYADA Xasilinta Dalka haddii ay tahay muhim sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo maxaa ka qabsoomay tan iyo xilligaasi muddada Sanadka ah? Barnaamij loogu magac daray Xasilinta ayay dowladdu ka bilowday magaalada Muqdisho horraantii bishii may 2017ka. Ciidamada howlgalkaasi ka qeyb qaadanaya waxay soo bandhigeen karti iyo waxqabad lagu ammaani karo, waxay isku dayeen in ay hor joogsadaan ficillo keeni karay wax yeellooyin ba’an, qaarkoodna isku dayadaasi waa lagu guuleystay oo wax badan ayaa lagu bad-baadiyay.

QODOBBADII KU JIRAY KHUDBADDII MADAXWEYNE FARMAAJO Intii ugu muhiimsaneyd Khudbaddii Farmaajo xilligii ololaha doorashada waxaa lagu soo koobi karaa qodobbadan soo socda: 1-Xasilinta Dalka (Wax ka qabashada amni-darrida iyo nabadgel la’aanta). 2-Dib u dhisidda, tababaridda iyo daryeelidda ciidamada qaranka. 3-Hagaajinta nidaamka dhaqaalaha dalka. 4-La dagaallanka iyo cirib-tirka musuqa iyo caddaalad darida. 5-Ka hor tagista iyo ka gurmashada Masiibooyinka. 6-Shaqo u abuuridda, Jiheynta iyo Waxbaridda dhalinyarada. 7-Hagaajinta iyo Sare u qaadidda adeegyada bulsho ee asaasiga ah.

SIYAASADDA COSOB

Sidii caadada aheyd hannaankeenna dowladnimada ee muddada bur-burka waxaan usoo joognay in bilooyin ka dib ay soo ifbaxaan khilaafyo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ku faani karto dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ayay qeyb ka tahay in ay weli khilaaf la’aan ku wada shaqeynayaan labada masuul.

6

Sidaas oo ay tahay Waxaa dhacay weeraro lagu qaaday goobo iyo dhismayaal Astaan u ah jiritaanka dalka oo dhan waxaa dhintay muwaadiniin dal iyo dibadba uga yimid rajadii iyo yidaddiiladii uu muujiyey madaxweynuhu markii uu Doorashada ku guuleystay. 14kii Oktobar 2017 waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee waxyeeleeyay dad lagu qiyaasay kun qof oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxa ay Madaxdu booqatay goobtii xasuuqu ka dhacay waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin, waxay tacsi u direen ehellada dadkii dhintay intii dhaawacantayna caafimaad ayay u rajeeyeen. Waa sax lamana dafiri karo ka gurmashada dhibkii dhacay 14kii Oktoobar hayeeshee weli waxaa jira gaabis badan, sababtoo ah waxaa jiray ballan qaadyo adag oo Febraayo 2018


madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaruhu sameeyeen kaasoo ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaadi doono howlgal lagu soo ciribtiriyo foolxumada iyo amni-darrida noocaas ah ee dalka ka jirta.

qabto oo qaarkood laga yaabo in aaney waxba ka ogeyn waxa socda, kuwaasi oo halkii ay heli lahaayeen garsoor cadaalad ah la kulmeen xad-gudubyo ka badan intii iyaga lagu eedeeynayay.

Balanqaadyada Madaxda kadib waxaa dhacay dhowr qarax iyo iyo howlagallo ay shabaab ku dileen dad rayid iyo ciidanba leh.

XIRIIRRADA GUDAHA IYO CAALAMIGA

28kii Aktoobar 2017 waxaa la weeraray Hoteelka Naasa hablood 2 waxaa halkaas lagu dilay ku dhawaad 20 ruux 25 kalena waa lagu dhaawacay oo badankood dad shacab ahaa.

Siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah dowladdu waxa ay gaartay meelo fiican, ka dib ka jawaabidda fursado taagnaa, waxa ay dowladdu inta ay jirto ku guuleysatay in ay ilaaliso jiritaankeeda,

Waxaa xigay dilal khorsheysnaa oo lagu qaarijiyay dad dowladda u shaqeynayay, Nabaddoono, ganacsato iyo kuwo kale.

Arrimaha maamulada gobolada oo ahaa tijaabo fiican qaarkood waxay u maareysay intii karaankeeda ah, welise waxaa jira cabaqado ka taagan sii adkeynta xiriirrada Maamuladaasi kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Dhanka nabadgelyada iyo qaabka ay dowladdu u maareysay Sanadkii hore waxay u muuqdeen xirfado fiican sababtoo ah howlgal hub-ka-dhigis ah ayay ku sameysay dad badan oo heystay hub kan dowladda ka madax-bannaan.

Saameyta xasaradda khaliijka ka oogan waxay dowladda u maareysay si la mahdin karo inkastoo ay weli caqabado badan oo dhankaas ka imaanaya ay taagan yihiin, caqabadaha qaarna wax ka xeeladeysatay ayadoo dhowreysa danaha kala dhaxeeya waddamada khaliijka isku haya.

Hub dhigista ayaa ah sababta ugu macquulsan ee deganaanshaha iyo xasiloonida horseedi karta. Talaabooyinka ay sanadkii hore dowladdu qaaday ee ahaa hubdhigista ayaa muujiyey arrintaas iyo sida loogu baahan yahay.

Dowladda hadda jirtaa waxay ilaalisay xiriirka dowladaha aan deriska nahay ee lagu xanto in ay iska dhowrayaan dowladnimo ka dhacda soomaaliya, illaalinta xiriirkaasi iyo wanaajintiisu waxay maanta noo tahay dan aan ku gaari karno dano kale.

Dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee ay dowladdu ku qaadeyso meelaha ay weli heystaan ayay dadka qaarkii u arkaan in ay tahay mid ay dowladdu isku muujin karto.

DHISIDDA CIIDAMADA

Laakiin dhinaca kale goobihii fariisimaha u ahaa ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ee Deegaannada qaar oo dhawaanahan la faarujiyey ee mar kalena dib gacantooda ugu wareegay al-shabaab ayaa dhabar jab ku ah wax qabad kasta oo dhinaca nabadgelyada ah oo ay dowladdu sheegan kartay.

Tiirarka Dowladnimada waxaa ka mid ah in uu dhisan yahay Ciidan xooggan oo sugi kara amniga gudaha iyo kan dibadda haddii loo baahdo, hayeeshee waxaa xusid mudan in Dowladdu weli ciidan ahaan ay ku tiirsan tahay kuwa Amisom oo dalka jooga muddo toban sano ah.

Sidoo kale dhibaatooyinka ka dhashay howlgalada iyo duqeymaha ay sameynayaan diyaaraha shisheeye ee sababay in ay ku dhintaan dadkii rayidka ahaa ayaa iyana ah caqabad guulihii ay sheegatay dowladda ceebo u yeelay.

Tan iyo xilligaasi haddii loogu talo galo oo daacad laga yahay waxaa la dhisi karay ciidan soomaaliyeed oo gacanta ku qabta guud ahaan dalka oo dhan ama ugu yaraan gobollada ugu muhiimsan ee ay dowladdu maamusho waa sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha ammaanka iyo siyaasadda.

Dabcan, ugu yaraan isbedel ayaa jira markii la doortay ka dib Madexweyne Farmaajo iyo intii aan la dooran ka hor ee ah muddadii 4ta sano aheyd uu talinayay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud.

Safarkii Madaxweynaha ee uu dhulka kusoo maray deegaanno badan oo uu booqday ayaa tijaabo iyo bandhig wanaagsanba u aheyd waxtarka iyo kartida Ciidamada qaranka, maxaa yeelay amniga madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa sugay ciidamada qaranka ayadoo wax qal-qal amni ahna uusan dhicin.

Hayeeshee waxaa is weydiin mudan isbeddelkaasi muxuu noqon karaa? Ma mid dib u noqosho mase mid hor u socod ah? mase intuba maahe isla halkii shalay la taagnaa ayaan weli laga dhaqaaqin?

Taasi waa farriin cad oo muujineysa in la gaaray waqtigii Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka ee saaran iyo dib-u-dhiska ciidamada qaranka.

GARSOORKA IYO CADAALADDA

HAGAAJINTA NIDAAMKA DHAQAALAHA

Balanqaadyadii uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa Garsoorka iyo hagaajinta cadaaladda oo ah meesha dhibkeedu uu gaaray guri walba oo uu ku nool yahay qof Soomaali ah.

Inkastoo ay dowladdu galaangal xooggan ugu jirto in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay isla markaana la siiyo deymo kale oo hor leh si dhaqaalaha sare loogu qaado, haddana way yar yihiin ama maba jiraan wax kale oo laga qabtay dhinaca dhaqaalaha iyo sare u qaadiddiisa.

Tan lagu farxi karo ayaa ah in madaxweynuhu ogyahay dhibaatooyinka aan tirada laheyn ee ka taagan Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo dhaqamada qaar oo Muwaadiniin badan ku beeray dhabana heysta, kaas oo ah dad aan u heysano garsoorayaal oo fadhiya xafiisyada loogu tala galay in muwaadiniintu ku sheegtaan dhibkoodii si loo xaliyo ay yihiin kuwa Garsoorka oo dhan xaraasha oo dhaafsada hadba meeshii ay dheef ka helayaan ma wada aha laakiin intooda badan.

Shaqo la’aantu weli sidii bay u tahay mid ka mid ah culeysyada dalka ka jira isla markaana dhalinyaro badan ku qasabtay in ay dalka ka cararaan oo naftooda halis ku geliyaan badaha waaweyn iyo saxaraha qatarta badan.

