Page 26

tukado salaada subax waxaa dhib igu ahayd in aan iraaho iga daa albaabka aad igu soo garaacaysid ma tukanayee sidaa darteed waxaa khasab igu noqotay in aan tukado salaada. Waxaa kale oo igu amray markii aan salaadda tukado in aan qur’aan akhriyo inta ay qorraxdu kasoo baxayso wax aan ku iri: qur’aanka in la akhriyo waajib ma ahane maxaad iigu khasbaysaa waxa uu igu jawaabay ruuxii seexda ka hor inta aysan qorraxdu soo bixin waxa uu dadka reer Khaan u soo jiidayaa baahi iyo macaluul, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in aan qaato amarkiisa maxaa yeelay waxa uu iigu goodiyaya hadii aan amarkiisa qaadan waayo in aan guriga uga baxo, sidaa darteed waxaa khasab igu noqtay in aan kaco adinka hore salaadana aan tukado salaadda ka dibna aan qur’aanka akhriyo inta qorraxdu ka soo baxayso. Subaxyada qaarkood muddo hal saac ka badan ayaan qur’aanka akhrinjiray, maalin maalmaha kamida ayaa waxa uu i yiri: ninka la yiraaho (Murshid) oo ah ninka aan guriga ka kiraystay laga bilaabo maalintii aad guriga iga kiraysay waxaan la kulmay dhibaatooyin waxaana u sababaynayaa dhibaatooyinkaa doobnimadaada, doobnimaduna waxa ay kamid tahay wax yaabaha la baasaysto ee ninyohow 2 waxyaalood mid yeel in aad guursatid iyo in aad guriga ii ga baxdo waxa aan ku iri ma haysto hanti aan ku guursado hadii aan oran lahaa waxa aan ahay ciniin ama bohon waxa aan ka cabsaday in uu i yiraahdo waa lagu tijaabinayaa in aad ciniin tahay iyo in kale sidaa darteed waxa aan ku cududaartay hanti la’aan Murshid waxa uu iigu jawaabay war waxyahow iimaanka yar miyaadan akhrin Allahu Tacaalaa quraankiisa (Hadey Faqiiro Yihiinaallaah Baa Fadligiisa Ku Deeqaya) Surada:Nisa/32, dhab ahaantii arintaas aad ayay ii wareerisay waxaan ku iri sidee baan u guursadaa maal la’aan iyo hanti la’aan adigu diyaar ma u tahay inaad isiidid maal igu filan mise ma ii heli kartaa gabar aan meher iwaydiinayn Murshid - 26 -

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Advertisement