shan habeen

Page 130

warramo walaalo waayahanba xagaagaa la iga heystaa, sidaan horeyba kuugu sheegayba. Ma nasto habeenadan, nafis uma casheeyo, hadmaad heli halyeydaadi, hadmaad gaari doontaa hawadaada, halmid ah noqon doontaan ayaan isweydiiyaa. Mulkiyeey abaayo, runtii farxadeydu waa adiga. Wakhtigu orod badanaa, waxaan xasuusanayaa habeenkaan Göteborg kasoo noqday oo aan maqlay codkaaga! Waxaan xasuusanayaa xilliga dheer oo aan taleefanka dul fadhiyey oo aan islahaa wac, ha wicin…wac. Intaa aamusnaayoo afka gacanta iisaarneyd. Imisaan habeenkaa riyo ku meereysanayay aqalkaaga Göteborg, imisaan taleefanka la hadlayoo aan lahaa caawa usheeg beriba yeelkadeede. Hadana aamusoo afka gacanta saartay. Mulkiyeey abaayo, intaan cajalada codkaaga kusoo ceshceshanayay habeenkaa waan liicayoo lulanayay, leydh macaan sideedi yaan codkaada ku raaxeysanayay. Mulkiyeey abaayo, markaan dareemay in la ila hadlayo. In cod iga xoog badan ila hadlayo ayaan cajaladi la hadlay. Marar badan baan damcay inaan kuu sheego inaad tahay aayihii nolosheydiyo, iftiinka indhaheygiyo, udug aan jeclahay.


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.