GUNAANAD Dabcan, ugu yaraan hadda waxaan heli karnaa dhowr ka mid ah jawaabaha aan u baahan nahay ee ku saabsan waxa dowladda u qabsoomay muddada sanadka ah ee ay jirtay.

Taas waxaa sababay baa la dhihi karaa iimaan la’aanta, Saboolnimada, baahidoodii oo dhaaftay intii ay dabooli kartay dowlad oo dhaqaala ahaan taag daran, qaarkood oo ka badbaaday dembiyo waaweyn oo ay aheyd in laga jaro isla markii ay galeen iyo waxaa sidoo kale loo aaneyn karaa Shaqaalaha cadaaladda oo xafiisyada lagu keenay si ka duwan nidaamka wax shaqaaleysiinta iyo qaarkood oo weli shaqeynaya waqti aad u fog oo ay tahay in lagu beddello dad ka firfircoon kana aaminsan.

Sadex sano oo hadda kadib ah oo ka harsan xiliga dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa horyaala sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha taagan ee qaarkood lagu xalin waayey tan iyo afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweynihii kan ka horreeyay ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhibaatada ka taagan dhanka nabadgelyada, dhacdooyinkii Weerarada iyo Qaraxyada watay iyo dilalka mudanayaal baarlamaan ayaa horseeday in dad aad u farabadan la qabCOSOB

Aweis Haji Nor (Aweys Aar) 7

Febraayo 2018


MAXAA LAGA BARTAY SAFARKA MADAXWEYNAHA

S

shisheyahay ee dalka u jooga nabad ilaalinta.

ocdaalkii dhulka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo ku maray gobollada Bari, Nugaal, Mudug, iyo Galgaduud wuxuu ahaa mid taariikhi ah isla markaana Soomaalida iyo shisheeyahaba baray casharro cusub oo siyaasad, Amni iyo Bulshaba ku saabsan.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray Safarada uu dhulka kusoo maray deegaanno badan waxa uu iska fogeeyay Ciidamada AMISOM kuwaasoo qeybo kamid ah la geeyay Magaalooyinka uu socodka ku marayay.

Mar wuxuu ahaa safarka mid taariikh cusub u dhigay socdaallada Madaxweynayaashii ka dambeeyay xilligii bur-burka, marna wuxuu ahaa mid ifafaalooyin cusub bidhaamiyay.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehliyay madax kale oo aad u badan kuwaas oo inta badan aanu la socon ilaalo gaar ahaa, marka laga tago kuwa loo sii diyaariyay ee madaxda la socotay inta ay marayaan waddooyinka isku xira gobollada.

Waa madaxweynihii ugu horreeyay oo socod dhulka ah ku mara masaafo dhan kun Kiilo Mitir tan iyo wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii kacaanka.

Tani waxay muujineysaa kartida iyo awoodda ay ciidamada soomaaliyeed u leeyihiin sugidda amniga dadka iyo dalka, iyo in ay daacad ka yihiin howlaha ay gudanayaan haddii ay helaan xuquuq iyo daryeel gaar ahna ay qaban karaan intaas iyo ka badan, marba haddii ay muujiyeen dulqaad ku aadan inay dhex gam’aan howdadka iyo waddooyinka cidlada ah ee uu socdaalka kusii maraayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Wax badan ayaa laga bartay socdaalkaasi oo uu madaxweynuhu ugu magac daray Socdaalka nabadda iyo dibu-heshiisiinta.

IN LA JOOGO WAQTII LA DHISI LAHAA CIIDAMADA QARANKA

AMISOM qudheeda waxay u muuqataa in ay aamintay in Soomaalidu xiligaan ka maarmi karto ku tiirsanaanta awoodaha shisheeye marba haddii shaqooyinka Amisom lagu soo koobay ilaalinta Xeryaha ay deggan yihiin askarta Amisom iyo goobaha ay madaxdu deggan yihiin.

Waxyaabaha laga bartay waxaa ugu horreeya sida la isugu aamin karo kartida iyo wax-galnimada ciidamada Soomaalida, iyo in la joogo waqtigii laga kaaftoomi lahaa kuwa

COSOB

8

Febraayo 2018


gacan qaaday, waxayna taasi muujineysaa in aanu jirin khilaaf weyn ee uu jiro kala aragti duwanaansho siyaasadeed balse aanu jirin meelo fog oo lagu kala tagay.

IN SOOMAALIDU U BISISHAHAY DOWLADNIMO DHAB AH Booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tagay gobolada Puntland iyo Galmudug waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah oo aan loo kala harin, waxayna muujiysay taageero niyadda kasoo go’day. Shacabka soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex guuxaya oo ah inay u heelan yihiin dowlad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, isla markaana sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntii dib u soo celisa. Soo dhaweynta shacabka ku sugan gobolladii uu booqday Madaxweynaha waxay muujineysaa ifafaale wanaagsan oo ah in shacabku gaaray bisayl dhinac kasta ah, isla markaana ay ku dhowdahay in laga gudbo xilligii wax lagu qiimeyn jiray halbeegga qabyaallada iyo daneysiga. Dadka tirida badan oo u rafaadsanaa saacadaha iyo maalmaha badan si ay usoo dhaweeyaan wafdiga madaxweynaha taageeridda madaxda kasokow hamiga weyn ee ay qabaan ayaa ah in ay madaxdu dareento baahiyaha ka jira deegaannadooda iyo hiilka ay dowladda uga baahan yihiin. Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay dhowr mashruuc oo qaarkood fulintooda ay meel dhexe maraysay, waxyaabaha aadka u daneynayaan dadka deegaannadaasi ku nool ayaa ah in ay waqti dhow arkaan ayadoo la si heer sare ah loo hirgeliyay mashaariicda la dhagax dhigay. Deegaanno badan oo ay dad badan ku nool yihiin ayaan ka jirin adeegyadii asaasiga ahaa ee ay bulshadu u baahneyd, waa lagama maarmaan in ay madaxdu ka fakaraan sidii looga hirgelin lahaa adeegyada loo baahan yahay si noloshu usii jirto.

UGU DAMBEYN Si aysan dowladnimada iyo taageerada madaxda uga niyad jebin shacabku waa in ay Madaxda xilligan ka shaqeyaan in ay dhageystaan kana jawaabaan baahida dadka shacabka ah ee u ooman in ay arkaan dowlad tabar leh, soo celisa karaamada iyo sharafta qaranka.

ARAGTIDII MUCAARADKA OO WEJI KALE LOO YEELAY

Sidoo kale ay noqoto dowlad ay ka helaan inta badan baahiyaha nolosha ku gedaaman ee ka jira deegaannadooda.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay la kulmayeen bilihii ugu dambeeyay mucaaradad kulul oo uu xooggeedu ka jiray baraha bulshada. Shaqsiyaadka hadda sida weyn uga soo horjeeda dowladda ayaa badankood ah siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada dhexe waxayna mucaaradnimadooda u ekeysiinayeen mid ka timid shacabka gobolladaas.

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)

Dad badan oo mucaaradka wax ka qorayna waxay la aheyd in bulshada gobolladaasi badankeed ay siyaasinta mucaaradka ah la qabaan aragtidooda, hayeeshee socdaalkii madaxweynuhu ku tagay gobollada dhexe wuxuu beddelay aragtidaas wuxuuna soo saaray tan saxda ee ah in bulshadu ay weli taageero u heyso dowladda. Dad badan oo isu soo baxay waddooyinka iyo xaafadaha deegaannadii uu madaxweynuhu booqdo ayaa muujiyay maxabbada ay u qabaan hannaanka dowladnimo ee dalka. Xubnihii mucaaradka ugu sarreeyay ayaa badankood ka qeyb galay soo dhaweynta madaxweynaha isla markaana si diiran u

COSOB

9

Febraayo 2018


HALYEYGII XALANE EE NAFTIISA CALANKA U HUREY IYO SIDA UU MAANTA XAAL YAHAY !

S

halay ;wax kasta waxaan u hurnay wadanka wax kasta oo qaali ahna ku waynay , Maanta ;waxaan wax kasta u huraynaa sidii aan wadanka uga carari lahayn !, maxaa isbadalay? Wadaniyaddu waa shay aan la iska doon dooni karin lana mala awaali karin , waxay ku beeran tahay dhiigga qof, kuna abuuran tahay qalbigiisa,waa loo dhashaa , layskama dhigi karo, dagaanka uu ku dhashay ee dhaxalka awoow cid kastaa waa jeceshahay. Sidaa daraadeed waxaan jeclaystay inaan maqaalkan kaga hadlo dhaawaca wadaniyadda soo gaaray iyo khatarta laga dhaxli karo hadii dhaawacaasi sii caabuqo oo inta maanta uu yahay kasii ballaarto.

