shan habeen

Page 111

Axmedkeedi. Bidhaantiisa ayaa meel fog uga muuqday. Waxay aragtay inuu isna arkay. Dadkii dhinaca usocday ayuu dhinicii kale usoo jiiray si uu boorsada uga qabto Mulki. Tii uu darteed maanta shaqada fasaxa uga soo qaatay, tan uu darteed xalay guriga u nadiifiyey. Tan uu damaca ka galay. Si fudud ayay shafka isku saareen, dhabanada is taabsiiyeen. Boorsadii ayuu ka qabtay. Gacanta midig ayuu boorsada ugu jiidayay. Wuxuu damcay inuu gacanta bidix dhex deeda madagta ah qabsado oo xagiisa usoo jiito. Waxaa labadoodaba indhahooda ku dhacayay dadka sidoodoo kale tareenka agtiisa ku kulmaya. Kuwo soo dhaweeynaya iyo kuwo lasoo dhaweeynayo. Hab ayay isi siinayeen badankoodu. Qaarbaa bushimaha isi saarayay, kuwaa dhexda iyo garbaha is heystay oo hortooda socda. Wuu hubaa inay Mulki ay intaa aragto. Dhexda qabso oo xagaaga usoo jiido ayuu dhowr goor damcay. Laakiin wuu adkeystay oo gabadha ha ka nixin ayuu isku sheegay. Dhinaceeda ayuu socday inkastoo jirkoodu isku dhawaa. Waxay ka baxeen T-Centralki. Gaarigiisa oo meel aan fogeyn yaalay ayuu ciyaha uriixay. Albaabadi ayaa hoosta ka furmay. Ilinka ayuu ka furay oo ka xiray markey fadhiisatay. Albaabki dambe ayuu furay oo boorsadeedi udhigay. Kadibka


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.