Page 23

Sikastaba ha ahaatee waxaa dhab ah in nabi Muxammed Calayhi Salaam ka sareeyo nin kasta oo caqli iyo garaadba leh Ahlu sunnuhu waxa ay leeyihiin: muslimiintu waxaa ay maslaxad u arkeen in khilaafada uu qabto abuu Bakar kadibna Cumar kadibna Cusmaan kadibna Calina uu noqdo ninka 4aad, sidaa darteed ahlu sunnuhu waxa ay jabiyeen amarkii rasuulka maxaa yeelay waxa ay madax ka dhigteen Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan Cali oo jooga, sidaas ayay isku khilaafsanyihiin Shiicada iyo Sunnigu, balse khilaafku waa mid dabiici ah oo dhex yaala dhammaan diimaha Kiristaankuna sidaan oo kale ayuu isku khilaafsan yahay. Cali waa dhintay Cumarna waa uu dhintay sidaa darteed muslimiinta waxaa waajib ku ah in ay ka tashadaan aayahooda kana gudbaan khilaafaadka oo ay midoobaan4 mar ayaa waxa aan u sheegay madaxdayda wasaaradda qayb ka mid ah khilaafka u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada waxa aan ku iri: hadii ay fahmi lahaayeen hor marka nolasha iyo midnimadu wanaaga ay lee dahay waxa ay tahay wa ay ka tanaasuli lahaayeen dhammaan khilaafaadka u dhexeeya madixii wasaaradda ayaa iyiri jooji erayadaas. Waxaa waajib kugu ah in aad kordhisid khilaafkooda ee ma’ahan in aad isku daydid midaynta muslimiinta, munaasabada tan qudheeda ayaa xoghayuhu waxaa uu yiri: [4] In laga hadlo arinta khilaafada waxay ka mid tahay usuusha Shiicada, marka wax dan ah kamalaha suniyiintu. wiilka Ingiriisku wuxuu isku khalday cilmiga diinta iyo kan dunawiga,Muslimiintuna sida uu asaguba yiri waxay ogaadeen waxyaabo badan ayagoo raacaya caqliga iyo tijaabooyinka dhanka sayniska iyo tiknoolajiyada iyo xisaabta, dismaha & caafimaadka waxayna ka sameeyeen horumar dhan walba ah. kirishtankuse waxay yiraahdeen in caqliga iyo tijaabooyinka loo cuskado dhanka sayniska iyo cilmi barista waa danbi diini ah. tusaala ahaa caalimkii falaga ee talyaaniga ahaa lana oran jiray Giliilyoo markii uu kaqaatay culimadi islaamka in dhulku yahay sida kubada uuna wareego, wuxuu isku dayay in uu ugudbiyo kirishtaanka waxay baadariyaasii ku qaadeen weerar adag waana laxiray ilaa uu ka laabtay aragtidii, sidaas awged waxay marwalba badaleen Masiixigu diintii si ay ula jaanqaado caqligooda. laakiin muslimku wuu kalasaaray wixii aduun ah waxaa aasaas u ah caqliga iyo tijaabooyinka cilmigaa wixii diin ahna waxaan saldhig u ah qur’aanka kariimkaa iyo axaadiista nabigeena (Calayhı Salaatu Wassalaam). oo wax saamayn ah iskuma yeelanayaan.

- 23 -

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Advertisement