SHALAY WAXAY WADANIYADDU TAAGNAYD HEERKAN Xaaladaha kolba lagu jiro waxaa laga dheehdaa lagana dhuuxaa wacyiga umaddu ku jirto , bal aan isla eegno heestan:Dheeldheel laguma helin calanka , cadow baan ka dhicinay calanka , Dhiigbaan usoo qubnay Soomaalaa u dhimatay calanka dhalinyaroy ogow calanka. Kan dhexdiina joogiyo , kan dhulkale ka yimidba , kan dhagarta u dhabacan , cadaawaha ka dhiciyee calanka, dhalinyaroy ogoow calanaka. Dhagaxtuur dharaartii xabaduhu dhacaayeen , dhagaxbaan ku dirirnoo , Soomaalida dhamaanteed geeri isu gunaanadoo calanka , dhalinyaroy ogow calanka . Heesihii xikmadda iyo xiisaha lahaa waa ereyadii Alle ha u naxariistee Abwaan Sareeye Guuto Max’ed Nuur Xasan “Shareeco” , waxaa kaloo jiray suugaan kale oo aad u qiima badan kana tarjumaysay sida dadku wadanka u jeclaa uguna qiironayay,waxayna suugaantaasi soo jiidatay dareenka dhalinyaro badan oo wadaniyadda ku hana qaaday . Dadkii noolaa wakhtigii gumaysiga waxaa ku waynaa agtooda qiimaha Xoriyadda iyo neecow-deeda.

WAA MAXAY XORIYADI? Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro. Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay.

SOOYAALKII HALYAY XALANE OO KOOBAN Halyeey Maxamed Cabdulle Xalane wuxuu dhashay gu’gii ku aaddanaa 1939 wuxuu ku dhashay, Deegaanka degmada Ceel-Buur ee gobolka Galguduud.

COSOB

Xalane waa magaca awoowgii, wuxuu ku biirey gu’gii 1957 ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, ciidamadii xoogga dalka, wuxuu Xalane ahaa askari firfircoon, muddo kooban oo uu ciidanka ku jiray ayaa waxa uu kasbaday sumcad , billad geesi iyo billad sharaf uu dadaalkiisa ku gaaray. Xalane wuxuu 1964 isaga oo jooga xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo itoobiya ee dhinaca gobolka Waqooyi Galbeed ayaa waxaa weerar ku soo qaadday, Magaalada “Togwajaale” ciidan lixaad lahaa oo illaalaystay ciidan tiro yar oo Soomaali ah oo meesha joogey. Waxaa weerar culus ka dib Jabay Ciidankii Soomaaliyeed, balse markii ay ka baxeen xerada ayuu arkay, Halyeey Xalane calankii oo ka dhex ba’ banaya, xerada, qalbigiisu waa siin waayey inuu halkaas kaga tago. Dib ayuu ugu soo noqday, ciidankiina gudaha ayay ugu soo galeen, isaga iyo calankiiba waxay kala daaleen xabbad, waxaa la sheegay in jidhkiisa oodhan xabbadu gaadhay, haddana mar qudha calanku uusan ciida taaban,isaguna uusan xanuunsan ilaa uu ciidankii Soomaaliyeed meeshay difaaca ka galeen uga tegay isagoo dhaawac liita ah, Calankiisiina wata. Xalane dhaawacii ayuu u dhintey , balse hadafkiisii ahaa inuu calanka difaaco iyo dalka waa ku guuleystay, waxaan odhan karnaa ma dhimane wuu dhuuntay Halyeey Maxamed Cabdulle Xalane. Waxaa jirta odhaah uu reebay oo ahayd: ” WAR CADOWGU BIR MAAHA, BURBURIYA, CALANKIINANA CODOWGA KA ILAASHADA” Xalane wuxuu ahaa Halyey Soomaaliyeed oo aaminsan kuna Kalsoon Calankiisa, wuxuuna ku kasbaday, Sharaf, Magac, Maamuus isaga iyo Ubadkiisiiba.

10

Febraayo 2018


ah dhalinyarada nolosha ku guulaysatay meel fiicanna aan isleeyahay inuu nolosha ka joogo, waxaan waydiiyay dalka bal ka waran ?waxa uu iigu jawaabay wallee dal aniga waxba igama galine waxaan ku fakarayaa sidii mar un aan uga bixi lahaa meel nabad ahna aan ku raadsan lahaa , sababtuna waa ;haddaan dhinto inigoo waddanka ka fakaraya maxaa aniga ubadkayga u dambeeya waddankiina aan la isku hallayn karin , haddaan maanta helayo meel aan uga cararo habeen kuma nagaadeen. -dadkii waxay ku dhamaadeen badaha , wax kasta oo qaaliya oo ay lahaayeen waxay u hureen sidii ay waddanka mar un uga bixi lahaayeen . Haddaba ogaada Soomaalay waddaniyaddu way dhimataa mar haddii lawaayo tiirarkii ay ku taagnayd. Waxaana maanta dulli inoogu filan inaanan ku faani karin waddankii , dadka dibadda joogaana ay xishoodaan marka Soomaaliya lasoo hadal qaado, waa dal dadkiisii sumcadda ka dileen, waxayse taladu tahay aan is daba qabanno intay goorgoor tahay

HADDABA WAXAA IS WAYDIIN LEH DADKA SOOMAALIYEED MAXAA HEERKAN GAARSIIYAY? Qabiil : qabiilaystayaashu maahmaahda ay caanka ku yihiin waa;”kabtaada iyo Qabiilkaagaba dhexdaa looga jiraa”. Illaahay dadka isagaa abuuray xikmad ayuuna u kala qaybiyay qabiillo kala duwan, dalal kala fogfog, luuqado kala jaadjaad ah , in la kala duwanaado quruxdaa ku jirta; bal ka waran haddii subax waagu kuu baryo adigoo dadka adduunkoo dhani kuu wada egyahay dharkaaga uu wada wato sidaadoo kale u wada fakarayo, waxaa lumaysa dhadhankii nolosha iyo xiisaheedii .

MAANTA WADDANIYADDU HEERKAY MARAYSAA ? Dr.Camroo Khalid waxa uu kamid yahay dadka ducaadda caalamka islaamaka ugu firfircoon , waxa uu ka qayb galay shir culumada islaamku ay qabteen oo ka dhacay Dubai sanadkii 2010 kii, waxa uu shirkaa kasoo jeediyay talooyin aad u qiima badnaa oo aan isleeyahay haddii la qaadan lahaa wax wayn ayaa manta inoo kordhi lahaa , nabad iyo nololna waan heli lahayn. Laakiin waxa uu ka hadlay arin raxdin leh oo runtii aniga saamayn igu yeelatay, qof kasta oo u yara fiirsadaana uu runta taabanayo, waxa uu sheegay oo hadalkiisii kamid ahaa “Waxaan inta badan u dhexeeyaa labada dal ee Masar iyo Ingiriiska , waxaan ku arkaa “Birmingham”Soomaali aad u fara badan oo kumanaan ah , laakiin markaan arko waxaa ii muuqata in dadkaasi aanay lahayn caadifadii Wadaninimo oo aad mooddo inay dhimatay , waana arin aad looga murugoodo , dadka sidaa sameeyay oo dadkan waddaniyadoodii dhaawacay waxay galeen dambi wayn oo aan la saamixi karin” , waxa uu Dr-ku iswaydiiyay tolow wadaniyaddu miyay dhimataa ?waxa uu ku jawaabay haa, waa haddii dalka ay maalin kasta ka dhacaan dambiyo lagu galayo magaca waddanka , oo magacii waddanka dadka lagu laynayo , markaa waddaniyaddu way lumaysaa. Arinkaasi waa tusaale kooban oo sawir inaga siinaya dhalintii qurbaha ku noolayd iyo siday wadanka ku yihiin , dhalinyaradii waddanka joogtay xaalku siduu ku yahay?

Dhanka kale bal ka waran haddii dadka oo dhani qabiilkaaga noqdo maxaad dareemi lahayd, noloshu waa is dhamaystir oo qof kastaaba qofka kale ayuu dhamaystiraa , haddaad nolol ogolaato adigana waa laguu ogolaanayaa. Qabiil in lagu khasaaray cidi ma moogana , khasaarihii uu gaystayna waa kaa ina leh ku cibra qaata. Dowladaha dariska ah oo u fakaraya sidii gumaystaha oo kale: waxaan shaki ku jirin markii Soomaaliya la arkay awoodeeda ciidan iyo cududeeda sii kor-dhaysa waxaa la go’aan saday in la burburiyo oo awoodeeda la jabiyo , sida dhawaan uu soo bandhigay bogga faafiya siraha reer galbeedka ee Wikileaks waxaa la sheegay in Soomaaliya la doonayo in loo qaybiyo labada wadan ee dariska la ah ee kala aha Kenya iyo Itobiya, warbixinada Wikileaks inagu si sahlan ayaynu u dhaafnay oon uga aamusnay laakiin dowlahada tunka wayn ee caalamka qaarkood aadbay uga cabaadeen warbixinada sirta ah ee wargayskaa laga helay sida ;dowladda farasiiska oo kale aadbaa looga cabaaday dhagaysiga teleefoonada madaxda dalkaas, hadaba dhibaatada dalka haysata waa qayb wayn ka ah dalalkaa shisheeyo oo ka dhacsan in gumaysigii cadaa dharar cad ka huleelay dalkan . Ugu dambayn waxaan shaki ku jirin in xalku gacanteena ku jiro , isla markaana ay na hor taallo inaan kala dooranno dalka iyo dal la’aan iyo inaan u huleelno wadamada shisheeye oo aan wax kasta oo qaaliya u hurno sidii aan wadanka uga carari lahayn.

-Waxaan is waraysanay nin dhalinyaro ah oo waliba kamid

Khadar Xuseen

COSOB

11

Febraayo 2018


SHIRKII WADA-TASHIGA AHAA EE U DHEXEEYAY BULSHADA RAYIDKA IYO WASAARADDA DASTUURKA OO WAR-MURTIYEED LAGA SOO SAARAY

A

hmiyadda kulan weynhaan ayaa ahaa mid looga hadlayaaay wadatashiga iyo wadda shaqeynta la xariirta kaalinta bulshada rayidka iyo caqabadaha ka heysta habsami ula shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah waxane ka qeyb galyaashu ay isla garteen in doorka bulshada rayidka ah ee dib uu eegista KMG iyo talo bixintiisu ay muhiim uu tahay horumarka dalka.

