Page 14

Safar dheer kadib waxa aan gaaray magaalada Istaanbuul waxaan bilaabay in aan aado masaajidka oo ah meesha ay muslimiinta ku kulmaan kuna cibaadaystaan waxa aan layaabay qaab dhismeedyada nadaafadooda iyo cibaadadooda waxa aan kula sheekeystay maxaan ula dagaalamaynaa dadkaan maxaan uga shaqeyneynaa burburintooda iyo dabargoynta barwaaqada ay ku jiraan? Arrintaan ma waxa na amray Masiix? Hase yeeshee si degdeg ah ayaan ugu laabtay fikirkaan iyo islasheekeysiga sheydhaanka waxaan qaatay go’aankii aan ku socday halkaas waxa aan kula kulmay caalim da’wayn oo magaciisu yahay Axmed Afandi waxa uu ahaa nin aad uwanaagsan oo qalbi furan oo khayrka jecel mana arag nin lamid ah ragga diinta sheegta ee baadariyaasha ninkaas waxa uu ahaa mid isku ekeysiiya nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam aad buu uwayneyn jiray markasta oo uu igu soo hadalqaado ama uu iga sheekeenaya nabi Muxamed indhihiisa ayaa ilmo ka shubmi jireen, balse nasiib wanaag ima uusan waydiin jiriin qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo mar kasta wuxuu iiga jawaabi jiray wixii aan waydiiyo maxaa yeelay aad ayuu ii ixtiraamayay waayo waxa uu ogaaday in aan ahay marti uyimid wadankooda in aan kashaqaysto wadankooda waxaana doortay in aan lanoolaado shiikhaan matalaya nabi Muxamad Calayhi Salaatu Wassalaam. Tani waxaay xujo u ahayd in aan siijoogo magaalada Istanbuul shiikha ayaan waxaan ku iri waxaan ahay nin dhalin yaro ah aabahay iyo hooyadayna waa ay dhinteen wax walaalo ahna malihi wax hanti ahna igama tagin waxaan go’aansaday in aan shaqaysto qur’aanka iyo culuumta Islaamkana barto waxaan imid xarunta Islaamka si’aan uxasiliyo diinta, shiikhii ayaa si’aad ah iisoo dhaweeyay waxa uuna yiri: waxaa nagu waajib ah inaan ku ixtiraamno dhoowr qodob dartood - 14 -

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska - iyo cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u  

hOrdhaC Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa...

Advertisement