Gaba Gabadda kulanka ayaa waxa laga soo saaraay warmutiyeed ka koobaan dhowr iyo toban qodob waxana goobta ka aqriyay Guddomiyaha Daladda Bulshada Rayidka ah ee (SOSCENSA) Diini Maxammed Diini.

DALLADA JILEYAASHA AAN DOWLIGA AHAYN EE SOSCENSA War-murtiyeed

Ujeedooyinka shirku waxa uu ahaa: (1) In bulashada rayidku ka tashadaan kaalinta kaga aadan ka qeyb galka dib u eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan qaabka wada shaqeynta; Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hergalinta Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee kormeerka Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka iyo ( 2 ) Dib-u-eegista qodobada iska hor-imaanya ee ku jira dastuurka kumeel-gaarka ee Soomaaliya. Ugu danbeeyntii, wadatashi iyo falaqeyn la xariirta kaalinta Bulshada rayidka ah iyo caqabadaha ka haysta habsami ula shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah, waxaa ka qeybgalayaashu ay isla garteen in doorka bulshada rayidka ah ee dib-u-eegista dastuurka iyo talo bixintiisuba ay muhiim u tahay horumarka dalka, gaar ahaan dhameystirka qabyo

Kulanka Bulshada Rayidka ah ee Hannaanka Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya

qoraalka dastuurka. Waxayna ugu baaqayaan guud ahaan dowladda, gaar ahaanna; Guddiga Baarlamaanka ee

Janaayo 30 – Febraayo 1, 2018

HORUDHAC

kormeerka Dastuurka, gudiga madaxa banaan ee dibueegista dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka talo soo

Dalladaa Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay u taagan tahay u qareemidda danta guud ee shacabka

jeedintaan: 1. In la dedejiyo dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka

Soomaaliyeed iyo talasiinta Dawladd, Sidaas darteed, waxaa kulan balaaran oo socdey muddo 3 maalmood ah,

2. In la abuuro guddi kor joogto dib u eegista Dastuurka oo ay bulshada rayidku ku leeyihiin xubno muhiim ah

lagu qabtay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno kala matalaya qaybaha kala

3. In la helo khubaro Soomaaliyeed oo la shaqeeya guddiyada dastuuriga ah ee did-u-eegista dastuurka,

duwan ee ururrada bulshada rayidka ah, kana kala yimid maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir.

COSOB

lehna sifooyinka wadaniyadda iyo cadaaladda

12

Febraayo 2018


4. Maadama aanay dadku aqoon u laheyn Federaalka, waa inay Dastuurka ku cadahay nooca Federaalka la qaadanayo 5. Si guud ahaan bulshadu u hesho fursad ay uga qeyb qaadato dhameystirka Dastuurka dawladu waa inay xoojisaa amniga iyo maamul wannaagga. 6. In heshiisiin iyo wadahadal loo furo bulshada lagana soo bilaabaa heer hoose taas oo garab soconaysa dibu eegista Dastuurka. 7. In la helo wakhti kooban iyo qorshe cad oo bulshadu ogtahay laguna dhameystirayo dib u eegista Dastuurka. 8. In dastuurka si buuxda loogu qeexaa ilaalinta mabaadi’da iyo maqaasidda shareecada islaamka 9. In la soo dedejiyo kullamada dastuuriga ah ee looga hadlayo arimaha masiiriga ah ee la xiriira maqaamka caasimadda iyo Gobalka Banaadir. 10. Si loo ilaaliyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hanaanka dib u eegista Dastuurka, waa in bulshada rayidku ku yeeshaan door muhiim ah oo muuqda, maadama ay ayagu ku dhex jiraan bulshada. 11. In qaab dhismeedka garsoorka lagu saleeya mid ka mida nidaamyada ka jira wadamada federaalka ah Ururada bulshada rayidka ah ee ka soo qeyb galey kulankii sadexda maalmood ahaa ee ka dhacay Hoteelka SYL, waxay ugu baaqayaan dhammaan ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed in ay si mug leh uga qeyb qaataan hannaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya. Ugu danbeyntii SOSCENSA oo u taagan xariirinta iyo fududeynta wada hadalada & talo-wadaagga arrimaha muhiimka u ah bulshada waxay u mahadcelinaysaa xubnihii ka socdey ururada bulshada rayidka ah ee ka soo qeybgaley kulankaan. Waad Mahadsantihiin”…

COSOB

13

Febraayo 2018


WARBAAHINTA SOOMAALIYA HEERKA MAANTA IYO SIDEY KU BILAABATAY waxay dhamaantood ku hadli jireen Afka Dowladda. Intaaa kadib markii meesha laga saaray dowlaaddii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaaa Magaalada Muqdisho oo kaliya qarqiyey ka badan 100 Wargays oo dhamaantood madax banaan, waxaana ugu horeeyey Wargaayskii Shabeele Press, waxaana kusoo xigey Midnimo, Xog-ogaal oo ilaa hada soo baxa, Qaran, Banaroma, Sanca, Goobjooge, Beel-deeq, Ayaamaha, Xorriyo, Moqdisho Times, Xamar iyo Xog-doon. waxa intaas bar-baar socdey Warbaahinta Raadiyaasha iyo Tv-yada gaarka loo leeyahay iyadoo Magaalada Muqdisho kaliya ay leedahay wax ku dhow 30 Raadiyo iyo ka badan Tobon TV oo mid waliba leeyahay siyaasadiisa u gaarka ah marka laga hadlayo baahinta wararka iyo dhacdooyinka nolol maalmeedka dalkan burburay oo haatan ka soo kabanaya daruufihii dagaalada sokeeye u gaysteen in ku dhow 27 sano. Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday iney Soomaaliya ka go’day waxaa ka soo baxa in ka badan 10 wargays oo madax banaan, waxaad mooda iney xooga ka horumarsan yihiin kuwa ka soo baxa Soomaaliya inteeda kale, waxaana laga diidey Somaliland in laga maalgashado Idaacado madax banaan sida Muqdisho oo kale. Waxaa kale oo jira Mareegyo (Website-yo) kala duwan oo tiro beelay oo ku faafsan dunida casriga oo noqtay mid hal Tuulo ah (Global Village) waxayna mid walba leedahay saamaynteeda Togan iyo Taban.(Sax iyo Khalad). Saamaynta Warbaahinta Bulshada (Social Media) sida Facebook, Twitter, Instagram IWM waxay dunida ka noqdeen 10kii sano ee ugu dambeyay lagama maar-maan iyadoo daqiiqadiiba la isugu gudbiya dhacdooyinka saamayn weyn ku leh nolosha dadweynaha oo aad u isticmaala Mobile-da SMART-PHONE-ka, I-Pad Tablet IWM.

S

oo bixitaankii Warbaahinta Caalamka waxay soo martay heerar kala duwan oo la taaba qaadaysay xilliyo iyo waayo kala duwan oo mid waliba la soconaysay waqtigaasi iyadoo ay noqotay awood aad balaaran oo lagula xariiro dadweynaha dunida ee ku kala dhaqan caalamka daafihiisa. Sida lagu qeexo nolosha casriga waa awooda 4-aad ee dunida iyadoo mararka qaarkood loo tixgaliyo tan Koowaad maadaama ay wax ka badasho ra’yiga caalamka dunida oo keeni karta dagaal iyo nabad intaba hadba sida loo adeegsado isticmaalka. Dalka Soomaaliya marka laga yimaado Raadiyow Hargaysa oo la Aasaasay 1943 Iyo Raadiyow Muqdisho oo Hawada galay 1950, markii Xoriyadda la qaatay waxaa dalka ka hana qaaday afar wargays oo shaqaynayey, intii u dhexaysey 1960-1969 waxayna kala ahaayeen:1. CORIERRA DELLA SOMALO, waxaa iska lahaa Dowladda waxa uu ku qornaa (Af Talyaani) 2. SOMALI NEWS, waxaa iska lahaa dowladda, waxa uu ku qornaa (Af Ingiriis) 3. LA TRABUNA, waxa iska lahaa Avv. Ismaaxciil Jimcaale waxa uu ku qornaa (Af Talyaani)

Warbaahinta Soomaaliya waxay leedahay faa’iidooyinkeeda Xumaan iyo samaan waxayna qayb ka qaataan horumarka iyo dib u dhaca dalka iyadoo mar walba leh Culeyskeeda waana midda taaba galinaysa sida ay dadweynahu u isticmaalaan si ay u helaan warar iyo dhacdooyin hufan oo ka saliim ah caadifad qaybna ka qaata horukaca nolosha. U istimaalida Warbaahinta qaybaheeda kala duwan si wanaagasan oo ku dhisan anshax suubaan waxay sahlaysaa in dadku hiigsadaan horumar, nabad iyo baraare gaar ahaan Warbaahinta Bulshada (social Media) waxaa saaran xil weyn si ay u dhowraan quluubta dadweynaha ku xiran oo aaminsan in loo adeegsado si wacan oo qof walba raali ka yahay, dabcan ma jirto duni meel u wada jeeda balse ugu yaraan waa in wax la hagaajiyaa oo loo hogaansamo wanaaga iyo horumarka. Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto wuxuu waqtigan noqday duni ku nool hal Tuulo oo isku xiran waxaana wax walba u sahley isticmaalka Internet-ka kaasoo saamayn weyn kugu yeeleanayo inta aad wax qorayso (Finger Tips) waxaana markiiba aad ku xirmaysaa shabakadaha dunida oo lagaa daalacanayo waxaana taas barbarbar socda qiimeyn lagu sameyn doono si aad ugu qayb qaadato horukaca nolosha deegaankaaga..

4. THE PEOPLE, waxaa iska lahaa Avv. Dhuxul waxa uu ku qornaa (Af Ingiriis) Markii ay dalka la wareegeen Milataarigii 1969 tan iyo intii laga qorayey Afka Soomaaliga waxaa dalka ka soo bixi jirey 3 Wargays oo ku hadla Afka dowladda waxayna kala ahaayeen 1- STELLA D’OTTOBARE (Talyaani). 2- NAJMATU OCTOBAR (Carabi). 3- OCTOBAR STAR (Ingiriis). Waxay ku kala duwanaayeen oo kaliya Luqadda ay ku qornaayeen. Markii la qoray farta Soomaaliga, waxaa meesha laga saaray STELLA D’OTTOBARE iyo OCTOBAR STAR, waxaana sii jirtey NAJMATU OCTOBAR. waxaana soo baxayey tan iyo 1990-kii tiro wargaysyo hal ujeedo leh oo dowladdu maaamusho.. Waxayna kala ahaaayeen:-

Cabdinaasir Xersi Iidle

XIDGTA OCTOOBAR, (Maalinle). NAJMATU OCTOBAR (Maalinle). DAWN (Bille), HEEGAN (Bille), NEW ERA (Bille), NUOVA ERA (Bille), OGAAAL (Todobaadle) iyo AL DHALEECA.(Todobaadle),

COSOB

14

Febraayo 2018


COSOB

15

Febraayo 2018


MARKAAD DHALATAY KU BAAL-MARIYEEN RAJADDAADA AWOODEED

M

arkii aad yarayd, daacada ahayd ,dhabta iyo xaqiiqada caalamkan aad kunooshahay aadan aqoonin, hagardaamada noloshana aadan la socon .

Mise waxaaba kuu wanaagsan in aad dabagasho raadadka dadka kale iyo qorshayaashooda oo aad wadadooda qaado. Xataa hadii aad ogtahay in ay jiraan wadooyin badan oo aad ku rumayn karto waxa aad rabto, kana rabto nolosha , balse waad cabsanaysaa, waxaad ka cabsanaysaa isku dayga tijaabadda waxaad ka cabsanaysaa isbadalka waxaad ka cabsanaysaa in aad qaado waddo aan cid kaa horaysay qaadin wali.1minute

Waxaad lahayd aaminaad ,waxaad aad u aaminsanayd aadna utaqaanay in aad wax walba samay karto,wax walba awoodid, in ayna jirin dabaro ku xidhaa ama ku dabraa. Marka ay ku waydiyaan maxaad jeclayd in aad noqoto waxaad si xoog leh ku odhan jirtay adigoo aad isugu kalsoon waxyabo kala duwan, mararka qaar waxyaabo waali ah oo aan waaqic ama dhab ahayn mararka qaarna waxyaabo haboon, sida dhakhtar, loyar,siyaasi,wasiir,duuliye iwm.

Bes! Bes dheh cabsida bes dheh isdhiibidda bes dheh raaricinta aad u raaricinayso dhegaha wax walba oo ay noloshu kuu yeeriso.

Deetana waad waynaanaysaa noloshuna waxay ku baraysaa in aad qaado wadada badbaadada, wadada halista yar, wadada ku roon adiga ee caqabadaha yar,waxaad noqonaysaa qunyar socod sax ah. Caalamkuna waxuu ku barayaa in awoodahaagu limit yihin ay xadidan yihin, waxbadana aadan awoodi Karin.

Cunugii aan aqoonin mustaxiilnimada,ama isdhiibidda ,kii rabay in uu noqdo waxuun, kii rabay in uu noqdo waxkasta . Ilmihi rabay in uu noloshiisa ku noolaado farxad daqiiqad kasta noloshisa.

Malaa waxaa la qaatay in aad jaamacada tagto deetana aad qaadato shaqo sugan.

COSOB

Gadaal u celli cajilada noloshaada, soonna celi ilmihii xooga badnaa awooda badnaa riyadda badnaa yaqaanay waxa uu noqon doono.

Ruuxii yaqaanay in wax kasta oo noloshiisa ah ay ka

16

Febraayo 2018


awoodaa waa in aad waraabiso oo keliya . Ma awoodid In aad xukunto qoraxda m awoodid in aad xakamayso cimiladda, waxa keliya ee aad awoodaa waa in aad beerto iniintaada deetana waraabiso oo keliya. Waxaa jirta qayb yar o ka mid ah maskaxdaada laguna magacaabo RIS , qaybtaa yar ee kamid ah maskaxdaada waxay kuu kayd garaysaa dhamaan waxa aad aqoonta u leedahay iyo wax walba oo aad noloshan ka baratay. Hadda ila feker, marka aad qalinka ku duugto ama xadiddo bartilmaameedkaaga ama hadafkaaga oo ay ku lamaantahay aragti cad oo aan madmadow ku jirin ,sababo xoog leh oo kugu kaxaynayaana ay jirto,kuna celceliso hadafkaaga marar badan . Bartilmaameedkaasi waxuu noqonayaa qayb adiga kaa mid ah , heerkaa marka aad gaarto qaybtii maskaxdaada ka midka hayd ee RIS eee maskaxdaadu waxay bilaabaysaa in uu kuu soo bandhigo dhamaan xalalka iyo waxwalboo hadafkaaga quseeya .4minute Ii ogoloow in aan wax kuu sheego . hadii aad awoodo in aad ka abuurto caqligaaga waxasoo aragtiya ah fikirro dheeman ah ee cus-cusub ,so waxaad awoodaa in aad aragtiyahaas oo dhan soo jiidato oo rumayso. Ha ilaawin , marwalba waxaad soojidataa waxwalba oo aad u qabto in aad uqalanto samaynna karto. Sidaa darteed haku dhicin godadka iyo dabinadda aragtida taban iyo afkaarta negative ka ah. Xaqiiqso maalin kasta iyo xilli kasta in aad heleyso fursado cusub ,si aad noloshaada siwanaagsan ugu bedesho aadna abuurto mucjisoyin horleh. Aad aayaan uga xumahay in aad ku kortay kuna dhex kortay bulso ku tidhi kugu waanisay in aad qaado waddada dhibka yar wadadda badbaadadda ah.laguuguna sheegay in aad awoodaadu xad leedahay. Hagaag! Balse anigu waxaan ku leeyahay iloow waxay ku dheheen iyo waxay ku dhihi donaanba marka aad doorato waddada adiga kuu gaarka ah. Xasuuso dhamaan fikiradaadu waxay kuusoo jiidi doonaan maalin maalmaha ka mid ah I aamin marka aan ku leeyahay waad rumayn doontaa waxwalboo aad ku fakarayso ,run la soo taabtay weeye taasi. bilowdaan fikirkiisa iyo doorashadiisa iyo awoodihiisa. Maantana aragtiyihiisii ay yihiin kuwa samaynaya mustaqbalkiisa. Mar Alle marka aad rumaysato in waxa aad ku fakartaa noqonayaan mustaqbalkaaga, waxaad noqondoontaa mid aad uga digtoon ugana taxadara hab fikiradiisa Ma ogolaan doontid hab fikirkaagu in uu noqdo wax aadan rabin haba yaraatee. Isugu gee maskaxdaada iyo xoojintaada hal hadaf oo keliya, kuna dhaqaaq oo samee. Sidaa ayaadna ku awoodi doontaa in ay dhashaan dhamaan fikirada /aragtiyaha abuur ahaan cusub iyo hadafyo kaleba. Diiradda saar hadafkaaga ,oo waliba bartaa dhig indhahaaga dhexdooda ah , heer aad ka gaadho markaad subixii soo kacdo in aad hamuun u qabto rumaynta waxyaalo horleh.

Dhalinyarnimada, waa tamar tan ugu qaalisan khayraadka dunidan yaalla,dawlad walbaana ay u baahanthay in ku rumayso waxwalbo ay rabto kuna horumarto. Dawladaha horumaray waxaan aragnaa in ay hore usocdeen, abuureen afkaar cusub,mashaariic cusub kuna tanaadeen. Aragtiyahoodii u badeleen mashaariic,tighnolojiyado iyo halabuuro casri ah. Balse inagu ka Soomaali ahaan aragtiyaheena iyo halabuuradeenaba god baynu u qodnaa kuna shareernaa. Curdinkaynu ku qaadhinaa,yagoon biqlan baynu hanqajinaa. Aragtidaada maxay kulatahay gabadha Soomaaliyada ahi in ay ubaahantahay si ay u abuurto aragtiyo cusub oo bedella nolosheeda iyo tan haweenka ku xeeranba.

Rumayso waxwalba oo aad doonayso in aad rumayso waad rumayn kartaa.

Asiya Abshir Aadan

Kolka aad iniin dhulka ku beerto , waxaa keliya ee aad

COSOB

17

Febraayo 2018


HAWEEN KU SHAQEYSATA HARQAAN TOLISTA OO NOLOSHA QOYSKOODA WAX WEYN KA BEDDELAY

W

aa xilli barqo ah Faadumo Cabdulqaadir Cawaale iyada oo aad u mashquulsan ayay ku dhexjirtaa dukaan yar oo ku dhexyaalla gurigeeda ka dhisan xero lagu soo barakacay oo ku taalla dhismaha Jaamacadaha ee magaalada muqdisho. Afar ka mid ah Carruurteeda oo Iskuulka Ku maqan ayay qadada u diyaarineysaa sidoo kalena dhowr qof oo haween iyo carruur isugu jira oo macaamiisheeda ka tirsan ayay u adeegeysaa. Dukaanka yar ee ay ka dhex sameysatay guriga ay ka degan tahay xerada Xannaan ee lagu barakacay waxaa u yaalla harqaan ay dharka ku tosho, Marooyin dharka laga tosho oo ay dadka ka iibiso iyo badeeco kale oo bagaash u badan. Shaqadan oo wax weyn ka beddeshay nolosheeda waxay ku dhexjirtaa tan iyo labadii sano ee ugu dambeeyey ka dib markii ay xirfadda harqaan wax ku tolista ka baratay Xarrunta Xaawo Taako ee ay maamusho hey’adda u dhaq-dhaqaaqda arrimaha Haweenka ee SSWC. “Waa shaqo nolosheyda iyo tan Qoyskeyga wax weyn ka beddeshay… sanad ka hor nolosheenna maalmeed ma ahayn mid isku toosan, carruurteydu wax barasho la’aan ayay ahaayeen, maantase wax kasta waxay taagan yihiin heer lagu qanci karo” sidaasi waxaa tiri Faadumo oo ka warbixineysay isbeddelka toga nee nolosheeda iyo tan qoyskeeda ku timid. Faadumo qoyskeeda oo ka kooban iyada, seygeeda iyo sideed carruur oo ay dhaleen waxay sanadkii 2013ka bilowgiisa ka soo barakaceen dagaallo beeleedkii ka dhacay deegaanka No. 50 ee gobolka shabeellaha hoose, bilowgii hore ee ay soo degtay xeradan ay hadda degan tahay noloshooda ma qurxooneyn odayga guriga wax shaqo ah ma heyn iyada ayaa qoyska usoo xamaali jirtay si nolol maalmeedka loo dabaro hayeeshee shaqooyinkaas oo kuwo iska dhib badan ahaa wax weyn oo macaash ah kama soo geli jirin. “Harqaanka ka hor waxay nolosheenna ku tiirsaneyd dhardhaqidda, xaafadaha ayaan wareegi jiray maalintii si aan usoo helo qoys dharka loo dhaqo, kadib xoogaaga aan kasoo helo ayaan carruurta debka ugu shidi jiray” Faadumo ayaa hadalkeeda raacisay. Faadumo waxay isku dufcad ahaayeen oo ay mar wada barteen xirfadda Harqaan wax-ku-tolista Anbiyo Cali Cismaan, Anbiyo iyada iyo todobo carruur oo ay dhashay oo agoon ah oo tan ugu weyn ay 14 jir tahay ayaa laba sano ka hor kasoo barakacay deegaanka Deg-wariiri ee Gobolka Shabeelaha hoose ka dib markii ay abaarta uga le’deen inta badan xoolihii ay dhaqanayeen oo ari iyo lo’ isugu jiray. Markii ay muqdisho soo galeen Anibiyo waxay ku biirtay haweenka dambiilaha ku xamaasha ee suuqa bakaaraha, waxay aheyd marxald adag oo ay soo martay, hayeeshee imika waxay dhex fadhisaa dukaan sida kii Faadumo u camiran oo Harqaanna uu dhex yaallo, waxay is bar-bar dhig ku sameyneysaa nolosheedii hore iyo tan ay imika ku jirto. “Markii koowaad oo aan tababarka dhameystay Hey’adda SSWC ayaa isiisay Harqaan aan ku shaqeysto iyo dhowr Bundadood oo dhar ah, hadda iyo markii hore farqi weyn ayaan xaqiijiyay sababtoo ah hadda aniga ayaa ku filan dhammaan qarashka waxbarasho iyo nolol ee carruurteyda” Anbiyo oo aad u faraxsan ayaa ka sheekeysay horumarka ay xaqiijisay tan iyo waqti dhow gudahiis. Xilligaas ay anbiyo dambiisha ku xamaalan jirtay kaliya laba ka mid ah carruurteeda ayaa dugsi qur’aanka dhigan jiray, hayeeshee hadda lix ka mid ah ayaa dugsiga qur’aanka iyo iskuulkaba dhigata, dhammaanna qarashka waxbarashada iyadaa ka bixisa. Nasra cabdi Xasan iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban afar carruur iyo aabahood ayaa ku nool Kaam Barwaaqo oo ku yaalla deegaanka Tareedisho waxay ka mid tahay 300 haween ah oo loo soo xiray tababar xirafadda harqaan wax-ku-tolista ah oo mudo afar bilood ah u socday. Sidii dufcadihii hore waxay heleen Harqaan, dhowr bundadood oo dhar ah iyo qalabka kale ee harqaanka loo adeegsado. Nasra waxaa usoo bidhaamaaya Mustaqbal iyo nolol ka wanaagsan kii ay mudo ka hor ku jirtay. Aamino Xaaji Cilmi waa agaasimaha Hey’adda SSWC oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha haweenka labadii sano ee ugu dambeeyey waxay tababar xirfadeed siyeen 925 haween ah oo intooda badan maanta ah kuwo shaqeeya oo nolosha qoyskana ku filan, hayeeshee Aamino waxay ka warcelineysaa sababta ay hey’addoodu u dooratay in xirfadda Harqaan tolista la baro gabdhaha ayadoo ay jiraan xirfado kale oo la bari karo.

COSOB

18

Febraayo 2018

“Sababtu waxay tahay waa xirfad qaali ka ah adduunka oo dhan isla markaana haween ahaan u fudud, waxay gabadhu awoodi kartaa in ay gurigeeda dhexdiisa ku shaqeysato ayadoo howsha gurigana dhan ka maamuleysa” ayay tiri Aamino. Koboca dhaqaalaha qoyska wuxuu ku tiirsan yahay dadaalka shaqo oo ay bixiyaan hooyada iyo aabaha oo ah labada masuul ee ugu sarreeya maamulka qoyska, iskaashiga labadaasi xubnood oo qoyska ka tirsan oo hagaaga ayay ku xiran tahay in ay hagaagaan bar-baarinta ubadka iyo kor u qaadidda dhaqaalaha guriga. Si uu qoysku u hagaajiyo noloshiisa isla markaana uu isu dheelitiro baahida ku gedaaman ee la xiriirta nolol maalmeedka iyo duruufaha dhaqaale ee jira hooyooyin badan oo ka tirsan qoysaska soomaalida ayaa in ay u kacaan sidii ay ku dabooli lahaayeen baahiyahaasi jira ee nolosha qoyska la xiriirta. Haweenka soomaalida ayaa si ay u maareeyaan nolol maalmeedka qoyska sanadihii lasoo dhaafay waxay qabanayeen shaqooyin yar yar oo aan xirfad ku dhisneyn balse xoogsi u badan. Si loo helo haween leh xirfad shaqo oo sare isla markaana meel weyn kaga jira bulshada ayaa sanadihii ugu dameeyey waxaa soo if baxayay xarrumo haweenka si gaar ah wax loogu baro ayadoo sare loo qaadayo xirfadooda. Waa qeyb ka mid ah horumarka bulshada in Haweenka Soomaaliyeed ay fursad u helaan in ay noqdaan xirfadleyaal, si ay ugu yaraan u kaabaan noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Aweis Haji Nor (Aweys Aar)


ABUURISTA ALLE WAA CAJIIB ! Hadaba aan tusaale usoo qaadanee kama wada gaarno halmar in aan si wada jir ah aan ugu wada sheekeeyno creemooyinkaas oo dhan iyo sida dumarkeena ay u isticmaalaan, balse aan si kooban aan usharaxno Waxa aad ka ogtahay qatarda ay ledahay #Dermovate oo ay inta badan marsadaan gabdhaha Soomalida si ay u cadaadaan.

WAA MAXAY DERMOVATE CREAM Dermovate waa dawo aad u xoog badan oo lagu daweeyo infekshanka iyo cudurada ku dhaca maqaarka sida eczema, psoriasis and dermatitis lkn qaabka ay somalidu u istcmaasho wey ka gadisan tahay waana qaab qatar ku ah noloshooda Qatarta aye ledahay Dermovate 1-Indhaha oo aragooda is badala 2-maqaarka oo ku gogo,a waayo malin kasta ayad marsataa 3-hormonadda oo is badala sida (caado wareer) 4-dhiig yari (Anemia) 5-#Kanserka Maqaarka 6-kiliyo xanuun ugu danbeen kugu dhici kara kilayaha oo ku fadhiisto kidney failure 7-wadnaha xanuun 8-xiliga uurka (ilmaha oo dhimasho ku yimadaan)

W

axaa alle abuuray rag iyo dumar kuwaasoo farcamay noqdayne qabaa illo iyo qowmiyado ku nool dunida guud keeda, awooda allane waxa uu qoomwalbaa siiyay midab, qaab dhismeed iyo af ugaara hadana kuligeen bani aadam ayaynu nahay.

Gabdhahii hore waxaa dhaqan u lahaayen ine isku qurxiyaan waxyaalo dabiici ah sida huruuda, qusaha/ qasilka,shumburta ,labeenta xoolaha ,timirta iyo malabka iyo wax yaalo kale waxuuna jirkooda u dhalaali jiray sida qorax galbeyd oo sii dhacayso o kale ,balse gabdha maanta aya ah kuwo ka duwanka kuwa dhaqan ahan iyo middab ahaamba, waxana lumay middabkii gabdhaha Soomaliyed lagu yaqiin iyago middabkii ku badalay iscaddeyn iyo isticmaalida make -up ka hal heesna ka dhigtay "doqon baa madow" Waxaana aragtida indhaha ku yaraaday arkida middabkii maariin casaanka ahaa e gabdhahena gaarka u ahaa waxaa nabaad guuray dhaqankii suubana ee lagu amaani jiray hablahena qurxda badnaa.

Soomaalidu wuxuu alle siiyay qaab dhismeed leh dhirir, dhuubni iyo midab aan ahayn cadaan,gaduud,iyo madoow midna midabka soomaalidu waa mid iyaga alle hibo usiiyay waana midabaka MAARIIN CASAAN GALAY. Waana middebka dunida ugu quruxda badan Kaaso aysan jirin duni nalawadaagto. Hibo eebbe kusiiyay habeen layskama qaado.

Ugu dambeyn gabdhow quruxi maaha inaad middabkiina badashaan mana aha inaad isticmaalka make up dabeecad ka dhigataan balse quruxda dhabtaa ah qalbi nadiifa, niyad saafiya , alle ka cabsi iyo kalsoni aad middebkaada ku kalsonaato kuna qanacdo midabka alle kuu dooray .

Gabdhaha oo abwaan Soomaaliyeed murtidda iyo suugaanta ku xusay kana heesay quruxdooda isagoo tilmaamaya waxa uu yiri,“Maariiin casan galay waa midab ugaaree gobsanaa hablahayno ” Hadaba dunida maanta aynu ku nool nahay isbadal wayn ayaa dhacay iyo wax layiraahdo DOORSOON. waxaa isbadalay si xoogleh dhaqankii umadaha ama ha ahaadeen gaalo ama muslim guud ahaanba. Haddaa nahay ummada Soomaliyed qaasatan gabdhaha waxaa nasaameyaya doorsoomidaa waxaan ku weynay middabkenii macaana ee Soomalidu ku faani jirtay iyo dhaqanki suubanaa ee gabdhaha Soomaaliyeed gaar ka u ahaa. Meelo badan oo wadanka ah waxaa ku soo batay ka ganacsiga creemada jirka lagu cadeeyo oo kala duwan kuwaasoo gabdho badan ay u isticmaalaan si ka duwan sidee loogu talo galay, tusaale ahaan creemada qaar waxaa loo soo saaray in caafimaad ahaan loo adeegsado oo ay dhaqaatiiru u qoraan dadka buka sida dad gubasho kudhacday, kuwo jirkooda xaasaasiyad lagahelay ama qalajinta nabraha jirka ka soo baxo iyo xanuuno kaloo kudhaca dadka.

COSOB

19

Febraayo 2018


DUMARKA HINDIYA OO LOO SOO SAAREY QALAB AY KAGA HORTAGAAN KUFSIGA

D

umarka Wadanka Hindiya ayaa loo sameeyay qalab ay kaga gaashaantaan Kufsiga arxan-darada ah ee Dalkooda ka socda, waxaanay u muuqataa in xal iyo xeelad loo helay qaabkii lagaga hortagi lahaa Kufsiga baahsan ee Maalin walba ka dhaca dalkaas. Laba hablood oo u dhashay dalka Hindiya ayaa sameeyay ama hindisay dhar Kufsiga ka difaaca qofka Dumarka ah marka laysku dayo in la faraxumeeyo,dharkan ayaa bixinaya Electric Shock ama Laydh, Koronto oo qofka ku dhagaysa markuu isku dayo inuu taabto qaybaha gaarka ah ee jidhka dumarka. islamarkaana qalabka dharkan ku xirani wuxuu awood u leeyahay inuu booliiska uu Signal ama astaan u diro si loo ogaado meesha uu qofku joogo Jariirada (Times Of India),ee ka soo baxda dalka Hindiya, ayaa xaqiijisay in haweenka dalka Hindiya oo beryahan u dambeeyay ku jiray, xaalad Jahwareer iyo Cabsi ah ay aad ugu farxeen arrintan, islamarkaana si weyn usoo dhaweeyeen. Sidoo kale Jariirada ayaa tabisay inay dharkan ay alifeen laba Hablood oo u dhashay isla dalka Hindiya oo arday ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla dalka Hindiya, kana dhigta Ijiineerinka. Labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo, Rimbi Turabathi iyo Manisha Mohan, da’dooduna aad u yar tahay, waxa ay sameeyeen dhar korka sare caadi ka ah oo aan waxba kaga duwanayn Dharka kale, laakiinse waxa xaga hoose kaga Rakiban qallab dhalinaya Koronto ama Laydh Taagtareyn ka dhigaya Qofka isku daya inuu taabto dharkaas, marka ruux dumari Xirato. waxaana lagu qiyaasay awooda laydhka ama Korontada ku Rakiban dharkan 3800 Kilo Volt, taasoo ka dhigaysa qofka taabta inuu Suuxo ama Miir beelo.dharka ayaa sida ay soo tabisay Jariiradu aan ku Koobnayn oo qudha inay difaacaan jirka qofka haweenayda ah ee xiran, balse uu awood u leeyahay inuu fariin gaaban oo SMS ah u diri karo Saldhiga Booliiska ugu dhaw isagoo si Automatic ah u diraya fariintan oo deg-deg ah, islamarkaana sheegaya halka qofku ku sugan yahay, isagoo isticmaalaya GPS System

COSOB

20

Febraayo 2018


MADAXWEYNAHA DUNIDA UGU FAQIIRSAN

W

arbaahinta Caalamka ee ka faalooto arimaha dhaqaalaha ayaa haatan soo bandhigey madaxweynaha ugu faqrisan kana taliya dal ka mid ah dalalka Caalamka. Madaxweynahaasi waxaa uu go,aansaday in uu dhibaatada la qabo dadka danyarta ah ee ku Nool Dalkiisa. Jose Mujica oo ah hugaamiyaha dalka Uruguay, waxaa uu go,aansaday in uu dhibaatada la qabo dadka Dalkiisa, isagoo haatan ah 76-Sano,Jjir ah waxaa uu ku nool yahay nolol Hoose oo ah tan ay ku Nool yihiin dadka faqriga ah. arintaan ayaa ku timid in uu mushaharkiisa siiyo 90-boqolkiiba dadka danyarta ah. Waxaa uu degan yahay guri aad u yaab leh , waxaa uu wataa gaari kuwa Caadiga ah ee ay dadku isticmaalaan, balse waxaa Xusid mudan in uu gaarigiisa yahay Noocii la isticmaali jirey 1987 model, Arintaan ayaa yaab ku noqotay bulshada aduunka. Madaxtooyada Uruguay waxaa degan Kumanaan ruux oo dad ah kuwaasi oo isugu jira dadka Danyarta ah iyo derbi Jiifka waxaana ay arintaani dhacday markii ay buuxsameen dhamaan Xaruumihii daryeelka Bulshada ee dalkaasi

COSOB

21

Febraayo 2018


DAANYEERKII UGU DA’DA WEYNAA CAALAMKA OO GEERIYOODAY

V

ila, oo ah Daanyeer dhashay1957dii ayaa ku geeriyooday Carwo lagu xanaanneeyo xawaannada oo ku taalla San Diego,Mareykanka,waxaana uu ahaa noolaha Daanyeerka hadda jira midka ugu da’da weyn. Villa,waxaa ay ku dhalatay Dalka Congo,waxaana ay ka mid tahay Xawaannada Afrika uu ka qaatay Gumeysiga,iyada oo ahayd Daanyeerka Dheddig ee ugu da’da weyn.

Daanyeerka hadda nool ee ugu da’da weyn waxaa uu jiraa 61 Sano,waxaana uu ku suganyahay Rock Zoo oo iyana ku taalla Gobolka Arkansas ee Dalka Mareykanka. Villa,waxaa ay ku geeriyootay da’da 61aad,waxaana Nooca Gorillaha uu yahay mid Afrika ku badan hayeeshee Caalamka kale aad ugu yar,inta laga helana asalkooda laga qaaday Qaaradda Afrika.

Daanyeerka Gorillaha waxaa uu inta badan noolaadaa da’da u dhaxeysa 35-40 Sano,hayeeshee Villa waa ay dhaaftay da’daas,xawaanka Daanyeerka ee ku soo xiga waxaa uu ku noolyahay Carwada Xawaannada ee safari park oo ku taalla California isla Mareykanka.

Waxaa ay ka tagtay Shan kale oo ay u dhashay Odageeda oo isna geeriyooday Sanadkii hore,iyada oo Ciyaalkoodii hadda lagu hayo xeradii ay ku baxeen Hooyadood iyo aabbahoodba.

Villa,waxaa lala soo qabtay Odaygeedii Colo oo geeriyooday

COSOB

Sanadkii hore isla xeradan ay iyada hadda ku dhimatay,waxaana ay dhaleen Carruur badan.

22

Febraayo 2018


MURTIDA IYO MAADDA

9. WAR KULUL AYAA KU QORAN. Nin reer baadiye ah ayaa waxa uu soo galay magaalo markaas ayaa uu arkay jaraa’id la kala boobaayo,waa uu layaabay waxan lagu buuqsanyay, Nin ayaa uu waydiiyay maxaa uu ahaa waxan lagu buuqsanyay ee lakala boobayaa? Ninkii waxa uu ku yidhi waa joornaal ay ku taallo ciyaar aad iyo aad u kulul oo dhexmaraasa laba kooxood,ninkii waxa uu u dhaqaaqay dhankii lagu buuqsanaa waxa uu isna sooqaatay joornaalkii, siid uu usii waday ayaa uu tagay gurigii isla markii uu galay gurigii ayaa waxa uu la beegsaday oo uu ku riday joornaalkii tallaagadda wax lagu qaboojisto,si uu warka kulul ee ku qoran isaga qaboojiyo, waxaa aragtay gabadh xaafadda joogtay waxaanay ku tidhi: war sideed leeday waaxay xashiishka aad ku guraysaan tallaagadda? Ninkii inta uu gabadhii eegay ayaa uu ku yidhi joog joog waxaa ku yaal laba ciyaarood oo aad u kulul

maanta waxaa ka jirta casuumad lagu samaynayo

markaa waxaan leeyay ha’iga qabawdo ee daa. Haddaba somalidu af soomaaliga waxa

Keeg , Sharaab iyo alaabo kale,ciyaalkii waa ay rumaysteen waxaanay u carareen gurigii

ay u adeegsataa siyaabo badan ninkani isagu kulaylka dabka ayuu yaqaan laakiin

Ujeeddada sheekadani waxay noo sheegaysaa dadka qaarkood ayaa iyaga oo isleh qof

ujeeddada uu u adeegsaday erayga maa uu fahmin isagu.

10. GURIGA BOQORADDA WAXAA KA JIRTA CASUUMAD. Maalin ayaa nin la yidhaahdo juxo isaga oo maraaya wadada qarkeeda waxaa shiiday ciyaal ,oo dhagaxaan dhabarka kala dhacay juxo ciyaalkii waxa uu ku sameeyay si ay

boqoradda,juxo inta uu ka daba cararay ayaa uu yidhi ‘’waaba intaas oo ay rumawdaa’’.

lu’goo hadana marka uu qofkii meeshii ku dhaqaaqo is yidhaahdaba waa intaas oo ay rumawdaa.

11. BASKA DANBE SOO RAAC. Ninbaa waxa uu koray bas, isla markii uu fuulay baskii ayaa waxa uu fadhiistay kursiga danbe ee daaqadda xiga, ninkani waxa uu ku watay madaxa koofiyad uu xidhnaa, daaqadda gaadhigu waa ay furnayd,gaadhiguna waxa uu ku socdaa xawaare aad u dheeraynaaya,daaqadda ayaa uu qoorta kala baxsanyay waxaanu daawanayaa oo uu isha la raacayaa waddada hareerteeda, cabbaar markii la socday ayaa waxa ka qaaday koofiyadiisii dabayshii, Ninkii inta uu jeebadda gacanta galiyay ayaa uu shilimaad uu ku haysatay ka daba tuuray oo ku yidhi’’ Baska danbe soo raac’’.

ciyaalku shiidka uga daayaan waxaanu ku yidhi ‘’waaryaadheheen waxbaan idiin

Mubaarig Farxaan Faarax (Araye)

sheegayaaye shiidka iga daaya oo kaalaya’’ ciyaalkii xaggiisii ayaa ay u soo yaaceen waxaanu ku yidhi guriga boqoradda

COSOB

23

Febraayo 2018


NABSI: QISOOYIN CIBRO LEH!!! QEYBTA 6AAD isku arkaan. Marba meel ayey ku ballamaan oo ay ku kulmaan; mar guriga saaxiibteed, mar guryaha saaxiibbadiis, marna jardiinnada iyo meelaha qarsoon. Gabadhii Samawada ahayd, waxa ay iska dhaadhicisay, in ay heshay maanta wiilkii ay ku fekeri jirtay. Waxa ay iskula sheekeysatay, maadaama uu Haruuse isugu sheegay in uuba Dukaanka leeyahay, in haddii ay hesho wiilkaan ay Barwaaqo dhex-geli doonto, ayna fakhriga inta ku hartay ku tuuri doonto. Illeyn gabar aan aragti dheereyn, dhal-dhalaalkaa dila e, gabadhii waxaa ka soo hartay baadi-goob joogta ah, oo ay ku raadinayso Haruuse. Dukaankii cagta kama qaaddo, mar kasta oo ay fursad hesho. Meesha uu ugu sheego in uu joogo, ayey ugu tagtaa. Haruuse sida Sawrac oo kale, gabadha waxba ma siiyo, ma saacido, xitaa Dukaanka weligiis hal shey kama siin, iska daa Cabbitaanno iyo wax kala e. Samawada wixii jacayl ahna waxa ay la naaxisaa Haruuse, oo aysan wax kale ku haysan, rajo u bidhaamayso mooyee, Sawracna, waa ay iska biilataa. Inta ay Iskoolka joogto, ma dareento wax busaarad ah, haddii ay Cabitaan u baahato iyo Jallaato, Sawrac baa Iskoolka agtiisa Miis ugu leh. Haddii ay u baahato arrad-tir iyo Shilimaad magaalo-joog ah, Sawrac oo aysan aqoon sida uu ku keeno ayey ka heshaa. Iskaba daa agabka ay Iskoolka ugu baahan tahay, oo taas lagama ag maro Sawrac.

S

amawada, iyada oo maalin gabar saaxiibteed ah, oo ay isku fasal ahaayeen Suuqa Bakaaraha kala soo adeegeysa, ayaa Macdaar saaxiibteed ka adeeganeysey, wiilkii gadayey, Samawada inta quruxdeeda la dhacay, la kaftamay. Xoogaa markii la kaf-kaftamey, ayuu waxaa uu weydiiyey magaceeda, halka ay deggan tahay iyo haddii taleefoon gurigooda uu ku jiro. Wax walba sidii uu rabay ayey ugu sheegtey, waxa ayna siisay taleefoon ku xiran guri u dhow, oo gabar ay Iskoolka isla dhigtaan deggan tahay. Isla habeenkiiba waa soo wacay taleefoonkii, saaxiibteed ayaa inta ugu yeertay, ayey Samawada la sheekaysatay wiilkii cusbaa ee ay baratay. Wiilku waa wiil 25 jir ah markaas, waxaana la yiraahdaa Haruuse. Magaciisa ayaabad ka garanaysaaye, waa wiil madow, oo misena aad u xoogganaa, oo ladnaani ay ka muuqatay, aadna ugu labbisnaa dhar ifaya oo qurxoon. Dukaanka uu gadayo, walaashiis baa iska leh. Su’aalihii ugu horreeyey ee uu weydiiyey, waxaa ka mid ahaa, in ay leedahay qof ay wada sheekeystaan, oo ay isku dhaw yihiin, markaas bay u sheegtay in uusan jirin cid ay la-haasawdo. Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, waxaa Haruuse iyo Samawada dhex marayey sheekooyin dhaadheer, aad ayeyna isugu baxday. Waxaana halkaas labadoodii uga bilawday xiriir toos ah, oo habeen kasta taleefoonka laga wada hadlo, taas oo ugu dambeyntii isku beddeshay, in ay toos mar walba

COSOB

Wax walba waxa ugu yaab badan, marka ay rabto in ay aaddo Haruuse, inta aad ugu soo labbisato dhar kala midib ah, oo uu horey ugu soo deyntay Sawrac, oo ay u timaaddo Sawrac ayey ku tiraahdaa “Abboowe, meel ayaan u socdaaye, gaari-raac i sii”. Isna maba weydiiyo halka ay u socoto iyo waxa ay doonaysee, inta gacanta geliyo maqalkiisii yaraa, ayuu dhawr Kun Sh. So. oo uu maalintaas iibiyey siiyaa. In kasta oo ay arrintaas dhib ku tahay, haddana waxa uu ilaaliyaa laabta Samawada, taas oo keentay, in xitaa reerkii dareemey Masruuf-yari, oo sidii uu wax u keeni jiray uusan wax-ba u keenin. Laakiin isna ma nasto, oo subixii sidii uu hal saac, subixii (7-da aroornimo) u yimaado, isaga oo aan xuurto-tiran ayuu waxa uu ka rawaxaa halka saac, habeenkii (7-da habeennimo).

Alla, yaa wax u sheega Samawada! Ma oga wiilka miskiinka ah ee Il-madawga ah ee lafihiisa u qorraxeeyey ee ay laqdabeynayso, in Cuqubadiisu aysan meel la’aan dhici doonin, oo mar un ay gadaal ugu soo guryo-noqon doonto. Kama war-qabto, ficil kasta oo Aadane sameeyo; Khayr iyo Shar kuu yahayba, in Abaal-marintiisa uu helayo; ama ha u soo deg-degto ama ha u soo dib-dhacdee.

LA SOCO QEYBTA 7-AAD

24

Febraayo 2018


WAR GALIN MUHIIM AH Majalladda Cosob, waxa ay ku wargelinaysaa Hey’adaha Ganacsiga, Shirkadaha, & cidkasta oo dooneysa Ogeysiin, xayeysiin, in ay ku sameyn doonto qiimo jaban oo ku raali galiya. 0612221920 | 0615848980 | 0699885600 | 0624442222 | info@cosob.net | www.cosob.net

COSOBFebruary  

SANAD KADIB DOORASHADII FARMAAJO: MAXAA U QABSOOMAY DOWLADDA MAXAYSE KA GAABISAY? _________________________ Dib u eegista guulihii iyo caqab...

COSOBFebruary  

SANAD KADIB DOORASHADII FARMAAJO: MAXAA U QABSOOMAY DOWLADDA MAXAYSE KA GAABISAY? _________________________ Dib u eegista guulihii iyo caqab...

Advertisement